qardanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qardanaan
(Qardanaan-ta)
Wax qardan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qardanaan
m.f.dh eeg qardan. la-mid: qardanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qardanaan
f. n., [abstract] thickness, solidity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) xoog iyo tamar u dhalasho. Dh: xoogganaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qardanaan
de: thickness, solidity
lx: qardanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: qardanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaldanaan
m.f.dh eeg qaldan². la-mid: qaldanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaldanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) gefsanaan o qalad ku dhexjirid. Kolkaad qaldanaantaada ad ogaato isa sax. Dh: khaldanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarsanaan
m.f.dh eeg qarsan. la-mid: qarsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax aan muugan ahaan; la qariyay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurdanaan
m.f.dh eeg qurdan. la-mid: qurdanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurdanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof madaxa moolaystay ahaan. Dh: moolaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qardaysnaan
m.f.dh eeg qardaysan. la-mid: qardaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dhul qardo ah oon la qodin ahaan. Muur la'aan ayaa beerta qardaysnaanta ugu wacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dardarnaan
m.f.dh eeg dardaran². la-mid: barbarnaan, barbarnaansho, berbernaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dardarnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid maanka iyo garashadu ka laaqan tahay oo aan fayoobayn ahaan. Dh: marnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gardarnaan
m.f.dh eeg gardaran. la-mid: gardarnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gardarnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof gardaran oo gadoobfal badan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaddanaan
m.f.dh eeg qaaddan. la-mid: qaaddanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaddanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid wax u dhiman yihiin oo la qaatay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaarsanaan
m.f.dh eeg qaarsan. la-mid: qaarsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaddacnaan
(Qaddacnaan-ta)
Wax qaddac ah, ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaddacnaan
m.f.dh eeg qaddacan. la-mid: qaddacnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaddacnaan
f. n. clarity, visibility
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaddacnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax muuqda oo cad ahaan.
qaddacnaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax qaddac ah ahaan. Qaddacnaanta dhagaxa la cunay oggolow
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaddacnaan
de: clarity, visibility
lx: qaddacnaan
pd: (-ta)
ps: n-f
key: qaddacnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaddarnaan
m.f.dh eeg qaddaran. la-mid: qaddarnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaddarnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) xadays- naanta; wax qiimo go'an loo yeelay ahaan.
qaddarnaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax xagga Ilaahay horey uga xukuman ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shardanaan
m.f.dh eeg shardan. la-mid: shardanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shardanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax shardi lagu xiray ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xardhanaan
(Xardhanaan-ta)
Wax la xardhay ama xardhan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xardhanaan
m.f.dh eeg xardhan. la-mid: xardhanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xardhanaan
f. n. carved ornamentation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xardhanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid xardhan ahaan. Dh: naqshadaysnaan, xardhani.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xardhanaan
de: carved ornamentation
initial: x
lx: xardhanaan
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: xardhanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qardanaansho
m.l/dh la-mid: qardanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardanaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg qardanaan. qardas: (ereycodeed) lagu cabbiro dhexgalidda xoogga ah ee indhalaanta ah. Kol qudha uumbuu waraabihil oodda qardas yidhi. Dh: dargaf, juq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qatanaan
(Qatanaan-ta)
Qatanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qatanaan
m.dh la-mid: qadsanaan, qadsanaansho, qatanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qatanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo iyo baad la'aan ku jirid. Sow waraabayaal qatanaa wax badan welo uma diran. Dh: qatanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaydnaan
m.f.dh eeg qaydan. la-mid: qaydnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aaddanaan
(Aaddanaan-ta)
Ku abbaarnaan; toosnaan; ekaan; beegnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aaddanaan
m.f.dh eeg aaddan³. la-mid: aaddanaansho.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Aaddanaan
Correspondence
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aaddanaan
f. n., [abstract] alignment, parallelism; opposite; the fact of falling on a certain day, being due at a certain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaddanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) «ka sii~> qof ama wax kale oo meel u sii jeeda ahaan.
aaddanaan-ta: (magac, dhedig, keli) (ku ~) (isku ~) ku beegnaanta iyo ku abbaarnaanta qof ama meel. Liiska isku aadanaanta kooxuhu wuu soo baxay. Dh: beegnaan, abbaarnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aaddanaan
de: alignment, parallelism; opposite; the fact of falling on a certain day, being due at a certain time
lx: aaddanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: aaddanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barxanaan
m.f.dh eeg barxan². la-mid: barxanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barxanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax isku dhex badhxamay oo isku mulaaqnaan ahaan. Barxanaanta caanaha iyo biyaha waa la gartaa. Dh: badhxanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carranaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax caarran ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caydanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) baahi weyn wax u qabid; wax aad ugu baahasho. Dh: caydani.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daddanaan
(Daddanaan-ta)
Qof wax ku daddan ahaansho; mammanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daddanaan
m.f.dh eeg daddan. la-mid: daddanaansho, deddanaan, deddanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daddanaan
f. n. (adj.): attentiveness; eager to do, anxious, 'gung ho'
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daddanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax aad ugu mammanaan; wax aad iskugu taxallujin oo u jeclaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daddanaan
de: attentiveness; [atr.] eager to do, anxious, 'gung ho'
lx: daddanaan
pd: (-ta)
ps: n2b-f
key: daddanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darbanaan
(Darbanaan-ta)
Wax darban ahaan; diyaarsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darbanaan
m.f.dh eeg darban. la-mid: darbanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
darbanaan
f. n., [abstract] readiness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darbanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) hawl u diyaar ahaan. Dh: heellanaan, heeganaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
darbanaan
de: readiness
lx: darbanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: darbanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darsanaan
m.dh la-mid: daranaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax isku darsan oo mid keliya ah haan. Isku darsanaanta subagga iyo caanuhu waa cunuun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farxanaan
m.f.dh eeg farxan². la-mid: farxanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ferdanaan
m.f.dh eeg ferdan. la-mid: ferdanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gordanaan
m.f.dh eeg gordan. la-mid: gordanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harsanaan
m.f.dh eeg harsan. la-mid: harsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karsanaan
m.f.dh eeg karsan. la-mid: karsa-naansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax karsan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mardabaan
(Mardabaan-ka)
1. Weel wax lagu shubto oo af yar oo qiro weyn oo dhoobo adag laga sameeyo.
2. Weel weyn oo dhoobo ah oo biyaha lagu shubto; ballaas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mardabaan
m.l (-nno, m.dh) Aanshuun adag oo dhoobo ka sameeysan; jalxad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mardabaan
m. n. water jar, large vessel for storing water
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mardabaan
-ka: (magac, lab, kel) aanshuun adag oo dhoobo ka sameeysan. Dh: jabad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mardabaan
bw: Arabic
de: water jar, large vessel for storing water
lx: mardabaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: mardabaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marganaan
m.f.dh eeg margan. la-mid: merganaan, marganaansho, merganaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marganaan
-ta: (magac, dhedig, keli) cunha joogid oo wax ku margan ahaan. Marganaanta waa lagu dhintaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marqanaan
m.f.dh eeg marqan. la-mid: maraqsanaansho, maraqsanaan, marqanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Marsanaan
(Marsanaan-ta)
Wax wax marsan ama la marshey ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marsanaan
m.f.dh eeg marsan. la-mid: marsanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marsanaan
f. n., [abstract] state of being rubbed ~ spread (with something); painted
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax wax marsan ama la marshey ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
marsanaan
de: state of being rubbed ~ spread (with s.t.); painted
lx: marsanaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: marsanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaawanaan
(Qaawanaan-ta)
Wax qaawan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaawanaan
m.f.dh eeg qaawan. la-mid: qaawanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaawanaan
f. n., [abstract] nakedness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaawanaan
-ta: (n) nudity (nuudhiti); nakedness (neeykidh-nes)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaawanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dharla'aan; mudh iyo gacan ahaan. Roobka qawqawloow qadhqadhay qaawanaantayduu arkaday, ee qudhayda halkeen dhigaa. Li: asturnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaawanaan
de: nakedness
lx: qaawanaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: qaawanaan
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
qaawanaan
عُرْي
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabsanaan
m.f.dh eeg qabsan. la-mid: qabsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid la qabtay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qadfanaan
m.f.dh eeg qadfan. la-mid: qadfanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadfanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid cadhaysan ahaan; lagu xadgudbay oo qadaf lagu sameeyey ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qadsanaan
m.f.dh la-mid: qatanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaflanaan
m.f.dh eeg qaflan². la-mid: qaflanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qahranaan
m.f.dh eeg qahran. la-mid: qahranaansho, qaxranaan, qaxranaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qahranaan
-ta: (magac, dhedig, keli) kadeednaan; dhibaataysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) jiidhjiidhid oo qardabo ku samayn. Aabbo uu daallan yahee qardabaynta ka daa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhibaato gaadhsiin: wax yeello u geysasho. Qardamaynta dadka kala joogso. Dh: luggoyn, dibindaabyeyn, qardamays
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qardaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Dhul wax la qardeeyey ahaansho. 2. Qof faras iyo wixi lamida oo uu fuulay ku murqo go'ay ahaansho. lf qardaysasho, qardaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardaysan
tilmaame) qardo ah; aan la qodin oo qardo noqotay ah. Dhul toban sano qardaysan ayuu doonayaa inuu maanta gefeeyo.
qardaysan: (tilmaame) mid deyn qaba.