qardamay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardamay
(fal) dhibaato gaadhsii; waxyeello u geyso. Ninka ku qardameeya adna gardamay. Dh: qardamee, luggoo, dibindaabyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhibaato gaadhsiin: wax yeello u geysasho. Qardamaynta dadka kala joogso. Dh: luggoyn, dibindaabyeyn, qardamays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardamays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qardamayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaramay
(fal) qaran engegan oo caleen ah kat dhig. Caleenta qaramay oo xoolaha u dhig. Dh: qaramee.
qaramay: (fal) hanti cidi gaar u leedahay wax dawladeed oo dadka ka dhexeeya ka dhig. Shirkadda qaramay Dh: qaramee.
qaramay -ga: (magac, lab, keli) xoog iyo qaro weyn oo qof haween ahi ay leedahay. Dh: kabaabul.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) jiidhjiidhid oo qardabo ku samayn. Aabbo uu daallan yahee qardabaynta ka daa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haramay
fal) beer, haramaha ka gur; ka jar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qardaas
(Qardaas-ka)
Xaashi wax lagu qoro (ama qirdaas).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qardaas
m.l (-syo, m.dh) Xaashi sida badan adag oo loo habeeyey in wax lagu rito. la-mid: qirdaas.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qardaas
m. n. paper, scroll; carton, cardboard box
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qardaas
-ka: (n) carton (kaar'ten); box (baakis); bag (baag) ~ qirdaas. Ex: laba qardaas oo sonkor ah isii; give me two cartons of sugar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardaas
-ka: (magac, lab, keli) kiish waraaq ka smaysan oo wax lagu cabbeeyo. Konton gardaas oo sibidh ahi waa tan. Dh: kiish.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qardaas
bw: Arabic
de: paper, scroll; carton, cardboard box
lx: qardaas
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: qardaas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farsamay
(fal) si farsamo leh u samay; si tab iyo xeelad leh u suubbi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mardabay
(fal) khiyaamo iyo daba mar samee. Nin ku aaminay mardabay ha is odhan. Dh: mardabee, khiyaamee, dabamar.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaramayn
-ta: (n) nationalisation (na-shi-naa-lizeey-shin), also nationalization
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaramayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qaranku leeyahay oo dadku wadaago ama ka dhexeeya ka dhigid. Dh: qaramays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaramays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qaramayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaroomay
(fal) cid kale, xeeladay. Hooyadaa qaroomee oo lacag ka qaado. Dh: shidaaradee, qaroomee, shidaaraday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bardadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg bardad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farsamayn
(Farsamayn-ta)
Hawl aqoon iyo tab u baahan qabasho; wanaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farsamayn
m.f.dh eeg farsamee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farsamayn
vl. n. manufacturing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
farsamayn
-ta: (n) processing, fabrication, manufacture, production (pro-dhak shin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farsamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hawl fulinteeda kolba tab iyo xeelado ay ku fusho u qabasho. Dh basarin, habayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
farsamayn
de: manufacturing
lx: farsamayn
pd: (-ta)
ps: vn1-f
key: farsamayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farsamays
-ka: (magac, lab, keli) eeg farsamayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hargaamay
(fal) hagardaamo ku samee oo dhagar. Dh: luggooy.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karaamayn
m.f.dh eeg karaamee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karaamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ixtiraam iyo xaqdhawr u muujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraamayn
m.dh la-mid: maraabayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mardabayn
(Mardabayn-ta)
Dhagrid; sirid; khatalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mardabayn
m.f.dh eeg mardabee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mardabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) khiyaamo samayn. Dh: dhagrid, sirid, khiyaamayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mardabays
-ka: (magac, lab, keli) eeg mardabayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maryamayn
(Maryamayn-ta)
Kuusha ka faalin, wax dhici doona ka sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maryamayn
m.f.dh eeg maryamee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maryamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) faal dumarku sameeyaan oo ay kuusha ka faaliyaan. Beydan way maryamayn taqaannaa. Dh: faalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaadqamax
m.l Qof qaadka aad u cuna.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaadqamax
m. n. habitual khat user
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaadqamax
-a: (magac, lab, keli) qof jaadka aad u cuna oo hadduu waayo u xaraarooda oo aan ka maarmin. Qaadqamax buu wiilkii yaraa noqday Dh: jaadqamax.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaadqamax
de: habitual khat user
lx: qaadqamax
pd: (-a)
ps: n-m
key: qaadqamax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaddaamad
-da: (magac, dhedig, keli) qof dhedig oo adeegto ah. Qaddaamadda ayaa aqalka masaxda. Dh: khaddaamad, shaaqiyad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaldadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sibidh, niis, garri iyo biyo isku laaqid oo isku cajiinid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaraamaad
f. n. miscellaneous expenses
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaraamaad
-ka: (magac, lab, keli) eeg qaadhaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaraamaad
de: miscellaneous expenses
lx: qaraamaad
pd: (-da Pl: qaraamaad (ka))
ps: n5-f
key: qaraamaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qardabeyn
m.f.dh eeg qardabee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qardanaan
(Qardanaan-ta)
Wax qardan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qardanaan
m.f.dh eeg qardan. la-mid: qardanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qardanaan
f. n., [abstract] thickness, solidity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) xoog iyo tamar u dhalasho. Dh: xoogganaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qardanaan
de: thickness, solidity
lx: qardanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: qardanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qardaysad
(Qardaysad-da)
Qardaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qardaysad
m.l la-mid: qardaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardaysad
-ka: (magac, lab, keli) amaah qaadasho; sii deynsad. Nin balwad lihi qardaysad ma daayo. Dh: casaysad, qardaysasho.
qardaysad -ka: (magac, lab, keli) gaardo ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qardaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Dhul wax la qardeeyey ahaansho. 2. Qof faras iyo wixi lamida oo uu fuulay ku murqo go'ay ahaansho. lf qardaysasho, qardaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardaysan
tilmaame) qardo ah; aan la qodin oo qardo noqotay ah. Dhul toban sano qardaysan ayuu doonayaa inuu maanta gefeeyo.
qardaysan: (tilmaame) mid deyn qaba.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaroomayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shiddaaradayn ay khiyaamo ku jirin. Dh: xeeladayn, shiddaaradayn, qaroomays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaroomays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qaroomayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarqarayn
m.f.dh eeg qarqaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarqarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qarqarka saarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarxadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dacaayadayn oo hadal dheeldheel ah cid kale ku dhihid Qarxadaynta ka jooji wiilka. Dh: qaraaxadayn, dacaayadayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tartamaya
(n) racing (reey-sing); competing (kom-piiting) ~ tartan galaya
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaaraamay
(fal) wax mamnuuc ah oo xaaraan ah ka dhig. Sigaarka xaaraamay. Dh: xaaraamee, mamnuuc. Li: xalaalay, xalaalee, bannee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarjaamaysi
m.l la-mid: qarjaamaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarjaamayso
f.g3 (-stay, -satay) Xoolo meel xaaluf ah jooga, dhul xaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarjaamayso
(fal) xoolo meel xaaluf ah jooga, dhul xaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ardaa
(Ardaa-ga)
Dhul bannaan oo guryaha ka horreeya oo derbi ama teed ku wareegsan yahay; meel duggaal laga dhigo oo kor ka furan oo la fariisto ama la seexdo ama dano kale lagu qabsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ardaa
m.l (-aayo, m.dh) Duggaal kor ka furan, ood ka samaysan, aqallada hortooda laga dhiso oo habeenkii lagu caweeyo ama la seexdo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ardaa
m.l (-aayo, m.dh) Duggaal kor ka furan, ood ka samaysan, aqallada hortooda laga dhiso oo habeenkii lagu caweeyo ama la seexdo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ardaa
m. n. courtyard
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ardaa
-ga: (n) courtyard (koortiyaardh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ardaa
-ga: (magac, lab, keli) guryaha dhul bannaan oo ka horreeya, derbi ama teed na ku wareegsan yahay; aqalka hortiisa meesha la kashkaasho amal la goglo ce la fadhiisto lagu na cawaysimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ardaa
de: courtyard
lx: ardaa
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: ardaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arday
(Arday-ga)
Wiil dugsi wax ka dhigta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arday
m.l (arday/ardo, m.dh) 1. Qof tacliin nidaamsan oo sanado go'an iyo heerar kala duwan leh ku hawlan. 2. (dh.) Ilmo duqsi Quraan dhigata.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
arday
m.l (arday/ardo, m.dh) 1. Qof tacliin nidaamsan oo sanado go'an iyo heerar kala duwan leh ku hawlan. 2. (dh.) Ilmo duqsi quraan dhigata.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
arday
m. n. student
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
arday
-ga: (n) student (istuu dhant); pupil (piyuupal)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Arday
Studente
Student
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arday
fal) qof kale raalli geli.
arday -da: (magacwadareed) dhallinyarta dugsi ama jaamacad wax ka barta. Arday badan baa bannaanka iskugu soo baxday si ay madaxweynaha u soo dhoweeyaan. Dh: dugsiiley, ardo.
arday -ga: (magac, lab, keli) wiil wax barta oo dugsiga ama jaamacad ku jira. Dh: qalinduurre.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
arday
a: ardey
cf: ardo
de: student
lx: arday
pd: (-ga Pl: arday (da))
ps: n5-m
key: arday
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
arday
طالب، تِلْمِيذ
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadaa
-ga: (magac, lab, keli) noole aanan helin wax uu cuno.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaday
(magac, dhedig, keli) hadhimo cun. Anoo bargadii wax cunay, qadayn kari maayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaray
(fal) weel qar u samee. Dabaqa qaray: Dh: qaree.
qaray -ga: (magac, lab, keli) dherer iyo ballaadh wada jira. Haweeney qaray ah ayuu guursaday adeerkay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adamax
(fal) daanshadaanshood u soco oo iska taxtaxaash; iska temeshlay. Dhulku waa nabade, dhankaad rabto u adamax. Dh: daanshadaanshoo, tamashlee, taxtaxaash, tamuum, tamashlay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
araray
(fal) gogoldhig ama hordhac samee. Si habboon u araray maqaalka. Dh: araree.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ardaal
(Ardaal-ka)
Qof aan wanaagsaneyn; nacas; dabbaal; (ama ardal).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ardaal
m.l (-llo, m.dh) Qof aan ceebta ka xishoon.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ardaal
m.l (-llo, m.dh) Qof aan ceebta ka xishoon.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ardaal
m. n. stupid person, fool; vagabond
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ardaal
-ka: (n) slow learner; stupid, obtuse (ob-tuus)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ardaal
-ka: (magac, lab, keli) qof garaad ku filan ama male wanaagsan aan lahayn. Ardaal taladii ha yeelin, aqoontaada na adeegso. Dh: doqon, nacas, dabbaal, caran.
ardaal-sha: (magacwadareed) dadka doqmo ah ee aan turis lahayn. Ardaashii jidbaale i heshee igu unuungoysey. Dh: caaqyo, doqmo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ardaal
a: ardal
de: stupid person, fool; vagabond
lx: ardaal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: ardaal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaamay
(tilmaame) meel carradeedu xuntahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraay
m.l la-mid: maraa.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
MARAAY
Acacia nilotica 50
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaabay
(fal) caanaha qaab ka dhig. Qaabay caanaha martaa joogtee.
qaabay: (fal) hannaan iyo hab lagu garto u yeel. Hawshu horta sida ay kuugu muuqato u qaabay annana waan kula saxaynaa. Dh: nidaami, habee, suuree, qaabee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaajay
(Qaajay-ga)
Midabyada fardaha mid kamid ah.