qardajeexis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardajeexis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qardajeexid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qardajeexid
(Qardajeexid-da)
Meel aan dhabbe lahayn oo socod xun, marid, ku socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qardajeexid
m.f.dh eeg qardajeex². la-mid: qardajeex¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardajeexid
-da: (magac, dhedig, keli) toobiyayn oo meel aan dhabbe lahayn marid. Waddo la'aanta ayaa qardajeexidda nagu kalliftay. Dh: qardajeexis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardajeexin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale meel qardajeex ah marsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qardajeexsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Nafley meel dhir badan oo aan waddo lahayn marin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qardajeexsii
v.caus: make someone travel through a densely wooded place ~ off the beaten path
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qardajeexsii
de: make s.o. travel through a densely wooded place ~ off the beaten path
lx: qardajeexsii
pd: (qardajeexsiiyey)
ps: v2a=caus
key: qardajeexsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qardajeex
(Qardajeex-a)
Meel aan dhabbe lahayn oo qardo ah oo la maro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qardajeex
qardajeex¹: m.l Socod lagu maro meel dhir badan oo aan waddo la maro lahayn.
qardajeex²: f.g1 (-xay, -xday) Meel dhir badan oo aan waddo lahayn marid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qardajeex
qardajeex¹: m.l Socod lagu maro meel dhir badan oo aan waddo la maro lahayn.
qardajeex²: f.g1 (-xay, -xday) Meel dhir badan oo aan waddo lahayn marid. m.f.dh, qardajeexid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qardajeex
v., [compound] push one's way through dense vegetation
qardajeex vl. n., [compound] passing ~ walking through a thickly wooded place ~ any area that is hard to travel through; adventure
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qardajeex
-ay I day: (v) 1. travel off the road. 2. beat around or beat about the bush
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardajeex
(fal) meel aan waddo lahayn oo toobiye ah soco oo mar. Soco oo bankaa uun qardajeex.
qardajeex-a: (magac, lab, keli) socod aan waddo la socon oo si toobiya ah uun la iskaga socdo. Maanta daw ayaan weyney oo qardajeex ayaan soconnay. Dh: toobiye.
qardajeex-a: (magac, lab, keli) beer aan horay loo qodin oo imika in la qardabixiyo la doonayo. Beertu gefo maahee waa qardajeex.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qardajeex_1
de: push one's way through dense vegetation (i.e., to side step the paived road or route to one's destination)
hm: 1
lx: qardajeex
pd: (qardajeexay)
ps: v1=cmp
key: qardajeex_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qardajeex_2
cf: qardo; qarad
de: passing ~ walking through a thickly wooded place ~ any area that is hard to travel through; [fig.] adventure
hm: 2
lx: qardajeex
pd: (-a)
ps: vn-m-cmp
key: qardajeex_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qardajeexsiin
(Qardajeexsiin-ta)
Meel qardajeex ah, marsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qardajeexsiin
m.f.dh eeg qardajeexsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardajeexsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qardajeexin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardajeexsan
(tilmaame) mid aan waddo toos ah socon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qardabee
f.g2 (-beeyay, -beysay) Dhibaato qarsoon cid gaarsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qardabee
v. secretly do harm to someone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardabee
(fal) cid kale, gardabo ku samee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qardabee
de: secretly do harm to s.o.
lx: qardabee
pd: (qardabeeyey)
ps: v2b=tr
key: qardabee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadateelis
-ka: (magac, lab, keli) hadateel kula kicid qof ama wax kale. Dh: luqluqaamis.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kalajeexid
m.dh Jeexid ama qalid noole, si loo muujiyo anatamiga xubnihiisa had iyo jeerna waxa loo adeegsadaa xirfad ahaan iyo aqoon korodhsi ama baadhis cilmi ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalajeexid
-da: (magac, dhedig, keli) jeexid ama qalid noole, si loo muujiyo anatamiga xubnihiisa had iyo jeerna waxa loo adeegsadaa xirfad ahaan iyo aqoonkorodhsi ama baadhis cilmi ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardobixis
-ta: (magac, dhedig, keli) dhul gefo ab oo qodaalka ku fiican noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
candhabeelis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg candhabeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dardaarweris
(Dardaarweris-ka)
Dardaarwerin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dardaarweris
m.l la-mid: dardaarwerin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dardaarweris
vl. n., [compound] warning
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dardaarweris
-ka: (n) concernment (kon-seen-ment), a matter that is of concern, worry (woorz) ~ u dardaarwari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dardaarweris
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, warar hore iyo waaya'aragnimo u sheegid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dardaarweris
de: warning
lx: dardaarweris
pd: (-ka)
ps: vn2a-m-cmp
key: dardaarweris
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaladareeris
(tilmaame) gar ay samatalisku qaadaan oo labada dhinac midna la qadin. Garta noocan ah, markhaati iyo dhaar lama doondoono waxaana labada daraf la xasuusiyaa xidhiidhka tolnimo ka diineed ka gacalnimo iyo wax kasta oo xidhiidh ah oo horay u jiray. Tolow garteenu gar geed maahee waa garmuslax ee han is calool xaadhano. Dh: garmuslax. Li: garcadaawe, gargeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
addeecis
m.dh la-mid: addeecid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
addeecis
-ta: (magac, dhedig, keli) u hoggaansanka amarrada ka soo baxa cid xil kugu leh oo waalid ama madax ah.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BARAAJIS
(Barajis) N Hyalocystis popovii Verdc. Convolvulaceae.
N Hyalocystis viscosa Hall.F. Convolvulaceae.
S Ipomoea sinensis (Desr) Choisy. Convolvulaceae.
C Ipomoea garcheana Vatke. Convolvulaceae.
S Ipomoea tenuirostris Choisy. Convolvulaceae.
S Crotalaria pycnostachya Benth. Papilionaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barraxis
-ta: (magac, dhedig, keli) bannaanka soo wadhis wixii qarsoonaa oo dhan. Soo barraxis wixii buulka gudihiisa yaal habartu way bagane.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carjebis
m.l la-mid: carjebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dareeris
dareeris¹: m.dh la-mid: dareerin¹.
dareeris²: m.dh (daawo) Dareerin dhacaan ku jira meel jirka ka mid ah sida biyaha isgoosyada xubnaha gala ama malax ama kaadi qof kaadi ku dhagtay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dareeris
m.dh (daaw.) Dareerin dhacaan ku jira meel jirka ka mid ah sida biyaha isgoosyada xubnaha gala ama malax ama kaadi qof kaadi ku dhagtay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Garxajis
magac loo baxsho wiil laga filayo inuu noqdo garsoore xaqa ku adag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mardabee
f.g2 (-beeyay, -baysay) Cid khiyaamid si loo luggooyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mardabee
f.g2 (-beeyay, -baysay) Cid khiyaamid si loo lugooyo. m.f.dh, mardabayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mardabee
v. cheat, swindle; betray
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mardabee
-yey / mardabadeysay: (v) deceive (dizizv); betray (bitareey), mislead (misliidh); cheat (jiit), be guile, delude, dupe; swindle (iswin-dal) ~ fool (fuul) khiyaan, khatal, laqdabee, khayaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mardabee
(a) eeg mardabay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mardabee
de: cheat, swindle; betray
lx: mardabee
pd: (mardabeeyey)
ps: v2b=tr
key: mardabee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaarjeex
(Qaarjeex-a)
Cudur feeraha ku dhaca; oofwareen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaarjeex
m.l Cudur sambabada caaliriya oo leh xummad iyo qunfac daran; oofwareen.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaarjeex
m.l Cudur sambabada caaliriya oo leh xummad iyo qunfac daran; oofwareen.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaarjeex
m. n. pain in the side ~ the ribs
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaarjeex
-a: (magac, lab, keli) cudur feedhaha ku dhaca. Saca qaarjeex ayaa hayee ka guba. Dh: oofwareen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaarjeex
cf: oofwareen
de: pain in the side ~ the ribs
lx: qaarjeex
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: qaarjeex
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaddaris
m.l la-mid: qaddarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaddaris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qaddarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadderis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qadarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qajeelid
m.f.dh eeg qajeel².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaldadee
(fal) sibidh, niis, garri iyo biyo isku laaq oo qaldad wax lagu dhiso ka dhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qallajis
(Qallajis-ta)
Bahal yar oo jaadad badan ah; waxay sida mulaca leedahay dhex dhuuban, dabo dheer, afar addin, waxayna u badan tahay dhulalka kulkulul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qallajis
qallajis¹: m.l la-mid: qallajin.
qallajis²: m.l.u (cilmiga naflayda) Xamaarato yar oo jaadad badan ah oo leh dhex dhuuban, dabo dhuuban iyo afar addin oo sida badan ku nool dhulka kuleylaha ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qallajis
m.l.u (cilmiga naflayda) Xamaarato yar oo jaadad badan ah oo leh dhex dhuuban, dabo dhuuban iyo afar addin oo sida badan ku nool dhulka kuleylaha ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qallajis
f. n. lizard species
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qallajis
-ta: (n) lizard (liz'ardh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qallajis
-ta: (magac, dhedig, keli) bahal yar oo u eg siilaanyada kana roon oo mulaca ka yar oo badanaa lagu arko gidaarrada iyo jidhifta dhirta waaweyn. Dh: qorrato, wasakhad.
qallajis -ta: (magac, dhedig, keli) eeg qallajin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qallajis
de: lizard sp.
lx: qallajis
pd: (-ta)
ps: n2a-f
syn: qorrato {C & S}
key: qallajis
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qarameed
n. phr., genetive: national
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qarameed
de: national
lx: qarameed
ps: np-gen
key: qarameed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qardabid
m.dh la-mid: qartabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qardaysi
(Qardaysi-ga)
Qardaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qardaysi
m.l la-mid: qardaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg gardaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qareemid
(Qareemid-da)
1. Qareen noqosho.
2. Hiilin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qareemid
m.f.dh eeg qareen².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qareemid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale qareen u noqod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarqaree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Dhul buuraley ah qardajeexid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarqaree
(fal) dhul buuraley ah qardajeexid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarqaris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qarqarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarraris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qarradhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarreris
m.l la-mid: qarrerin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wareegis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg wareegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wareejis
m.dh la-mid: wareejin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wareejis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg wareejin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wareeris
-ka: (magac, lab, keli) wareerin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xareedis
m.l la-mid: xareedin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xareedis
-ka: (magac, lab, keli) eeg xareedin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badbeedis
-ta: (magac, dhadig, keli) cid ama wax kale, toos uga hortagis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bardaamis
-ka: (magac, lab, keli) eeq bardaamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadceedis
-ka: (magac, lab, keli) eeg cadceedin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
catajebis
m.l la-mid: cashatebid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabjeexid
-da: (magac, dhedig, keli) seexadka dabka geerkiisa. Dabjeexid ayaanu samaynaa xilliyada dheelka badani soo dhaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fanjeedis
(Fanjeedis-ka)
Fanjeedin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fanjeedis
m.l la-mid: fanjeedin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fanjeedis
vl. n. act of turning back
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fanjeedis
-ka: (magac, lab, keli) eeg fanjeedin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fanjeedis
de: act of turning back
lx: fanjeedis
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: fanjeedis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gardaadis
m.l la-mid: gardaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haaneedis
m.dh Haaneedka iska taagid oo lisid (geel). la-mid: haaneedid.