qaramayn
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaramayn
-ta: (n) nationalisation (na-shi-naa-lizeey-shin), also nationalization
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaramayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qaranku leeyahay oo dadku wadaago ama ka dhexeeya ka dhigid. Dh: qaramays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhibaato gaadhsiin: wax yeello u geysasho. Qardamaynta dadka kala joogso. Dh: luggoyn, dibindaabyeyn, qardamays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) deyn gelin oo wax qaan lagu leeyahay ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaramay
(fal) qaran engegan oo caleen ah kat dhig. Caleenta qaramay oo xoolaha u dhig. Dh: qaramee.
qaramay: (fal) hanti cidi gaar u leedahay wax dawladeed oo dadka ka dhexeeya ka dhig. Shirkadda qaramay Dh: qaramee.
qaramay -ga: (magac, lab, keli) xoog iyo qaro weyn oo qof haween ahi ay leedahay. Dh: kabaabul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haramayn
(Haramayn-ta)
Beerta haramaha ka limid, ka jarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haramayn
m.f.dh eeg haramee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haramayn
-ta: (magac, dhedig, keli) beer haramaha ka gurid; beerta haramaha ka jarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) karaamo u yeelid oo xurmayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaramays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qaramayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarameyn
m.f.dh eeg qaramee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarameyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax garanku leeyahay oo dadku wadaago ama ka dhexeeya ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tolayn
(Tolayn-ta)
Wax tolku lee yahay ka dhigid; qaramayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaramee
f.g2 (-meeyay, -meysay) Qaran, hanti cidi leedahay la wareegid. m.f.dh, qaramayn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
annexation
/annekseyshan/ (n) xoog ku qabsasho; boobid, qaramayn. e.g. Annexation of Kuwait was unacceptable to the rest of the world.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
commandeer
/kommandiir/ (v) qaramayn (la wareegid hanti gaar ah).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
expropriate
/ikisprowpriyeyt/ (v) la-wareegid, qaramayn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
nationalize
/naashanalays/nationalisatio n; (v) qaramayn (dawladi la wareegto).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
nazionalizzare
v.tr.- tolayn, qaramayn.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
étatiser
étatiser, v. - qaramayn; marka dawladdu ay wax la wareegto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farsamayn
(Farsamayn-ta)
Hawl aqoon iyo tab u baahan qabasho; wanaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farsamayn
m.f.dh eeg farsamee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farsamayn
vl. n. manufacturing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
farsamayn
-ta: (n) processing, fabrication, manufacture, production (pro-dhak shin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farsamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hawl fulinteeda kolba tab iyo xeelado ay ku fusho u qabasho. Dh basarin, habayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
farsamayn
de: manufacturing
lx: farsamayn
pd: (-ta)
ps: vn1-f
key: farsamayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karaamayn
m.f.dh eeg karaamee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karaamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ixtiraam iyo xaqdhawr u muujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraamayn
m.dh la-mid: maraabayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maryamayn
(Maryamayn-ta)
Kuusha ka faalin, wax dhici doona ka sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maryamayn
m.f.dh eeg maryamee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maryamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) faal dumarku sameeyaan oo ay kuusha ka faaliyaan. Beydan way maryamayn taqaannaa. Dh: faalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaradayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qaarad qaarad u qaybin. Nimankii badmareennada ahaa ayaa qaaradaynta soo saaray. Dh: qaaradays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalamlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) codka 'qalam' samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) jiidhjiidhid oo qardabo ku samayn. Aabbo uu daallan yahee qardabaynta ka daa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardamays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qardamayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaroomayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shiddaaradayn ay khiyaamo ku jirin. Dh: xeeladayn, shiddaaradayn, qaroomays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarqarayn
m.f.dh eeg qarqaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarqarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qarqarka saarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarxadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dacaayadayn oo hadal dheeldheel ah cid kale ku dhihid Qarxadaynta ka jooji wiilka. Dh: qaraaxadayn, dacaayadayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaaman
m. n., pl. debts
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaaman
de: debts Sg: qaan
lx: qaaman
pd: (-ka)
ps: n4-m-pl
key: qaaman
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qarayn
(Qarayn-ta)
(weel, kd.) qar u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarayn
m.dh eeg qaree. la-mid: qirayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qar u yeelid. Qaraynta weelasha waxa taqaan islaanta jaarka ah. Dh: qarays.
qarayn -ta: (magac, dhedig, keli) qaro u yeelid. Qarayn ku samee oo asal geli qarbidka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ararayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hadal la odhan doono, arar ka hormarsasho. Dh: ararad.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Atamayn
Atomisation
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carmayn
m.dh la-mid: carmin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haramay
fal) beer, haramaha ka gur; ka jar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaamayn
(Jaamayn-ta)
1. Jaamo ka dhigid; cad cad ka dhigid.
2. Jaan la dhicid; kabayn; cagayn.
3. Sacab tumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaamayn
m.f.dh eeg jaamee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaamayn
-ta: (magac, dhedig, kali) kabo ka dhigasho.
jaamayn -ta: (magac, dhedig, kali) cid kale, kabo la dhac oo ku dhufdhufo. Dh: kabayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karmayn
(Karmayn-ta)
(dayax) meel labo xiddigood u dhexaysa oo aan midna u bursanayn, fariisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karmayn
m.f.dh eeg karmee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karmayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dayax, meel labo xiddigood u dhexaysa oo aan dhinac u badnayn fariisasho. Dh: fariisasho, karmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laamayn
m.f.dh eeg laamee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) badar la karinaayo laan ku walaaqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hannaan gaar ah oo leh muuqaal guud oo la garan karo u samayn. Qaabaynta ayaa muhiim ah intaan hawl la bilaabin. Dh: hannaanin.
qaabayn-ta: (magac, dhedig, keli) caano lis ah iyo kuwo baryay isku biirin oo isku fadhxid. Kolka caanuhu yaryihiin ayay qaabayntu jirtaa. Dh: jaabajaabayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qaali ka dhigid. Dh: qaaliyayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaameyn
m.f.dh eeg qaamee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaameyn
-ta: (magac, dhedig, keli) deyn gelin oo wax qaan lagu leeyahay ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaarayn
(Qaarayn-ta)
Qaar la dhicid; burareyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaarayn
m.f.dh eeg qaaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qaar ama bud la dhicid. Badraanigu qaaraynta wuu ku habboon yahay. Dh: budhayn; qaarays, budayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaaxayn
(Qaaxayn-ta)
Nabar qaaxada u dhaca gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaxayn
m.f.dh eeg qaaxee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaxayn
-ta: (magac, dhedig, keli) nabar qaaxada u dhaca gaadhsiin. Carruurta qaaxaynta ka daa. Dh: oofayn, qaaxays.
qaaxayn -ta: (magac, dhedig, keli) god hoos u qodid oo gun ballaadhan u yeelid. Qaaxaynta boholuhu waa muhiin dhulka adag. Dh: qaaxays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaracan
-ka: (magac, lab, keli) eeg qarracan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaraqan
f.mg1 (-qmay, -qantay) la-mid: qaraq².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaraqan
(fal) bad ama biyo meel fadhiya ku hafo.
qaraqan -ka: (magac, lab, keli) biyo ku hanfasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qardayn
(Qardayn-ta)
Qardo ka dhigid, ku bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qardayn
m.f.dh eeg qardee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qardo ka dhigid. Beerta qod oo qardaynta ka daa. Li: gefeyn, masnayn.
qardayn -ta: (magac, dhedig, keli) iyada oo afka la iskaga qoslayo hoosta iska dilid; dagaal hoosaasin ah. Qardayn buu geeljiruhu ubadka feedha ku madoobeeyaa. Dh: ciyaarseelseelli, qardays, hoosaasin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qormayn
m.f.dh eeg qormee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raamayn
(Raamayn-ta)
Raamo u yeelid, u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raamayn
m.f.dh eeg raamee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) timo ama wax la mid ah raamo dhaadheer u yeelid: raamo u samayn. Raamaynta timaha Rooble isagaa raba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saamayn
(Saamayn-ta)
Saamays ku reebid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saamayn
m.f.dh eeg saamee. la-mid: saamays.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saamayn
-ta: (n) effect (i-fakt); impact (im-paakt)-, impression (im-paree-shin); repercussion (ri-per-ka-shen); indirect influence ~ raad; ku reebid, saamays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof ama wax kale, raad ku reebid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warmayn
m.dh la-mid: wareemid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warmayn
-ta: (magac, dhedig, keli) warmo la dhicid oo ku wareemid. Warmaynta meydku waa xadgudub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barafayn
m.f.dh (jooloji) Daboolidda uu meel daboolo, ama hawsha uu ka qabto, baraf goglan, ama barafweyne.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barafayn
m.f.dh (jool.) Daboolidda uu meel daboolo, ama hawsha uu ka qabto, baraf goglan, ama barafweyne.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Barafayn
Freezing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barafayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ka dhigitaanka wax aad u qabaw oo dhagax oo kale ah. Barafaynta biyaha ka daa. Dh: qaboojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barakayn
(Barakayn-ta)
1. Barako u yeelid.
2. (Cunno, kd.) wax yar ka taabasho, ka cunid; sunnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barakayn
m.f.dh eeg barakee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barakayn
vl. n. act of blessing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barakayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ka dhigitaanka mid barakaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barakayn
de: act of blessing
lx: barakayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: barakayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carabayn
m.f.dh eeg carabee. la-mid: carabiyeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Carabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) Carab ka dhigid: Carabays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cararayn
m.f.dh eeg cararee. la-mid: cararin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darayayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qaab awrtu u dagaallanto oo awrku intuu geliyo luqunta awrka kale qoortiisa iyo jilibkiisa inta u dhaxaysa shafkana dhulka dhigo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faramayr
-ka: (magac, lab, keli) biyaha lagu faraxasho; biyaha lagu faradhaqdo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haramays
-ka: (magac, lab, keli) eeg haramayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harimayn
m.f.dh eeg harimee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harimayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qado cunid. Dh: qadayn, hadhimayn.