qaqashaafid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaqashaafid
m.f.dh eeg qaqashaaf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaqashaafid
-da: (magac, dhedig, keli) wax yar funfunaanid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaqashaaf
f.g1 (-fay, -ftay) Wax la waayey dhowr meel ka raadraadin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaqashaaf
v. search, look for something here and there
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaqashaaf
(fal) wax yar funfunaan.
qaqashaaf -ka: (magac, lab, keli) funfunaan yar oo meelahaa laga leefleefo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaqashaaf
de: search, look for s.t. here and there
lx: qaqashaaf
pd: (qaqashaafay)
ps: v1=tr
key: qaqashaaf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qashaafid
m.f.dh eeg qashaaf². la-mid: qashaaf¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarqarraafid
-da (magac, dhedig, keli) si gafalmal. jax ah u qorid. Qarqarraafidda ka daa wargadda oo cid si wanaagsan wax u qorta la doono.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baashaalid
m.f.dh eeg baashaal². la-mid: baashaal¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baashaalid
-da: (magac, dhedig, keli) ismaaweelinta nafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haashaarid
-da: (magac, dhedig, keli) xarragood iyo socosho hannaan quruxsani ka muuqdo. Dh: taxtaxaashid, mardaaddiyid, shoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caadadhaafid
-da: (magac, dhedig, keli) sidii ay caadadu ahayd dhinac ka marid. Caadadhaafid ayaad samaysay. Dh: caadaguurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
damaashaadid
m.f.dh eeg damaashaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damaashaadid
-da: (magac, dhedig, keli) dabbaaldegid oo farxad la ciyaarid. Dh: dabbaaldegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gacandhaafid
(Gacandhaafid-da)
Wax dad kale lee yahay, iyadoo aan laysu dirsan ama aan la isu idmin, faraha la gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacandhaafid
m.f.dh eeg gacandhaaf². la-mid: gacandhaaf¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacandhaafid
-da: (magac, dhedig, keli) qof kale ama dad kale waxa ay leeyihiin, iyadoon la isu dirsan ama aan la isu idmin faraha la gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qatindhaafid
m.f.dh eeg qatindhaaf².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarandhaafid
m.f.dh eeg tarandhaaf². la-mid: tarandhaaf¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarandhaafid
-da: (magac, dhedig, keli) taran badan yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aasaasid
m.dh la-mid: asaasid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasaasid
-da: (magac, dhedig, keli) unkidda wax cusub oo la bilaabo. Waxa la oggolaaday aasaasidda xisbi cusub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ashaamid
m.l Busta madowga badan ee sabuulka maseggada ku dhalata, badarkana madowga ka dhigta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qasaalid
(Qasaalid-da)
Biyo ku nadiifin; mayrid; dhaqid; xalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qasaalid
m.f.dh eeg qasaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasaalid
-da: (magac, dhedig, keli) biyo ku maydhis; dhiqid. Dharku waa nadiif oo qasaalid uma baahna. Dh: maydhid, dhaqid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qashaafo
f. n. disgust, repugnance
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qashaafo
de: disgust, repugnance
lx: qashaafo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: qashaafo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saqaafid
m.f.dh eeg saqaaf². la-mid: saqaafeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saqaafid
-da: (magac, dhedig, keli) socodka ujeeddadiisu tahay sahan gaaban. Dh: socsocod, saqaafo.
saqaafid-da: (magac, dhedig, keli) warwareeggadka iyo socsocodka aan ujeeddada lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afdhaafid
m.f.dh eeg afdhaaf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdhaafid
-da: (magac, dhedig, keli) (is ~) dad wax ay ka tashanayeen ama ka hadlayeen isku khilaafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baashaali
f.g2 (-iyay, -isay) Qof kale sheeko, ciyaar iyo waqti ku dhaafin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baashaali
f.g2 (-iyay, -isay) Qof kale sheeko, ciyaar iyo waqti ku dhaafin. m.f.dh, baashaalin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baashaali
v. entertain; make someone spend time
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baashaali
(fal) mashquuli oo kolba wax ku maaweeli. Dh: maaweeli, mashquuli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baashaali
de: entertain; make s.o. spend time
lx: baashaali
pd: (baashaaliyey)
ps: v2a=tr
key: baashaali
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bashaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) madaxa bud iyo waxii la mid ah kaga garaacid oo cardaadiqay lafta. Bashaaqid bud lays la dhiciyo inta nabarro la isgaarsiiyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caashaqid
m.f.dh eeg caashaq². la-mid: caashaq¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caashaqid
-da: (magac, dhedig, keli) jeclaanshaha qotada dheer ee cid ama wax loo qabo.
caashaqid -da: (magac, dhedig, keli) doonni ama markab, dekedda ku soo xidhid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fatashaad
-da: (n) inspection (inispakshin)-, examination (ig-zaamaneeyshin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fatashaad
-da: (magac, dhedig, keli) baadhitaan si adag wax loo baadho. Dh: fatishaad, baadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haasaawid
m.f.dh eeg haasow². la-mid: haasow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haasaawid
-da: (magac, dhedig, keli) sheeko dhex marta labo qof iyo in ka badan oo ismaaweelin ah.
haasaawid -da: (magac, dhedig, keli) (la ~) sheeko shukaansi la xidhiidha, qof kale la hayn. Haasaawid buu haloosiga guur ka bilawdaa. Dh: sheekaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaaraamid
(Qaaraamid-da)
Qaaraan uruurin, bixin, siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaraamid
m.f.dh eeg qaaraan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaraamid
-da: (magac, dhedig, keli) qaadhaan ururin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaashaaro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Hawl isu diyaarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaashaaro
(fal) hawl isu diyaarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarraafid
m.f.dh eeg qarraf². la-mid: qarraaf¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarraafid
-da: (magac, dhedig, keli) xumaan iyo kala fataalid ka shaqayn. Dh: jillaabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qashaafee
v. disgust, put ~ turn off, arouse disgust
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qashaafee
de: disgust, put ~ turn off, arouse disgust
lx: qashaafee
pd: (qashaafeeyey)
ps: v2b=tr
key: qashaafee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaasaamid
(Xaasaamid-da)
Caatoobid; weydoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaasaamid
m.f.dh eeg xaasaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaasaamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax gaca lagu hayo oo la koolkoolliyo noqosho. Moca korisay xaasaamid lagama karo.
xaasaamid -da: (magac, dhedig, keli) wax castrata noqosho ama ahaan. Ninkan xaasaamidda ca la'aan ayaa ugu sabab ah. Dh: weydoobid.
xaasaamid -da: (magac, dhedig, keli) wax la masruufo oo cid kale ku tiirsan noqosho. Wiilka naxariistaadii ayuu xaasaamid ka qaadee orad oo shaqayso dheh. Dh: xaasaamis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aynshaadid
m.f.dh eeg aynshaad².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baashaalin
m.f.dh eeg baashaali.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baashaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) maaweelin oo wakhtidhaaf u samayn. Dh: maaweelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baashaalis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg baashaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dardhaafid
m.f.dh eeg dardhaaf². la-mid: dardhaaf¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farasaarid
m.f.dh eeg farasaar². la-mid: farsaar¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farasaarid
-da: (magac, dhedig, keli) la dagaallamidda iyo u gacanqaadidda qof kale.
farasaarid -da: (magac, dhedig, keli) wax ama meel, shaqo iyo hawl ka qabasho; hawl ka fulin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fasahaadid
(Fasahaadid-da)
Xumaansho; kibrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasahaadid
m.f.dh eeg fasahaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fasahaadid
-da: (magac, dhedig, keli) wax xumaaday ama qaldamay ahaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka qashaaf
v. keep one's distance from (because of contempt, illness, etc.); despise someone
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_qashaaf
de: keep one's distance from (because of contempt, illness, etc.); despise s.o.
lx: ka qashaaf
pd: (qashaafay)
ps: v1=expr
key: ka_qashaaf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalasaarid
m.f.dh eeg kalasaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalasaarid
-da: (magac, dhedig, keli) waxyaalo isku darsan, hadba intii is leh dhinac u saarid; kala bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majasaarid
m.dh la-mid: manjasaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
majasaarid
-da: (magac, dhedig, keli) mijasaar ku kaadisiin. Ilmaha xambaarka ku kaadshaya majasaaridda bar. Dh: mijasaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaadqaadid
m.f.dh eeg qaadqaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaadqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) (ku ~) cid kale; af ama addin ku weerarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaangaarid
(Qaangaarid-da)
Qaangaar noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaangaarid
m.f.dh eeg qaangaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaangaarid
-da: (magac, dhedig, keli) xilligi baaluga gaadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaarqaadid
m.f.dh eeg qaarqaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaarqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) sakaraad qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaashaaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax hawl isu diyaarshay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaashaaran
(tilmaame) wax hawl isu diyaarshay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaqammacid
-da: (magac, dhedig, keli) indhaha ka hanjabid oo haddana ka hanjabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waqdhaacid
(Waqdhaacid-da)
Waqdhaacin u qalid, ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waqdhaacid
m.f.dh eeg waqdhaac². la-mid: waqdhaac¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waqdhaacid
-da: (magac, dhedig, keli) dar Alle xoolo u qalid. Dh: Allabbari, ducaysi, tadcaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaddhaafid
(Xaddhaafid-da)
Xaddhaaf la imaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
igtishaafid
m.f.dh eeg igtishaaf².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maandhaafid
(Maandhaafid-da)
(is maandhaafid) Arrin isku diidid, isku khilaafid; qofba meel iska tusid; is-afgaranwaayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maandhaafid
m.dh eeg maandhaaf². la-mid: maandhaaf¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maandhaafid
-da: (magac, dhedig, keli) arrin isku diidid oo ku kala aragti duwanaan. Is maandhaafid laga heshiin doonaa dhib ma leh.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
qabasho lid
ordinary grip
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qashqashaad
m.dh la-mid: khashkhashaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qashqashaad
-da: (magac, dhedig, keli) arbushaad iyo dhibaato abuurid. Dh: dhibaatayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xad-dhaafid
m.f.dh eeg xaddhaaf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xad-dhaafid
-da: (magac, dhedig keli) xad hore loogu ogaa weydaarasho oo dhaafid Dh: badasho, buuxdhafid, xaddhaafis.
xad-dhaafid-da: (magac, dhedig, keli) tira badasho. Dh: badasho.
xad-dhaafid-da: (magac, dhedig, keli) dembi ama gardarro samayn oo cid kale xuduuddeeda qalad ku galid. Xaddhaafiddu waa qalad diineed iyo ku dadnimo intaba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Antaradhaafid
(Antaradhaafid-da)
Xadgudbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
antaradhaafid
m.f.dh eeg antaradhaaf². la-mid: antaradhaaf¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
antaradhaafid
-da: (magac, dhedig, keli) xadgudbid iyo ka badbadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barqammaalid
(Barqammaalid-da)
Barqadii xoolaha maalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barqammaalid
m.f.dh eeg barqammaal². la-mid: barqammaal¹ (1).