qaqammacid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaqammacid
-da: (magac, dhedig, keli) indhaha ka hanjabid oo haddana ka hanjabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qammacid
-da: (magac, dhedig, keli) indhaha iyo wejiga ka hanjabid. Haweenku qammacidda iskama daayaan. Dh: huruufid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaqammac
(fal) indhaha ka hanjab oo haddana ka hanjab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qammacis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qammacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qawaacid
(Qawaacid-ka)
Wax weyn oo daran; dhibaato weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qawaacid
m.l Khasaaro weyn; masiibo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qawaacid
m. n. serious trouble, harm ~ damage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qawaacid
-ka: (magac, lab, keli) wax weyn oo daran, dhibaato weyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qawaacid
cf: daran
de: serious trouble, harm ~ damage
lx: qawaacid
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: qawaacid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qammaacid
m.f.dh eeg qammaac².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabammarid
(Dabammarid-da)
Weydaarasho; dib u noqosho; dhabarjebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabammarid
m.f.dh eeg dabammar². la-mid: dabammar¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabammarid
-da: (magac, dhedig, keli) halkii la rabay, waydaarasho. Dh: iswaydaar.
dabammarid -da: (magac, dhedig, keli) ballan iyo wax la mid ah, ka bixid ama burin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maxammasid
m.f.dh eeg maxammas².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaqammacitaan
-ka: (magac, lab, keli) indhaha ka hanjabitaan oo haddana ka hanjabitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barqammaalid
(Barqammaalid-da)
Barqadii xoolaha maalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barqammaalid
m.f.dh eeg barqammaal². la-mid: barqammaal¹ (1).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barqammaalid
vl. n. late-morning milking
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barqammaalid
de: late-morning milking
lx: barqammaalid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: barqammaalid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barqamaalid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg barqamaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaqashaafid
m.f.dh eeg qaqashaaf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaqashaafid
-da: (magac, dhedig, keli) wax yar funfunaanid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaylaraacid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ay qaylo ka baxayso u gurmasho. Qaylaraacid ayay dadku ku yimaaddeen. Dh: qaylaraacis, gurmad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daammad
-da: (magac, dhedig, keli) cadaab iyo kulul. Daammad ayaa ku dhacday reerka oo cidi kama noola.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaabmid
(Qaabmid-da)
Qaab yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaabmid
m.f.dh eeg qaaban¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaabmid
-da: (magac, dhedig, keli) ururid oo caano isku tegey noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qalammi
(Qalammi-ga)
Shiraac yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalammi
m.l Shiraac yar. la-mid: qalami¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qalammi
m. n. small sail
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalammi
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qalami.
qalammi -ga: (magac, lab, keli) shiraac yar. Qalammi darka u dul dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qalammi
cf: shiraac
de: small sail
lx: qalammi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: qalammi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qammaad
(Qammaad-ka)
1. (dhul) dhib la gudbo, la gooyo.
2. Wax laga joogsado, laga maagto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qammaad
qammaad¹: m.l 1. Baajinta ama ka wareegidda wax sameyntooda. 2. Miyir doorsoomidda lala miyirdoorsoomo harraad, gaajo iyo daal badan. 3. Leexashada meelhalis ah laga leexdo. 4. la-mid: qammaadid.
qammaad²: f.mg1 (-day, -dday) 1. Harraad, gaajo iyo daal badan la miyirdoorsoomid. 2. Ka q.: wax sameyntooda ama meel mariddeed ka wareegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qammaad
m.l 1. Baajinta ama ka wareegidda wax sameyntooda. 2. Miyir doorsoomidda lala miyirdoorsoomo harraad, gaajo iyo daal badan. 3. Leexashada meelhalis ah laga leexdo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qammaad
m. n. hard earth (to cultivate); obstacle, difficulty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qammaad
-ka: (magac, lab, keli) dhul maristiisu adag tahay oo dhib lagaga gudbo. Dh: qarfo.
qammaad -ka: (magac, lab, keli) ka maagid. Qammaadka iska daa oo dhaqaaq. Dh: waabasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qammaad
de: hard earth (to cultivate); [fig.] obstacle, difficulty
lx: qammaad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: qammaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aamminid
(Aamminid-da)
Kalsooni u qabid; rumaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aamminid
ąamminid: m.f.dh eeg ąammin².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aamminid
-da: (magac, dhedig, keli) rumaynta wax laguu sheegay oo aad kalsooni siiso.
aamminid -da: (magac, dhedig, keli) kalsooni ad ku qabto aawadeed, hanti u dhiibasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aammusid
(Aammusid-da)
Hadal joojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aammusid
m.f.dh eeg aammus². la-mid: aammus¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adamaxid
-da: (magac, dhedig, keli) tamashlayn iyo taxtaxaashid; daanshadaanshood u socosho. Adamaxid ayuu ku maqanyahay ninkii beerta lahaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baayacid
-da: (magac, dhedig, keli) gorgortanka iibka la xidhiidha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabacid
-da: (magac, dhedig, keli) dhar iyo wixii la mid ah, daabacaad u yeelid oo dun ku xardhid.
daabacid: -da: (magac, dhedig, keli) buug iyo wixii la mid ah madbacad ku daabicis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daafacid
vl. n. protecting, defending
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daafacid
de: protecting, defending
lx: daafacid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: daafacid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalacid
-da: (magac, dhedig, keli) soo muuqasho, soo bixid. Soo daalacidda arrintan muddaa la sugayay. Dh: daalicid, daahirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garaacid
(Garaacid-da)
Xoog wax wax ugu dhufdhufasho; wax la dhicid; ulayn; tumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaacid
m.f.dh eeg garaac³. la-mid: garaac¹ (3), garaacis.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
garaacid
to dribble, dribbling
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garaacid
vl. n. blow, tap, knock, knocking
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garaacid
-da: (n) the act of beating (biiting); knocking (naaking) ~ garaacis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garaacid
-da: (magac, dhedig, keli) shey wax kale ku dul tumid, la dhicid. Dh: garaacis.
garaacid-da: (magac, dhedig, keli) dilid oo ul iwm la dhicid. Neefka garaacidda ka daa uqubo iyo aaqilo ayuu leeyahaye. Dh: ulayn.
garaacid -da: (magac, dhedig, keli) ka guulaysasho; ka adkaasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garaacid
de: blow, tap, knock, knocking
lx: garaacid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: garaacid
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
garaacid
قَرْعٍ دَقَ طَرْقٍ ضَرْبٍ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaamacad
(Jaamacad-da)
Dugsiyada wax laga barto kan ugu danbeeya oo ugu sarreeya oo doktoornimada markhaatigeeda laga qaato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaamacad
m.dh (-do, m.l) Xarun waxbarasho oo cilmi sare laga barto una qaybsan kulliyado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jaamacad
m.dh (-do, m.l) Xarun waxbarasho oo cilmi sare laga barto una qaybsan kulliyado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaamacad
f. n. university, college
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jaamacad
-da: (n) university (yunaveersiti)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaamacad
-da: (magac, dhedig, kali) aqalka ugu sarreeya ee aqoonta soo ururiya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaamacad
bw: Arabic
de: university, college
lx: jaamacad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: jaamacad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
jaamacad
جامعة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jalammad
(Jalammad-da)
Weel dheg iyo naas leh oo bunka iyo shaaha lagu karsado; kirli; ibriiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalammad
m.dh (-do, m.l) Weel macdan, dhoob iyo wixi lamida ka samaysan oo dheg (siddo) iyo naas leh oo shaaha iyo qaxwaha lagu karsado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jalammad
m.dh (-do, m.l) Weel macdan, dhoob iyo wixi lamida ka samaysan oo dheg (siddo) iyo naas leh oo shaaha iyo qaxwaha lagu karsado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jalammad
f. n. kettle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jalammad
-da: (n) teakettle (tii katel), kettle (kattel) ~ kirli, ibriiq
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jalammad
cf: ibriiq, kirli
de: kettle
lx: jalammad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: jalammad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kamma'id
m.f.dh eeg kamma'². la-mid: kama'id.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaqaadid
vl. n. confiscation, taking away
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaqaadid
de: confiscation, taking away
lx: kaqaadid
pd: (-da)
ps: vn1-f
see: qaad
key: kaqaadid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laayacid
-da: (magac, dhedig, keli) dayacidda xoolaha ama ilaalin la'aantooda. Dh: baylihin, dayacitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maanacid
-da: (magac, dhedig, keli) wax horjoogsi oo in la sameeyo diidid. Maanacidda iska daa oo dadka sii daa. Dh: celin, diidid. Li: oggolaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macmacid
-da: (magac, dhedig, keli) isku karkarid oo isku nabnabid. Buuggu wuu kala daatay oo macmacid ayuu u baahan yahay. Dh: toltolid. Li: kaladaadin, furfurid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaadicid
-da: (n) the act of boycotting; not participating ~ qaadacaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaqamid
m.f.dh eeg qaaqan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qadaadid
m.f.dh eeg qadaad².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qafaalid
(Qafaalid-da)
1. Qof laga adkaaday, xoog ku wadasho; afduubid; boojin.
2. (beer) Geedqaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qafaalid
m.f.dh eeg qafaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qafaalid
-da: (magac, dhedig, keli) beer, daleed la dhigid oo dhirta ka jarid. Qafaalid la'aan berta lama qodi karo. Dh: jirid, geedqaadid.
qafaalid -da: (magac, dhedig, keli) afduubid, xoog ku kaxaysad. Dh: afduubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qalaadid
(Qalaadid-da)
Ci qalaad ah ciyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qąlaadid
m.f.dh eeg qąlaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalaadid
-da: (magac, dhedig, keli) sawaxan iyo ci ku baryid. Qalaadiddii orgiga ayaan ka seexan weynay. Dh: qaylyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qallacid
m.dh eeg qallac².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qallacid
-da: (magac, dhedig, keli) qallac ku xidhid. Dh: qallacis.
qallacid-da: (magac, dhedig, keli) qaniinyo fajaas ah ku dhufasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qamaamid
(Qamaamid-da)
Sida wax oomman, meel wax yaalliin, ugu yaacid, ugu firxasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qamaamid
m.f.dh eeg qamaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qamaamid
-da: (magac, dhedig, keli) baahi awgeed meel ugu wada yaacid. Lo'da adaa qamaamidda ugu wacan. Dh: qamaamis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qamiicid
m.f.dh eeg qamiic².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaraabid
m.f.dh eeg qaraab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaraamid
-da: (magac, dhedig, keli) qaaraan ururin. Qaraamidda qof uun ha lagu ogaado. Dh baahayn, dhawrtayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaraarid
m.f.dh eeg qaraar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaraarid
-da: (magac, dhedig, keli) iska soo taagid, xamili waayid. Shaqo badan iyo mishaar yarayaa qaraaridda keenay: Dh: diidid. Li: oggolaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaraqmid
m.dh la-mid: qarqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaraqmid
-da: (magac, dhedig, keli) biyo ku hanfasho oo ku dhimasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarracid
-da: (magac, dhedig, keli) wax keliballoobay noqosho. Berliskii oon ka dhergin ayaan qarracid ka qaaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qasaalid
(Qasaalid-da)
Biyo ku nadiifin; mayrid; dhaqid; xalid.