qanjir-liinfeed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanjir-liinfeed
m.l (cilmiga naflayda) Qanjirro yaryar oo kuuskuusan oo ku yaal xarumo kala duwan oo ka mid ah waddada xididdada liinfada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qanjirliinfeed
-ka: (magac, lab, keli) qanjirro yaryar oo kuuskuusan oo ku yaal xarumo kala duwan oo ka mid ah waddada xididdada liinfada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanjir-borosteyd
m.l (cilmiga naflayda) Qanjir dheeraad ah oo raggu leeyahay oo u furan kaadi mareenka ka hooseeya kaadihaysta iyo dhuumaha shahwada meeshaay kaga darsamaan. Xilliga biyobixidda ragga wuxu qanjirku soo daaya biyo alkalayn ah oo ku darsama shahwada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
banji-biyeeg
m.l (-gyo, m.dh) Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu ciyaaro hal dhibic ku leh, dhinaca kalena shan ku leh. la-mid: yeegbibiish.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gaalis-ineed
Class interval
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qanjidhtarmeed
-ka: (magac, lab, keli) organno had iyo jeer lammaane ah oo laga helo xayawaanka, kuwaas oo soo saara gaameytyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanjir-kelyood
m.l (cilmiga naflayda) Laba qanjir dhiiqe oo qaab saddex gees leh, kuna kala yaal labada kelyood dushooda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qanjir-kelyood
m.l (cilmiga naflayda) Laba qanjir dhiiqe oo qaab saddex gees leh, kuna kala yaal labada kelyood dushooda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habdhis-limfeed
m.l (-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Dhuumo shaqadoodu isku xidhantahay, kuwaas oo ka soo qaada hooraha nudaha una gudbiya qulqulka dhiigga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanjidh-tarmeed
m.l (cilmiga naflayda) Organno had iyo jeer lammaane ah oo laga helo xayawaanka, kuwaas oo soo saara gaameytyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qanjidh-tarmeed
m.l (cilmiga naflayda) Organno had iyo jeer lammaane ah oo laga helo xayawaanka, kuwaas oo soo saara gaameytyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qanjirborosteyd
-ga: (magac, lab, keli) qanjidh dheeraad ah oo raggu leeyahay oo u furan kaadi mareenka ka hooseeya kaadihaysta iyo dhuumaha shahwada meeshaay kaga darsamaan. Xilliga biyobixidda ragga wuxu qanjirku soo daaya biyo alkalayn ah oo ku darsama shahwada.