qanjir-borosteyd
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanjir-borosteyd
m.l (cilmiga naflayda) Qanjir dheeraad ah oo raggu leeyahay oo u furan kaadi mareenka ka hooseeya kaadihaysta iyo dhuumaha shahwada meeshaay kaga darsamaan. Xilliga biyobixidda ragga wuxu qanjirku soo daaya biyo alkalayn ah oo ku darsama shahwada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qanjirborosteyd
-ga: (magac, lab, keli) qanjidh dheeraad ah oo raggu leeyahay oo u furan kaadi mareenka ka hooseeya kaadihaysta iyo dhuumaha shahwada meeshaay kaga darsamaan. Xilliga biyobixidda ragga wuxu qanjirku soo daaya biyo alkalayn ah oo ku darsama shahwada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanjir-liinfeed
m.l (cilmiga naflayda) Qanjirro yaryar oo kuuskuusan oo ku yaal xarumo kala duwan oo ka mid ah waddada xididdada liinfada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

qanjir-bituwitary
m.l (cilmiga naflayda) Qanjir dhiiqa ugu muhiimsan: qanjir yar oo ku yaal “hypothalamus-ka” hoostiisa wuxuuna ku jira god laf ka dhex qodan lafta madaxa salkeeda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qanjir-bituwitary
m.l (cilmiga naflayda) Qanjir dhiiqa ugu muhiimsan: qanjir yar oo ku yaal 'hypothalamus-ka' hoostiisa wuxuuna ku jira god laf ka dhex qodan lafta madaxa salkeeda.
qanjir-borosteyd m.l (cilmiga naflayda) Qanjir dheeraad ah oo raggu leeyahay oo u furan kaadi mareenka ka hooseeya kaadihaysta iyo dhuumaha shahwada meeshaay kaga darsamaan. Xilliga biyobixidda ragga wuxu qanjirku soo daaya biyo alkalayn ah oo ku darsama shahwada.