qanjidhkelyood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qanjidhkelyood
-ka: (magac, lab, keli) lammaane ka mid ah qanjidhada marinka la' oo laga helo kelyaha dushooda. Qaybta gudaha ee qanjidh kelyoodyada oo loo yaqaanno 'medula' ayaa waxay dhiijisaa horomoonada kala ah adirinaliin iyo noradirnoliin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanjidh-kelyood
m.l (-dho ..., m.l) (cilmiga naflayda) Lammaane ka mid ah qanjidhada marinka la' oo laga helo kelyaha dushooda. Qaybta gudaha ee qanjidh kelyoodyada oo loo yaqaanno 'medula' ayaa waxay dhiijisaa horomoonada kala ah adirinaliin iyo noradirnoliin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qanjidh-kelyood
m.l (-dho ..., m.l) (cilmiga naflayda) Lammaane ka mid ah qanjidhada marinka la' oo laga helo kelyaha dushooda. Qaybta gudaha ee qanjidh kelyoodyada oo loo yaqaanno 'medula' ayaa waxay dhiijisaa horomoonada kala ah adirinaliin iyo noradirnoliin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qanjirkelyood
-ka: (magac, lab, keli) labo qanjir dhiige oo qaab saddex gees leh, kuna kala yaal labada kelyood dushooda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanjir-kelyood
m.l (cilmiga naflayda) Laba qanjir dhiiqe oo qaab saddex gees leh, kuna kala yaal labada kelyood dushooda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qanjir-kelyood
m.l (cilmiga naflayda) Laba qanjir dhiiqe oo qaab saddex gees leh, kuna kala yaal labada kelyood dushooda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qanjidh-tayroydh
m.l (cilmiga naflayda) Qanjidh marinla' oo laba laab leh oo laga helo lafdhabarleyda kuna yaalla salka qoorta. Wuxuu dhiijiyaa laba horomoon oo ay ku jirto ayoodhiin, oo kala ah tayrogsiin iyo tarayodhoytayrosiin, kuwaas oo xukuma dariiqooyinka dheefsasho ee jidhka oo dhan. Waxa kale oo ay duudsiyaan koritaanka duleed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labakelyood
(Labakelyood-ka)
Labo kelyood leh; geesi; aar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labakelyood
m.l.kh L. ah: qof dhiiran.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
labakelyood
m.l.kh L. ah: qof dhiiran.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
labakelyood
m. n., idiom (adj.): brave man; fearless, intrepid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labakelyood
-ka: (magac, lab, keli) geesi aan cabsoon. Dh: laba'xiniinyood. Li: fulay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
labakelyood
de: brave man; [atr.] fearless, intrepid Lit: two kidneys
lx: labakelyood
pd: (-ka)
ps: n2a-m-idiom
syn: aar, geesi
key: labakelyood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qanjidhtaymas
-ka: (magac, lab, keli) qanjir ku yaal lafta shafka xaggeeda gudaha xigta, caruurta keliya ayaa leh, dadka waaweyn waa ka baaba'a, wuxuuna ka tirsanyahay qaybta difaaca jirka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanjidh taymas
m.l Qanjir ku yaal lafta shafka xaggeeda gudaha xigta, caruurta keliya ayaa leh, dadka waaweyn waa ka baaba'a, wuxuuna ka tirsanyahay qaybta difaaca jirka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanjidh-dhidid
m.l (-dho ..., m.l) (cilmiga naflayda) Qanjidh dhuuban oo leexleexsan oo ku yaalla dubka. Waxa uu soo daayaa dhidid. Tirada qanjidh dhididku waa ay ku kala duwantahay xayawaanka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qanjidh-dhidid
m.l (-dho ..., m.l) (cilmiga naflayda) Qanjidh dhuuban oo leexleexsan oo ku yaalla dubka. Waxa uu soo daayaa dhidid. Tirada qanjidh dhididku waa ay ku kala duwantahay xayawaanka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qanjidh-dhidid
-ka: (magac, lab, keli) qanjidh dhuuban oo leexleexsan oo ku yaalla dubka, Waxa uu soo daayaa dhidid. Tirada qanjidh dhididku waa ay ku kala duwantahay xayawaanka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qanjidh-taymas
m.l Qanjir ku yaal lafta shafka xaggeeda gudaha xigta, caruurta keliya ayaa leh, dadka waaweyn waa ka baaba'a, wuxuuna ka tirsanyahay qaybta difaaca jirka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qanjidhtarmeed
-ka: (magac, lab, keli) organno had iyo jeer lammaane ah oo laga helo xayawaanka, kuwaas oo soo saara gaameytyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanjidh-tarmeed
m.l (cilmiga naflayda) Organno had iyo jeer lammaane ah oo laga helo xayawaanka, kuwaas oo soo saara gaameytyo.