qanjidhbarar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qanjidhbarar
-ka: (magac, lab, keli) xanuun iyo barar kacsan oo qanjidhku yeesho kolka meel u dhaw ay boogi ku taal. Sahal afka ayaa xanuunaya oo qanjidhbarar ayuu la seexan la'yahay Dh: qanjabarar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qanjirbarar
(Qanjirbarar-ka)
Qanjirka bukooda oo barara.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanjirbarar
qanjirbarar¹: m.l Qanjirka oo jirro awgeed barara. la-mid: qanjirabarar.
qanjirbarar²: m.l (daawo) Halaamacoodka qanjirrada liinfada kuwaas oo barara, xanuun yeesha ayna adkaadaan xaaladaha qaarkood waa hallaamacood muddo dheer (cronica) sida qanjibararka ka yimaada cudurka qaaxada, inta badanse waa cudur muddo gaaban (acuta) oo ku kooban meel jirka ka mid ah oo u dhow addin dhaawacan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qanjirbarar
qanjirbarar¹: m.l Qanjirka oo jirro awgeed barara. la-mid: qanjirabarar.
qanjirbarar²: m.l (daaw.) Halaamacoodka qanjirrada liinfada kuwaas oo barara, xanuun yeesha ayna adkaadaan xaaladaha qaarkood waa hallaamacood muddo dheer (cronica) sida qanjibararka ka yimaada cudurka qaaxada, inta badanse waa cudur muddo gaaban (acuta) oo ku kooban meel jirka ka mid ah oo u dhow addin dhaawacan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qanjirbarar
m. n., [compound] glandular inflammation, swelling of a lymph gland
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qanjirbarar
-ka: (n) glandular fever (galaan-jularfiiver); swollen lymph nodes [lymph glands]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qanjirbarar
-ka: (magac, lab, keli) eeg qanjidhbarar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qanjirbarar
de: glandular inflammation, swelling of a lymph gland
lx: qanjirbarar
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: qanjirbarar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanjirabarar
m.l la-mid: qanjirbarar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qanjidhtaymas
-ka: (magac, lab, keli) qanjir ku yaal lafta shafka xaggeeda gudaha xigta, caruurta keliya ayaa leh, dadka waaweyn waa ka baaba'a, wuxuuna ka tirsanyahay qaybta difaaca jirka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanjidh taymas
m.l Qanjir ku yaal lafta shafka xaggeeda gudaha xigta, caruurta keliya ayaa leh, dadka waaweyn waa ka baaba'a, wuxuuna ka tirsanyahay qaybta difaaca jirka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qanjidh-taymas
m.l Qanjir ku yaal lafta shafka xaggeeda gudaha xigta, caruurta keliya ayaa leh, dadka waaweyn waa ka baaba'a, wuxuuna ka tirsanyahay qaybta difaaca jirka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qanjidhtarmeed
-ka: (magac, lab, keli) organno had iyo jeer lammaane ah oo laga helo xayawaanka, kuwaas oo soo saara gaameytyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qanjidh-marinla
m.l (cilmiga naflayda) Qanjidh kasta oo xayawaanka laga helo, kaas oo soo saara horomoonno, si toos ahna ugu dhiijiya qulqulka dhiigga, si ay shaqo uga qabtaan meelo kala durugsan oo jidhka ka mid ah qanjidhada marinkala' waxay xukumaan waxqabadyada qunyar socodka ah ee waqti dheer qaata ee jidhka, sida koritaanka qofka iyo korriinka sinjiyeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanjidh-tarmeed
m.l (cilmiga naflayda) Organno had iyo jeer lammaane ah oo laga helo xayawaanka, kuwaas oo soo saara gaameytyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qanjidh-tarmeed
m.l (cilmiga naflayda) Organno had iyo jeer lammaane ah oo laga helo xayawaanka, kuwaas oo soo saara gaameytyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qanjidhmarinleh
-ha: (magac, lab, keli) qanjidh marin leh oo dheecaanno qanjidheedka ku sii daaya guudka ibitiiliyalka ee jidhka dushiisa ama moqor unugeedka calool yarada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
candhakar
candhakar¹: m.l Weynaan iyo barar ka muuqda candho aad caano uga buuxsameen.
candhakar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Candho xoolaad aad u dararid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wandharan
La wandharay; la saafay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wandharan
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la wandharay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wandharan
der. [adjective] spread out, split open, opened wide
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wandharan
(tilmaame) la wandharay; la saafay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wandharan
de: spread out, split open, opened wide
initial: w
lx: wandharan
pd: (wandharnaa)
ps: adj-der
key: wandharan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danbidhaaf
-ka: (magac, lab, keli) eeg dambidhaaf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hantidhawr
*(Hantidhawr-ka)
Qaybaha maamulka Dowladda mid kamid ah oo hantida iyo lacagta Qaranka ilaalisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hantidhawr
m.l 1. Xaafiis dawlad, hay'ad, qof iyo wixi lamida u qaabbilsan ilaalinta lacagta in sidii loogu talaggalay loo isticmaalay. 2. H. ah: qof xaafiiskaas ka shaqeeya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hantidhawr
m.l 1. Xaafiis dawlad, hay'ad, qof iyo wixi lamida u qaabbilsan ilaalinta lacagta in sidii loogu talaggalay loo isticmaalay. 2. H. ah: qof xaafiiskaas ka shaqeeya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hantidhawr
m. n., [compound] accounts department; treasury
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hantidhawr
-ka: (n) examination of records or financial accounts; audit (oodhit)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Hantidhawr
Magistrato ai conti
Magistrate of accounts
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantidhawr
-ka: (magac, lab, keli) waaxda dadka ama dawlada u qaabilsan in ay dabagasho halka lagu bixiyey kharashka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hantidhawr
de: accounts department; treasury
lx: hantidhawr
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: hantidhawr
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sinjidhaan
(Sinjidhaan-ka)
Kan xumaada oo sinjiga ka leexda oo foolxumo iyo ceebaal u soo jiida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sinjidhaan
m.l (-ammo/-nyo, m.dh) 1. Qof aan lahayn wanaaggii lagu yiqiin dadkii uu ka dhashay. 2. Qof xun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sinjidhaan
m. n. deviant ~ disreputable person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sinjidhaan
-ka: (magac, lab, keli) kan xumaada oo sinjigiisa ka leexda oo foolxumo iyo ceeb u soo jiida ama qofka xumaanta eheladiisu samaynaysay ka leexda oo wanaagsanaada.
sinjidhaan -ta: (magacwadareed) dad ciddi dhashay ama ay ka tafiirmeen ka wanaagsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sinjidhaan
de: deviant ~ disreputable person
initial: s
lx: sinjidhaan
pd: (-ka)
ps: n2c-m
key: sinjidhaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xididbarar
m.l (cilmiga naflayda) Arooreyaal debca, dheeraada oo laallaabma.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xididbarar
m.l (cilmiga naflayda) Arooreyaal debca, dheeraada oo laallaabma.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ganjidhtarmeed
m.l (-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Organno had iyo jeer lammaane ah oo laga helo xayawaanka, kuwaas oo soo saara gaameytyo.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Qanjiidhinayya
pincer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ganjidh-tarmeed