qanjidh-marinla'
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanjidh-marinla'
m.l (cilmiga naflayda) Qanjidh kasta oo xayawaanka laga helo, kaas oo soo saara horomoonno, si toos ahna ugu dhiijiya qulqulka dhiigga, si ay shaqo uga qabtaan meelo kala durugsan oo jidhka ka mid ah qanjidhada marinkala' waxay xukumaan waxqabadyada qunyar socodka ah ee waqti dheer qaata ee jidhka, sida koritaanka qofka iyo korriinka sinjiyeed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qanjidh-marinla

qanjidh-marinleh
m.l (cilmiga naflayda) Qanjidh marin leh oo dheecaanno qanjidheedka ku sii daaya guudka ibitiiliyalka ee jidhka dushiisa ama moqor unugeedka calool yarada.

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qanjidhmarinleh
-ha: (magac, lab, keli) qanjidh marin leh oo dheecaanno qanjidheedka ku sii daaya guudka ibitiiliyalka ee jidhka dushiisa ama moqor unugeedka calool yarada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanjidhka tayroydh
m.l (cilmiga naflayda) Qanjidh marinla' oo laba laab leh oo laga helo lafdhabarleyda kuna yaalla salka qoorta. Wuxuu dhiijiyaa laba horomoon oo ay ku jirto ayoodhiin, oo kala ah tayrogsiin iyo tarayodhoytayrosiin, kuwaas oo xukuma dariiqooyinka dheefsasho ee jidhka oo dhan. Waxa kale oo ay duudsiyaan koritaanka duleed.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Endocrine gland
Qanjidh marinla'
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qanjidh-taymas
m.l Qanjir ku yaal lafta shafka xaggeeda gudaha xigta, caruurta keliya ayaa leh, dadka waaweyn waa ka baaba'a, wuxuuna ka tirsanyahay qaybta difaaca jirka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanjidh-tarmeed
m.l (cilmiga naflayda) Organno had iyo jeer lammaane ah oo laga helo xayawaanka, kuwaas oo soo saara gaameytyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qanjidh-tarmeed
m.l (cilmiga naflayda) Organno had iyo jeer lammaane ah oo laga helo xayawaanka, kuwaas oo soo saara gaameytyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qanjidhtaymas
-ka: (magac, lab, keli) qanjir ku yaal lafta shafka xaggeeda gudaha xigta, caruurta keliya ayaa leh, dadka waaweyn waa ka baaba'a, wuxuuna ka tirsanyahay qaybta difaaca jirka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanjidh taymas
m.l Qanjir ku yaal lafta shafka xaggeeda gudaha xigta, caruurta keliya ayaa leh, dadka waaweyn waa ka baaba'a, wuxuuna ka tirsanyahay qaybta difaaca jirka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanjidh-dhidid
m.l (-dho ..., m.l) (cilmiga naflayda) Qanjidh dhuuban oo leexleexsan oo ku yaalla dubka. Waxa uu soo daayaa dhidid. Tirada qanjidh dhididku waa ay ku kala duwantahay xayawaanka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qanjidh-dhidid
m.l (-dho ..., m.l) (cilmiga naflayda) Qanjidh dhuuban oo leexleexsan oo ku yaalla dubka. Waxa uu soo daayaa dhidid. Tirada qanjidh dhididku waa ay ku kala duwantahay xayawaanka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qanjidh-dhidid
-ka: (magac, lab, keli) qanjidh dhuuban oo leexleexsan oo ku yaalla dubka, Waxa uu soo daayaa dhidid. Tirada qanjidh dhididku waa ay ku kala duwantahay xayawaanka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qanjidhtarmeed
-ka: (magac, lab, keli) organno had iyo jeer lammaane ah oo laga helo xayawaanka, kuwaas oo soo saara gaameytyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ganjidh-tarmeed
m.l (-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Organno had iyo jeer lammaane ah oo laga helo xayawaanka, kuwaas oo soo saara gaameytyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qanjidh-tayroydh