qanjidh-kelyood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanjidh-kelyood
m.l (-dho ..., m.l) (cilmiga naflayda) Lammaane ka mid ah qanjidhada marinka la' oo laga helo kelyaha dushooda. Qaybta gudaha ee qanjidh kelyoodyada oo loo yaqaanno 'medula' ayaa waxay dhiijisaa horomoonada kala ah adirinaliin iyo noradirnoliin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qanjidhkelyood
-ka: (magac, lab, keli) lammaane ka mid ah qanjidhada marinka la' oo laga helo kelyaha dushooda. Qaybta gudaha ee qanjidh kelyoodyada oo loo yaqaanno 'medula' ayaa waxay dhiijisaa horomoonada kala ah adirinaliin iyo noradirnoliin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanjir-kelyood
m.l (cilmiga naflayda) Laba qanjir dhiiqe oo qaab saddex gees leh, kuna kala yaal labada kelyood dushooda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qanjir-kelyood
m.l (cilmiga naflayda) Laba qanjir dhiiqe oo qaab saddex gees leh, kuna kala yaal labada kelyood dushooda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qanjirkelyood
-ka: (magac, lab, keli) labo qanjir dhiige oo qaab saddex gees leh, kuna kala yaal labada kelyood dushooda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ebinefiriin
m.l (baayoloji) Hormoon uu soo daayo medullaha qanjidh kelyoodku, kaas oo kordhiya garacaa wadnaha, kor u qaada awoodda iyo dheeraynta dhaqdhaqaaqa muruqyada iyo kordhinta dhaqsaha iyo qotada neefsiga, si uu ugu diyaariyo jidhka cabsi, orod ama dagaal. Waxa kale oo uu joojiyaa dheefshiidka iyo qashinsaarka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ebinefiriin
m.l (baay.) Hormoon uu soo daayo medullaha qanjidh kelyoodku, kaas oo kordhiya garacaa wadnaha, kor u qaada awoodda iyo dheeraynta dhaqdhaqaaqa muruqyada iyo kordhinta dhaqsaha iyo qotada neefsiga, si uu ugu diyaariyo jidhka cabsi, orod ama dagaal. Waxa kale oo uu joojiyaa dheefshiidka iyo qashinsaarka.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Adrenal gland
Qanjidh kelyood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ebinefiriin
-ka: (magac, lab, keli) hormoon uu soo daayo medullaha qanjidh kelyoodku oo kordhiya garaaca wadnaha, korna u qaada awoodda iyo dheeraynta dhaqdhaqaaqa muruqyada iyo dhaqsaha iyo qotada neefsiga, si uu ugu diyaariyo jidhka cabsi, orod ama dagaal. Waxa kale oo uu joojiyaa dheefshiidka iyo qashinsaarka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qanjidh-tayroydh
m.l (cilmiga naflayda) Qanjidh marinla' oo laba laab leh oo laga helo lafdhabarleyda kuna yaalla salka qoorta. Wuxuu dhiijiyaa laba horomoon oo ay ku jirto ayoodhiin, oo kala ah tayrogsiin iyo tarayodhoytayrosiin, kuwaas oo xukuma dariiqooyinka dheefsasho ee jidhka oo dhan. Waxa kale oo ay duudsiyaan koritaanka duleed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanjidh-dhidid
m.l (-dho ..., m.l) (cilmiga naflayda) Qanjidh dhuuban oo leexleexsan oo ku yaalla dubka. Waxa uu soo daayaa dhidid. Tirada qanjidh dhididku waa ay ku kala duwantahay xayawaanka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qanjidh-dhidid
m.l (-dho ..., m.l) (cilmiga naflayda) Qanjidh dhuuban oo leexleexsan oo ku yaalla dubka. Waxa uu soo daayaa dhidid. Tirada qanjidh dhididku waa ay ku kala duwantahay xayawaanka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qanjidh-dhidid
-ka: (magac, lab, keli) qanjidh dhuuban oo leexleexsan oo ku yaalla dubka, Waxa uu soo daayaa dhidid. Tirada qanjidh dhididku waa ay ku kala duwantahay xayawaanka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qanjidh-taymas
m.l Qanjir ku yaal lafta shafka xaggeeda gudaha xigta, caruurta keliya ayaa leh, dadka waaweyn waa ka baaba'a, wuxuuna ka tirsanyahay qaybta difaaca jirka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanjidh-tarmeed
m.l (cilmiga naflayda) Organno had iyo jeer lammaane ah oo laga helo xayawaanka, kuwaas oo soo saara gaameytyo.

qanjidhka tayroydh
m.l (cilmiga naflayda) Qanjidh marinla' oo laba laab leh oo laga helo lafdhabarleyda kuna yaalla salka qoorta. Wuxuu dhiijiyaa laba horomoon oo ay ku jirto ayoodhiin, oo kala ah tayrogsiin iyo tarayodhoytayrosiin, kuwaas oo xukuma dariiqooyinka dheefsasho ee jidhka oo dhan. Waxa kale oo ay duudsiyaan koritaanka duleed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadhqadhyood
-ka: (magac, lab, keli) gariirid ilkaha la isla dhaco. Dh: qarqaryood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qanjidhtaymas
-ka: (magac, lab, keli) qanjir ku yaal lafta shafka xaggeeda gudaha xigta, caruurta keliya ayaa leh, dadka waaweyn waa ka baaba'a, wuxuuna ka tirsanyahay qaybta difaaca jirka.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QASHIN-BIYOOD
(Gashin-biod) N Corchorus trilocularis L. Tiliaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanjidh taymas
m.l Qanjir ku yaal lafta shafka xaggeeda gudaha xigta, caruurta keliya ayaa leh, dadka waaweyn waa ka baaba'a, wuxuuna ka tirsanyahay qaybta difaaca jirka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qanjidhtarmeed
-ka: (magac, lab, keli) organno had iyo jeer lammaane ah oo laga helo xayawaanka, kuwaas oo soo saara gaameytyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ganjidh-tarmeed
m.l (-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Organno had iyo jeer lammaane ah oo laga helo xayawaanka, kuwaas oo soo saara gaameytyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qanjidh-marinla
m.l (cilmiga naflayda) Qanjidh kasta oo xayawaanka laga helo, kaas oo soo saara horomoonno, si toos ahna ugu dhiijiya qulqulka dhiigga, si ay shaqo uga qabtaan meelo kala durugsan oo jidhka ka mid ah qanjidhada marinkala' waxay xukumaan waxqabadyada qunyar socodka ah ee waqti dheer qaata ee jidhka, sida koritaanka qofka iyo korriinka sinjiyeed.