qanje
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qanje
(Qanja-ha)
Cudur xun oo xoolaha ku dhaca oo qanjirradu madoobaadaan; kud; (ama qanjo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanje
m.l Cudur ariga ku dhaca oo markiiba dila. la-mid: qanjo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qanje
m. n., [collective] anthrax (serious disease affecting goats)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qanje
-qanjaha: (n) fatal disease that usually affects cattle and sheep, anthrax (aan-tharaak-siz)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qanje
-ha: (magac, lab, keli) cudur xoolaha qanjidhada kaga dhaca. Kud ka guur oo qanje u guur. Dh: qanjo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qanje
a: anjo
de: anthrax (serious disease affecting goats)
lx: qanje
pd: (/ha)
ps: n7-m-col
key: qanje
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaje
m.l 1. Midab caddaan ah oo ay farduhu yeeshaan. 2. Qof midabka jirkiisa iyo tintiisaba aad u casyihiin. la-mid: qaajay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaaje
m. n. pale white (color of a horse); pale ~ whitish person
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Qaaje
nickname-m pale white (color of a horse); pale-whitish person; which is considered by some as beautiful
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Qaaje
magac loo bixiyo wiil qurux leh oo muuq dheer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaje
-ha: (magac, lab, keli) eeg qaajay.
qaaje -ha: (magac, lab, keli) midab caddaan ah oo ay farduhu yeeshaan.
qaaje -ha: (magac, lab, keli) qof midabka jirkiisa iyo tintiisuba aad u casyihiin. Dh: qaajay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaaje
de: pale white (color of a horse); pale ~ whitish person (considered a beautiful color)
lx: qaaje
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: qaaje
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanjo
m.l la-mid: qanje.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qanjo
m. n. anthrax
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qanjo
de: anthrax
lx: qanjo
pd: (/ha)
ps: n6-m
see: qanje
key: qanjo
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QUNJE
(Gunje) S, May Cyperus compressus L. Cyperaceae.
S Cyperus zollingeri Steud. Cyperaceae.
S Cyperus alopecuroides Rottb. Cyperaceae.
S Mariscus hemisphaericus (Boech.) C.B.Cl. Cyperaceae.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
parotite
s.f. - qanjebarar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qanjidh
-ka: (magac, lab, keli) cad yar oo kuusan oo jidhka ku baahsan oo soo saara dheecaanno ay ka mid yihiin dhareerka, lilmada, dhididka, iyo dheecaanka isku naba unugyada taran iyo waxyaale kale oo badan. Qajidhka ayaa i bararay Wa: qanje, qanjo, qanjidho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanjeb
(fal) «u ~» u gooddi ama u cagajuglay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laanje
-ga: (magac, lab, keli) doon yar oo matoor leh oo inta badan lagu kaluumaysto ama lagu dalxiiso. Dh: laash, huudhi, huuri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qajaje
-ha: (magac, lab, keli) tiixtiixa ka dambeeya roobka weyni marka uu da'o. Qajaje ayaa da'aya ee ina mari aan soconee.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QANDLE
(Gandle) S Bruguiera gymnorrhiza (L) Lam. Rhizophoraceae.
S Rhizophora mucronata Lam. Rhizophoraceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qanjad
(Qanjad-da)
Doonyo waaweyn oo Suur laga sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanjad
m.dh (-do, m.l) Doonni baqalka ka yar oo hore u dhuuban gadaalna u ballaaran.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qanjad
f. n., [collective] sambuc, kind of large boat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qanjad
-ka: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah doonyaha. Doonni qanjad ah ayaan raacnay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qanjad
de: sambuc, kind of large boat
lx: qanjad
pd: (-da)
ps: n1-f-col
key: qanjad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qanjir
(Qanjir-ka)
Mid kamid ah, cadad ciiddaas ah oo qaab walbaba leh oo kuwa aad u yaryar iyo kuwo waaweynba leh oo oogada ku jira: dhiigga bay inta wax ka soo soocaan oo waxaas si gaar ah u farsameeyaan, dhacaanno hor leh oo oogadu u baahan tahay ka soo saaraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanjir
qanjir¹: m.l 1. Cad yar jirka nafleyda ku yaal oo dhala dheecaano uu jirku u baahanyahay. 2. Q. ah: qof aan shakhsiyad wanaagsan lahayn. 3. la-mid: qanjirid. la-mid: qanjidh.
qanjir²: f.mg1 (-ray, -rtay) Badar siiba digir karis xumo awgeed bislaan waayid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qanjir
m.l 1. Cad yar jirka nafleyda ku yaal oo dhala dheecaano uu jirku u baahanyahay. 2. Q. ah: qof aan shakhsiyad wanaagsan lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qanjir
m. n. gland
qanjir v. be improperly cooked ~ under-cooked
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qanjir
-ka: (n) gland (galaandh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qanjir
-ka: (magac, lab, keli) ee qanjidh.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
qanjir
غدة
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
QANSEX
Acacia reficiens 01
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qunjee
f.g2 (-jeeyay, -jeysay) la-mid: qujee.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
âne
âne, n.m. - Dameer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qan
(Qan-ka)
(oogo) jin; jurmi; laf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qan
m.l Jurmi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qan
m. n. thickness, size; circumference
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qan
-ka: (magac, lab, keli) carrabka salkiisa halka ay ku yaallaan ilaha dhareerku ka soo baxo. Qanka carrabka ayaa i xanuunay.
qan -ka: (magac, lab, keli) han, cir. Qan weyniy waa reerkaaga colkii.
qan -ka: (magac, lab, keli) oogo, jimidh. Dh: muuqaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qan
de: thickness, size; circumference
lx: qan
pd: (-ka Pl: qanan (ka))
ps: n4-m
syn: jurmi
key: qan
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ange
ange, n.m. - Malag ( Masiixiyiintaa u taqaan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anse
mu.eb Magacuyaalka qofka kowaad oo ka kooban 'ani' iyo 'se'.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anse
(magac'uyaal) qofka koowaad ee hadlaha ah oo la kooban 'aniga' iyo xidhiidhiyaha 'se'. Saaxiibbaday way wada dhoofeen, anse waxaan doortay inaan dalkayga hooyo ka shaqeeyo oo u shaqeeyo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bane
/beyn/ (n) dhibaatayn; wax dhibato leh oo wax khariba (kharibaad).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bane
-ha: (magac, lab, keli) dhaxan qabow oo dhacda xilliga dayrta. Waataan bane u diid lahaa yeyaan baalidine.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bane
n., (poison) dhuunkaal, -shi, waabaayo, -adi.
bane, v.tr., dhuunkaal sii, waabaayay.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
cane
(n) a stick used as an aid in walking.
baakoorad
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cane
/keyn/ (n) 1. qasabka sonkorta laga sameeyo (n) 2. ul; matoobbo.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
cane
/keen/ (n) 1. hamuung, ully qasabky. 2. ully lyky kutubaw.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
cane
s.m. - eey (ga).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
cane
cane,n, f. - Dhaddiga balanboolada (shimbir)
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
cane
n., (kind of reed) duur, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faje
m.l (daawo) Cudur xariirta lafdhabarta ku dhaca oo keena gasarka ama tuurta. la-mid: fajo, fujo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faje
m.l (daaw.) Cudur xariirta lafdhabarta ku dhaca oo keena gasarka ama tuurta. la-mid: fajo, fujo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faje
m. n. condition that causes deformity of the spine (hump)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faje
-ha: (magac, lab, keli) cudur ku dhaca lafaha dhabarka oo qofka soo qalloociya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faje
de: condition that causes deformity of the spine (hump)
lx: faje
pd: (/ha)
ps: n-m
key: faje
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gane
m.l (-nayaal, m.l/dh) Bir, qori, iyo wixi lamida qaroofan oo wax la suro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gane
m.l (-nayaal, m.l/dh) Bir, qori, iyo wixi lamida qaroofan oo wax la suro.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
lane
wadiiqada
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
lane
/leyn/ (n) 1. dariiq yar (wadiiqo) 2. layn ama dariiq ka mid ah waddo weyn (oo calaamadsan).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mane
/meyn/ (n) baar (timaha ka baxa tunka faraska iyo libaaxa).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
mane
n., (of a horse) guud, -ki; hair of the mane, sayn, -ti.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
pane
/peyn/ (n) muraayad ama dhalo, badanaa daaqadaha iwm la geliyo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
pane
s.m. - rooti.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaji
-da: (magac, dhedig, keli) madax duuban oo barbaridu bixiso oo iniinyuhu ku jiraan inta uu akhtarka yahay ee aanu weli casaan. Qaji kulul ayay cuntada ku dartay walaashay maanta. Dh: barbari.
qaji-da: (magac, dhedig, keli) baarka hore ee curdiga ah ee laamuhu marka ay roob helaan ay bixiyaan. Inta qajida ah laanta iiga soo goo. Dh: curdin, fadhaq, yurub. Li: gaalaw.
qaji -da: (magac, dhedig, keli) dullaha ama wadhfaha inta laadlaadda ee dhuuban ee darifka lagaga sameeyo. Dullaha qaji dheer u yeel.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qale
m. n. butcher
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qale
-qalaha: (n) uneasiness (an-iisi-nes), especially uneasy with strangers ~qalo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qale
de: butcher
lx: qale
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: qale
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qani
(Qani-ga)
Hodan; tanaad; maalqabeen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qani
m.l.kh Q. ah: qof maalqabeen ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qani
m.l.kh Q. ah: qof maalqabeen ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qani
m. n. rich man, wealthy person
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Qani
riche.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qani
-ah: (adj) rich (rzy); wealth (wel-thi) ~taajir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qani
-ga: (magac, lab, keli) qof xoolo badan haysta Adeerkay waa nin qani ah. Dh: hodan, maalgabeen Li: caydh, faqiir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qani
bw: Arabic
de: rich man, wealthy person
lx: qani
pd: (-ga)
ps: n2a-m
syn: hodan, tanaad
key: qani
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qare
(Qara-ha)
1. Geed dhulka ku faalala oo dhala miro waaweyn oo kankoonsan oo leh buruq weyn oo aad u macaan una udgoon.
2. Miraha laftooda; xabxab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qare
m.l 1. Geed dhulka ku faalala oo leh caleen balballaaran iyo miro waaweyn oo kankoonsan oo dhacaan macaan oo lagu oon baxo leh. 2. Miraha geedka qaraha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qare
m.l 1. Geed dhulka ku faalala oo leh caleen balballaaran iyo miro waaweyn oo kankoonsan oo dhacaan macaan oo lagu oon baxo leh; xabxab. 2. Miraha geedka qaraha.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qare
m. n. watermelon
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QARE
(Gare) All.Som. Citrullus lanatus (Thinb) Mansf. Cucurbitaceae.
S, May, N, C Citrullus colocynthis (L) Schard. Cucurbitaceae.
S Cucumis figarei Naud. Cucurbitaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qare
-qaraha: (n) watermelon (wotar-melan) ~ xabxab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qare
-ha: (magac, lab, keli) geed khudradda ka mid ah oo dhulka ku dagaaga oo midho waaweyn co aad u buurbuuran bixiya. Dh: xabxab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qare
de: watermelon
lx: qare
pd: (/ha)
ps: n7-m-enum
syn: xabxab
key: qare
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Qase
nickname-m disturber; troublesome
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qase
-ha: (magac, lab, keli) yaxyax iyo wejigabax ku dhaca qof wanaag samee is lahaa oo laga abaaldaro. Meeshii aan tegey qase tuur leh ayaan kala soo noqday.
qase -ha: (magac, lab, keli) qof wax laaga oo meeshii loo diraba qas iyo wareer geliya. Nin gase ah wax qaybi ha odhan. Dh: laage.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sane
/seyn/ (adj) 1. maskax-fayow (miyir qaba) 2. macquul ah.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
sane
a., (healthy) (meel) caafimaad leh.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
wane
/weyn/ (v) soo-yaraansho (yaraansho).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aanee
f.g/mg2 (-neeyay, -naysay) 1. (f.g) U aa.: cid, cid kale oo dakano ka gashay ka gudid. 2. (f.mg) U aa.: wax dhacay cid ku tuhmid. Tusaale: 'Waxyeelada baabuurka gaartay waxaa loo aaneynayaa taxaddar la'aanta shufeerka'.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aanee
f.g/mg2 (-neeyay, -naysay) 1. (f.g) U aa.: cid, cid kale oo dakano ka gashay ka gudid. 2. (f.mg) U aa.: wax dhacay cid ku tuhmid. Tusaale "Waxyeelada baabuurka gaartay waxaa loo aaneynayaa taxaddar la'aanta shufeerka". m.f.dh, aanayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aanee
v. blame, accuse, resent, hold responsible for; charge with; seek revenge
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aanee
-yey / aaneysay: (v) [ with preposition u ] hold liable to; desire revenge; to spite; accuse (akiyuus)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanee
(fal) wax dhacy, cid ama wax kale ku sababee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aanee
de: blame, accuse, resent, hold responsible for; charge with; seek revenge
lx: aanee
pd: (aaneeyey)
ps: v2b=
key: aanee
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
bande
bande, n.f. - Koox; Urur samaysan; Duub.
bande de gens - shirkad ama urur haween ah; Raxanshimbiro ah.
bande troupeau - xayn; koox ciidan ah.