qandicis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qandicis
m.l la-mid: qandicin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qandicis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qandicin. qandiir: (fal) wax in yar kululaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qandici
f.g2 (-iyay, -isay) Wax in yar kululayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qandici
f.g2 (-iyay, -isay) Wax in yar kululayn. m.f.dh, qandicin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qandici
v. make lukewarm
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qandici
-yey / say: (v) make warm, tepid (tapidh) or lukewarm (luuk-woorm) ~qandiiri
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qandici
(fal) biyo diiri; diirrimaad ka dhig. Qandici biyaha aan ku maydhee. Dh: diiri, kulayli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qandici
de: make lukewarm rw: qandac
lx: qandici
pd: (qandiciyey)
ps: v2a=tr
key: qandici
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qandicid
m.f.dh eeg qandac².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qandicin
(Qandicin-ta)
Qandac ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qandicin
m.f.dh eeg qandici. la-mid: qandicis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qandicin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax diirran ka dhigid. Qandicinta biyaha ku dhaqso. Dh: diirin kulaylin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qandhicil
(Qandhicil-ka)
Ugaxda injirta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qandhicil
m.l.u Ugxaanta yaryar oo cadcad oo ay injirtu dhasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qandhicil
m.l.u Ugxaanta yaryar oo cadcad oo ay injirtu dhasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qandhicil
m. n., (mass n.): nits, louse-eggs
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qandhicil
-ka: (n) nit (nit); egg of a louse (laws) or lice (laays) ~ qindhicil, injir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qandhicil
-ka: (magac, lab, keli) ugxanta injirta. Nin injirleh qandhicil ayaa lagu gartaa. Dh: indhiqil, qindhicil.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qandhicil
bw: qindhicil
cf: dhamiijo
de: nits, louse-eggs
lx: qandhicil
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
key: qandhicil
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
qandhicil
صُوَّابَة، بَيْضَةُ القَبْلِ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qancis
m.l la-mid: qancin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qancis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qancin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anficis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg anficid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qandaci
-yey / say: (v) make warm ~ diiri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qandiir
qandiir¹: m.l Wax kulkoodu yaryahay.
qandiir²: f.mg1 (-ray, -rtay) Wax in yar kululaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qandiir
f.mg1 (-ray, -rtay) Wax in yar kululaansho. m.f.dh, qandiirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qandiir
m. n., [abstract] lukewarmness, tepidity
qandiir [inchoative] v. grow lukewarm
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qandiir
-ka: (magac, lab, keli) wax kulkoodu yaryahay.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaadicid
-da: (n) the act of boycotting; not participating ~ qaadacaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaddicid
m.f.dh eeg qaddac. la-mid: qaddac¹ (3).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laandhicis
m.l la-mid: laandhicin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaddicid
m.f.dh eeg qaaddac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaddicid
-da: (magac, dhedig, keli) diidid oo arrin socda si qayaxan uga hor imasho. Xisbiyada mucaaradku waxay ku heshiiyeen qaaddicidda doorashada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaldhicid
m.f.dh eeg qaldhac². la-mid: qaldhocod, qallicid, qallixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qandhacil
-ka: (magac, lab, keli) ugacda injirta. Dh: qandhicil, indhiqil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qandiirid
m.f.dh eeg qandiir².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qandiirin
m.f.dh eeg qandiiri.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qindhicil
m. n., (mass n.): nits, louse eggs
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qindhicil
-ka: (n) nit (nit); egg of louse (laws) or lice (laays) ~ qandhicil, injir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qindhicil
-ka: (magac, lab, keli) eeg qandhicil.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qindhicil
a: qandhicil {N}
de: nits, louse eggs
lx: qindhicil
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
key: qindhicil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nicis
-ta: (magac, dhedig, keli) shinnida caydha ah. Nicis ayaa geedka ku dhabatay.
nicis: (tilmaame) mid aad u yar ah. Dh: niqis, dhal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qadis
m.dh la-mid: qadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadis
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale qadin.
qadis-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanci
f.g2 (-iyay, -isay) Cid raalli ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qanci
v. convince, satisfy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qanci
-yey / say: (v) give satisfaction; satisfy (satis-faay); convince (kon-viin-si); persuade (peer-su-weeydh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qanci
(fal) cid kale garwaaqsii oo ka raarid. In lagaa gardaran yahay dadka ku ganci.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qanci
de: convince, satisfy rw: qanac
lx: qanci
pd: (qanciyey)
ps: v2a=tr
key: qanci
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qandi
(Qandi-ga)
Kolay yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qandi
m.l (-iyo/qandi, m.dh) Kolay yar oo wax lagu gurto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qandi
m.l (-iyo/qandi, m.dh) Kolay yar oo wax lagu gurto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qandi
m. n. small bag, man's purse
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qandi
-ga: (magac, lab, keli) kolay yar. Wadaad qiil uu wax ku bannaysto iyo qandi uu wax ku ritaba ma waayo. Dh: kiish.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qandi
cf: kiish, kolay
de: small bag, man's purse
lx: qandi
pd: (-ga Pl: qandi (da))
ps: n2a-m, n5-m
key: qandi
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
antics
/aantiks/ (n) 1. majaajillo ama waxyaabo kale oo aan caadi ahayn oo dadka looga qosliyo ama looga yaabiyo. e.g. the antics of the President's policy. 2. fal-foolxun.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
antics
/antikis/ (n) (pl) wal lyky koothy oo yaab leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badcis
-ta: (magac, dhedig, keli) wax cusub bilaabid. Dh: badcid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaacis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qaacin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaadis
m.dh la-mid: qaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaadis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qadiid
(Qadiid-ka)
1. Culayga weelka.
2. Madowga culaygu weelka u yeelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qadiid
m.l 1. Culay weelka biyaha ama caanaha lagu nadiifiyo. 2. Madowga culaygu uu weelka u yeelo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qadiid
m.l 1. Culay weelka biyaha ama caanaha lagu nadiifiyo. 2. Madowga culaygu uu weelka u yeelo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qadiid
m. n., [collective] wood used for smoking milk vessels, etc.; the black color it produces
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Qadiid
nickname; name-m kinky haired; wood used for smoking milk vessel or the black color it produces (black)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadiid
-ka: (magac, lab, keli) eeg qadaad.
qadiid -ka: (magac, lab, keli) madawga uu culaygut weelka ku reebo. Qadiidka lama maydhee waa la masaxaa. Dh: cugay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qadiid
de: wood used for smoking milk vessels, etc.; the black color it produces
lx: qadiid
pd: (-ka)
ps: n2a-m-col
key: qadiid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qadiim
(Qadiim-ka)
Waa hore ahaa; fil weyn; raagey; duug (ama qadiin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qadiim
m.l.kh 1. Q. ah: shey gaboobay oo waqti hore ahaa. 2. Q. ah: wax waqtigii la isticmaali lahaa la soo dhaafay oo xumaaday. la-mid: qadiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qadiim
m.l.kh 1. Q. ah: shey gaboobay oo waqti hore ahaa. 2. Q. ah: wax waqtigii la isticmaali lahaa la soo dhaafay oo xumaaday. la-mid: qadiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qadiim
n. antique item, archeological artefact; antiquity
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qadiim
-ka: (n) 1. ancient (een-shant) times; antiquity (an-tik-witi) 2. qadiim -ah: (adj) antique (aan-tiik). Ex: baabuur qadiim ah; an antique car -qadiimi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadiim
(tilmaame) soo jireen ah. Soomaalidu taariikh qadiim ah ayay leedahay
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qadiim
a: qadiin, qadduun
bw: Arabic
de: antique item, archeological artefact; antiquity
lx: qadiim
pd: (-ka)
ps: n2(a)-m
key: qadiim
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qadiin
qadiin¹: m.l la-mid: qadiim.
qadiin²: m.dh 1. Midab-gaddoonka ku dhaca xoolaha jirran; yuduun. 2. Badar muddo yiil oo uumi gaaray.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qamiis
m. n. long robe ~ shirt
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qamiis
-ka: (n) traditional long shirt (sheert); robe (roowb) ~ shaati, khamiis
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qamiis
a: khamiis
bw: Arabic
de: long robe ~ shirt
lx: qamiis
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: qamiis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qancid
(Qancid-da)
Wax laysu sheegay oo lays dhacsiiyey, u qaadasho, rumaysasho, deeqid; fillaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qancid
m.f.dh eeg qanac².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qancid
-da: (magae; dhedig, keli) garwaaqsasho oo fahmid, Dh: qancis. Li: diidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qancin
(Qancin-ta)
Hadal deeqsiin, dhacsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qancin
m.f.dh eeg qanci. la-mid: qancis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qancin
-ta: (n) satisfaction (sat'is-fak-shin); the act of convincing (kon-viinsi-ment); contentedness (kon-teentidh-ness); persuasion (peer-suweeyshin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qancin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid talo aad uga raaridid, Dadku gancin ayay u baahan yihiin. Dh: qancis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qandac
(Qandac-a)
Kulayl iyo qabow dhexdood; wax diirran ah; kuljiir,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qandac
qandac¹: m.l.kh Q. ah: wax kuleylkoodu yar yahay.
qandac²: f.mg1 (-cay, -cday; -dici) Wax in yar kululaaday noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qandac
m.l.kh Q. ah: wax kuleylkoodu yar yahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qandac
m. n., [abstract] temperateness (neither hot nor cold), lukewarm temperature
qandac [inchoative] v. become tepid ~ lukewarm
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qandac
-ah: (adj) warm (woom) ~ diirran. Ex: biyo qandac ah i sii; give me a warm water
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qandac
(fal) diirrimaad ka dhig.
qandac -a: (magac, lab, keli) kulayl iyo qabow u dhexeeya; wax diirran. Biyuhu aad uma kulula oo waa qandac. Dh: fardiiris, diirrimaad.
qandac-a: (magac, lab, keli) soo dhanaanaanshaha caanaha. Caano gandac ah ayuu noo keenay Dh: maydhanaan, waraabadila.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qandhi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: qandhee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaniin
(Qaniin-ka)
1. Bahallo yaryar oo ishu ayan qaban karin oo cudurro keena; jeermi.
2. Shilin aad u yaryar; shax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaniin
qaniin¹: m.l Guud ahaan cayayaanka yaryar ee xoolaha dhiiggooda ku nool sida shilinta, dhuugga iyo wixi lamida.
qaniin²: f.g1 (-nay, -ntay) 1. Ilko si xoog leh wax ugu qabasho. 2. Cayayaan nafley dhiig ka jaqid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaniin
qaniin¹: m.l Guud ahaan cayayaanka yaryar ee xoolaha dhiiggooda ku nool sida shilinta, dhuugga iyo wixi lamida.
qaniin²: f.g1 (-nay, -ntay) 1. Ilko si xoog leh wax ugu qabasho. 2. Cayayaan nafley dhiig ka jaqid. m.f.dh, qaniinid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaniin
m. n. small tick; germ
qaniin v. bite, sting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaniin
-ay / tay: (n) bite (baayt). Ex: ilkaha ku qaniin; bite with the teeth
qaniin -ka: (n) louselike insects that are parasitic on livestock especially sheep, goats, and cattle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaniin
(fal) ilkaha xoog ugu qabo oo ku xanuuni.
qaniin -ka: (magac, lab, keli) cayayaan takarta la bah ah oo xoolaha cuna oo kaga cabandiya.
qaniin -ka: (magac, lab, keli) cayayaan ili ma qa- batay ah oo cudurro keena. Cudurka weysha haya qaniin buu ka dhashay. Dh: jeermis, mikaroob.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
qaniin
لَسْع لَدْعَ عَضَةً