ereyga

qandho-tifow

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

qandho-tifow

DHAN

m.dh (daawo) Cudur la isqaadsiyo oo ku dhaca xubnaha qaybta dheefshiidka, waxaana keena baktiiriyada “salmonella typhi”. Astaamo: itaaldarro, qandho badan, finan ka soo baxa laabta iyo jirka ka hooseeya, qarqaryo, dhidid iyo halaamacood lafaha iyo beeryarada (xaaladaha daran) dhiigbax ka yimid xiidmaha oo dalooshama, iskudaran. Waxaa laga qaadaa cunno ama biyo uu gaaray saxaro qof qaba cudurka ama qof sida jeermigiisa oo aan bukin (carriers).

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qandhatifow

DHAFAN

-da: (magac, dhedig, keli) cudur la isqaadsiyo oo ku dhaca xubnaha qaybta dheefshiidka, waxaana keena baktiiriyada 'salmonella typhi'. Astaamaha lagu garto waxaa ka mid ah, itaaldarro, qandho badan, finan ka soo baxa laabta iyo jirka ka hooseeya, qarqaryo, dhidid iyo halaamacood lafaha iyo beeryarada (xaaladaha daran) dhiigbax ka yimid xiidmaha oo dalooshama, iskudaran.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]

Qandho-ha

DHAFANDHAAF

fièvre.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Qandhuufo

DHAFANDHAAF
1

(Qandhuufa-da)

2

Far iyo suul ciddiyohooda oo xoog wax loogu qabto oo loogu xanuujiyo; qanjaruufo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

qandhuufo

DHAFANDHAAF
1

qandhuufo¹: m.dh Far iyo suul ciddiyahooda oo xoog meel qof jirkiisa ka mid ah loogu qabto si loo xanuujiyo. la-mid: qanjaruufo¹.

2

qandhuufo²: f.g3 (-ftay, -fatay) 1. Far iyo suul ciddiyahooda cid ku xanuujin. 2. Cid hoos ugu baaqid. la-mid: qanjaruufo².

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

qandhuufo

DHAFANDHAAF
1

f. n. pinch

2

qandhuufo v. pinch, nip

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

qandhuufo

DHAFANDHAAF
1

-qandhuuftay / qandhuufatay: (v) pinch (pinj) or nip (nip) with the thumb and a finger ~ qan-jaruufo

2

qandhuufo -da: (n) pinching with the thumb and a finger

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qandhuufo

DHAFANDHAAF
1

(fal) cid kale, qanjiidhi.

2

qandhuufo-da: (magac, dhedig, keli) eeg qandhuuf.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qandhabaaratifo

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) cudur la isqaadsiiyo oo uu keeno baktiiriyada salmonella baaratiifay: (A, B, iyo C). Baktiiriyada waxay ku badantahay saxarada bukaannada cudurkaas qaba iyo kuwa cudur sidayaasha ah oo aan bukin, wuxuuna cudurkaasi dillaaca marka nadaafad xumadu u badato ama si aan fayodhowr lahayn cunno loo aqoolo.

waa la naqliyay ✓