qandhabaaratifo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qandhabaaratifo
-da: (magac, dhedig, keli) cudur la isqaadsiiyo oo uu keeno baktiiriyada salmonella baaratiifay: (A, B, iyo C). Baktiiriyada waxay ku badantahay saxarada bukaannada cudurkaas qaba iyo kuwa cudur sidayaasha ah oo aan bukin, wuxuuna cudurkaasi dillaaca marka nadaafad xumadu u badato ama si aan fayodhowr lahayn cunno loo aqoolo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qandho-baaratifo
m.dh (daawo) Cudur la isqaadsiiyo oo uu keeno baktiiriyada salmonella baaratiifay: (A, B, iyo C). Baktiiriyada waxay ku badantahay saxarada bukaannada cudurkaas qaba iyo kuwa cudur sidayaasha ah oo aan bukin - wuxuuna cudurkaasu dillaaca markii nadaafad xuma u badato ama si aan fayodhowr lahayn oo cunno loo aqoolo. Kalhuuriska oo ah 1-10 maalmood, ka dib astaamo ay ka mid yihiin; shuban, qandho ladifan iyo firiiric ka soo baxa laabta, ayaa bilowda waxayna socdaan muddo toddobaad ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qandho-baaratifo
m.dh (daaw.) Cudur la isqaadsiiyo oo uu keeno baktiiriyada salmonella baaratiifay: (A, B, iyo C). Baktiiriyada waxay ku badantahay saxarada bukaannada cudurkaas qaba iyo kuwa cudur sidayaasha ah oo aan bukin - wuxuuna cudurkaasu dillaaca markii nadaafad xuma u badato ama si aan fayodhowr lahayn oo cunno loo aqoolo. Kalhuuriska oo ah 1-10 maalmood, ka dib astaamo ay ka mid yihiin; shuban, qandho ladifan iyo firiiric ka soo baxa laabta, ayaa bilowda waxayna socdaan muddo toddobaad ah.
qandhuufo¹: m.dh Far iyo suul ciddiyahooda oo xoog meel qof jirkiisa ka mid ah loogu qabto si loo xanuujiyo. la-mid: qanjaruufo.
qandhuufo²: f.g3 (-ftay, -fatay) 1. Far iyo suul ciddiyahooda cid ku xanuujin. 2. Cid hoos ugu baaqid. m.f.dh, qandhuufasho. la-mid: qanjaruufo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qandhaggalti
m.l Xanuun xummad leh oo ku dhaca qof yimaada meel uusan hore u joogi jirin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qandhaggalti
-ga: (magac, lab, keli) xanuun xummad leh oo ku dhaca qof yimaada meel uusan hore u joogi jirin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhabarraqso
(fal) noole dhowaan dhashay, indhaha kala fur; wax arag bilow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mandharaariye
-ha: (magac, lab, keli) eeg mandharaari.
mandharaariye -ha: (magac, lab, keli) qof wax kala tashiila ama yaryareeya. Li: musrif, matashiile.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
candhasaabasho
m.f.dh eeg candhasaabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haldhabaalayso
(fal) wax firi leh, kolba hal qaado. Dh: halhalayso, haldhablayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
candhasaaban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax la candhasaabay ahaansho (ari).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
candhasaaban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax la candhasaabay ahaansho (ari). m.f.dh, candhasaabnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
candhasaabid
m.f.dh eeg candhasaab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
candhasaabid
-da: (magac, dhedig, keli) naasaha candhasaab gelin oo ku qarin. Dh: candhasaabis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
candhasaabis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg candhasaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fadhibarasho
m.f.dh eeg fadhibaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadhibarasho
-da: (magac, dhedig, keli) koritaanka ilmaha, kolka uu ku jiro marxaladda barashada fadhiga. Gurguurad hortii ilmuhu fadhibarashuu soo maraa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhagarasho
-da: (magac, dheddig, keli) qof, muuqiisa garasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalabaarogo
(fal) madax iyo mijo kolba dhinac u rogmo. Dh: qalaamarogo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaashaarasho
m.f.dh eeg qaashaaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadhaadhayso
(fal) wax aan macaanayn oo qadhaadh ama sida dacarta ah ka dhigo Qadhaadhayso bunka. Li: macaanayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qandho-tifow
m.dh (daawo) Cudur la isqaadsiyo oo ku dhaca xubnaha qaybta dheefshiidka, waxaana keena baktiiriyada “salmonella typhi”. Astaamo: itaaldarro, qandho badan, finan ka soo baxa laabta iyo jirka ka hooseeya, qarqaryo, dhidid iyo halaamacood lafaha iyo beeryarada (xaaladaha daran) dhiigbax ka yimid xiidmaha oo dalooshama, iskudaran. Waxaa laga qaadaa cunno ama biyo uu gaaray saxaro qof qaba cudurka ama qof sida jeermigiisa oo aan bukin (carriers).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wandhacaadid
-da: (magac, dhedig, keli) dhacadiid u jiifid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
candhaaqsasho
m.f.dh eeg candhaaqso. la-mid: candhaaqsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
candhaaqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) fadhi foolxun fariisasho; barraaqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haldhabaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kala filiqsan ama daassan, kolba mid qaadid. Gorowgii waxan ku dhammeeyey haldhablayn. Dh: halhalayn, haldhablayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
handaraabasho
m.f.dh eeg handaraabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhabarraqsi
-ka: (magac, lab, keli) eeg indhabarraqsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhasaabasho
m.f.dh eeg indhasaabo. la-mid: indhasaabad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaraabasaxati
-da: (magac, dhedig, keli) qaraabo fog oon dhawayn. Ninka qaraabasaxati ayaan nahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bandharaareede
-ha: (magac, lab, keli) wax aan madmadaw iyo qarqarini ku jirin oo cid walba og tahay. Waa bandharaareede xoolahaaga dhacso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haldhabaalaysi
-ga: (magac, lab, keli) wax tiro ah, halhal u qaadasho. Dh: halhalaysi, haldhabaalaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhabarraqsad
-ka: (magac, lab, keli) noole dhowaan dhashay, indhaha kala furid. Dh: indhadillaacsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhagaradnimo
m.dh Indhagarad ahaan-sho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaldhacnaansho
m.l/dh la-mid: qallacnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qondhacaysasho
m.f.dh eeg qondhacayso. la-mid: qondhacaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qundhacaysasho
m.f.dh eeg qundhacayso. la-mid: qundhacaysad, qundhacaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wandharnaansho
m.l/dh la-mid: wandharnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
candhasaabnaansho
m.l/dh la-mid: candhasaabnaan.