qan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qan
(Qan-ka)
(oogo) jin; jurmi; laf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qan
m.l Jurmi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qan
m. n. thickness, size; circumference
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qan
-ka: (magac, lab, keli) carrabka salkiisa halka ay ku yaallaan ilaha dhareerku ka soo baxo. Qanka carrabka ayaa i xanuunay.
qan -ka: (magac, lab, keli) han, cir. Qan weyniy waa reerkaaga colkii.
qan -ka: (magac, lab, keli) oogo, jimidh. Dh: muuqaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qan
de: thickness, size; circumference
lx: qan
pd: (-ka Pl: qanan (ka))
ps: n4-m
syn: jurmi
key: qan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bahal
(Bahal-ka)
Nafleyda dadka iyo duunyada cunta ama qaniinta ama si kale u disha; (dugaag, bahal-hoosaad; cayayaan...).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Booddo
(Boodda-da)
1. Si degdeg iyo xoog leh, inta cagaha meel loogu dhufto, oo labo meelood laysaga hawakaco; bootin.
2. Cayayaan yar oo boodbooda oo dadka iyo nafleyda kale dhiigooda ku nool; qandhiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Candhuufo
(Candhuufa-da)
Biyabbiyood layiig ah, badanaana xoor cad wata oo qanjirrada afka ka yimaada; calyo; (ama candhuuf).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deddatir
(Deddatir-ka)
1. Dhaxantir.
2. Qof la qaniiney ama dhaawac halis ahi gaarey, degdeg wax ugu qabasho; dhibiibtir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaxan
(Dhaxan-ta)
1. Qabow badan oo jirku dareemo oo wax 1a huwado ama la dugsado u baahi geliya.
2. Cudur, badanaa soo noqnoqda oo qandho kulul leh, oo kaneecada qaarkeed qaniinyadeedu ku wacan tahay; duumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhukaan
(Dhukaan-ka)
Cudur geela ku dhaca oo qaniinka ka kaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhukay
(Dhukay-ga)
Dhegdheg dhegta daloolkeeda dibadxigeenka ah ku yaal oo ka yimaada qanjirro daloolka u dhow: wixii waxyeello leh oo dhegta soo gala buu celiyaa inta ayan reemaha dhegta soo gaarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuug
(Dhuug-ga)
Cayayaan duula oo qaniinyo kulul oo geela cuna; gendi; riibi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dibqallooc
(Dibqallooc-a)
Bahal caarada la bah ah oo ku nool dalalka kulul oo engegan; wuxuu lee yahay lix lugood iyo labo ciddiyood oo sida birqaabka wax u qabta iyo dabo dheer oo xubno leh oo kor u qaroofan oo ku dhammaata caarad daloosha oo wax mudda oo uu waabaayadiisa ka dhiijiyo; qaniinyadiisu waa xanuun badan tahay, kolkolna waa loo dhintaa; hangaralle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diirid
(Diirid-da)
1. Diirka ka qaadid.
2. Qandac noqosho; kululaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diirin
(Diirin-ta)
Wax yar kululayn; qandac ka dhigid; (ama diirrin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diirran
Yare kulul; qandac ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duumo
(Duuma-da)
Cudur qandho daran leh oo badanaa soo labakacleeya: Kaneecadaa dawisa oo dadka isaga qaadda; dhaxan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faras
(Faras-ka)
Neef lab oo gammaanka kamid ah; wuxuu lee yahay afar addin oo xoogag badan oo qoobab ku dhammaada, guud iyo qanaan dheer: waa la fuulaa, waa la rartaa ama lagu xoojiyaa, beerahaa lagu fashaa...
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Furuq
(Furuq-a)
Cudur daran oo lays qaadsiiyo; wuxuu lee yahay, qandho iyo mantag iyo nabarro badan oo jirka ka soo yaaca, kolkay biskoodaanna furuqdhoon ku reeba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gariiriso
(Gariirisa-da)
1. Wax gariirisa.
2. Qandhada daran oo oogadu la gariirto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gelmi
(Gelmi-ga)
Cayayaan yaryar oo duula oo qaniinyo kulul; wuxuu u eg yahay dhurdaha iyo dhuunyaalaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gelmidhabasho
(Gelmidhabasha-da)
(xoolo, kd.) Gelmiga iyo takarta iyo qaniinka kale iska eryid; takaradhabasho; gilgilasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gendi
(Gendi-ga)
Cayayaan diqsiga u eg oo dadka iyo nafleyda kaleba qaniina cudurrona u keena.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqan
-ka: (magac, lab, keli) inan bulshaawi ah oo cayaaraha iyo kulamada ku fiican laakiin hanti lumis ah.
aqan -ka: (magac, lab, keli) dibindaabyada noolaha lab uu ku geysto dhallinyaranimada. Markuu luqunmadoobow ratuhu laacdan baranaayo, isagaa u laandeyro badan laqanka xoolaade.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaan
1. (Qaan-ka) a) Geela intiisa dhallinta yar ubadkana ka waaweyn. b) Kalluun.
2. (Qaan-ta) Dhaawac ama waxyeello kale oo cid la gaarsiiyey, qiimaha laga simo, oo qofka wax la yeelay ama wax ka maqan yihiin la siiyo; mag; gashi; diyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaan
qaan¹: m.l.u 1. Nooc kalluunka ka mid ah. 2. Geela intiisa da'da yar oo aan weli curan ama raridda gaarin. 3. (-aaman, m.l) Meesha dhuuban ee daanka.
qaan²: m.dh Hanti, dhiig iyo wixi lamida oo cid lagu yeesho.
qaan³: f.g1 (-aamay, -aantay; -aami) Is q.: xil is qaadid (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaan
qaan¹: m.l.u 1. Nooc kalluunka ka mid ah. 2. Geela intiisa da'da yar oo aan weli curan ama raridda gaarin. 3. (-aaman, m.l ) Meesha dhuuban ee daanka.
qaan²: m.dh Hanti, dhiig iyo wixi lamida oo cid lagu yeesho. qaanbax f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Deyn cid lagu lahaa bixin. la-mid: qaambax.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaan
m. n., [collective] young camel ~ camels
qaan m. n. fish species
qaan [feminine] n. debt
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaan
-ta: (n) 1. compensation (kompanseeyshen); blood money (blaadh mani); restitution (restatuushen); reparation (rapareeyshen); indemnity (indam-niti) ~ mag. 2. liability (laaya-biliti) ~ deyn
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Qaan
Spettanza
Due
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaan
-ka: (magacwadareed) ishinka inta aan weli curan. Geel horweyntii durdurisay qaankii maxaad moodday. Dh: aaran.
qaan-ka: (magac, lab, keli) nooc kalluunka ka mid ah. Bad qaan lagama waayo.
qaan -ta: (magac, dhedig, keli) hanti cid u baahan si ku meel gaadh ah loo siiyo oo kolka ay muraadkeeda ku dhammaysato ciddii lahayday u celiso. Intaan lagu qaban qaanta iska bixi. Dh: amaah, deyn.
qaan -ta: (magac, dhedig, keli) magdhaw la siyo qof dhibaato nafeed ama maal loo geysto. Ninka gacan la gooyay qaantiisa ha la qiimeeyo Dh: mag: galshi; diyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qani
(Qani-ga)
Hodan; tanaad; maalqabeen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qani
m.l.kh Q. ah: qof maalqabeen ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qani
m.l.kh Q. ah: qof maalqabeen ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qani
m. n. rich man, wealthy person
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Qani
riche.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qani
-ah: (adj) rich (rzy); wealth (wel-thi) ~taajir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qani
-ga: (magac, lab, keli) qof xoolo badan haysta Adeerkay waa nin qani ah. Dh: hodan, maalgabeen Li: caydh, faqiir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qani
bw: Arabic
de: rich man, wealthy person
lx: qani
pd: (-ga)
ps: n2a-m
syn: hodan, tanaad
key: qani
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
an
qr.diid la-mid: aan².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
an
pron., sg. I, me
an class-prosg. let me ..., may I ...
an class-pro, pl. let us ~ let's ...; may we [excl.] ...
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
an
/an/ (deter) waxaa laga hor mariyaa kalmadaha Ingiriisiga ee shaqalka ka bilowda ama u dhawaaqa eg sida 'a'
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
an
(magac'uyaal) tilmaamaya qofka koowaad ee hadlaha ah oo wadar lala hadluhuna ku jiro ah. Bal an billawno sheekada. Dh: han, aan.
an: (qurub) xidhiidhiye ah oo loo adeegsado diidmada. Qamiis an i le'egayn baan iibsaday. Dh: aan, anan, aanan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
an
an, n.m. - Sanad; Sannad.
l'an prochain - Sannadka soo socda (dambe)
l'an dernier - Sannadki hore (tagay)
animal d'un an - Xoolaha ay da' doodu ka dhexaysa hal ilaa labo sano.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
-an
(suffix) [at end of nouns] this ... Ex: gabadhan: this girl. Gurigan; this house
—an: (suffix)-, changes some verbs to adjective. Ex: daaran; lightened, dansan; turned off
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aan
(Aniga; aan; i; ii - annaga; innaga; aannu; na; noo) qofka hadla haya ama wax qora haya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aan
aan¹: mu.dhm.y 1. Magacuyaal tilmaama qofka koowaad ee kelida ah (hadlaha ama wax qoraha). Tusaale: 'Meel aan ku nasto ayaan doonayaa' 2. la-mid: aannu.
aan²: qr.diid Qurub tilmaamaya in weertu tahay weer diidmo, weer xor ah ama midaan ahayn tu ay tahayba. Tusaale: 'Miyaan fadhigii la qaban?', 'Yaan lacag la siin!', 'Wiilka aan imaanini waa Cali'. la-mid: an.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aan
aan¹: mu.dhm.y 1. Magacuyaal tilmaama qofka koowaad ee kelida ah (hadlaha ama wax qoraha). Tusaale "Meel aan ku nasto ayaan doonayaa" 2. la-mid: aannu.
aan²: qr.diid Qurub tilmaamaya in weertu tahay weer diidmo, weer xor ah ama midaan ahayn tu ay tahayba. Tusaale "Miyaan fadhigii la qaban?", "Yaan lacag la siin!", "Wiilka aan imaanini waa Cali". la-mid: an.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aan
aan: (pronoun) 1. me (mii); I (aay); us (aas); we (wii) used the speaking or writing person or persons ~ aannu. Ex: aan wax kuu sheego; let me tell something. 2. (clause pronoun) may I..., can I or let me ~ an. Ex: aan tago; let me go. Buuggaan aan qaato? can I take this book? Biyahaan aan cabbo? may I drink this water?
aan (suffix) I.. to the.. Ex: baankaan aadayaa; I am going to the bank
aan: (adverb) 1. used to express negation; not (nat); im-; in-; un-; il- Ex: aan faraxsanayn; unhappy. 2. suffix: (gadaalgale) -less: without; lacking. Ex: eedla'aan: blameless 3. -ness or -ment suffix: (gadaalgale) state; quality; condition; or degree of nouns derived from adjectives. Ex: aasnaan -ta; the state of being buried
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aan
(magac'uyaal) tilmaamaya qofka koowaad ee hadlaha ah. Waxa aan ahay macallin, buug aan doonayay ayaan helay.
aan: (qurub) xidhiidhiye loo adeegsado diidmada. Dh: an, anan, aanan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ban
1. (Ban-ka) Dhul bannaan oo aan dhir lahayn.
2. (Ban-ta) (saxaro) catoolbax.
3. (kir iyo ban) cay xun; qurmuun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ban
ban¹: m.l (-nan, m.l) Dhul bannaan oo aan dhir la hargalo lahayn.
ban²: m.dh Saxarro jilicsan; shuban.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ban
ban¹: m.l (-nan, m.l) Dhul bannaan oo aan dhir la hargalo lahayn.
ban²: m.dh Saxarro jilicsan; shuban.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ban
m. n. field, plain, plateau; stage; out of doors
ban: [feminine] n., [collective] diarrhea
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ban
/baan/bans, banning, banned;(v) mamnuucid ama joojin. e.g. kat is banned in Saudi Arabia.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ban
-ka: (n) savanna (savaana); a flat grassland
ban: -ka: (n) diarrhea also diarrhoea (dhaaye riya); watery feces ~ shuban
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
ban
/baan/ (v) reebow, hiring (sakar hiring). The government banned the cutting of trees for charcoal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ban
erey lagu dhaho qofka marka hadalkiisa la naco ama uu ku hadlo wax loo bogin. Dh: kir, mash, akh, uf.
ban -ka: (magac, lab, keli) dhul ballaadhan oo oomane ah; dhul aan geedo lahayn oo bannaan ah. Ban aan biyo lahayn, oon baa loogu dhintaa. Dh: bayaxaw. Wa: banan.
ban-ta: (magac, dhedig, keli) saxaro badan oo jilicsan oo qof buka soo dhaafta. Bantii baa dhaaftay odayga ee ka hagaaji. Dh: shuban, caloolbax.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ban
ban, n.m. - gobolada boqor maamusho;
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Can
(Can-ka)
Labada cad oo hilibka ah oo wejiga labadiisa dhinac ku yaal, midkood; waxay u dhexeeyaan isha iyo qalka hoose, ama sanka iyo dhegta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
can
m.l (caman, m.l) Labada cad ee hilibka ah oo ku yaal wejiga labadiisa dhinac midkood, waxay u dhexeeyaan isha iyo qalka hoose, ama sanka iyo dhegta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
can
m.l (caman, m.l) Labada cad ee hilibka ah oo ku yaal wejiga labadiisa dhinac midkood, waxay u dhexeeyaan isha iyo qalka hoose, ama sanka iyo dhegta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
can
m. n. cheek
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
can
/kaan/ 1. awooda; karaya (n) 2. daasad; koonbo; qasac.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
can
-ka: (n) [Pl. caman-ka] cheek (jiik)
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
can
/kaan/ (v) 1. kary kory, yibaadow (awoothow). I can speak English. (n) 2. koobby amy koomby, (glaas), weel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
can
-ka: (magac, lab, keli) labada docood ee afka midkood. Cankana maalin baan idin gashaday sida caddiimeede. Dh: daan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
can
de: cheek
lx: can
pd: (-ka Pl: caman)
ps: n4-m
key: can
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
can
v.i., (be able) (defective and auxiliary verb) kar; he can read and write; waa aqri karaa oo qori karaa; I will do it if I can, waan samayn hadaan karo; he does all he can, wuxuu karo buu falaa; I cannot, ma karo, kari maayo; he cannot come, ma iman karo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dan
(Dan-ta)
Wax qof, kd., wax ugu jiraan ama u roon ama saameeya (dheef, hawl, muraad, arrin, ...).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dan
dan: m.dh (-no, m.l) 1. Ujeddo qof doorbido in ay faa'ido ugu jirto fal sameyntiisa. 2. D. u geli: wax ama qof tixgelin gaar ah siin. 3. Bannaan.
dąn: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Dab, nal iyo wixi lamida bakhtiyid. la-mid: den.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dan
dan: m.dh (-no, m.l) 1. Ujeddo qof doorbido in ay faa'ido ugu jirto fal sameyntiisa. 2. D. u geli: wax ama qof tixgelin gaar ah siin. 3. Bannaan.
dąn f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Dab, nal iyo wixi lamida bakhtiyid. m.f.dh, damid. la-mid: den.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dan
deictic, suf. this, these
dan [inchoative] v. be extinguished, die (out); stall (as engine)
dan [feminine] n. interest, aim, objective
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dan
-ta: (n) aim (eeym); purpose (par-pas); interest (in-tarest); intention (in-teen-shin); objective (ob-jak-tiv) ~ ujeedo. Ex: maxaad danayinaysaa? what is your intention?
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dan
Scopo
Purpose
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kaste oo uu qofku u arko inuu noloshiisa lagamammaarmaan u yahay oo aanu qofku dhaafi karin. Dani waa seeto.
dan-ta: (magac, dhedig, keli) magaca loo yaqaan garanuugtu kolka ay tahay koox isla socota.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fan
(Fan-ka)
1. (gammaan) meesha kooraha la saaro iyo qanaanta inta u dhexaysa.
2.* Falsami; Farshaxan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fan
m.l la-mid: fąn (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fąn
m.l 1. Xirfad bani-aadamku ku soo bandhigo ama ku matalo dareenka uu ka qabo dabeecadda ama dhacdooyinka nolosha. 2. la-mid: fan. Dusha gaadiidka, qaybta hore ama dambe ee alaabta yaryar la saaro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fan
fąn: m.l 1. Xirfad bani-aadamku ku soo bandhigo ama ku matalo dareenka uu ka qabo dabeecadda ama dhacdooyinka nolosha. 2. la-mid: fan. Dusha gaadiidka, qaybta hore ama dambe ee alaabta yaryar la saaro.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
fan
jidbo
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Fan
Marawaxad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fan
m. n., [collective] art, craft, handiwork; arts and crafts
fan m. n. croup of a horse ~ camel, rump
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fan
/faan/ (n) 1. marawaxad (n) 2. babbis (n) 3. taageere (v) 4. babbin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fan
-ka: (n) the art or field of entertaining, especially concerts or plays
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Fan
Marwaxad, babbiye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fan
-ka: (magac, lab, keli) cilmiga darsa sida wax loo qurxiyo cod iyo farshaxan wuxuu ahaado ba.
fan-ka: (magac, lab, keli) gammaanka, dhugdhugleyda iyo wixii la mid ah, meesha qofka labaad fadhiisto. Dh: qas, gadoob.
fan -ka: (magac, lab, keli) farshaxannimada iyo falsamida.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
fan
n., marawaxad, -di; (instrument for winnowing grain) masaf, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gan
1. (Gan-ka) a) Alaabada la falkiyo ama la tidco ama la sooho, docda sinsiman oo la qurxiyey oo gudaha xigta maahee, docda kale oo kore oo dufca leh, b) Xaadda ku taal oogada nafleyda.
(Gan-ta) Bir ama laf ama qori ama wax kale oo qaroofsan oo wax la suro ama wax lagu soo jiido; gar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gan
gan¹: m.l 1. Dhogorta nafleyda oogadeeda ka baxda. 2. Farqaha dhan-hoosaadka dermada, kebedda iyo raarka. 3. Heer dhaqaale, bulsho ama siyaasad.
gan²: m.dh (-ano, m.l) 1. Gammuunka halkiisa dambe oo jeexan oo xarigga la saaro marka la gamayo. 2. Labada ilig ee sare middood. 3. Bir, qori iyo wixi lamida qoroofan oo wax la suro.
gan³: f.g1 (-amay, -antay; -ami) Xabbad, fallaar iyo wixi lamida ridid, tuurid. la-mid: gen.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gan
gan¹: m.l 1. Dhogorta nafleyda oogadeeda ka baxda. 2. Farqaha dhan-hoosaadka dermada, kebedda iyo raarka. 3. Heer dhaqaale, bulsho ama siyaasad.
gan²: m.dh (-ano, m.l) 1. Gammuunka halkiisa dambe oo jeexan oo xarigga la saaro marka la gamayo. 2. Labada ilig ee sare middood. 3. Bir, qori iyo wixi lamida qoroofan oo wax la suro.
gan³: f.g1 (-amay, -antay; -ami) Xabbad, fallaar iyo wixi lamida ridid, tuurid. m.f.dh, ganid. la-mid: gen.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gan
m. n. outer side of woven ~ plaited fabric; light body-hair, lanugo
gan [feminine] n. hook
gan v. shoot (at); throw ~ launch a weapon
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gan
-ay I tay: (v) launch (loonji); shoot (shat), propel (pro-peel)-, fire (faayer)
gan -ta: (n) 1. handle (han-dhel). 2. projecting object; tip (tip). 3. hook (huuk)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gan
(fal) wax caaro yuuban leh, sida gantaal iyo wixi la mid ah, tuur oo yoo la beegso. Dh: tuur, rid.
gan -ka: (magac, lab, keli) gas ka kaca oogada ama maqaarka.
gan-ka: (magac, lab, keli) farqaha dhanhoosaadka dermada, kebedda iyo raarka.
gan-ka: (magac, lab, keli) heer dhaqaale, bulsho ama siyaasad.
gan-ta: (magac, dhedig, keli) gammuunka halkiisa dambe oo jeexan oo xarigga la saaro marka la ganayo.
gan -ta: (magac, dhedig, keli) labada ilig ee sare middood.
gan -ta: (magac, dhedig, keli) bir, qori iyo wixii la mid ah oo qoroofan waxna la sudho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Han
(Han-ka)
Qab; niyo; islaweyni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
han
m.l Isla weynaan aan kibir ku jirin; qab.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
han
m.l Isla weynaan aan kibir ku jirin; qab.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
han
m. n., [abstract] ambition, pride
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
han
-ka: (n) 1. pride (pareeydh); self-esteem (salafistiim); reputation (repyoteeyshen); self-respect ~ qab, sumcad. 2. ambition (aam bi shen), —hanwayn: (adj) ambitious (aambishas)