qamuunyood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qamuunyood
(Qamuunyood-ka)
Bushinta hoose ciil la qaniinid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qamuunyood
m.f.l eeg qamuunyoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qamuunyood
m.f.l eeg qamuunyoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qamuunyood
(fal) eeg qammuunyoo.
qamuunyood -ka: (magac, lab, keli) ciil faruurta la cunid; is ciil badid. Qaddar Alle rumee oo qamuunyoodka daa. Dh: ciilkaambi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qamuunyoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Ciil iyo caro badan darteed faruuryo la qaniinid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qamuunyoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Ciil iyo caro badan darteed faruuryo la qaniinid. m.f.l, qamuunyood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qamuunyoo
(fal) aad u murugoo oo isciilbad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qamuunyo
(Qamuunya-da)
Bushinta hoose oo ciil iyo caro darteed lala qaniino.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qamuunyo
m.dh Ciil iyo caro badan oo bushinta hoose lala qaniino.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qamuunyo
m.dh Ciil iyo caro badan oo bushinta hoose lala qaniino.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qamuunyo
f. n. biting one's lip (from anger)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qamuunyo
-qamuunyada: (n) the act of biting one's lip for the sake of rage or anger
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qamuunyo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qammuunyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qamuunyo
de: biting one's lip (from anger)
lx: qamuunyo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: qamuunyo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qamuunyow
v. bite one's lip (from anger)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qamuunyow
de: bite one's lip (from anger)
lx: qamuunyow
pd: (qamuunyooday)
ps: v3a=intr
key: qamuunyow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qammuunyoo
(fal) aad isku ciil bad. Dh: uurkutaalloo, welwel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muunsood
-ka: (magac, lab, keli) qosol dhoolla caddayn ah oon afka la kala waaxin. Muunsoodku waa calaamad raali ahaansho. Dh: dhoollacaddayn. Li: afkalawaax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qammuunyo
-da: (magac, dhedig, keli) ciil badan oo dartii faruuryaha la qaniino. Dh: ciil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamaanyood
m.f.l eeg gamaanyoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gamaanyood
m.f.l eeg gamaanyoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamaanyood
-ka: (magac, lab, keli) lulood iyo hurdo iska dareen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabuubyood
(Kabuubyood-ka)
Kabuubyo iska garasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabuubyood
m.f.l eeg kabuubyoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kabuubyood
m.f.l eeg kabuubyoo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kabuubyood
-ay / tay: (v) become numb
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabuubyood
-ka: (magac, lab, keli) kabuubyo iska dareemid. Sidaan u fadhiyey ayaan kabuubyooday. Dh: kabiibyood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maruuryood
-ka: (magac, lab, keli) murugo iyo cil ku jirid. Dh: murugood, urugood. Li: faraxsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qamuunyaale
-ha: (magac, lab, keli) qof mar walba ciishoon. Qamuunyaale muu ahayn qaladna taa daaye. Dh: ciilqabe.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
MURYOOD
[MWIOT] Grewia tembensis 01
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muunsoo
(fal) qosol dhoolla caddayn ah oon weyneyn qosol. Kolkood qoslaysid afka ha waaxine muunsoo. Dh: muusood, dhoollacaddee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muusood
(Muusood-ka)
Dhoolbirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muusood
m.l la-mid: muusaabid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muusood
m.l eeg muusaw.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muusood
v.pat: smile
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muusood
(fal) qosol dhoolla caddayn ah oon weyneyn qosol. Kolkaad qoslaysid afka ha waaxine muusood. Dh: muusoo, dhoolla caddee.
muusood -ka: (magac, lab, keli) qosol dhoolla caddayn ah oo la qoslo. Muusoodku waa calaamad raali ahaansho. Dh: dhoollacaddayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muusood
bw: muusaab
de: smile
lx: muusood
nt: muusood (ka) [vn-m]
pd: (muusooday)
ps: v1=pat
key: muusood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Namuuno
(Namuuna-ha)
Jaad; cayn; midab, (ama namuun).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
namuuno
m.dh la-mid: namuun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
namuuno
-da: (magac, dhedig, keli) eeg namuunad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qandood
(Qandood-ka)
(aqal, wax weyn) meel ka taagan; meel qotoma.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qandood
qandood¹: m.l la-mid: gandood¹, qandoodid.
qandood²: f.g1 (-day, -dday) Nafley si is- hoggaamis u istaagid. la-mid: gandood².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qandood
v.st: stand, be standing, set up ~ erected (of a building, etc.)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qandood
-ka: (magac, lab, keli) sara joogid aan dhaqdhaqaaq lahayn. Caliyow qandoodka iska daa oo kac shaqayso. Dh: qotomid, quyudid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qandood
de: stand, be standing, set up ~ erected (of a building, etc.)
lx: qandood
nt: qandood (ka) [vn-m-st]
pd: (qandooday)
ps: v1=st
key: qandood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guunfood
(Guunfood-ka)
Neef dheddig, kolka uu inta awr u baahdo waayo oo sidaas darteed u rimi waayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guuntood
m.f.l eeg guuntoo. la-mid: guuntoobid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guuntood
m. n. female animal remaining unmated
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guuntood
-ka: (magac, lab, keli) eeg guntoobid. guuntow: (fal) lax, wan saarta waa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guuntood
de: female animal remaining unmated
lx: guuntood
pd: (-ka)
ps: n-m
key: guuntood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haanyood
m.f.l eeg haanyoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haanyood
m.f.l eeg haanyoo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haanyood
v. hug, embrace
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haanyood
-ka: (magac, lab, keli) xiisayn iyo soo dhoweyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haanyood
a: haanyow
de: hug, embrace
lx: haanyood
pd: (haanyooday)
ps: v1=
key: haanyood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
namuunad
m.dh la-mid: namuun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
namuunad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg namuun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qamaanyo
-da: (magac, dhedig, keli) baryo qabqabsi ah oo la moodo boob.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saanyood
(Saanyood-ka)
Xoolo saami ku qaybsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saanyood
m.l la-mid: saanyasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saanyood
vl. n. act of sharing livestock
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saanyood
-ka: (magac, lab, keli) xoolo, saami ku qaybsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saanyood
de: act of sharing livestock
initial: s
lx: saanyood
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: saanyood
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
ARUUNDOOY
(Arundoi) S Erlangea centauroides (S. Moore) S. Moore. Compositae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadanyood
m.f.l eeg cadanyood. la-mid: cadayood, canaanyood, cananyood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadanyood
m.l eeg cadanyood. la-mid: cadayood, canaanyood, cananyood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cadanyood
inch. v. feel itchy from a rash
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cadanyood
-ay / cadanyootay: (v) have a skin itching or skin rashes ~ canaanyood, xajiimood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadanyood
-ka: (magac, lab, keli) xajiin iyo isxoqis dareen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cadanyood
a: cadanyoo, cadayoo, canaanyoo, cananyoo
de: feel itchy from a rash
lx: cadanyood
pd: (cadanyooday)
ps: v3a=inch
key: cadanyood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cananyood
m.l la-mid: cadanyood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daranyood
m.f.l eeg daranyoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daranyood
m.l eeg daranyoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daranyood
-ka: (magac, lab, keli) daranyo iyo baylah qabid. Daranyood ayuu ninku meesha ugu dhintay. Dh: baylahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamaanyoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Gamaanyo dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gamaanyoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Gamaanyo dareemid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamaanyoo
(fal) hurdoo; lulmoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabuubyoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Kabuubyoo dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kabuubyoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Kabuubyoo dareemid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabuubyoo
(fal) kabuubyo iska dareen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laqanyood
m.f.l eeg laqanyoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laqanyood
m.f.l eeg laqanyoo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laqanyood
-ay laqanyootay: (v) feel nausea; nauseate (noo-zi-yeeyt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laqanyood
-ka: (magac, lab, keli) daalalyo baruurta iyo cunnada subbagga lehi qofka ku kiciyaan. Dh: ladaadyood, daalalyood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaruunbow
m.l Nooc kalluunka ka mid ah, kuusan oo weji foolxun leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canaanyood
m.l la-mid: cadanyood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
canaanyood
m.l la-mid: cadanyood.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
canaanyood
-ay / canaanyootay: (v) have a skin itching or skin rashes ~ cadanyood, xajiimood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canaanyood
-ka: (magac, lab, keli) xajiimood; xajiin dareemid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kabuubyoob
inch. v. become numb
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kabuubyoob
a: kabuubyood [v1=pat]
de: become numb
lx: kabuubyoob
pd: (kabuubyoobay)
ps: v1=inch
key: kabuubyoob
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaalalyood
m.f.l eeg qaalalyoo. la-mid: qaalalyoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalalyood
-ka: (magac, lab, keli) cunta badan darteed calool'afuufmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qabsin'ood
(Qabsin'ood-ka)
1. (Oogada) cad yar oo buro ah oo dhuuban, oo doc af ku leh docna ka oodan oo qabsinka (xiidanka weyn) madaxiisa ka laallaada; kolon.
2. Xanuunka qabsin'oodka qabta laftiisa; (ama qabsin'oodane).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabsin'ood
-ka: (magac, lab, keli) cad dhuuban oo yar oo dhinac af ku leh dhinacna ka oodan oo ka laallaada madaxa qabsinka. Qabsin'ookii ayaa go'ay Dh: kolon.
qabsin'ood -ka: (magac, lab, keli) xanuunka qabsin'oodka qabta laftiisa. Qabsinoodbaa haya oo wuu qaylyayaa. Dh: qabsin'oodan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabsin-ood
m.l 1. Cad yar oo buro ah oo dhuuban, oo doc af ku leh docna ka oodan oo qabsinka madaxiisa ka laallaada; kolon. 2. Xanuun qabsin-oodka qabta. la-mid: qabsin-oodane.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qabsin-ood
m.l 1. Cad yar oo buro ah oo dhuuban, oo doc af ku leh docna ka oodan oo qabsinka madaxiisa ka laallaada; kolon. 2. Xanuun qabsin-oodka qabta. la-mid: qabsin-oodane.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qabsin-ood
m. n. appendix; appendicitis, pain in the colon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarqaryood
m.f.l eeg qarqaryoo.