qambaruur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qambaruur
m.l 1. Tiiraanyo ka muuqata qof ooyaaya. 2. la-mid: qambaruursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qambaruur
-ka: (magac, lab, keli) oohinta aanu qofku codkiisa kor u qaadin ama aanay qaylo wehelin oo hoos loo quuxo. Dh: yaayuul qambaruursan: (tilmaame) mid hoos u ooyaya ah. Dh: yaayuulsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qambaruurso
f.mg3 (-saday, -satay) Qof tiiraanyeysan hoos u ooyid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qambaruurso
v. cry silently without complaining
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qambaruurso
(fal) yaayuul oo hoos u oy.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qambaruurso
de: cry silently without complaining
lx: qambaruurso
pd: (qambaruursaday)
ps: v3a=intr
key: qambaruurso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qambaruursanaan
m.f.dh eeg qambaruursan. la-mid: qambaruursanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qambaruursanaansho
m.l/dh la-mid: qambaruursanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qambaruursasho
m.f.dh eeg qambaruurso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cambaruud
m.l Miro jilcan, midabkoodu cas yahay oo aad u macaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cambaruud
m.l Miro jilcan, midabkoodu cas yahay oo aad u macaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cambaruud
m. n. pear
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cambaruud
-da: (n) the fruit of the pear tree; pear (peer)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cambaruud
-ka: (magac, lab, keli) midho inta horena u buuran, gadaalna u yaryar oo dhadhan macaan oo jilicsan leh markii la cuno. Dh: canbaruud.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cambaruud
de: pear
lx: cambaruud
pd: (-ka ~ -da)
ps: n2a-m/f
key: cambaruud
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
cambaruud
كُمثرى، إنجاص، إجاص
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qamaamuur
-ta: (magacwadareed) eeg qabaabir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qambaruursan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof ooyaaya wax wejigiisa tiiraanyo ka muuqata ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qanbaruursi
-ga: (magac, lab, keli) oohin ciil ah oo aan cod lahayn. Dh: himhiimsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagabaruur
-ka: (magac, lab, keli) libaaxa kiisa yaryar ee dhasha ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qammaamuur
m.dh.u Ragga intiisa qiimaha iyo qaddarinta ku leh bulshada dhexdeeda. la-mid: qammaamiir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qammaamuur
f. n., [collective] important people, notables, dignitaries, VIP's
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qammaamuur
-ta: (magacwadareed) madaxda iyo dadka waaweyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qammaamuur
de: important people, notables, dignitaries, VIP's
lx: qammaamuur
pd: (-ta)
ps: n0-f-col
key: qammaamuur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baruur
(Baruur-ta)
Hilibka intiisa cad oo dufanka leh oo aan jiirka ahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baruur
m.dh Hilib intiisa aan ahayn oo dufanka leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baruur
m.dh Hilib intiisa aan ahayn oo dufanka leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baruur
f. n. fat of the meat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baruur
-ta: (n) [Pl. baruuro-ha] fat (faat) ~ caddiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baruur
-ta: (magac, dhedig, keli) hilibka qayb ka mid ah oo ah qaybta cad ee subagga leh. Baruur keliyaa baruuryo badan qudhmisa. Dh: caddiin, addiing.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baruur
bw: cooddi, hilib
de: fat of the meat
lx: baruur
pd: (-ta)
ps: n1-f
syn: caddiin:
key: baruur
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
baruur
سَمْنَة، سَمْن
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabuur
-ta: (magac, dhedig, keli) meesha dadka dhintay lagu aaso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qamuur
-ka: (magac, lab, keli) awood iyo itaal badan. Qamuur aanad lahayn ha sheegan. Dh: xoog, baaxad.
qamuur -ka: (magac, lab, keli) isbeddel aan fiicnayn oo cuntada ku dhaca. Dh: khaayis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asaruur
asaruur¹: m.l la-mid: asaruurid.
asaruur²: f.g1 (-ray, -rtay) Ceel, god iyo wixi lamida ciid ku xabaalid; aasid; duugid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
asaruur
v. fill up a hole in the ground; bury; drown
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
asaruur
de: fill up a hole in the ground; bury; [fig.] drown
lx: asaruur
pd: (asaruuray)
ps: v1=
key: asaruur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cambuur
cambuur¹: m.l (-rro, m.dh) 1. Gashi haweenku qaato oo ilaa lugaha ku eg. 2. la-mid: camambuurid.
cambuur²: f.mg1 (-ray, -rtay) la-mid: camambuur².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cambuur
m.l (-rro, m.dh) Gashi haweenku qaato oo ilaa lugaha ku eg.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cambuur
m. n. robe, smock, frock, any style of ladies' dress, lady's outfit
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cambuur
-ka: (n) woman's dress; blouse (balaawz); gown (gaawn); frock (farook); robe (rowb) ~ canbuur, kurdad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cambuur
-ka: (magac, lab, keli) maro haweenku qaataan oo googgaradda qarisa. Dh: kurdad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cambuur
a: canbuur
de: robe, smock, frock, any style of ladies' dress, lady's outfit
lx: cambuur
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: toob
key: cambuur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qambaar
-ka: (magac, lab, keli) haad yar o xamaamka in yar ka weyn oo madow ooreeraha ka dheeraan. Dh: qaagle, tuke.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DAFARUUR
Grewia tenax 40
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
namaruug
-ga: (magac, lab, keli) jaad geedgaabla ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qambarac
m.dh 1. Ceeb weyn oo ka timaada fal xun ee uu qof sameeyey. 2. Jac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qambarac
m. n. great shame at being discovered doing something reprehensible
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qambarac
-a: (magac, lab, keli) wejigabax iyo qarracmid ka dhalata wax la ceebsanayo oon la filanayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qambarac
de: great shame at being discovered doing s.t. reprehensible
lx: qambarac
pd: (-a ~ -da)
ps: n-m/f
key: qambarac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Canbaruud
(Canbaruud-ka)
Miro la cuno.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
canbaruud
m. n. pear
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
canbaruud
-da: (n) pear (peer)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canbaruud
-ka: (magac, lab, keli) jaad khudaarta ka mid ah oo cad jilicsan leh, lafna aan lahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
canbaruud
de: pear
lx: canbaruud
pd: (-ka)
ps: n2-m-enum
key: canbaruud
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hambaabur
-ka: (magac, lab, keli) baraarugga kediska ah ee naxdinta iyo argagxu weheliyaan. Dh: hanbaabir, ambabar.
hambaabur: (fal) (ku ~) naxdin ku baraarug; kedis ku toos; ku kac.
hambaabur: (fal) si kedis ah oo naxdin iyo argagax ku jiraan, hurdada uga soo bood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jamaamuur
m.dh.u Ragga intiisa wax garadka ah ee la tixgeliyo; waayeel. la-mid: qamaamuur.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jamaamuur
m.dh.u Ragga intiisa wax garadka ah ee la tixgeliyo; waayeel. la-mid: qamaamuur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jamaamuur
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg jamaamiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jambareer
jambareer¹: m.l la-mid: jambareero.
jambareer²: f.mg1 (-ray, -rtay) Daal, harraad iyo gaajo badan la kulmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jambareer
-ka: (magac, lab, keli) daal, harraad iyo gaajo badan la kulmid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Kammaruun
(n) Cameroon; Yaoundé is the capital and Douala the largest city ~ Kaammaruun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xambaroor
-ka: (magac, lab, keli) caano dhay ah iyo ciir la isku daray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cagabbaruur
(Cagabbaruur-ka)
Libaax yar oo dhal ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagabbaruur
m.l (-rro, m.dh) 1. Dhasha yaryar ee libaaxa. 2. Ilmo aad u cayilan oo aan socod weli gaarin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cagabbaruur
m.l (-rro, m.dh) 1. Dhasha yaryar ee libaaxa. 2. Ilmo aad u cayilan oo aan socod weli gaarin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cagabbaruur
m. n., [compound] lion cub; young camel
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cagabbaruur
-ka: (n) cub (kaab); lion cub
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cagabbaruur
de: lion cub; young camel
lx: cagabbaruur
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: cagabbaruur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cambaabbur
m.l Canjeelo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cambaabbur
m. n. pancake made with wheat flour
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cambaabbur
-ka: (magac, lab, keli) laxoox si gaar ah loo dubo maalmaha ciidaha oo ka samaysan badar, ukun, xabaasuud, subag iyo huruud la isku cajiimay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cambaabbur
de: pancake made with wheat flour
lx: cambaabbur
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: cambaabbur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambaaburo
m.dh Dhimbilo yaryar oo dabka ka duulduula.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dambaaburo
m.dh Dhimbilo yaryar oo dabka ka duulduula.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhanfaruur
(Dhanfaruur-ta)
Geed jaadka miracaska ah, kase weyn oo miro la cuno leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhanfaruur
m.dh la-mid: dhafaruur.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhanfaruur
f. n. fruit species, small & sweet
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DHANFARUUR
Grewia tenax 01
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhanfaruur
-ta: (magac, dhedig, keli) geed torrayda u eg oo midho cawlcawlan oo afar'afar isku xidhan oo miid macaan leh oo qadhaab ahaan loo cuno. Dhanfaruur nin helaa hadhimo ma tawana. Dh: aashacaddo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhanfaruur
de: fruit sp., small & sweet
lx: dhanfaruur
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: dhanfaruur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jambareero
m.dh Dhibaato harraad, gaajo iyo daal badani dhaliyaan. la-mid: jambareer¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jambareero
m.dh Dhibaato harraad, gaajo iyo daal badani dhaliyaan. la-mid: jambareer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jammaamuur
(Jammaamuur-ta)
Waayeello; madax; qaafo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jammaamuur
f. n., [collective] elders, leaders, influential people; chief, boss
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jammaamuur
-ta: (magacwadareed) dad miisaan culus ku leh bulshada ay ku dhex noolyihiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jammaamuur
bw: Arabic
cf: madax, qaafo, waayeel
de: elders, leaders, influential people; chief, boss
lx: jammaamuur
pd: (-ta)
ps: n2-f-col
key: jammaamuur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mangaruuri
(Mangaruuri-ga)
Bariiska jaad kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mangaruuri
m.l Nooc bariiska ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mangaruuri
m. n., [collective] rice species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mangaruuri
-ga: (magac, lab, keli) bariiska jaadadkiisa jaad ka mid ah. Mangaruuri ayaanu karsanay maanta. Dh: baashafar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mangaruuri
de: rice sp.
lx: mangaruuri
pd: (-ga)
ps: n2a-m-col
key: mangaruuri
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
odaybaxuur
-ka: (magac, lab, keli) daayeerka lab ee da'da weyn. Dh: coofaadh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qandafuuri
-ga: (magac, lab, keli) поос hadhuudhka ka mid ah oo firi buurbuuran oon tayo lahayn bixiya. Qandaafuuri cuni maynee lo'da siiya. Dh: gandafuuri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qanjaruufo
(Qanjaruuf-ta)
Qandhuufo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanjaruufo
qanjaruufo¹: m.dh la-mid: qandhuufo¹.
qanjaruufo²: f.g3 (-ftay, -fatay) la-mid: qandhuufo².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qanjaruufo
f.g3 (-ftay, -fatay) la-mid: qandhuufo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qanjaruufo
f. n. pinch, nip
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qanjaruufo
-qanjaruufada: (n) pinching with the thumb and a finger; pinch (pin-ji) ~ qandhuufo
qanjaruufo -qanjaruuftay / qanjaruufatay: (v) pinch (pinj) or nip (nip) with the thumb and a finger
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qanjaruufo
(fal) ciddiyaha caaradooda wax ku xago. Hadduu ku dayn waayo wejiga ka qanjaruufo. Dh: xago.
qanjaruufo -da: (magac, dhedig, keli) xagasho ciddiyaha caaradooda wax lagu xagto. Ka daa gabadha ganjaruufada. Dh: xagasho.