qalyayaxsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalyayaxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax lafo waawayn oo caato ah ahaansho (qof). 2. Lafo is haysta oo hiliibkii ka dhammaaday ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalyayaxsan
(tilmaame) dhuuban oo aad u caato ah. Nin xanuun la qalyayaxsan qayrkii ma raaco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalyayaxsani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qalyayaxsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalyayaxsanaansho
m.l/dh la-mid: qalyayaxsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalyayaxsanaan
m.f.dh eeg qalyayaxsan. la-mid: qalyayaxsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalyayaxsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) aad u dhuubnaan; aad u caatoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax qudrad, subag iyo wixi lamida muddo yar lagu shiilay ahaansho (hilib).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qalyayax
(Qalyayax-a)
Caato lafallafo ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalyayax
m.l.kh 1. Q. ah: qof dheer caato ah oo lafo waaweyn. 2. Lafo is haysta oo aan hilib lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qalyayax
m. n., [abstract] emaciation; extremely thin person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalyayax
-a: (magac, lab, keli) dhuubni ay lafuhu muuqdaan. Ninkii bukay qalyayax ayuu noqday. Dh: qalfoof, lafolafo. Li: shilays.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qalyayax
cf: caato, lafallafo
de: emaciation; extremely thin person
lx: qalyayax
pd: (-a)
ps: n2a-m-abs
key: qalyayax
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabalaxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax qablax ah ahaansho (qof). la-mid: qablaxsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabalaxsan
(tilmaame) wax qablax ah ahaansho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qalabaysan
-qalabaysnaa: (adj) furnished (famishidh); equipped (ik-wipidh) ~ alaab taalo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalabaysan
(tilmaame) qalabkiisii u dhan yahay. Ciidan aad u qalabaysan ayaa waddada maray xalay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cayayaan
(Cayayaan-ka)*
Bahal-yaryarta faraha badan oo aan lafdhabarta lahayn: waxaa oogadoodu u qaybsan tahay: madax iyo dhex (saab) iyo qaar danbe (uur), lix lugood iyo badanaa afar baal (diqsi, kaneeco, shinni, doorshaan, ...); xasharaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayayaan
m.l.u (-nno, m.dh) Bahallada yaryar, aan laf iyo dhiig lahayn oo leh lix ama siddeed lugood, oo ay ka mid yihiin kaneecada, caarada, duqsiga iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cayayaan
m.l.u (-nno, m.dh) Bahallada yaryar, aan laf iyo dhiig lahayn oo leh lix ama siddeed lugood, oo ay ka mid yihiin kaneecada, caarada, duqsiga iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cayayaan
m. n., [collective] insect; insects
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cayayaan
-ka:(n) insect (insekt); pest (pest) ~ xasharaad
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Cayayaan
Insetti
Insects
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayayaan
-ka: (magac, lab, keli) noolaha inta aan lahayn lafdhabarta oo jidhkoodu u kala sooran yahay saddex qaybood; madax, dhex iyo gadoob oo leh saddex lugood oo lallammaan, sida aboorka, diqsiga, takarta iyo kuwo kale. Dh: xasharaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cayayaan
de: insect; [col] insects
lx: cayayaan
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
syn: xasharaad
key: cayayaan
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
cayayaan
دُويْبَة، حَشَرات
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalaysan
(tilmaame) wax quruxsan. Maradu way dalaysan tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galaysan
Gal leh; gal loo yeelay; dahaaran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax gal ku jira ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
galaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax gal ku jira ahaansho. m.f.dh, galaysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galaysan
der. [adjective] covered, having a cover
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
galaysan
-aa: (adj) enveloped (en va-loopidh)-, enclosed, encased or covered completely
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galaysan
de: covered, having a cover
lx: galaysan
pd: (galaysnaa)
ps: adj-der
key: galaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Malaasan
1. La malaasay; qafilan; adag.
2. Jaahil (aan wax la gelisiin karin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malaasan
malaasan¹: f.mg1 (-smay, -santay; -smi) 1. Wax la malaasay noqosho. 2. Ka m. wax xallintooda maaro loo waayey noqosho. Tusaale: “Cabdi arrintii way ka malaasantay”.
malaasan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Wax la malaasay ahaansho. 2. Meel furnayd sida irrid, god, duleel iyo wixi lamida wax la xiray ahaansho. 3. Qof aan wax fahmin ahaansho. 4. Ka malaasan qof aan arrin xogteeda la socon ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
malaasan
der. [adjective] plastered, stuccoed, dressed with lime and clay, smeared with mud; stiff; closed (opening); ignorant, mentally
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
malaasan
-malaasnaa: (adj) plastered (palaas teridh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaasan
(tilmaame) oodan oo daloolkii wax lagu qariyay ah. Aqal wada malaasan halkee laga gali!
malaasan: (tilmaame) aad u buuxa oo meelna dhinnayn; tif ah. Macallinku waa maskaxdii dunidoo malaasan. Dh: buuxan.
malaasan: (tilmaame) sida kubbadda u duuduuban oo u kuusan. Dhagax malaasan ii keen. Dh: kuusan. Li: xalleefsan, bagafsan, ballaadhan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
malaasan
cf: jaahil
de: plastered, stuccoed, dressed with lime and clay, smeared with mud; stiff; closed (opening); [fig.] ignorant, mentally dull
lx: malaasan
pd: (malaasnaa)
ps: adj-der
key: malaasan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaleysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la qaleyey ahaansho (hilib, bariis).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaleysan
(tilmaame) hlib iyo wixii la mid ah, oo la qaleeyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qallaxan
f.mg4 (-xnaa, -xnayd) la-mid: qallacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qiyaasan
Qiyaastiisa la yaqaan, la ogaadey; cabbiran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qiyaasan
f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Wax muggooda, dhererkooda iyo culayskooda la cabbiray ahaansho. 2. Ku q.: wax meel ama wax kale ku aaddan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qiyaasan
f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Wax muggooda, dhererkooda iyo culayskooda la cabbiray ahaansho. 2. Ku q.: wax meel ama wax kale ku aaddan ahaansho. m.f.dh, qiyaasnaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qiyaasan
Graduated
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qiyaasan
der. [adjective] weighed, measured, approximated; moderate, temperate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qiyaasan
(tilmaame) cabbiran oo inta uu yahay la yaqaano ah. Dh: cabbiran.
qiyaasan: (tilmaame) malo ahaan lagu garanayao ah; la malaynayo inta uu yahay ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qiyaasan
de: weighed, measured, approximated; [ext.] moderate, temperate
lx: qiyaasan
pd: (qiyaasnaa)
ps: adj-der
key: qiyaasan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qolaysan
f.mg1 (-smay, -santay; -smi) 1. Biyo wax meel godan ku aruursamay ahaansho. 2. Wax meel ciriiri ah ku xareysan ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qolaysan
der. [adjective] contained, confined (of liquid)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qolaysan
(tilmaame) wax meel ku majaroorsan oo ku wada shuban. Biyo meel ku qolaysan ayaan adhiga waraabiyey Dh: urursan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qolaysan
de: contained, confined (of liquid)
lx: qolaysan
nt: qolaysan (qolaysmay) [v1=inch]
pd: (qolaysnaa)
ps: adj-der
key: qolaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Salaaxan
La salaaxay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salaaxan
f.mg4 (-xnaa, -xnayd) Wax la salaaxay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
salaaxan
f.mg4 (-xnaa, -xnayd) Wax la salaaxay ahaansho. m.f.dh, salaaxnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
salaaxan
der. [adjective] caressed, petted; plastered, finished off
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salaaxan
(tilmaame) mid la talbiisay.
salaaxan: (tilmaame) wax la salaaxay, lagu xoodaamiyay faro debecsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
salaaxan
de: caressed, petted; [ext.] plastered, finished off
initial: s
lx: salaaxan
pd: (salaaxnaa)
ps: adj-der
key: salaaxan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Ku s.: wax, wax kale ku tiirsan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
salaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Ku s.: wax, wax kale ku tiirsan ahaansho. m.f.dh, salaysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
salaysan
der. [adjective] confirmed, reliable
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salaysan
(tilmaame) sal loo yeelay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
salaysan
de: confirmed, reliable
initial: s
lx: salaysan
pd: (salaysnaa)
ps: adj-der
key: salaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sayaxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax gabaddano ku qoyey ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sayaxsan
(tilmaame) mid sayax leh; la sayaxeeyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abasaxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax abaahin u baahan ah ahaansho (hal).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abasaxsan
(tilmaame) hal u baahan abaahin awr oo in ay rinto diyaar u ah..
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arwaaxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax arwaaxay ahaansho (qof).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
arwaaxsan
der. [adjective] happy, joyful, cheerful
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arwaaxsan
(tilmaame) mid ama kuwo faraxsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
arwaaxsan
de: happy, joyful, cheerful
lx: arwaaxsan
pd: (arwaaxsanaa)
ps: adj-der
syn: farax
key: arwaaxsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aslaaxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Islaax ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aslaaxsan
der. [adjective] settled, put in order; prepared (for cultivation)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aslaaxsan
(tilmaame) mid hagaagsan; mid suubban ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aslaaxsan
de: settled, put in order; prepared (for cultivation)
lx: aslaaxsan
pd: (aslaaxsanaa)
ps: adj-der
key: aslaaxsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballaysan
(tilmaame) mid la balleeyey oo la gardaadiyey. Dh: gardaadsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayaansan
(tilmaame) wax cad oo aad u muuqda. Far bayaansan buu ku qoray baaqa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
callaysan
(tilmaame) wax is dulsaarsaaran ama rassaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayaarsan
(tilmaame) mid cayaartiisu wanaagsan tahay; mid si fiican dheela.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dalaafsan
Dalaaf hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalaafsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dalaafay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dalaafsan
der. [adjective] unlucky
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalaafsan
(tilmaame) mid darxumaysan oo dhibaato qaba.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dalaafsan
de: unlucky
lx: dalaafsan
ps: adj-der
key: dalaafsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dalyaqaan
(Dalyaqaan-ka)
Qof dal bartay oo aad u yaqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalyaqaan
m.l.kh (-nno, m.dh) D. ah: qof dal dabeecaddiisa, degaankiisa iyo wixi lamida aqoon u leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dalyaqaan
m. n., [compound] scout, one who knows the country
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalyaqaan
-ka: (magac, lab, keli) qof dalka iyo duruufihiisa aad u kala yaqaanna. Dh: dalaqoon, dhulyaqaan, dalmar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dalyaqaan
de: scout, one who knows the country
lx: dalyaqaan
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: dalyaqaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faaraxsan
Farax hayo; reyrreyna haya; (ama faraxsan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaraxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: faraxsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faaraxsan
der. [adjective] happy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaraxsan
(tilmaame) qof farxad iyo rayrayn dareemaya. Dh: faraxsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faaraxsan
a: faraxsan
de: happy
lx: faaraxsan
ps: adj-der
key: faaraxsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fataaxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: fitaaxsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fataaxsan
der. [adjective] enlarged, expanded, extended
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fataaxsan
(adj) spacious (ispeeys-shes); roomy (ruumi) ~ fitaax, fataax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fataaxsan
(tilmaame) kala baxsan; kala fidsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fataaxsan
a: fitaaxsan
de: enlarged, expanded, extended
lx: fataaxsan
pd: (fataaxsanaa)
ps: adj-der
key: fataaxsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaagaxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: gaaggaxsan.