qaloombi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaloombi
qaloombi¹: m.l Dhawaaq xoog leh oo aan kala joogsi lahayn. la-mid: qaloombiyid.
qaloombi²: f.mg1/2 (-iyay, -iday/-isay) Dhawaaq xoog leh oo aan kala joogsi lahayn sameyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaloombi
m. n. drone of voices, sound of a crowd ~ rushing water
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Qaloombi
magac loo bixiyo wiil kolkii uu dhashay oohin iyo qaylo bilaabay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaloombi
(fal) buuq iyo sawaxan samee. Dh: qaloonbi, hugun, dhawaaq, qayli
qaloombi -ga: (magac, lab, keli) dhawaaq ama buuq badan. Qof maduxu xanuunyaa qaloombiga wuu nacaa. Dh: hugun, buuq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaloombi
de: drone of voices, sound of a crowd ~ rushing water
lx: qaloombi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
see: qaloonbi
key: qaloombi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaloombin
m.dh la-mid: qaloombiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaloonbi
(Qaloonbi-ga)
Dhawaaq; buuq; qaylo; hugun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaloonbi
v. drone (on), murmur, make the sound of voices ~ noise of rushing water
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaloonbi
(fal) eeg qaloombi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaloonbi
a: qaloombi
de: drone (on), murmur, make the sound of voices ~ noise of rushing water
lx: qaloonbi
pd: (qaloonbiyay)
ps: v1=intr
key: qaloonbi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoombi
qoombi¹: m.l (-iyaal/-iyo, m.dh) Xubinta uu malayga ka neefsado.
qoombi²: f.mg2 (-iyay, -isay) Nafley dhutin. .
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qoombi
m.l (-iyaal/-iyo, m.dh) Xubinta uu malayga ka neefsado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoombi
v. limp, be lame
qoombi m. n. gill; gills
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalooci
(fal) eeg qallooci.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaloombiyid
m.f.dh eeg qaloombi². la-mid: qaloombi¹, qaloombin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaloombiyid
-da: (magac, dhedig, keli) buuq iyo sawaxan samayn. Dh: buuqid, hugmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaloobid
m.dh la-mid: qaaliyoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaloobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax qiimo sare leh noqod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalloocsi
m.dh la-mid: qalloocsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaloonbiyid
(Qaloonbiyid-da)
Buuqid; hugmid; dhawaaqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaloonbiyid
-da: (magac. dhedig. keli) eeg qaloombiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qalbi
(Qalbi-ga)
1. Laab; maan; garaad.
2. Wadne.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalbi
m.l (quluub, m.dh) 1. Laab; kal. 2. Xasuus.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qalbi
m.l (quluub, m.dh) 1. Laab; kal. 2. Xasuus.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qalbi
m. n. heart; mind, thought, feeling; memory; courage
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Qalbi
name-fheart, core; desire, good feelings; intelligence (Arb)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qalbi
-ga: (n) heart (haart)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalbi
-ga: (magac, lab, keli) xubnaha xiska middood. oo meel ay ku taal la aqoon. Qof qalbi la' qaafka ku harraad. Dh: garaad, maan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qalbi
bw: Arabic
cf: garaad, laab, maan, wadne
de: heart; mind, thought, feeling; memory; [ext.] courage
lx: qalbi
pd: (-ga Pl: quluub (ta))
ps: n2a-m, n8-m
key: qalbi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaloo
f.mg3 (ooday, -ootay) Nafley qalo dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaloo
f.mg3 (ooday, -ootay) Nafley qalo dareemid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaloo
(fal) waadaal iyo is ururrin ku jir meel aad ku cusub tahay. Shisheeya ka qaloo qayrkaase la ciyaar. Dh: waadaaloo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aloosi
-ga: (magac, lab, keli) ku talagal qorsha cusub. Aloosi guur ayaa la hayay. Dh: qabaqaabo, haloosi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galoob
m. n. globe, world
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galoob
-ka: (magac, lab, keli) heemaal kubbadeedka dhulka ee lagu dulsawiro khariidadda dunida.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galoob
de: globe, world {Eng}
lx: galoob
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: galoob
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaboob
inch. v. become cold, be ~ get cool
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaboob
-ah / qaboobaa / qaboobayd: (adj) cold (kooldh); cool (kuul) ~ qabow. Ex: meet qaboob ah; a cold place
qaboob -ay / -tay / qaboobeen / qaboobnay: (v) become cold; be cold; grow cold
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaboob
de: become cold, be ~ get cool
lx: qaboob
pd: (qaboobay)
ps: v1=inch
key: qaboob
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qalami
(Qalami-da)
Bahal yar oo dhinac daayeerka uga eg (cagaha, dabada) dhinacna dawacada (wejiga, dhegaha), oo indho waaweyn; geedatiris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalami
qalami¹: m.l la-mid: qalammi.
qalami²: m.dh Nafley yar oo indha waaweyn leh oo cagaha iyo dabada daanyeerka uga eg, wejiga iyo dhegahana dawacada ugu eg; geedatiris.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qalami
f. n. lemur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalami
-da: (magac, dhedig, keli) nooc daayeerka ka mid ah oo geedafuulka iyo booddada ku caan ah. Beerta xayawaanka qalami baa joogta. Dh: geedatiris.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qalami
de: lemur
lx: qalami
pd: (-da)
ps: n-f
key: qalami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qalood
(Qalood-ka)
Qalo iska dareemid, iska garasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalood
m.f.l eeg qaloo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qalood
m.f.l eeg qaloo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qalood
v.pat: feel like a stranger, feel awkward
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qalood
-ay / qalootay: (v) feel uncomfortable with strangers; feel strangeness; feel shyness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalood
-ka: (magac, lab, keli) waadaal: iqalo dareemid. Gabadhu waa martiye qaloodka ka ilaali. Dh: waadaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qalood
de: feel like a stranger, feel awkward
lx: qalood
nt: qalood (ka) [vn-m]
pd: (qalooday)
ps: v1=pat
key: qalood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaloon
(Qaloon-ka)
1. Badar raran kulul ama qiiq kulul lagu dubey; salool.
2. Godan; xoodan; qooxan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaloon
m.l 1. Maseggo, galley, digir iyo wixi lamida oo la dubay. 2. Meesha qalloocan oo salka hunguriga nafleyda. 3. Jirro ku dhacda qoorta oo bararisa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaloon
m.l 1. Maseggo, galley, digir iyo wixi lamida oo la dubay. 2. Meesha qalloocan oo salka hunguriga nafleyda. 3. Jirro ku dhacda qoorta oo bararisa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaloon
m. n., (mass n.): parched corn, popcorn
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaloon
-ka: (n) popcorn (paap-koon) ~ salool, daango
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaloon
-ka: (magac, lab, keli) badar raran kulul ama qiiq kulul lagu dubey, Dh: salool.
qaloon -ka: (magac, lab, keli) eeg qallooc.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaloon
bw: daango
de: parched corn, popcorn
lx: qaloon
pd: (-ka)
ps: n2c-m-mass
syn: salool
key: qaloon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoonbi
(fal) dhuti oo sidii laangadhaha u soco. Dh: hitiqlee, heeti.
qoonbi -ga: (magac, lab, keli) xubnaha ay ka neefsadaan nafley badan oo biyaha ku dhexnooli Dh: waafyo.
qoonbi -ga: (magac, lab, keli) dhutin sida laangadhaha loo socdo. Qoonbiga daa lugi kuma jabnee. Dh: dhutin, heetin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aloosni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg aloosnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balooni
-ga: (magac, lab, keli) kubad lagu ciyaaro. Dh: banooni, kubad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalooli
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dalool u yeelid. la-mid: duleeli.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dalooli
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dalool u yeelid. m.f.dh, daloolin. la-mid: duleeli.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dalooli
v. pierce, put a hole in(to)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dalooli
-yey / say: (v) make a hole or opening in; pierce (piris); perforate (peer-fareeyi); drill (diriil) ~ duleeli, qod
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalooli
(fal) walax meel daloosha u yeel. Dalooli gidaarka oo daah ku xidh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dalooli
a: duleeli
de: pierce, put a hole in(to)
lx: dalooli
pd: (dalooliyey)
ps: v2a=tr
key: dalooli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fayoobi
(Fayoobi-da)
Fayo; caafimaad; ladnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fayoobi
m.dh la-mid: fayoobaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fayoobi
f. n., [collective] good health
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fayoobi
-da: (n) soundness; health (helth) ~ caafimaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fayoobi
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fayoobaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fayoobi
de: good health Opp: cudur
lx: fayoobi
pd: (-da)
ps: n2a-f-col
key: fayoobi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haloodi
m.l.kh la-mid: haloosi¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haloodi
m. n. large, broad road ~ street
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haloodi
-ga: (magac, lab, keli) waddo weyni iyo ballaar isku darsatay. Dh: haloosi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haloodi
de: large, broad road ~ street
lx: haloodi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: haloodi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haloosi
(Haloosi-ga)
Waddo weyni iyo ballaar isku darsatay (ama halloodi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haloosi
haloosi¹: m.l.kh H. ah: jid weyn oo aan lahayn dhagxan, geedo, godad iyo wixi lamida. la-mid: haloodi.
haloosi²: f.mg1/2 (-iyay, -iday/isay; -iyi) 1. Dad badan hees wada qaadid. 2. Ku h.: wax jid weyn, toosan oo aan dhib lahayn marin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haloosi
m.l.kh H. ah: jid weyn oo aan lahayn dhagxan, geedo, godad iyo wixi lamida. la-mid: haloodi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haloosi
m. n. broad road, avenue
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haloosi
-da: (magac, dhedig, keli) waddo ballaadh iyo wayni is ku darsatay oo la maro. Dh: dariiq, waddo, daw, jid, haloodi.
haloosi-ga: (magac, lab, keli) malamalayn iyo ku taamid arrimo iman doona. Haloosiga hal baa nahay midiyo hoos ka dhagarawga. Dh: feker, male'awaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haloosi
cf: waddo
de: broad road, avenue
lx: haloosi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: haloosi
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qabooba
m. n. cold season, winter
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qabooba
de: cold season, winter
lx: qabooba
pd: (-ha)
ps: n0-m-time
key: qabooba
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaboobe
m.l Waqtiga hawadu aad u qabowdo meelaha qaarkoodna uu baraf ka dhaco.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaboobe
m.l Waqtiga hawadu aad u qabowdo meelaha qaarkoodna uu baraf ka dhaco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaboobe
-ha: (magac, lab, keli) xilliga ama waqtiga dhulku aanu diirranayn ee jiilaalka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabooji
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax, wax qabow ah ka dhigid. 2. Wax xasilin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qabooji
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax, wax qabow ah ka dhigid. 2. Wax xasilin. m.f.dh, qaboojin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qabooji
v. cool, make cool ~ cold, chill; console, settle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qabooji
-yey / say / yeen / nay: (v) 1. cool (kuul); refrigerate (rifi-jireeyt); make less warm; 2. slow down (isloow dhaawn). Ex: baabuurka qabooji; slow the car down
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabooji
(fal) wax qabaw ka dhig oo kulaylka ka bi'i. Ilmaha yar caanaha u soo qabooji. Li: kuleyli, kululee.
qabooji: (fal) xiisad dagaal deji oo dhexdhexaadi. Dagaalka qabooji oo dhexdhexaadi labada dhinac. Dh: maslax. Li: kululee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qabooji
de: cool, make cool ~ cold, chill; [fig.] console, settle
lx: qabooji
pd: (qaboojiyey)
ps: v2a=tr
key: qabooji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qadoodi
(Qadoodi-ga)
Cunno ka qatanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qadoodi
m.l Cunto la'aan in muddo ah lagu jiro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qadoodi
m. n., [collective] hunger, state of being without food
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadoodi
-ga: (magac, lab, keli) eeg qadid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qadoodi
cf: qadi
de: hunger, state of being without food
lx: qadoodi
pd: (-ga)
ps: n0-m-col
key: qadoodi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qalammi
(Qalammi-ga)
Shiraac yar.