qalloocnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalloocnaan
m.f.dh eeg qalloocan. la-mid: qalloocnaansho, qalloocsanaan, qalloocsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalloocnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax dhan u maroora ahaan. Dhigta qalloocnaanta waa loogu talagalay. Dh: qalloocsanaan. Li: toosnaan.
qalloocnaan -ta: (magac, dhedig, keli) dabeecad xumaan; qof maroor ah ahaan. Qalloocnaanta waa la isku nacaa. Dh: qallafsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalloocsanaan
m.dh la-mid: qalloocnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalloocsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qalloocsan ahaan.
qalloocsanaan -ta: (magac, dhedig, keli) dabci xumaan; anshax xumaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalloocitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg qalloocid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qalloocan
Aan toosnayn; leexsan; godan (ama qalloocsan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalloocan
f.mg4 (-cnaa, -cnayd) 1. Wax qaab toosnayn oo dhan u janjeera leh ahaansho. 2. Hadal wax aan munaasab ahayn ahaansho. 3. Qof aan dabeecad wanaagsan lahayn ahaansho. la-mid: qalloocsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qalloocan
f.mg4 (-cnaa, -cnayd) 1. Wax qaab toosnayn oo dhan u janjeera leh ahaansho. 2. Hadal wax aan munaasab ahayn ahaansho. 3. Qof aan dabeecad wanaagsan lahayn ahaansho. m.f.dh, qalloocnaan. la-mid: qalloocsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qalloocan
der. [adjective] bent, crooked, tilted, curved
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Qalloocan
difforme.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qalloocan
-qalloocnaa / qalloocnayd: (adj) crooked (kuruukidh), bent (beent); curved (keervidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalloocan
(tilmaame) maroorsan oo aan toosnayn: mid dhan u janjeedha. Daw qalloocan ayaad na soo marisay. Dh: leexsan. Wa: qalqalloocan.
qalloocan: (tilmaame) dabeecad xun. Nin galloocan ayaad ii keentay. Dh: qaldan. Li: dabcisan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qalloocan
de: bent, crooked, tilted, curved
lx: qalloocan
nt: qalloocan (qalloocmay) [v1=inch]
pd: (qalloocnaa)
ps: adj-der
key: qalloocan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qallacnaan
m.dh eeg qallacan. la-mid: qallacnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qalloocsan
Qalloocan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalloocsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: qalloocan.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qalloocsan
Refraction
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qalloocsan
der. [adjective] tilted, bent, crooked
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalloocsan
(fal) mid qalloocan noqo.
qalloocsan: (tilmaame) dhan u leexsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qalloocsan
de: tilted, bent, crooked
lx: qalloocsan
pd: (qalloocsanaa)
ps: adj-der
key: qalloocsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalloocsanaansho
m.l/dh la-mid: qalloocnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tooxnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qooxnaan; qalloocnaan; godnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xikmaddarro
-da: (magac, dhedig, keli) mala xum talo qalloocnaan; xikmad darri. Xikmadara xumaan keenta. Dh: murtidarro, xigmadarro. Li: murti, xikmad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalasoocnaan
m.f.dh eeg kalasoocan². la-mid: kalasoocnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aloognaan
m.f.dh eeg aloogan². la-mid: aloognaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aloognaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax jooga ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aloosnaan
m.f.dh eeg aloosan². la-mid: aloosnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qalloocin
(Qalloocin-ta)
Wax qallooca ka dhigid; godid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalloocin
m.f.dh eeg qallooci.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalloocin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhan u maroorin oo wax qallooca ka dhigid. Qalloocinta dhigubu waa lagama maarmaan. Dh: maroorin, qalloocis, godid. Li: toosin. Wa: qalqalloocin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agloolnaan
m.f.dh eeg agloolan. la-mid: agloolnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galoolnaan
m.f.dh eeg galoolan². la-mid: galoolnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galoolnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la isku duubay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garoocnaan
m.f.dh eeg garoocan. la-mid: garoocnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garoocnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax go'an ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Helloonaan
(Helloonaan-ta)
Wax la helloon yahay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
helloonaan
m.f.dh eeg helloon. la-mid: helloonaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
helloonaan
f. n. availability
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
helloonaan
de: availability
lx: helloonaan
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: helloonaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kalsoonaan
(Kalsoonaan-ta)
Qalbi wanaagsanaan; laabqaboobaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalsoonaan
m.f.dh eeg kalsoon. la-mid: kalsoonaansho, kalsooni.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalsoonaan
f. n., [abstract] confidence, trust
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kalsoonaan
-ta: (n) trustworthiness (tarastweerthinest); reliance (rilaayansi); confidence
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalsoonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) shaki la'aan iyo ku iimaanqabista naftaada iyo dadkaaga. Dh: xasiloonaan. Li: shikisanaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalsoonaan
a: kalsami, kalsooni
de: confidence, trust
lx: kalsoonaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: kalsoonaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malooqnaan
m.f.dh eeg malooqan. la-mid: malooqnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qallalnaan
m.f.dh eeg qallalan. la-mid: qallalnaansho, qallayl.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qallalnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax engegan ahaan. Saloolkii gallalnaan ayuu ku haldhabaystay Dh: engegnaan.
qallalnaan-ta: (magac, dhedig, keli) wax qombobsan oo isku dheggan ahaan. Gaajo ayaa neefka qallalnaanta ugu wacan. Dh: qombobsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qallaxnaan
m.dh la-mid: qallacnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qallibnaan
m.f.dh eeg qalliban². la-mid: qallibnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qallibnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax rogan oo dhinaca hoosi sarreeyo ahaan. Dh: genbisnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaroofnaan
m.f.dh eeg qaroofan². la-mid: qaroofnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qarsoonaan
(Qarsoonaan-ta)
Wax qarsoon ahaan; xasaysnaan; dahsoonaan,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarsoonaan
m.f.dh eeg qarsoon². la-mid: qarsoonaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qarsoonaan
f. n., [abstract] secrecy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarsoonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qarsoon con la arkayn ahaan. Sirtu qarsoonaan ayay ku fiican tahay. Dh: xasaysnaan, dahsoonaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qarsoonaan
de: secrecy
lx: qarsoonaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: qarsoonaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saloognaan
m.f.dh eeg saloogan². la-mid: saloognaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saloognaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qotonsanaan ama taagnaan. Saloognaanta suuqyadu uma wanaagsana macallimiinta. Dh: tubnaan.
saloognaan -ta: (magac, dhedig. keli) wax saloogan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
silloonaan
m.f.dh eeg silloon. la-mid: sillaanaan, sillanaansho, silloonaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
silloonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax lalasyaabo ah oo sirgacan. Dh: sirgacanaan. Li: hagaagsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlloonaan
m.dh la-mid: hawllanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawlloonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid mashquulsan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaldhacnaan
m.dh la-mid: qallacnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalloocsani
-da: (magac, dhedig. keli) eeg qalloocid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalluubnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) gandoonaan oo si qalluuban u taagnaan. Qalluubnaanta iska daa oo kac qayrkaa raac. Dh: qalluubni qandoodid.
qalluubnaan -ta: (magac, dhedig, keli) far qarqarraafan oo la akhriyi karin ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qandoodnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) si fooror ah u taagnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saalloonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) sax ahaan, aan wax dhib ah qabin. Saalloonaan baan kaga imi ee dabaday baa la helay. Dh: fayoobaan, qummanaansho, hagaagsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taaloognaan
m.f.dh eeg taaloogan. la-mid: taaloognaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hallowsanaan
m.f.dh eeg hallowsan. la-mid: hallowsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qallafsanaan
m.f.dh eeg qallafsan. la-mid: qallafsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qallafsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) naxariis darnaan. Dadka qallafsanaan ha kula dhaqmin.
qallafsanaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax adag oo qallafsan ahaan. Kabo qallafsanaan laguma xidhan karo. Dh: qombobsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qallalsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg gallainaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalloocsamid
-da: (magac, dhedig, keli) maroorsamid oo dhan o xoodmid. Li: toosid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalloocsasho
m.f.dh eeg qalloocso. la-mid: qalloocsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tallowsanaan
m.dh la-mid: tallaabsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tallowsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid xad la dhigay iyo wax la mid ah ka gudbay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xasilloonaan
(Xasilloonaan-ta)
Wax xasilloon ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xasilloonaan
m.dh la-mid: xasillanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xasilloonaan
f. n., [abstract] quietness, stability, tranquility, calmness, peacefulness
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Xasilloonaan
Stabilità
Stability
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasilloonaan
-ta: (magac, dhedig. keli) wax xasiloon ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xasilloonaan
de: quietness, stability, tranquility, calmness, peacefulness
initial: x
lx: xasilloonaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: xasilloonaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foocnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) buurnaan soo beyni baxday oo muuqata ahaan. Foocnaanta likaha si dhib fududbaa loo arkaa. Dh: foocniin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qallacan
f.mg4 (-cnaa, -cnayd) Qof oo geel qallacay si kadis ah ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qallacan
(tilmaame) neef geel ah oo loo qallacay si kadis ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qallooci
f.g2 (-iyay, -isay) Wax qaabkiisa dhan u janjeerin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qallooci
f.g2 (-iyay, -isay) Wax qaabkiisa dhan u janjeerin. m.f.dh, qalloocin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qallooci
v. bend, curve
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qallooci
-yey / say: (v) make a crook in; bend (beendh); curve (keerv)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qallooci
(fal) wax maroora ka dhig; wax hore u toosnaa janjeedhi. Dh: maroori.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qallooci
de: bend, curve
lx: qallooci
pd: (qalloociyey)
ps: v2a=tr
key: qallooci
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qallooco
f.mg3 (-cday, -catay) 1. Wax dhan u janjeersasho. 2. Ka q.: hadal si aan habbooneyn u dhihid. 3. la-mid: qallooc².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qallooco
f.mg3 (-cday, -catay) 1. Wax dhan u janjeersasho. 2. Ka q.: hadal si aan habbooneyn u dhihid. 3. la-mid: qallooc³. m.f.dh, qalloocasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qallooco
v. bend, be bent ~ crooked, stoop, incline toward, curve
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qallooco
(fal) mid dhan u janjeedha noqo, mid maroora noqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qallooco
de: bend, be bent ~ crooked, stoop, incline toward, curve
lx: qallooco
pd: (qalloocday)
ps: v3b=
key: qallooco
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoolnaan
m.f.dh eeg qoolan². la-mid: qoolnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoolnaan
-ta: (magac, dhedig, kei) qool ku xidhnaan.
qoolnaan -ta: (magac, dhedig, keli) cedaysnaan, mid eedaysan ahaan. Dh: xidhnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qooqnaan
m.f.dh eeg qooqan. la-mid: qooqnaansho.