qalinshube
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalinshube
m.l (-bayaal, m.l/dh) Waxyaabaha la isku qurxiyo (siyaakhad) qof ka sameeya qalin iyo dahab.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qalinshube
m.l (-bayaal, m.l/dh) Waxyaabaha la isku qurxiyo (siyaakhad) qof ka sameeya qalin iyo dahab.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qalinshube
m. n., [compound] maker of coins, coiner
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalinshube
-ha: (magac, lab, keli) qof qoraalkiisu uu aad u degdeg badan yahay.
qalinshube-ha: (magac, lab, keli) qof ka shaqaysta shubidda iyo tumitaanka qalinka 'lacag' iyo dahabka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qalinshube
de: maker of coins, coiner
lx: qalinshube
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
see: qalmashube
key: qalinshube
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qalmashube
(Qalmashuba-ha)
Qalinka (lacagta) shiila oo tuma (ama qalinshube).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalmashube
m.l la-mid: qalinshube.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qalmashube
m. n., [compound] coin-smith, coiner, maker of coins
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalmashube
-ha: (magac, lab, keli) eeg qalinshube.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qalmashube
a: qalinshube
de: coin-smith, coiner, maker of coins
lx: qalmashube
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: qalmashube
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalinshubato
m.dh.u Dad sixirka yaqaan oo intay dadka indhasarcaadiyaan wax ka qaata.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qalinshubato
f. n., [collective] swindlers who make use of magical practices, confidence men
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qalinshubato
-qalinshubatada: (n) con artist; magical trickster (tirik'istar); confidence man; confidence schemer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalinshubato
-da: (magacwadareed) dadka ka shaqaysta shubidda iyo tumitaanka macadanta qalinka 'lacag' iyo dahabka. Fargal marayaashka waxa laga samaystaa qalinshubatada. Dh: dahable.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qalinshubato
de: swindlers who make use of magical practices, confidence men
lx: qalinshubato
pd: (/da)
ps: n-f-col
key: qalinshubato
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qalinduurre
(Qalinduurra-ha)
Fiqidduur; kitaabgaablow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalinduurre
m.l (-rayaal, m.l/dh) Nin kutubta wax yar ka yaqaan oo haddana wax ka sheegsheega oo wadaad iska dhiga; kitaabgaab.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qalinduurre
m. n. sorcerer, wizard, doer of witchcraft; witch doctor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalinduurre
-ha: (magac, lab, keli) wadaad kitaab gaab ah oo cilmi badan lahayn. Qalinduurre yaanu caalim kuu noqon. Dh: fiqiduurre.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qalinduurre
cf: fiqidduur, kitaabgaab(low)
de: sorcerer, wizard, doer of witchcraft; witch doctor
lx: qalinduurre
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: qalinduurre
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Qalinle
nickname-m silvery. Lit: a man whose tooth or teeth are coated with silvery material
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Qalinle
magac loo bixiyo wiil xirribo waawayni iyo faruuryo qurxi ku dhasha; naanays loo bixiyo wiil leh ilko maar cas leh ama ilkaha sadaf loo geshay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darshube
-ha: (magac, lab, keli) qof leh tab iyo taag darshub lagu sameeyo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ralingue
ralingue, n.f. - tolmada darfaha shiraaca doonta si xoog loogu yeelo
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qalinjabi
-yey / say: (v) graduate (garaa-juweeyt)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalinjebi
f.mg2 (-iyay, -isay) 1. Quraan dhammeyn (arday). 2. Tacliin dhammeyn. 3. Ka q.: dugsi sare ama jaamacad la yaqaan ka soo bixid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qalinjebi
f.mg2 (-iyay, -isay) 1. Quraan dhammeyn (arday). 2. Tacliin dhammeyn. 3. Ka q.: dugsi sare ama jaamacad la yaqaan ka soo bixid. m.f.dh, qalinjebin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qalinjebi
v., [compound] complete one's studies, graduate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalinjebi
(fal) wax ad dhiganayso dhammee oo ka aflax. Jaamacadda ka qalinjebi aad waxbarasho sare bilawdide. Dh: aflax.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qalinjebi
de: complete one's studies, graduate
lx: qalinjebi
nt: Traditionally, students in Koranic schools break their pens when they complete their studies
pd: (qalinjebiyey)
ps: v2a=cmp
key: qalinjebi
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
salissure
salissure, n.f. - qashinka; wasakhda
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
QALIN QORE
Temperino
Sharpener
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Qaansoruube
Qaansada ruubuhu afka uga xirmo oo ruubaha xurbin wax kula duleelisa.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qalin biire
(n) ballpoint pen.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xaqlin shabaq
Grid bias