qalinjebis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalinjebis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qalinjebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalinjebi
f.mg2 (-iyay, -isay) 1. Quraan dhammeyn (arday). 2. Tacliin dhammeyn. 3. Ka q.: dugsi sare ama jaamacad la yaqaan ka soo bixid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qalinjebi
f.mg2 (-iyay, -isay) 1. Quraan dhammeyn (arday). 2. Tacliin dhammeyn. 3. Ka q.: dugsi sare ama jaamacad la yaqaan ka soo bixid. m.f.dh, qalinjebin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qalinjebi
v., [compound] complete one's studies, graduate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalinjebi
(fal) wax ad dhiganayso dhammee oo ka aflax. Jaamacadda ka qalinjebi aad waxbarasho sare bilawdide. Dh: aflax.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qalinjebi
de: complete one's studies, graduate
lx: qalinjebi
nt: Traditionally, students in Koranic schools break their pens when they complete their studies
pd: (qalinjebiyey)
ps: v2a=cmp
key: qalinjebi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qalinjebin
(Qalinjebin-ta)
Waxbarasho dugsi ebyid, dhammayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalinjebin
m.f.dh eeg qalinjebi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qalinjebin
vl. n., [compound] graduation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalinjebin
-ta: (magac, dhedig, keli) waxbarasho ka aflixid oo soo afjarid. Ardaygii qalinjabintiisii ayaa soo dhawaatay. Dh: aflixid, ebyid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qalinjebin
a: qalinjebis (ka) [vn-m]
de: graduation
lx: qalinjebin
pd: (-ta)
ps: vn2-f-cmp
key: qalinjebin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
qalinjebin
تَخَرُّج
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qalinjabi
-yey / say: (v) graduate (garaa-juweeyt)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qalinjabin
-ta: (n) graduation (garaa-juweeyshin). Ex: xafladda qalinjabinta; the graduation party
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dafcad
-da: (magac, dhedig, keli) koox arday ah oo isku mar jaamacad ka qalinjebisa. Dh: dufcad, horin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kamiinjebis
m.l la-mid: kamiinjebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalbijebi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid qalbijab ku ridid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qalbijebi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid qalbijab ku ridid. m.f.dh, qalbijebin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qalbijebi
v. discourage, demoralize
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qalbijebi
-yey / say: (v) dishearten (dis-haar'ten); disappoint (disapooynt); demoralize (dimooralaayz), discourage (dis koor eeyj); dispirit (dis piirit) ~ niyadjebi
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qalbijebi
de: discourage, demoralize
lx: qalbijebi
pd: (qalbijebiyey)
ps: v2a=tr
key: qalbijebi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalbijebid
m.f.dh eeg qalbijab². la-mid: qalbijab¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalbijebid
-da: (magac, dhedig, keli) niyad jabid; hongoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalbijebin
m.f.dh eeg qalbijebi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballanjebin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg ballan-baajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kamiinjebin
m.f.dh eeg kamiinjebi. la-mid: kamiinjebis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalindaaris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qalindaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iljebis
m.l la-mid: iljebin.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Qalinle
nickname-m silvery. Lit: a man whose tooth or teeth are coated with silvery material
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Qalinle
magac loo bixiyo wiil xirribo waawayni iyo faruuryo qurxi ku dhasha; naanays loo bixiyo wiil leh ilko maar cas leh ama ilkaha sadaf loo geshay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carjebis
m.l la-mid: carjebin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanjebid
-da: (magac, dhedig, keli) hadallo hanjebaad ah qof ku dhihid. Dh: gooddiyid, cagajuglayn, hanjebaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinjibis
-ka: (magac, lab, keli) eeg hayaamiso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafjebis
-ka: (magac, lab, keli) eeg lafajab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qallajis
(Qallajis-ta)
Bahal yar oo jaadad badan ah; waxay sida mulaca leedahay dhex dhuuban, dabo dheer, afar addin, waxayna u badan tahay dhulalka kulkulul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qallajis
qallajis¹: m.l la-mid: qallajin.
qallajis²: m.l.u (cilmiga naflayda) Xamaarato yar oo jaadad badan ah oo leh dhex dhuuban, dabo dhuuban iyo afar addin oo sida badan ku nool dhulka kuleylaha ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qallajis
m.l.u (cilmiga naflayda) Xamaarato yar oo jaadad badan ah oo leh dhex dhuuban, dabo dhuuban iyo afar addin oo sida badan ku nool dhulka kuleylaha ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qallajis
f. n. lizard species
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qallajis
-ta: (n) lizard (liz'ardh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qallajis
-ta: (magac, dhedig, keli) bahal yar oo u eg siilaanyada kana roon oo mulaca ka yar oo badanaa lagu arko gidaarrada iyo jidhifta dhirta waaweyn. Dh: qorrato, wasakhad.
qallajis -ta: (magac, dhedig, keli) eeg qallajin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qallajis
de: lizard sp.
lx: qallajis
pd: (-ta)
ps: n2a-f
syn: qorrato {C & S}
key: qallajis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qariibis
m.l la-mid: qariibin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
catajebis
m.l la-mid: cashatebid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lafajebis
(Lafajebis-ka)
(hadal, kd.) saamays weyn leh oo wax dhaawaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lafajebis
m.l 1. Qori ama bir lafaha lagu jejebiyo. 2. L. ah: hadal sharafta iyo shaqsiyadda qofka wax u dhima.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lafajebis
m.l 1. Qori ama bir lafaha lagu jejebiyo. 2. L. ah: hadal sharafta iyo shaqsiyadda qofka wax u dhima.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lafajebis
vl. n. harmful words, humiliation; injury
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafajebis
-ka: (magac, lab, keli) hadal aad u adag oo aan naxariis lahayn; hadal saamays weyn leh oo wax dhaawacaya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lafajebis
de: harmful words, humiliation; injury (e.g., hitting below the belt)
lx: lafajebis
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: lafajebis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaldhebid
m.f.dh eeg qaldheb.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalinqori
-ga: (magac, lab, keli) qalin carruurtu ku farbarto qoraalka bilawga ahna lagu qoro oo qoraalkiisa si sahlan loo masixi karo. Qalin qori ayaan ku feegari jiray kolkaan yaraa. Dh: qalinrasaas; beensal, karanyoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadhajebis
-ka: (magac, lab, keli) eeg cadhajebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hammajebis
m.l la-mid: qalbijebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kamiinjebi
f.mg2 (-iyay, -isay) Neef ooman biyo ku qaboobid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luqunjebis
m.l la-mid: luqunjibbaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabarjebis
m.l la-mid: dhabarjebin².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabarjebis
-ka: (magac, lab, keli) ciidan dagaallamaya xagga dambe kaga imasho. Dh: dhabarjebin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jebaanjebis
-ka: (magac, lab, keli) magac koosaareed ama ammaaneed qof qusurin ugu samin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaaliyoobid
(Qaaliyoobid-da)
Qaali noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaliyoobid
m.f.dh eeg qaaliyow. la-mid: qaaloobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaliyoobid
-da: (magac, dhedig, keli) qaali noqosho: qiimihii caadiga ahaa ka siyaadid. Dalabka badani qaaliyoobidda qayb ayuu ka yahay: Dh: qaaligaroobid, qaaligaraw
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabanqaabis
-ta: (magac, dhedig. keli) eeg qabanqaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaddarjebid
m.dh la-mid: maskarjabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaddarjebin
m.f.dh eeg qaddarjebi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaddarjebin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhallin- yarnimo ku dilid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qalin biire
(n) ballpoint pen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qalindaarid
(Qalindaarid-da)
Cid qalindaar ku samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalindaarid
m.f.dh eeg qalindaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalindaarid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale oo wax qoraysa, qardabo ku samayn. Dhaqdhaqaaga badani qalindaarid ayuu keenaa. Dh: qalindaaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalinrasaas
-ka: (magac, lab, keli) eeg qalinqori.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardajeexis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qardajeexid.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
salpingitis
(n) inflammation of the fallopian or eustachian tube.
dhuumaha makaanka oo bukooda