qalbixumo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalbixumo
m.dh Xumaan cidi uurka ku hayso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qalbixumo
m.dh Xumaan cidi uurka ku hayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalbixumo
-da: (magac, dhedig, keli) xumaan cidi uurka ku hayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalbixumow
f.mg3 (-maaday, -maatay) Cid wax niyaddu ka xumaatay noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qalbixumow
f.mg3 (-maaday, -maatay) Cid wax niyaddu ka xumaatay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalbixume
f.mg2 (-meeyay, -meysay) Cid ay ku qalbixumaato ku samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalbixume
-ha: (magac, lab, keli) cid wax ay ku qalbixumaato ku samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalbixumi
m.dh la-mid: qalbixumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bellaagra
m.l (daawo) Cudur nafaqoxumo ama nafaqodarro oo ay keento la'aanta ama kayaraanta jirka fitamiinka la yiraahdo PP oo ka sameysan “nikotiinika asidh”. Astaamaha: maqaarka inta muuqda oo galdhaca, shuban iyo qalbixumo ama qulub.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bellaagra
m.l (daaw.) Cudur nafaqoxumo ama nafaqodarro oo ay keento la'aanta ama kayaraanta jirka fitamiinka la yiraahdo PP oo ka sameysan 'nikotiinika asidh'. Astaamaha: maqaarka inta muuqda oo galdhaca, shuban iyo qalbixumo ama qulub.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalsamaan
-ta: (magac, dhedig, keli) niyadsamaan; qalbisamaan. Dh: niyadsami. Li: niyadxumo, qalbixumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaabxumo
(Qaabxuma-da)
Qaabka aan wanaagsaneyn; qaabdarro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaabxumo
m.dh Qaab aan qurxooneyn oo wax yeeshaan. la-mid: qaabxumaan, qaabxumi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaabxumo
m.dh Qaab aan qurxooneyn oo wax yeeshaan. la-mid: qaabxumi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaabxumo
f. n., [compound] disorder, mess; ugliness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaabxumo
-qaabxumada: (n) ugliness (ag'li nes); deformity (dhifoor'mati); improperness ~ qaabdarro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaabxumo
-da: (magac, dhedig, keli) nidaam xumo. Shaqada qaabxumo ka ilaali. Dh: qaabumi nidaamdarri. Li: nidaamsani.
qaabxumo -da: (magac, dhedig, keli) foolxumo. Dabeecad xumada qaabxumo ayuu ku darsaday. Li: qaabsami.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaabxumo
de: disorder, mess; ugliness
lx: qaabxumo
pd: (/da)
ps: n6-f-cmp
key: qaabxumo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalbixun
f.mg4 (-maa, -mayd) 1. Cid tiiraanyo hayso ahaansho. 2. Cid aan niyad wanaagsan lahayn ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qalbixun
f.mg4 (-maa, -mayd) 1. Cid tiiraanyo hayso ahaansho. 2. Cid aan niyad wanaagsan lahayn ahaansho. m.f.dh, qalbixumaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalbisamo
m.dh Samaan cidi uurka ku haysa; niyadsami. la-mid: qalbisami.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qalbisamo
m.dh Samaan cidi uurka ku haysa; niyadsami. la-mid: qalbisami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalbisamo
-da: (magac, dhedig, keli) samaan cidi uurka ku hayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalbixumaan
m.f.dh eeg qalbixun. la-mid: qalbixumaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalbixumeyn
m.f.dh eeg qalbixumee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalbisamow
f.mg3 (-maaday, -maatay) Cid wax niyaddiisu fiicantahay noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qalbisamow
f.mg3 (-maaday, -maatay) Cid wax niyaddiisu fiicantahay noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalbisamow
(fal) cid wax niyaddiisu fiicantahay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falxumo
m.dh la-mid: falfalxumaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falxumo
-da: (magac, dhedig, keli) dambi xun oo cidi ku kacdo ama dabeecd kulul lahaansho. Dh: dhaqanxumo. Li: dhaqanwanaag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habxumo
m.dh Si aan wanaagsanayn oo wax yihiin. la-mid: habxumaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qalimmo
f. n., pl. pens
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qalimmo
de: pens Sg: qalin
lx: qalimmo
pd: (/da)
ps: n2c-f-pl
key: qalimmo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaabxumi
m.dh la-mid: qaabxumo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalbixin
-ta: (magac, dhedig, keli) qalka sare ka diirid. Qalbixinta arabikhida ha ku raagin. Dh: qalbixis, diirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wajixumo
m.dh Ceeb weyn. Tusaale: “Cali arrintii uu galay w. ayaa ka raacday”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wajixumo
m.dh Ceeb weyn. Tusaale: Cali arrintii uu galay w. ayaa ka raacday.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wajixumo
f. n., [compound] embarrassment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wajixumo
-da: (magac, dhedig, keli) guddoon la'aan iyo wejicabuusnimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wajixumo
de: embarrassment
initial: w
lx: wajixumo
pd: (/da)
ps: n0-f-cmp
key: wajixumo
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caqlixumo
-caqlixumada: (n) stupidity (istuu-pidhiti); foolishness (fuulish-nes); silliness (silines) ~ nacasnimo, doqonimo, dabbaalnimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caqlixumo
-da: (magac, dhedig, keli) garaad darro; garasho yaraan. Dh: garaadxumo, aqlixumo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabcixumo
-da: (magac, dhedig, keli) dabeecad xumaan, baaxaalli xumaan. Dabcixumo dad kaa saartay. Dh: xanaaqi, jacjacoor. Li: camalsami.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kartixumo
m.dh la-mid: kartidarro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kartixumo
f. n., [abstract] inability, lack of power; incompetence
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kartixumo
de: inability, lack of power; incompetence
lx: kartixumo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: kartixumo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalbisami
m.dh la-mid: qalbisamo, qalbisnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalbisami
-da: (magac, dhedig, keli) uurxaadhni iyo niyadwanaag. Weligaa qalbisami lahaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalbifurnow
f.mg3 (-naaday, -naatay) Niyad wanaagsan yeelasho. la-mid: qalbifurrow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qalbifurnow
f.mg3 (-naaday, -naatay) Niyad wanaagsan yeelasho. la-mid: qalbifurrow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalbifurrow
f.mg3 (-raaday, -raatay) la-mid: qalbifurnow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tacliinxumo
m.dh Waxbarasho la'aan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tacliinxumo
f. n., [compound] having a poor education, ignorance
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tacliinxumo
de: having a poor education, ignorance
initial: t
lx: tacliinxumo
pd: (/da)
ps: n-f-cmp
key: tacliinxumo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caloolxumo
(Caloolxuma-da)
Xumaan ama naxdin uurka la gashado; ciilqab; (ama caloolxumi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caloolxumo
m.dh Dareen cadaawad iyo ciilqab leh. la-mid: caloolxumi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caloolxumo
m.dh Dareen cadaawad iyo ciilqab leh. la-mid: caloolxumi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caloolxumo
f. n., [compound] sadness, melancholy, depression
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caloolxumo
-caloolxumada: (nj sorrow (soo-row); sadness (saad-nes); misery ~ murugo, tiiraanyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caloolxumo
-da: (magac, dhedig, keli) xumaan ama ciilqab cid kale u hayn. Dh: caloolxumi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caloolxumo
cf: murug, uurkutaallo
de: sadness, melancholy, depression
lx: caloolxumo
pd: (/da)
ps: n6-f-cmp
key: caloolxumo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabcixumo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dabcixumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalanxumo
m.dh la-mid: dhalanxumaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalanxumo
-da: (magac, dhedig, keli) anshax xumo cusub oo ka duwan anshaxa guud ee bulshada. Dh: dhaqanxumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falaadxumo
m.dh 1. Dhaqan xumo. 2. la-mid: falaadxumaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
falaadxumo
m.dh 1. Dhaqan xumo. 2. la-mid: falaadxumaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
falaadxumo
f. n., [collective] bad behavior
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
falaadxumo
- falaadxumada: (n) misbehavior (misbeheevyor), delinquency, wrongdoing ~ dhaqanxumo, falfalxumo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falaadxumo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg falaadxumi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
falaadxumo
a: falaadxun
de: bad behavior
lx: falaadxumo
pd: (/da)
ps: n-f-col
key: falaadxumo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Falfalxumo
(Falfalxuma-da)
Dabeecadxumo; sansaanxumo; falaadxumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falfalxumo
m.dh 1. Dhaqan xun oo dadku yeesho. 2. la-mid: falfalxumaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
falfalxumo
f. n., [compound] (adj.): bad character ~ manner; naughty, messy (child)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
falfalxumo
-falfalxumada: (n) misbehavior (misbeheevyor); delinquency, wrongdoing ~ dhaqanxumo, falaadxumo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falfalxumo
-da: (magac, dhedig, keli) dabeecadxumi iyo falaadxumo. Dh: sansaanxumo, dhaqanxumo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
falfalxumo
de: bad character ~ manner; [atr.] naughty, messy (child)
lx: falfalxumo
nt: falfalxun [adj]
pd: (/da)
ps: n6-f-cmp
key: falfalxumo
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
karti-xumo
-karti-xumada: (n) inability (in a bility ~ see also [eeg] kartidarro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nasiibxumo
m.dh la-mid: nasiibdarro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nasiibxumo
f. n., [compound] ; [ext., fig.]: bad luck, misfortune; unfortunately
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nasiibxumo
-nasiibxumada: (n) bad fortune or bad luck; misfortune (mis-foor-jun), adversity (adh-veer-sati), mishap (mis-haap), mischance (mis-jaanis) ~ ayaandarro, see also [eeg] nasiibdarro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nasiibxumo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg nasiibdarro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nasiibxumo
de: bad luck, misfortune; [atr. adv.] unfortunately
lx: nasiibxumo
pd: (/da)
ps: n-f-cmp
syn: nasiibdarro
key: nasiibxumo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalbifuran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Cid niyad wanaagsan leh ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qalbifuran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Cid niyad wanaagsan leh ahaansho. m.f.dh, qalbifurnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afxumo
(Afxuma-da)
Hadalxumo; cay; aflaggaaddo; (ama afxumi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afxumo
m.dh la-mid: afxumaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afxumo
f. n., [compound] insult, rudeness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afxumo
-afxumada: (n) impoliteness; rudeness; discourtesy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afxumo
-da: (magac, dhedig, keli) hadal aan milgo lahayn oo dadka lagula kaco; erayo cay ah. Afxumo colna wax kama tarto nabadna way kaa fogaysaa. Dh: aflagaado, afxumi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afxumo
de: insult, rudeness
lx: afxumo
pd: (/da)
ps: n6-f-cmp
key: afxumo
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Albino
Midab maqaar shiiqsane
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
albino
/albayno/albinos; (adj) xayawaan ama qof kulligiis wada cad. e.g. an albino bird.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
albino
/albiino/ (n) qof amy hooly korky dhong ku ed amy dhoghortiyo eddy.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
albume
s.m. xab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alkumo
f.g3 (-untay, -umatay) Gabadh guur laga doonayo reerkooda weyddiisasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
alkumo
v. get engaged; ask for a girl's hand in marriage
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
alkumo
de: get engaged; ask for a girl's hand in marriage
lx: alkumo
pd: (alkuntay)
ps: v3b=
syn: dhaado
key: alkumo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilxumo
(Ilxuma-da)
Ildarro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilxumo
m.dh la-mid: ilxumaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilxumo
f. n., [collective] hardship, misery, sufferings