qalaamarogadka
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
QALAAMAROGADKA
GYMNASTICS
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalaamarogad
-ka: (magac, lab, keli) kolba dhan isku rogid. Nin weyni qalaamarogad ma karo. Dh: qalaabarogad.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
GYMNASTICS
QALAAMAROGADKA
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaalaamarogad
m.l la-mid: qaalmarrogasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalaamarogasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qalaamarogad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaalmarogad
-ka: (n) [gymnastics] somersault (samar-soolt) also somerset tumbleset (samar-set tam-bal-set) ~ qaalma-rogasho, jinaystiko
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalaamarogo
(fal) eeg qalaaborogo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalaamarrogad
-ka: (magac, lab, keli) madax iyo mijo kolba dhinac u rogmad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaalaamarrogasho
m.dh la-mid: qaalmarrogasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalaamarrogasho
-da: (magac, dhedig, keli madax iyo mijo kolba dhinac u rogmasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalmorogad
-ka: (magac, lab, keli) is rogrogid uu qofku sameeyo isaga oo jiifa oo uu kolba dhinac qallinka iskugu ledgo. Jiifka ku dagaallama oo qaalmorogad sameeya ayuu taliyuhu ku yidhi ciidankiisa. Dh: qalaamarogad, qalaamarogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaalmarrogad
(Qaalmarrogad-ka)
Qaalmarrogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaalmarrogad
m.l Rogmasho uu qof hawada dhexdeeda ku sameeyo mar ama laba. la-mid: qaalmarrogasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaalmarrogad
m.l Rogmasho uu qof hawada dhexdeeda ku sameeyo mar ama laba.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalabaarogad
-ka: (magac, lab, keli) madax iye mijo kolba dhinac u rogmad. Dh: qalaamorogad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalabaarogasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qalamaarogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaamadsad
m.l la-mid: calaamadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaamaysad
m.l la-mid: calaamadsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalaaborogo
(fal) is rogrog oo kolba bog isku geddi. Rasaasta ka qalaaborogo. Dh: qalamaarogo.
qalaaborogo: (fal) wax jiifa kolba dhan u geddiso. Foostada haddaad qaadanayso qalaaborogo. Dh: wilaanwisho, rogrogo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalaamaanyo
m.dh Nafley aan nooc wada ahayn oo wada jirta. la-mid: qalamaanyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalamarrogo
(fal) eeg qalaamarogo.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Salaamad-da
sûreté.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqalyarogad
-ka: (magic, lab, keli) qaarka hoose sarraysiin oo gacmaha isku istaagid oo isrogrogid. Dh: qaalaabarogad, qaalmarogad, baqayarogad. baqalyarogasho -da: (magic, dhedig, keli) baqalyarogad samayn. Baqalyarogasho badisaye berrina maxaad baran. Dh: baqayarogasho, qaalmarogasho, qaalaamarogasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaamacoodi
(fal) hilib dabka saar oo dub. Dh: sol.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalaabogadi
(fal) alaab isku dhex daadi oo wada rogrog. Is ku qaalaabogadi alaabta guriga si aan loo arag inta muhiim ka ah. Dh: mulac, qalaabageddi.
qaalaabogadi -ga: (magac, lab, keli) arbush alaab la is dhexdhigo oo la kala daadaadiyo. Alaabta qaalaabogadiga ka daa. Dh: mulaaq, qalaabageddi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fallaar gaama
m.l (-rro ..., m.l) (fiisikis) Kaah birlab danabeed ay si joogto ah u bixiyaan walxo kaahfala marka ay walaxdu ku jirto kalaguurbu'eed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fallaar gaama
m.l (-rro ..., m.l) (fiisikis) Kaah birlab danabeed ay si joogto ah u bixiyaan walxo kaahfala marka ay walaxdu ku jirto kalaguurbu'eed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaamacoodin
-ta: (magac, dhedig, keli) solidda iyo dubidda hilibka. Dh: solid, halaamacoodis. halaamacoodis-ka: (magac, lab, keli) eeg halaamacoodin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalaabogadin
-ta: (magac, dhedig, keli) isku dhexdaadin oo alaab rogrogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaalaamarrogo
f.mg3 (-gtay, -gatay) la-mid: qaalmarrogo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalaamarrogo
(fal) madax iyo mijo kolba dhinac u rogmo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalmorogasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qaalmorogad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaalmarrogasho
(Qaalmarrogasha-da)
Rogmasho ama booddo qofku kol, sida garangarta, isku kor wareego, isagoo duuban; (ama qaalaamarrogasho).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaalmarrogasho
m.f.dh qaalaamarrogad, qaalmarrogad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
calaamad yaab-ka
(n) exclamation mark ~ calaamatu-yaab
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Calaamad wadarayn
Summation sign