qafaalid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qafaalid
(Qafaalid-da)
1. Qof laga adkaaday, xoog ku wadasho; afduubid; boojin.
2. (beer) Geedqaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qafaalid
m.f.dh eeg qafaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qafaalid
-da: (magac, dhedig, keli) beer, daleed la dhigid oo dhirta ka jarid. Qafaalid la'aan berta lama qodi karo. Dh: jirid, geedqaadid.
qafaalid -da: (magac, dhedig, keli) afduubid, xoog ku kaxaysad. Dh: afduubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qasaalid
(Qasaalid-da)
Biyo ku nadiifin; mayrid; dhaqid; xalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qasaalid
m.f.dh eeg qasaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasaalid
-da: (magac, dhedig, keli) biyo ku maydhis; dhiqid. Dharku waa nadiif oo qasaalid uma baahna. Dh: maydhid, dhaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afduubid
(Afduubid-da)
Xoog ku kaxaysasho; qafaalid; boojin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qado
m.dh (-ooyin, m.l) Cunnada harki la cuno. qafaal¹: m.l 1. Si xoog ah oo cid loo kaxeeyo si dano laga lahaa loogu fushado. 2. Meel dhir lahayd oo la baneeyo si beer looga dhigto.
qafaal²: f.g1 (-aalay, -aashay) 1. Cid xoog ku kaxayn si dan laga lahaa loogu fusho. 2. Meel dhir ka bannayn si beer looga dhigo. m.f.dh, qafaalid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
conscript
/konskript/ (v) askari ku qasbid (askari u qafaalid).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
draft
/dharaft/ (n) 1. qoraalka koowaad ee aan rasmiga ahayn (takhdiidka hore ) (n) 2. jeeg, siiba bangi uu u qoro bangi kale (n) 3. qafaal-askareed (n) 4. qul-qulka aaryada ee ka soo-baxaysa qol, bir-qaac iwm (n) 5. qur-quro (v) 6. qoraal aan rasmi-ahayn diyaarin (v) 7. askari u qafaalid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
draft board
/dhraft-boodh/ (n) guddiga qafaalka (dad qaabilsan askar u qafaalidda).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
kidnap
/kidhnaab/ (v) af-duubid (qafaalid) e.g. She was kidnapped last night.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
levy
/levi/ (v) 1. canshuur ku waajib yeelid (amrid in canshuur la bixiyo). 2. qafaalid (khasab askari uga dhigid).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boojin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo ama ruux aan raalli ahayn qasab kula tegid. Boojin baa lagu qaatay gabadhii. Dh: afduubid, qafaalid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
enlever
enlever, v. - khasab ku kaxaysi; boojis; afduubid; qafaalid; kufsasho; la tegid; muquunin; eryid; tuuris; ka saarid; ka bixin; laaxin ka xuubin ama ka xayuubin; ka saarid; ka tuurid; takoorid; ka noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalfaadid
m.f.dh eeg qalfaad². la-mid: qalfaad¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalfaadid
-da: (magac, dhedig, keli) looxaan waaweyn oo geedaha jirriddooda laga jaray wax ku dhisid sida doonyaha oo kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qalqaalid
(Qalqaalid-da)
Tabaabushayn; abaabulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qafaal
(Qafaa-sha)
1. Afduub; boojis.
2. (beer) Geedqaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qafaal
qafaal¹: m.l 1. Si xoog ah oo cid loo kaxeeyo si dano laga lahaa loogu fushado. 2. Meel dhir lahayd oo la baneeyo si beer looga dhigto.
qafaal²: f.g1 (-aalay, -aashay) 1. Cid xoog ku kaxayn si dan laga lahaa loogu fusho. 2. Meel dhir ka bannayn si beer looga dhigo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qafaal
f. n. kidnapping
qafaal v. kidnap, seize
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qafaal
-ka: (n) 1. compulsory enrollment [also enrolment] in the armed forces; draft (daraaft). 2. the act of kidnapping or taking a hostage
qafaal: qafaashay / qafaalatay: (v) take hostage; capture (kap-jar); take captive -taxaab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qafaal
(fal) xoog ku afduub oo la teg. Dh: qabso, afduub.
qafaal: (fal) beerta daleed ka dhig oo dhirta ka jar. Beerta intaan roobku di'in qafaal. Dh: geedqaad.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
qafaal
خَطَّفَ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaflid
m.f.dh eeg qafal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Awaalid
(Awaalid-da)
Filid; malayn; sugid; saadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awaalid
m.dh la-mid: aawil¹, aawilid, awaal¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awaalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax saadin; wax saadaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jafaali
f.g2 (-iyay, -isay) Wax si xoog leh uga dhifasho; uga dafid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jafaali
v. pull with force
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jafaali
(fal) jirrid geed iyo wax la mid ah, qolofta sare ka qaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jafaali
de: pull with force (e.g., in order to tear s.t. off or to make an animal walk faster)
lx: jafaali
pd: (jafaaliyey)
ps: v2a=tr
key: jafaali
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kafalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kugu lumay ama cidkale oo aad masuul ka tahay ku lumay bixin. Dh: magid, bedid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qafaalo
f.g3 (-aashay, -aalatay) Cid xoog ku kaxeeysasho si dan laga lahaa loogu fushado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qafaalo
f.g3 (-aashay, -aalatay) Cid xoog ku kaxeeysasho si dan laga lahaa loogu fushado. m.f.dh, qafaalasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qafaalo
v. capture, seize someone on one's own ~ for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qafaalo
(fal) cid afduub u kaxayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qafaalo
de: capture, seize s.o. on one's own ~ for oneself
lx: qafaalo
pd: (qafaashay)
ps: v3b=tr
key: qafaalo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qafilid
(Qafilid-da)
Wax qafilan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qafilid
m.f.dh eeg qafil². la-mid: qafil¹ (2), qafil¹, quful¹, qufulid, qunful, qu
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qafilid
-da: (magac, dhedig, keli) qafil ku xidhid Qafilid la'aan aqalka ha ka tegin. Dh: qufulid qataarid, xidhid. Li: furid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qatalid
-da: (magac, dhedig, keli) dilid ama waxyeello dilka ka dhicin samayn. Inuu Eebbahay inni qatalin qariya laabtiinna.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aawaalid
-da: (magac, dhedig, keli) ka warramidda wax aan weli dhicin iyada oo la kaashanayo astaamaha lagu tilmaansan karo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaalid
m.dh la-mid: callaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dadaalid
(Dadaalid-da)
Dadaal la imaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadaalid
m.f.dh eeg dadaal². la-mid: dedaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadaalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax qabad dheeraad ah oo muruq iyo maskax ah samayn si yool loo gaadho. Dh: dadaalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dagaalid
(Dagaalid-da)
(qof wax dhimay) dagaal ula tegid; eedayn; ku carabbaabbi'id; haaraamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dagaalid
m.f.dh eeg dagaal². la-mid: dagaal¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaalid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, la diririd, u hanjabid. Dh: hanjabid, diririd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fataalid
(Fataalid-da)
Fataalnimo samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fataalid
m.f.dh eeg fataal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fataalid
-da: (magac, dhedig, keli) rag iyo dumar isu geyn. Dh: fataalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galaalid
(Galaalid-da)
Galaal u yeelid, marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaalid
m.f.dh eeg galaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galaalid
-da: (magac, dhedig, keli) galaal u marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jafaalin
m.f.dh eeg jafaali. la-mid: jafaalis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jafaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) jirrid geed iyo wax la mid ah, qolofta sare ka qaadid.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Jafaalin
Rifid xoog leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jafaalis
m.l la-mid: jafaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalaalid
m.f.dh eeg jalaal².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kafaalad
m.dh Dammaanad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kafaalad
m.dh Dammaanad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacaalid
-da: (magac, dhedig, keli) kabo ragcad ku samayn. Kabatolahaasi nacaalidda si fiican ay u saaraa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qadaadid
m.f.dh eeg qadaad².
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qafaal_1
de: kidnapping
hm: 1
lx: qafaal
pd: (/sha)
ps: n2-f
xe: kidnap victim
xv: qof qafaal
key: qafaal_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qafaal_2
de: kidnap, seize
hm: 2
lx: qafaal
nt: qafaal (ka) [vn-m]
pd: (qafaalay)
ps: v1=tr
key: qafaal_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qafaalan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la qafaalay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qafaalan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la qafaalay ahaansho. m.f.dh, qafaalnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qafaalan
der. [adjective] captured, seized, kidnapped, in captivity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qafaalan
(tilmaame) mid la hayste ah oo cid kale gacanta ugu jira. Geelu wuu qafaalan yahay. Dh: afduuban.
qafaalan: (tilmaame) beer, mid geedihii laga jaray Beer qafaalan ayaan iibsaday. Dh: jiran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qafaalan
de: captured, seized, kidnapped, in captivity
lx: qafaalan
pd: (qafaalnaa)
ps: adj-der
key: qafaalan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaflamid
m.f.dh eeg qaflan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qalaadid
(Qalaadid-da)
Ci qalaad ah ciyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qąlaadid
m.f.dh eeg qąlaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalaadid
-da: (magac, dhedig, keli) sawaxan iyo ci ku baryid. Qalaadiddii orgiga ayaan ka seexan weynay. Dh: qaylyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qallalid
(Qallalid-da)
Wax qallalan noqosho; engegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qallalid
m.f.dh eeg qallal². la-mid: qallal¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qallalid
-da: (magac, dhedig, keli) qombobid oo isku dhegid. Saanta gallalidda ka ilaali oo dhis.
qallalid -da: (magac, dhedig, keli) wax aan qoyanayn oo engegan noqosho. Bustaha qallalid ayaan u wadhay. Dh: engegid. Li: qoyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalqalid
m.dh la-mid: khalkhalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qamaamid
(Qamaamid-da)
Sida wax oomman, meel wax yaalliin, ugu yaacid, ugu firxasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qamaamid
m.f.dh eeg qamaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qamaamid
-da: (magac, dhedig, keli) baahi awgeed meel ugu wada yaacid. Lo'da adaa qamaamidda ugu wacan. Dh: qamaamis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaraabid
m.f.dh eeg qaraab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaraamid
-da: (magac, dhedig, keli) qaaraan ururin. Qaraamidda qof uun ha lagu ogaado. Dh baahayn, dhawrtayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaraarid
m.f.dh eeg qaraar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaraarid
-da: (magac, dhedig, keli) iska soo taagid, xamili waayid. Shaqo badan iyo mishaar yarayaa qaraaridda keenay: Dh: diidid. Li: oggolaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qasaalad
-da: (n) washer (wooshar); washing machine ~ makiinadda dharka dhaqda
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasaalad
-da: (magac, dhedig, keli) mishiin dhar lagu maydho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qataarid
(Qataarid-da)
1. Qataar ku xirid; qufulid.
2. Sixrid; falid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qataarid
m.f.dh eeg qataar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qataarid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qafilid.
qataarid -da: (magac, dhedig, keli) cid kale baad u samayn oo wax sixran ka dhigid. Saaxir qataaridda yaqaan lama soo dhawaysto. Dh: sixrid, baabid, falid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qawaacid
(Qawaacid-ka)
Wax weyn oo daran; dhibaato weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qawaacid
m.l Khasaaro weyn; masiibo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qawaacid
m. n. serious trouble, harm ~ damage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qawaacid
-ka: (magac, lab, keli) wax weyn oo daran, dhibaato weyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qawaacid
cf: daran
de: serious trouble, harm ~ damage
lx: qawaacid
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: qawaacid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qawlalid
m.f.dh eeg qawlal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayaadid
-da: (magac, dhedig, keli) geeddi dheer guurid. Socdaal qayaadid ah ayaan Yugaandha ku tegney. Dh: hayaamid, guurid, qayaadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rafaadid
(Rafaadid-da)
Dhib iyo rafaad arkid, la kulmid, mudasho.