qadhmuunayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadhmuunayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qadhmuun ka dhigid; ur aan udgoonayn u yeelid...
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadhmuunaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qadhmuun ahaan; si xun u uritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadhmuunayso
(fal) wax qadhmuun ka dhigo: ur aan udgoonayn u yeelo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudhmuunaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax si xun u uraya ahaan. Dh: qadhmuunaan. Li: udgoonaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
udgoonayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax udgoon ka dhigid; wax carfoon ka dhigid. Udgoonaynta aqalka ayaa lagaa doonaayaa. Dh: carfoonayn. Li: qadhmuunayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qadhmuun
m. n. bad smell, stench
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qadhmuun
-ka: (n) stink (istink); stench (isteenj); fetor (feey-tar); bad smell or foul odour also [odor] ~ qurun, qurmuun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadhmuun
(tilmaame) wax aan udgoonayn oo sanku naco. Meel qadhmuun lama agfadhiyo. Dh: qarmuun.
qadhmuun -ka: (magac, lab, keli) ur naftu karahdo oo sanku naco sida: dhuusada iyo wixii la mid ah. Digsigu qadhmuunka ayuu ka helaa shinniduna udgoon. Li: udgoon.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qadhmuun
a: qurmuun ~ qurmoon
cf: ur {N}
de: bad smell, stench
lx: qadhmuun
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: qadhmuun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamuunayn
m.f.dh eeg gamuunnee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamuunayn
-ta: (magac, dhedig, keli) leeb gamuuman ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadhmuune
-ha: (magac, lab, keli) cayayaan ur silloon leh. Dh: noolaa'ure.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadhmuuni
-da: (magac, dhedig, keli) si xun u urid. Caday la'aantu af qadhmuuni ayay keentaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadhmuunee
(fal) wax ur qadhmuun leh ka dhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarmuunaan
m.dh la-mid: qurmuunaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarmuunaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qadhmuun lahaan; ur aan la jeclaysan lahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamuunan
(tilmaame) aan weli hammuuntiran; aan weli quraacan; hamuuntii qaba; kamiintii qaba oo gaajaysan.
hamuunan: (tilmaame) baahi iyo xiiso weyn wax u qaba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qamuunyo
(Qamuunya-da)
Bushinta hoose oo ciil iyo caro darteed lala qaniino.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qamuunyo
m.dh Ciil iyo caro badan oo bushinta hoose lala qaniino.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qamuunyo
m.dh Ciil iyo caro badan oo bushinta hoose lala qaniino.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qamuunyo
f. n. biting one's lip (from anger)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qamuunyo
-qamuunyada: (n) the act of biting one's lip for the sake of rage or anger
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qamuunyo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qammuunyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qamuunyo
de: biting one's lip (from anger)
lx: qamuunyo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: qamuunyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudhmuun
-ka: (magac, lab, keli) eeg qadhmuun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ammuurayn
m.f.dh eeg ammuuree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ammuurayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xaalal iyo arrimo sida baabka ah ku ridid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qammuunyo
-da: (magac, dhedig, keli) ciil badan oo dartii faruuryaha la qaniino. Dh: ciil.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudhmuuni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qadhmuunaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurmuunaan
(Qurmuunaan-ta)
Wax qurmuun ka soo urayo ama qurun leh, ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurmuunaan
m.f.dh eeg qurmuun². la-mid: qarmuunaansho; qarmuunaan, qurmoonaan, qurmoonaan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurmuunaan
f. n., [abstract] stinkingness, stench
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurmuunaan
de: stinkingness, stench
lx: qurmuunaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: qurmuunaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saabuunayn
m.dh Hab falgal biyood oo dhex mara iistar iyo haydarogsaydh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saabuunayn
m.dh Hab falgal biyood oo dhex mara iistar iyo haydarogsaydh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saabuunayn
-ta: (magac, dhedig, keli) saabuun ku maydhid. Dh: saabuunays.
saabuunayn -ta: (magac, dhedig, keli) Hab falgal biyood oo dhex mara iistar iyo haydarogsaydh. saabuunays -ka: (magac, lab, keli) saabuunayn. saabuunayti -da: (magac, dhedig, keli) noocyada miinada mid ka mid ah oo saabuunta adagee dharka u eg. Saabuunti bay ahayd wixii saaka baabuurka ku qarxay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Candhuufayn
(Candhuufayn-ta)
Candhuufo marin, ku tirid. ku tufid; calyeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
candhuufayn
m.f.dh eeg candhuufee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
candhuufayn
-ta: (magac, dhedig, keli) candhuufo marin, ku tirid; candhuuf ku tufid. Dh: calyeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qamaamudnaan
m.f.dh eeg qamaamudan. la-mid: qamaamudnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qandheysnaan
m.f.dh eeg qandheysan. la-mid: qandheysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qandheysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) bugtaan yar qabid. Qayndhaysnaan waadh looma galo. Dh: tacabsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Adduunyo
(Adduunya-da)
Adduun; duni; maal; xoolo; hanti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adduunyo
m.dh la-mid: adduun.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Adduunyo
World
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
adduunyo
f. n., pl. world, universe; wealth
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
adduunyo
-adduunyada: (n) 1. world (wooldh); earth (eerth); universe (yuni veersi) ~ 2. [Plural of adduun] livestock ~ see also [eeg] adduun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adduunyo
-da: (magac, dhedig, keli) dhulka iyo waxa dul yaalla ee uumiye lagu abuuray. Adduunyo waa hadhka labadiisa gellin. Dh: duni, adduun.
adduunyo-da: (magac, dhedig, keli) hantida gaarla loo leeyahay. Adduunyo ninkaanan dhaqan, agtaada miyuu yimaad! Dh: maal, xoolo, hanti.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
adduunyo
bw: Arabic
cf: duunyo
de: world, universe; wealth
lx: adduunyo
pd: (/da)
ps: n2-f-pl
key: adduunyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ammuuray
(fal) xaalal iyo arrimo sida baabka ah ku rid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax badhan ahaan. Badhnaan buu igu siiyey xisaabta. Dh: barnaan, inqanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baduugan
baduugan¹: f.mg1 (-gmay, -gantay; -gmi) Wax la baduuqay noqosho. la-mid: baduuqan¹.
baduugan²: f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax ka baduuqay ahaansho. la-mid: baduuqan².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baduugan
der. [adjective] broken, shattered; broken in small pieces, crushed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baduugan
-baduugnaa/baduugnayd: (adj) smashed (is maa shidh); crashed (karaashidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baduugan
(tilmaame) wax jajaban ahaan; wax baaba'san ahaan. Guri baduugan buu gabadha ku hooyey. Dh: burbursan, jajaban.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baduugan
de: broken, shattered; broken in small pieces, crushed
lx: baduugan
nt: baduugan (baddugmay) [v1=inch]
pd: (baduugnaa)
ps: adj-der
key: baduugan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baduuqan
baduuqan¹: f.mg1 (-qmay, -qantay; -qmi) la-mid: baduugan¹.
baduuqan²: f.mg4 (-qnaa, -qnayd) la-mid: baduugan².
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhullayn
Earthening
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhurnaan
m.f.dh eeg dhuran². la-mid: dhurnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuubaan
m.dh Miro bisil oo engegan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuxlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) la ordid dhagartiyo qaadhaammadii lala dhuxlaynaayay. Dh: gucleyn. Wa: dhuxdhuxlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadhnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax fagan ahaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaduudan
der. [adjective] red, brown, reddish-brown
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaduudan
-gaduudnaa / gaduudnayd: (adj) reddish in color; red (reedh) ~ casaan, guduudan. Ex: baabuur gaduudan: a red car
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaduudan
a: guduudan
de: red, brown, reddish-brown
lx: gaduudan
pd: (gaduudnaa)
ps: adj-der
key: gaduudan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamuuman
(tilmaame) mid si aan weecweecad lahayn oo sigib tiran u go'an.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamuuran
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: gamuuxan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamuuran
(tilmaame) wax la gamuuray; wax aan af fiiqan lahayn. Dh: gamuuxan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gamuuxan
Aan af fiiqan lahayn; la gamuuxay; gamuuran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamuuxan
f.mg4 (-xnaa, -xnayd) Wax aan af fiiqan lahayn ahaansho. la-mid: gamuuran, gumuuxan, guxuuman.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gamuuxan
f.mg4 (-xnaa, -xnayd) Wax aan af fiiqan lahayn ahaansho. m.f.dh, gamuuxnaan. la-mid: gamuuran, gumuuxan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gamuuxan
der. [adjective] blunt
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamuuxan
(tilmaame) wax la gamuuray oo si siman loo jaray. Dh: gamuuran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gamuuxan
a: guxuuman
de: blunt
lx: gamuuxan
pd: (gamuuxnaa)
ps: adj-der
key: gamuuxan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax baaqi soo noqday oo wax kale ka soo hadhay ahaan. Dh: harnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadimayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hadimays, dibindaabyeyn; luggoyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hamuuman
Aan weli hammuntiran; aan weli quraacan; hamuuntii qaba; kamiin qaba; gaajaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hamuuman
f.mg4 (-mnaa, -mnayd) Qof hammuun qaba ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hamuuman
der. [adjective] hungry (from fasting)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hamuuman
cf: gaajaysan
de: hungry (from fasting)
lx: hamuuman
pd: (hamuumnaa)
ps: adj-der
key: hamuuman
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaduudan
kaduudan¹: f.mg1 (-dmay, -dantay) Wax la kaduuday noqosho.
kaduudan²: f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax la kaduuday ahaansho. la-mid: kuduudan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaduudan
der. [adjective] crouched (over); crumpled (up)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaduudan
(tilmaame) mid si kaduud ah u fadhiya: si foolxun fadhiya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaduudan
de: crouched (over); crumpled (up)
lx: kaduudan
pd: (kaduudnaa)
ps: adj-der
key: kaduudan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ladhnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax ladhan oo la dheereeyey ama la xoojiyay ahaan. Dh: larnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madhnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax madhan oo faaruq ah ahaan. Dh: marnaan, madhni. Li: buuxnaan, buuxni.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maduuran
(tilmaame) dabar go'an oo halaagan. Ummad aqoon lahayni waa ummad maduuran. Dh: cidhibla', tirtiran.
maduuran-ka: (magac, lab, keli) idlaasho dad iyo duunyaba ah. Maduuran ayaa ku dhacay beeshii. Dh: tirtiran.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Maymuuna
pr. n., [feminine] Maymoona
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Maymuuna
name-f blessed, happy, lucky, fortunate
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Maymuuna
bw: Arabic
de: Maymoona
lx: Maymuuna
ps: name-f
key: Maymuuna
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
namuunad
m.dh la-mid: namuun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
namuunad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg namuun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qamuurin
m.f.dh eeg qamuuri. la-mid: qamuuris.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaramayn
-ta: (n) nationalisation (na-shi-naa-lizeey-shin), also nationalization
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaramayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qaranku leeyahay oo dadku wadaago ama ka dhexeeya ka dhigid. Dh: qaramays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayuuran
(tilmaame) taagan oon dhanna u dhaqaaqayn. Qofbaa gidaarka aqalka qayuuran. Dh: tigtigan, likaysan, quturan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uduufayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax uduufo ah ka dhigid; wax an faa'iido lehayn ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadhnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax wadhan ahaan; warnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaduuran
(tilmaame) xoodan oo sida qaansada u soo godan. Deegaantu way xaduuran tahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidhmayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xidhmooyin badan oo dhandhan iskugu xidhan ka dhigid. Dh: seerayn, xirmayn, xirmays.