qadhaabad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadhaabad
-ka: (magac, lab, keli) qadhaab gurasho Dh: qaraabad, qadhaabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaabad
m.dh 1. Ballan. 2. Tix yar oo maanso iyo wixi lamida dhextaal u ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadhaab
-ka: (magacwadareed) midho aan la beeran oo iskood buuraha uga baxa oo la cuno Dadkii hore qadhaab ayay ku noolaayeen. Dh: qaraab, qajaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ladaabad
(Ladaabad-ka)
Ladaabasho; durduurad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ladaabad
m.l la-mid: ladaabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ladaabad
-ka: (magac, lab, keli) xoolo, maalin walba biyo cabbid. Dh: durduurad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadhaabo
(fal) qadhaab guro. Daayeerti ba kaynta ka qadhaabanaysa. Dh: qaraabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaxaabad
m.dh (-do, m.l) Naag jirkeeda ka ganacsata; dhillo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaxaabad
f. n. prostitute
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaxaabad
-da: (n) female prostitute (porosti-tuut); harlot (harlat); whore (hoor); hooker (huuker) ~ sharmuuto, dhillo, qabxad
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaxaabad
a: qaxbad
de: prostitute
lx: qaxaabad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: qaxaabad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaddaabad
-da: (magac, dhedig, keli) cinjir masaasadeed oo canugga afka loo geliyo si uu naas u moodo oo ugu aamuso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadhkabad
-da: (magac, dhedig, keli) wax la qabanayo, kansho iyo wakhti ku filan u diidid oo dhakhso u qabasho. Dh: karkabo, deddejis, qarbaqarbo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaddaamad
-da: (magac, dhedig, keli) qof dhedig oo adeegto ah. Qaddaamadda ayaa aqalka masaxda. Dh: khaddaamad, shaaqiyad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadhaabsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg qadhaabad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadhaabasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qadhaabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhadhaarad
m.l la-mid: dhardhaarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haabhaabad
(Haabhaabad-ka)
Haabhaabasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haabhaabad
vl. n. act of keeping on feeling (around) ~ groping about
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haabhaabad
-ka: (magac, lab, keli) haabasho oo kolba haabasho wax aanad arkayn ama aan si fiican u muuqan.
haabhaabad -ka: (magac, lab, keli) laacidda iyo tiigsiga wax kaa fog.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haabhaabad
a: haabhaabasho (/da) [vn6-f]
de: act of keeping on feeling (around) ~ groping about
lx: haabhaabad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: haabhaabad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhaqabad
-ka: (magac, lab, keli) qof khaati laga joogo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maydhaamad
m.l la-mid: maydhaamasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wadnaqabad
(Wadnaqabad-ka)
Wadnaqabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadnaqabad
m.l 1. W. ah: qof aad u dhib badan oo la karaahiyaysto. 2. la-mid: wadnaqabasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wadnaqabad
m.l W. ah: qof aad u dhib badan oo la karaahiyaysto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wadnaqabad
vl. n. upper chest pain (as in nausea ~ heart attack); cause of such pain; 'pain in the neck', person who bugs
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadnaqabad
-ka: (magac, lab, keli) dhib khaatiyaan lala noqdo; qof hadalkiisa la dhibsado. Ilmo qaylo badan oo wadnaqabad ah weeyaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wadnaqabad
a: wadnaqabasho (/da) [vn-f]
de: upper chest pain (as in nausea ~ heart attack); cause of such pain; [idiom] 'pain in the neck', person who bugs another
initial: w
lx: wadnaqabad
pd: (-ka)
ps: vn-m
see: wadne ka qabo
key: wadnaqabad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daabad
m.l Ninka tababbarka bilowga ah qaatay xagga ugaadhsiga, welise aan heer fiican gaarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabad
-ka: (magac, lab, keli) maqal caano ku shubmid. Nirigtu danbarkii bay daabad ka qaadday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhabad
(Dhabad-ka)
(dabayl) babbad; dhaqdhaqaaq; kacaan; ruxad; dhabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabad
m.l la-mid: dhabasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhabad
m. n. shaking in the wind; shake-up; revolution
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabad
-ka: (magac, lab, keli) dhaqdhaqaaq degdeg ah. Dh: babbad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhabad
de: shaking in the wind; shake-up; revolution
lx: dhabad
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: dhabad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haabad
(Haabad-ka)
Haabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haabad
m.l la-mid: haabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haabad
-ka: (magac, lab, keli) hiigsashada wax aan gacantaada ku jirin ama kaa fog. Dh: hiigsad, haabasho, gacantogaaleyn, tiigsad.
haabad -ka: (magac, lab, keli) wax aan la arkayn, indhaha ku raadin. Dh: haabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qadaad
(Qadaad-ka)
Jeego.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qadaad
qadaad¹: m.l (-dyo, m.dh) Madaxa docdiisa dambe; jeego.
qadaad²: f.g1 (-day, -dday) Koor carrabbadeeda isku xirid si aanay u shanqarin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qadaad
m.l (-dyo, m.dh) Madaxa docdiisa dambe; jeego.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qadaad
m. n. back of the neck
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qadaad
-ka: (n) the back part of head or the neck ~ jeeggo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadaad
(fal) koor carrabbadeeda isku xirid si aanay u shanqarin.
qadaad -ka: (magac, lab, keli) qoorta xagged dambe inta tunka iyo kodhida u dhexaysa, Dh: qoordiid, deli, tun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qadaad
de: back of the neck
lx: qadaad
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: jeego
key: qadaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaaban
Si adag u mudan; dhidban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaaban
dhaaban¹: f.mg1 (-bmay, -bantay; -bmi) Wax meel lagu dhaabay noqosho.
dhaaban²: f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax meel lagu dhaabay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaaban
dhaaban¹: f.mg1 (-bmay, -bantay; -bmi) Wax meel lagu dhaabay noqosho. m.f.dh, dhaabmid.
dhaaban²: f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax meel lagu dhaabay ahaansho. m.f.dh, dhaabnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaaban
der. [adjective] implanted; secured, fixed, fastened, stuck on
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaaban
(tilaame) wax qotoma oo si fiican dhulka ugu taagan. Dh: dhidban.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaaban
de: implanted; secured, fixed, fastened, stuck on
lx: dhaaban
pd: (dhaabnaa)
ps: adj-der
key: dhaaban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaabid
(Dhaabid-da)
Si xoog leh wax meel ugu mudid, ugu adkayn, dhidbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaabid
m.f.dh eeg dhaab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaabid
-da: (magac, dhedig, keli) si xoog ah dhulka ugu qotomin. Dhaabidda waranka ha igaga cabsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaacad
(fal) hal ilmaheedu jaqayo, deymood iyada oo ursanaysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gadabad
(Gadabad-da)
Kalluunka badda jaad kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadabad
m.dh Nooc badda kalluunka ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gadabad
f. n., [collective] ocean fish species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadabad
-ka: (magac, lab, keli) kalluunka jaad ka mid ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gadabad
cf: kalluun
de: ocean fish sp.
lx: gadabad
pd: (-da)
ps: n-f-col
key: gadabad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qadhabi
f. n. buckle, snap; tongs, pincers
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadhabi
-da: (magac, dhedig, keli) bir yar oo wareegsan ama afargees ah oo suumanka dhexda lagu xidho fayga hore lagaga xidho. Suunka iska tuur hadday qadhabidii kaa jabtay: Dh: waransillo.
qadhabi-da: (magac, dhedig, keli) eeg qabato.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qadhabi
de: buckle, snap; tongs, pincers (any instrument closed by pinching or pressure) {N}
lx: qadhabi
pd: (-da)
ps: n-f
key: qadhabi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qasabad
(Qasabad-da)
Ul dhexda ka daloosha; dhuun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qasabad
m.dh (-do, m.l) Dhuun dheer oo bir, caag ama wax kale ka samaysan oo biyaha iyo wixi lamida ay maraan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qasabad
m.dh (-do, m.l) Dhuun dheer oo bir, caag ama wax kale ka samaysan oo biyaha iyo wixi lamida ay maraan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qasabad
f. n. pipe, tube, barrel of a gun
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qasabad
-da: (n) 1. water pipe ~ tuubo. 2. water tap ~ taabo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasabad
-da: (magac, dhedig, keli) dhuun bir, caag iyo wax la mid ah ka samaysan oo biyaha, ogsojiinta, xadhkaha iyo wixii la mid ah, la dhexmariyo. Qasabaddii biyaha ayaa naga jabtay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qasabad
bw: Arabic
cf: dhuun
de: pipe, tube, barrel of a gun
lx: qasabad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: qasabad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaaban
(tilmaame) mid cadaab ku jira; mid saxariirsan oo kadeed qaba. Dh: kadeedan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cadaabid
(Cadaabid-da)
Cadaab ku ridid; kadeedid; saxariirin; naarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadaabid
m.f.dh eeg cadaab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaabid
-da: (magac, dhedig, keli) kadeedid oo saxariirin; dhib gaadhsiin.
cadaabid -da: (magac, dhedig, keli) 'awood Ilaahay' cadaab ku ridid; naarta geyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaalad
-da: (magac, dhedig, keli) garsoor; xaqsoor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadaawad
m.dh la-mid: cadaawo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadaawad
m.dh la-mid: cadaawo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaawad
-da: (magac, dhedig, keli) colaad labo dhinac dhextaal. Dh: colaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaabad
-da: (magac, dhedig, keli) nooc ka mid ah qalab millateri oo ciidamadu ku dagaallamaan. Dabaabad ayaa halkan socota. Dh: kaare.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadaamad
-da: (magac, dhedig, keli) daah yar oo aqal Soomaaliga docdiisa lagu xidho. Dh: daah. Wa: fadaamado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadhqaad
-ka: (magac, lab, keli) hoggaamin wax la wado. Awrku waa layli oo wali gadhqaad ma baran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hadaayad
(Hadaayad-da)
Hado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadaayad
m.dh (-do, m.l) Daboolka sufriyada. la-mid: hado, hayaayad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hadaayad
f. n. cover ~ lid (of a cooking pot)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hadaayad
-da: (n) lid (liidh) ~ hayeeyad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadaayad
-da: (magac, dhedig, keli) hanuunka jidka toosan lagu dhaco; xaqa oo lagu toosnaado.
hadaayad-da: (magac, dhedig, keli) waxa xun iyo waxa san oo inta la kala garto, waxa san xaggooda loo bayro; dawga wanaagsan oo Ilaah loogu dhowaado oo xaggiisa loo leexdo. Dh: hanuun, hadaayo, hado.
hadaayad -da: (magac dhedig, keli) eeg hadiyad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hadaayad
a: hado
de: cover ~ lid (of a cooking pot)
lx: hadaayad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: hadaayad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaabad
-da: (magac, dhedig, keli) dheef; faa'iido; macaash. Dh: waxtar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaabax
m.l Goodir lab oo aad u weyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaabax
-a: (magac, lab, keli) goodir lab oo aad u weyn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaarad
-da: (magac, dhedig, keli) uudka sabuulka lagu urursho ee lagu tumo. Dh: uud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nadaafad
m.dh la-mid: nadaafo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nadaafad
m.dh la-mid: nadaafo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nadaafad
-da: (n) cleanliness (kiliinli-nes); sanitation (sana-teey-shin) ~ nadaafo-da
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nadaafad
-da: (magac, dhedig, keli) uskag iyo wasakh la'aan. Dh: nadaafo, nadiifnimo. Li: uskag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qadaadan
f.mg4 (-naa, -nayd) Koor wax qadaaday ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadaadan
(tilmaame) koor wax la gadaaday ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qadaadid
m.f.dh eeg qadaad².