qabsin-oodmid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabsin-oodmid
m.f.dh eeg qabsin-oodan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabsin'oodmid
-da: (magac, dhedig, keli) xiidma- yaasha oo ay neefi ku dhex xannibanto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabsin-ood
m.l 1. Cad yar oo buro ah oo dhuuban, oo doc af ku leh docna ka oodan oo qabsinka madaxiisa ka laallaada; kolon. 2. Xanuun qabsin-oodka qabta. la-mid: qabsin-oodane.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qabsin-ood
m. n. appendix; appendicitis, pain in the colon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabsin-oodan
qabsin-oodan¹: m.l Xirmidda ay xiidmuhu xirmaan.
qabsin-oodan²: f.mg1 (-dmay, -dantay; -dmi) Xiidmo wax xiran noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qabsin-oodan
m.l Xirmidda ay xiidmuhu xirmaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabsin-oodane
m.l la-mid: qabsin-ood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qabsin'ood
(Qabsin'ood-ka)
1. (Oogada) cad yar oo buro ah oo dhuuban, oo doc af ku leh docna ka oodan oo qabsinka (xiidanka weyn) madaxiisa ka laallaada; kolon.
2. Xanuunka qabsin'oodka qabta laftiisa; (ama qabsin'oodane).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabsin'ood
-ka: (magac, lab, keli) cad dhuuban oo yar oo dhinac af ku leh dhinacna ka oodan oo ka laallaada madaxa qabsinka. Qabsin'ookii ayaa go'ay Dh: kolon.
qabsin'ood -ka: (magac, lab, keli) xanuunka qabsin'oodka qabta laftiisa. Qabsinoodbaa haya oo wuu qaylyayaa. Dh: qabsin'oodan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabsin'oodan
-ka: (magac, lab, keli) eeg qabsinood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabsin'oodane
-ha: (magac, lab, keli) xanuunka ka dhasha xiidmayaasha oo ay neefi ku dhex xannibanto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabatoomid
m.f.dh eeg qabatoon².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abtiyoobid
m.f.dh eeg abtiyow².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abtiyoobid
-da: (magac, dhedig, keli) naaska gabadh yar, soo bixis oo taagmis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daba-ordid
m.f.dh eeg daba-orod.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoonqoomid
-da: (magac, dhedig, keli) naburro meelo badan ka gaadhsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rabshoobid
(Rabshoobid-da)
Rabsho gaarid, qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rabshoobid
m.f.dh eeg rabshow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caasiyoobid
(Caasiyoobid-da)
Caasi noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caasiyoobid
m.f.dh eeg caasiyow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caasiyoobid
-da: (magac, dhedig, keli) caasi noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadankoodid
m.f.dh eeg kadankood³. la-mid: kadankood¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadankoodid
-da: (magac, dhedig, keli) wax sidii buur yar ah ka dhigid; burco ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaaliyoobid
(Qaaliyoobid-da)
Qaali noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaliyoobid
m.f.dh eeg qaaliyow. la-mid: qaaloobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaliyoobid
-da: (magac, dhedig, keli) qaali noqosho: qiimihii caadiga ahaa ka siyaadid. Dalabka badani qaaliyoobidda qayb ayuu ka yahay: Dh: qaaligaroobid, qaaligaraw
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maalinjoogid
(Maalinjoogid-da)
Maalinjoog cid ugu tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maalinjoogid
m.f.dh eeg maalinjoog². la-mid: maalinjoog¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maalinjoogid
-da: (magac, dhedig, keli) siyaarasho qaadanaysa maalin. Waxan saaxiib kuugu imid maalinjoogid oo galabtaan carraabi.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qaawin oogeed
Sheet erosion