qabsin-oodane
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabsin-oodane
m.l la-mid: qabsin-ood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabsin-oodan
qabsin-oodan¹: m.l Xirmidda ay xiidmuhu xirmaan.
qabsin-oodan²: f.mg1 (-dmay, -dantay; -dmi) Xiidmo wax xiran noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qabsin-oodan
m.l Xirmidda ay xiidmuhu xirmaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabsin'oodane
-ha: (magac, lab, keli) xanuunka ka dhasha xiidmayaasha oo ay neefi ku dhex xannibanto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabsin'oodan
-ka: (magac, lab, keli) eeg qabsinood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabsin-ood
m.l 1. Cad yar oo buro ah oo dhuuban, oo doc af ku leh docna ka oodan oo qabsinka madaxiisa ka laallaada; kolon. 2. Xanuun qabsin-oodka qabta. la-mid: qabsin-oodane.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qabsin-ood
m.l 1. Cad yar oo buro ah oo dhuuban, oo doc af ku leh docna ka oodan oo qabsinka madaxiisa ka laallaada; kolon. 2. Xanuun qabsin-oodka qabta. la-mid: qabsin-oodane.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qabsin-ood
m. n. appendix; appendicitis, pain in the colon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabsin-oodmid
m.f.dh eeg qabsin-oodan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qabsin'ood
(Qabsin'ood-ka)
1. (Oogada) cad yar oo buro ah oo dhuuban, oo doc af ku leh docna ka oodan oo qabsinka (xiidanka weyn) madaxiisa ka laallaada; kolon.
2. Xanuunka qabsin'oodka qabta laftiisa; (ama qabsin'oodane).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabsin'ood
-ka: (magac, lab, keli) cad dhuuban oo yar oo dhinac af ku leh dhinacna ka oodan oo ka laallaada madaxa qabsinka. Qabsin'ookii ayaa go'ay Dh: kolon.
qabsin'ood -ka: (magac, lab, keli) xanuunka qabsin'oodka qabta laftiisa. Qabsinoodbaa haya oo wuu qaylyayaa. Dh: qabsin'oodan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabsin'oodmid
-da: (magac, dhedig, keli) xiidma- yaasha oo ay neefi ku dhex xannibanto.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Raasi xoodan
Cuspate fore land
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dareerin-koobane
m.dh (-nayaal, m.l/dh) (xisaab) D. tirada tibxaheedu ay koobanyihiin ama ay jirto tibix susuntu ay ku dhammaato.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dareerin-koobane
m.dh (-nayaal, m.l/dh) (xisaab) D. tirada tibxaheedu ay koobanyihiin ama ay jirto tibix susuntu ay ku dhammaato.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cabdihodan
name-m servant of the Rich
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Qabiilo-da
1) nation, 2) nationalité.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QASHIN-CADE
(Gashinadade) N Sericocomopsis pallida (S. Moore) Schinz Amaranthaceae.
N Euclea shimperi (DC) Dandy. Ebenaceae.
May Croton menyhartii Pax. Euphorbiaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qotintogane
m.l (-nayaal, m.l/dh) (kiimika) Qotin leh keyd danab togan, soona jiita ayoonnada taban, marka danab-soociddu dhacayso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qotintogane
m.l (-nayaal, m.l/dh) (kiim.) Qotin leh keyd danab togan, soona jiita ayoonnada taban, marka danab-soociddu dhacayso.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qotintogane
Anode
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qotintogane
-ha: (magac, lab, keli) qotin leh kayd danab togan, soona jiita ayoonnada taban, marka danabsoociddu dhacayso.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
XAJIIN-QODAX
(Hajin-godah) C Convolvulus ruspolii Hall.F. Convolvulaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dareerinkoobane
-da: (magac, dhedig, keli) tirada tibxaheedu ay koobanyihiin ama ay jirto tibix susuntu ay ku dhammaato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habdhis-tobanle
m.l (-syo ..., m.dh) (xisaab) Habdhis tiro ee ku salaysan tirada toban. Tirooyinka waxaa lagu muujiyaa godadka 0, 1, 2, 3, 4, 5, 6, 7, 8, iyo 9 oo qiimahoodu ku xiran yahay hadba rugta ay yaalliin (eeg sal tiro).