qaboojisad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaboojisad
-ka: (magac, lab, keli) wax kulul ama diirran; inta uu qaboobayo sugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaboojis
-ka: (magac, lab, keli) rimay ka dabib oo la ogaado in hashu caloosha waxba ku sidin. Tebiska iyo qaboojiskuba waa calaamadaha rimay la'aanta. Dh: kaadiraacis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaboojiso
f.g3 (-stay, -satay) Wax, wax qabow ka dhigasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaboojiso
v. cool something off for oneself; cool oneself off, refresh oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaboojiso
(fal) qabuuji wax kulul. sharaabka gaboojiso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaboojiso
a: qabowso
de: cool s.t. off for oneself; cool oneself off, refresh oneself
lx: qaboojiso
pd: (qaboojistay)
ps: v3b=tr
key: qaboojiso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaboojisasho
m.f.dh la-mid: qaboojiso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaboojisasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax kulul ama diirran inta uu qaboobayo sugasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabooji
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax, wax qabow ah ka dhigid. 2. Wax xasilin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qabooji
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax, wax qabow ah ka dhigid. 2. Wax xasilin. m.f.dh, qaboojin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qabooji
v. cool, make cool ~ cold, chill; console, settle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qabooji
-yey / say / yeen / nay: (v) 1. cool (kuul); refrigerate (rifi-jireeyt); make less warm; 2. slow down (isloow dhaawn). Ex: baabuurka qabooji; slow the car down
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabooji
(fal) wax qabaw ka dhig oo kulaylka ka bi'i. Ilmaha yar caanaha u soo qabooji. Li: kuleyli, kululee.
qabooji: (fal) xiisad dagaal deji oo dhexdhexaadi. Dagaalka qabooji oo dhexdhexaadi labada dhinac. Dh: maslax. Li: kululee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qabooji
de: cool, make cool ~ cold, chill; [fig.] console, settle
lx: qabooji
pd: (qaboojiyey)
ps: v2a=tr
key: qabooji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaboobid
(Qaboobid-da)
Qabow noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaboobid
m.f.dh eeg qabow².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaboobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax qabow noqosho. Dh: qaboobis. Li: kululaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaboojin
(Qaboojin-ta)
1. Wax qabow ka dhigid.
2. Roob aan badnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaboojin
m.f.dh eeg qabooji.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaboojin
vl. n. act of cooling, chilling; calming, consolation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaboojin
-ta: (n) cooling (kuul-ing); refrigeration (ri-fi-jireey-shiri)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaboojin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kulul qabow ka dhigid. Cuntadu qaboojinta ayay ku macaan tahay. Dh: qaboojis. Li: kulaylin.
qaboojin -ta: (magac, dhedig, keli) xiisad dagaal dejin oo dhexdhexaadin. Qaboojinta dagaalka guddi odayaal ah u dira. Dh: maslaxid. Li: kululayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaboojin
a: qaboojis (ka) [vn-m]
de: act of cooling, chill-ing; [ext.] calming, consolation
lx: qaboojin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: qaboojin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaboojiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Makiinad leh qol magudbiye hawo oo lagu keediyo alaabooyinka, cunnada iyo cabbitaanka si aanay u xumaan ama qabow u ahaadaan; tallaajad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaboojiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Makiinad leh qol magudbiye hawo oo lagu keediyo alaabooyinka, cunnada iyo cabbitaanka si aanay u xumaan ama qabow u ahaadaan; tallaajad.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qaboojiye
Refrigerator
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaboojiye
m. n. refrigerator, cooler
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaboojiye
-qaboojiyaha: (n) 1. cooler (kuuler); fridge (firiij); refrigerator (ri-fiji-reey-tor) ~ furuntijeer, tallaajad. 2. freezer (firiizar)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaboojiye
-ha: (magac, lab, keli) qalab aqallada lagu qaboojiyo. aqalka waa kulyle, qaboojiye ku xidh. Dh: galamaseer, kilimaaseer. Li: kulayliye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaboojiye
de: refrigerator, cooler
lx: qaboojiye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: qaboojiye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yaboohsad
Baryootan; tuugmo; waxweyddiisad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaboohsad
m.l la-mid: yaboohsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaboohsad
-ka: (magac, lab, keli) wax weyddisad Yaboohsadka badan iska daa. Dh: tuugsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maroojisan
(tilmaame) wax la maroojiyay ab Buste maroojisan ayaa teeraaska ku wadhan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qallajisad
-ka: (magac, lab, keli) wax qoyan, engejisasho. Qof walba isagaa ka masuul ah qallajisadka dharkiisa. Dh: engejisad, qallajisasho. Li: qoysad, radsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaroomaysad
m.l la-mid: qaroomaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aboobid
m.f.dh eeg abow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aboobid
-da: (magac, dhedig, keli) abka ama isirka ka mid noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aroosad
m.dh Haweenay ku jirta toddobaadkii ugu horreeyey aqalgalkeeda. la-mid: caruusad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aroosad
m.dh Haweenay ku jirta toddobaadkii ugu horreeyey aqalgalkeeda. la-mid: caruusad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aroosad
f. n. bride
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aroosad
-da: (n) bride (baraaydh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aroosad
-da: (magac, dhedig, keli) gabadh aan ka bixin ayaamihii arooska. Dh: caruusad, caroosad.
aroosad -ka: (magac, lab, keli) guursadka gabadh; aqalgelis. Dh: aroosasho, guursasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aroosad
bw: Arabic
de: bride
lx: aroosad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: aroosad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cajisad
m.dh la-mid: caajisad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cajisad
-da: (magac, dhedig, keli) qof dumar ah oo caajis badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabooji
(fal) da'diisa weynee; aad u isticmaal ha hawlgabee. Li: jadiidi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qabooba
m. n. cold season, winter
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qabooba
de: cold season, winter
lx: qabooba
pd: (-ha)
ps: n0-m-time
key: qabooba
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoonsad
m.l la-mid: qoonsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoonsad
-ka: (magac, lab, keli) hadal ama fal ka xumaansho oo niyadda ka nicid. Dh: qoonsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aqoonsad
(Aqoonsad-ka)
Aqoon u yeelad; garasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqoonsad
m.l la-mid: aqoonsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqoonsad
-ka: (magac, lab, keli) cilmi u yeelasho oo wax ka ogaansho. Nin bartay uun baa aqoonsad u yaalan kara xiddigaha. Dh: aqoonsi, ogaansho, barasho.
aqoonsad -ka: (magac, lab, keli) ictiraafidda iyo aqoonsiga cid kale oo kuu dhiganta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aroorsad
-ka: (magac, lab, keli) xoolahaaga, iskaa ceelka biyaha u geysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caajisad
m.dh (-do, m.l) Haweenay wahsi iyo hawl nacayb badan. la-mid: cajisad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caajisad
-da: (magac, dhedig, keli) qof dumar ah oo wahsi badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daboolad
-ka: (magac, lab, keli) weel afka dabool ka saarad. Dh: aabbudhad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daboolid
(Daboolid-da)
Dabool korka ka saarid; wax ku rogid; qarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daboolid
m.f.dh eeg dabool².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daboolid
vl. n. disguising, camouflaging
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daboolid
-da: (magac, dhedig, keli) wax meel ku jira dusha wax ka saarid oo wixii ku dhici lahaa ka ilaalin. Dh: daboolis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daboolid
de: disguising, camouflaging
lx: daboolid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: daboolid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daboolis
-ta: (magac, dhedig, keli) qarinta weelka gudahiisa isaga oo afka wax laga saarayo si aanu saxarku ugu dhicin ama cayayaanku u gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaboobid
(Gaboobid-da)
In badan jirid; filka meesha ugu danbaysa gaarid; duqoobid; odayoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaboobid
m.f.dh eeg gabow².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaboobid
-da: (magac, dhedig, keli) cimri dheeraansho iyo da'weyni. Dh: duugoobid, duqoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaboobis
-ta: (magac, dhedig, keli) wax badan jirid oo duqoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagoojis
m.l la-mid: hagoojin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabogsad
-ka: (magac, lab, keli) caafimaad helid oo xanuun ka bogsasho. Dh: raysasho, ladnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labbisad
(Labbisad-ka)
Labbisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labbisad
m.l la-mid: labbisasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labbisad
-da: (magac, dhedig, keli) labbis qaadasho; labbisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maroojis
(Maroojis-ka)
Maroojin; marooris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maroojis
m.l la-mid: maroojin.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Maroojis
Torque
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maroojis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maroojin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadoodid
-da: (magac, dhedig, keli) joogsasho kooban samayn oo inyar qaadid. Roobku wuu da'ayaa oo qadoodid ma leh. Dh: hakasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qariisad
m.dh (-do, m.l) (baayoloji) U jajabnaan dabiici ah oo loogu dhaqmo si gaar ah, taas oo aan koritaankeeda, uga baahnayn barasho waayo aragnimo gaar ah leh. Sidaa darteed waa aqoon dhalasho oo dabeeci ah. la-mid: inistinkt.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qariisad
m.dh (-do, m.l) (baay.) U jajabnaan dabiici ah oo loogu dhaqmo si gaar ah, taas oo aan koritaankeeda, uga baahnayn barasho waayo aragnimo gaar ah leh. Sidaa darteed waa aqoon dhalasho oo dabeeci ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qariisad
-da: (magac, dhedig, keli) (baaolaji.) u jajabnaan dabiici ah oo loogu dhaqmo si gaar ah, taas oo aan koritaankeedu u baahnayn barasho iyo waayo-aragnimo gaar ah. Sidaa darted waa aqoon dhalasho oo dabeeci ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaroofid
m.f.dh eeg qaroof.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaroofid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qalloocid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasoobid
-da: (magac, dhedig, keli) wejigabax la kulmid. Dh: khassoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoomiyad
-da: (magac, dhedig, keli) dad ama bulsho af iyo dhaqan wadaagta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saboolid
m.f.dh eeg sabool². la-mid: sabooloobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saboolid
-da: (magac, dhedig, keli) sabool noqosho sabooloobid; faqriyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yaboohid
(Yaboohid-da)
(ku yaboohid, u yaboohid) kan yaboohsaday wax siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaboohid
m.f.dh eeg yabooh². la-mid: yabooh¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaboohid
-da: (magac, dhedig, keli) (ku ~) kaalmo cid baahan la siinayo ku ballanqaadid. Haddaanad miskiinka wax siinayn yaboohidda ka daa. Dh: ballangaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaboohis
m.l la-mid: yaboohin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaboohis
-ka: (magac, lab, keli) baafinta baadi maqan.
yaboohis-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, wax ugu ballanqaadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maroogsad
m.l la-mid: marooqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marooqsad
m.l la-mid: marooqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maroorsad
-ka: (magac, lab, keli) hanti dadweyne xoog ama xeelad ku qaadasho oo suuqa madaw u weecsasho. Maroorsadka hanti lagugu aaminay xisaab ayaa ka dambaysa. Dh: leexsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaboobaan
m.f.dh eeg qabow³. la-mid: qaboobaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaboobaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax ama meel aan diirranayn oo qabaw ah ahaan. Sharaabku qaboobaan ayuu ku macaan yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabsoomid
m.f.dh eeg qabsoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabsoomid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl hore loo qorsheeyay hirgelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qabyoobid
(Qabyoobid-da)
Qabyo noqosho; isdhimid.