qabbiix
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabbiix
(tilmaame) xun oo aan fiicnayn ah. Hadal qabbiix ah ayuu ku dhawaaqay. Dh: qabiix.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qabiix
(Qabiix-a)
Wax addinka laga falo ama afka laga yiraahdo, oo dhab u foolxun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabiix
m.l.kh 1. Q. ah: hadal ama fal aad u fool xun. 2. Q. ah: qof xun.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qabiix
m. n. evil deed, shameful action ~ speech
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qabiix
de: evil deed, shameful action ~ speech
lx: qabiix
pd: (-a)
ps: n0-m
key: qabiix
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qabbilid
(Qabbilid-da)
Yeelid; maqlid; oggolaan; aqbalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabbilid
m.f.dh eeg qabbil.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabbilid
-da: (magac, dhedig, keli) wax laguu soo bandhigay yeelid oo oggolaansho. Aammuska gabadhu waa qabbilid. Dh: yeelid, abqalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabbirid
m.f.dh eeg qabbir². la-mid: qabbir¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabbirid
-da: (magac, dhedig, keli) lugaha ka xidhid dabar ku xidhid. Dh: dabrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarbidix
qarbidix¹: m.dh Tolmada ugu dambeysa ee weel afkiisa lagu sameeyo; rigrigo.
qarbidix²: f.g1 (-xay, -xday) Weel rigrig afka kaga tolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarbidix
-da: (magac, dhedig, keli) tolmada ugu dambeysa ee weel afkiisa lagu sameeyo. Dh: rigrigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabbil
f.g1 (-ilay, -ishay) Yeelid; maqlid; oggolaan; aqbalid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qabbil
v. accept, agree
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabbil
(fal) wax laguu soo bandhigay oggolow. Talada aabbo qabbil. Dh: yeel, maqal, aqbal. Li: diid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qabbil
bw: Arabic
de: accept, agree
lx: qabbil
pd: (qabbilay)
ps: v1=
key: qabbil
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabbir
qabbir¹: m.l Isu dhoweynta lugaha awr la dabrayo aad la isugu dhaweeyo. la-mid: qabbirid.
qabbir²: f.g1 (-ray, -rtay) Rati dabar si aad ah ugu dhuujin si uusan u fogaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qabbir
v. hobble, tie up (a camel)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qabbir
-ay / tay: (v) hobble (hab 'el) or shackle (shak'el) especially a camel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabbir
(fal) awr iyo wax la mid ah dabar ku xidh. Qabbil dameerka. Dh: dabar.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Qabbir
Bir yar ee dhabanno dibadda ku leh dhexdana duleel girgirro maroorsan oo qodobku wareeg ugu dhex xirmo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qabbir
de: hobble, tie up (a camel)
lx: qabbir
nt: qabbir (ka) [vn-m]
pd: (qabbiray)
ps: v1=tr
key: qabbir
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qabiid
-ah: (adj) cruel (kuru-wal); barbarous (baar-ba-ras), inhuman (in-hiyuu-man); savage (saa-vaj) ~ waxash, xaasid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qabiil
(Qabiil-ka)
Dad dhalasho ama dhaqan wada sheegta; tol; qolo; jilib; reer (ama qabiilo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabiil
m.l (-llo, m.dh/qabaa'il, m. l) Dad dhalasho wada sheegta. la-mid: qabiilo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qabiil
m.l (-llo, m.dh/qabaa'il, m.l) Dad dhalasho wada sheegta. la-mid: qabiilo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qabiil
m. n. tribe, clan, race; nation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qabiil
-ka: (n) tribe (taraayb); clan (kalaan); tribesman (taraaybiz man) ~ qabiilo, qolo, tol-ka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabiil
-ka: (magac, lab, keli) dad badan oo abtirsiin qudha wadaaga. Qabiilkaannu nahay baa lahaa galanjo naagoode. Dh: tol, qolo, reer, qabillo. Wa: qabaa'il.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qabiil
bw: qabiilo
cf: tol, qolo, reer
de: tribe, clan, race; nation
lx: qabiil
pd: (-ka Pl: qabaa'il (ka))
ps: n8-m, n2-m
xv: Arabic
key: qabiil
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
qabiil
قبيلة
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabsii
(fal) xoolahaaga cid wax ka sii. Qabsii walaalkaa waad ka xoola badantahaye.
qabsii: (fal) qasab ku qaadsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qamiix
-a: (magac, lab, keli) eeg qabblix.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Qaabiil
magaca carruurtii Nebi Aadan midkood oo walaalkii Haabiil dilay oo noqday qofkii u horreeyey ee dhagarooba. Qaabiilba Haabiil markuu qoonsaduu dilay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabbiro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Awr si qabbir ah u xirasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaabbilid
(Qaabbilid-da)
1. Ka hor imaansho; ka hor tegid.
2. (marti, kd.) si wanaagsan u soo dhoweyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaabbilid
m.f.dh eeg qaabbil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabaabiir
-ta: (magacwadareed) dad xil ahaan cilmi ahaan, diin ahaan ama sharaf ahaan lagu weyneeyo. Shirka waxa iskugu yimid qabaabir. Dh: qammaammur, jabbaabiir; qamaamuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabbirid
(Cabbirid-da)
1. Cabbirkiisa ogaansho; beegid; qiyaasid; miisaamid.
2. Dad socoto ah dhoofin, dirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabbirid
m.f.dh eeg cabbir². la-mid: cabbiris.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Cabbirid
Pesatura; misura
Weighing; measuring
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbirid
-da: (magac, dhedig, keli) walax inta ay tahay qiyaasteeda ogaansho.
cabbirid -da: (magac, dhedig, keli) dhanka kale tegid; xad ka tallaabid.
cabbirid -da: (magac, dhedig, keli) cid socoto ah, dirid.
cabbirid -da: (magac, dhedig, keli) wax aan muuqan, qiyaasid; mala'awaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabbiris
m.dh la-mid: cabbirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabbisid
(Kabbisid-da)
Kebbisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabbisid
m.dh la-mid: kebbisid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabbisid
-a: (magac, lab, keli) ciid cusub ku adkayn oo ku tumid; carro biyo lagu rusho ka dibna la nabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabbisii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid caano iyo wixi lamida in uu kabbado u oggolaansho. la-mid: kebbisii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kabbisii
v.caus: make someone sip something, cause to take a swig (of)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabbisii
(fal) dareere, in afku qaado sii oo cabsii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kabbisii
de: make s.o. sip s.t., cause to take a swig (of) rw: kabbo
lx: kabbisii
pd: (kabbisiiyey)
ps: v2a=caus
key: kabbisii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labbisid
(Labbisid-da)
Labbis u gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labbisid
m.f.dh eeg labbis². la-mid: lebbisid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labbisid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale labbis u xidhid. Li: qaawin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labbixid
m.f.dh eeg labbax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labbixid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dibada soo dhigid.
labbixid -da: (magac, dhedig, keli) qof calmasho ama cugasho.
labbixid -da: (magac, dhedig, keli) gabadh guursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaabbilo
m.dh Maalinta uu dirirku la fadhiyo dayaxa oo dadku aaminsan yihiin in ay tahay maalin cawo leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaabbilo
-da: (magac, dheddig, keli) maalinta uu dirirku la fadhiyo dayaxa oo dadku aaminsan yihiin in ay tahay maalin cawo leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaabilid
-da: (magac, dhedig, keli) cid ka hor imansho oo soo dhoweyn.
qaabilid -da: (magac, dhedig, keli) ka hor tegid oo soo dhawayn. Dh: tarxiibin.
qaabilid-da: (magac, dhedig, keli) ku toosni oo ku aaddani. Qaabilidda uu albaabku dariiqa uu qaabilsan yahay carruurta waa u halis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabadiis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qaabadsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabbiran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Rati wax la qabbiray ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qabbiran
der. [adjective] tethered, hobbled, tied up (of a camel)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qabbiran
-qabimaa: (adj) shackled (shak'elidh); hobbled (hab'elidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabbiran
(tilmaame) lugaha ka xidhan. Awr gabbiran waraabo iskama cesho. Dh: dabran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qabbiran
de: tethered, hobbled, tied up (of a camel)
lx: qabbiran
pd: (qabbirnaa)
ps: adj-der
key: qabbiran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalbixin
-ta: (magac, dhedig, keli) qalka sare ka diirid. Qalbixinta arabikhida ha ku raagin. Dh: qalbixis, diirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarbidxo
f.g3 (-xaday, -xatay) Weel qarbidix ku tolasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaybsiin
(Qaybsiin-ta)
Qof wax barid, u sheegsheegid, taniyo intuu wixii dibadda ka barto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaybsiin
m.f.dh eeg qaybsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaybsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) kor ka qabadsiin. Qaybsinta carruurtu way dhib yar tahay. Dh: xafidsiin, xifdisiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaybsiis
-ka: (magac, lab, keli) eeg qaybsiin.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Rabbiile
name-m one who belongs to or is beloved by Allah. Cf: Allaale
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Rabbiile
magac loo baxsho wiil fooshii hooyadii halis ku galay oo dhimasho qarka u gaadhay ama kolkii uu dhashay ba hooyadii geeriyootay oo rajay ku hadhay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tabbicid
(Tabbicid-da)
(ku-tabbicid) ku dhejin; ku taagid; ku nabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabbicid
m.f.dh eeg tabbac². la-mid: tabbac¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabbicid
-da: (magac, dhedig, keli) meel, wax ku dhejin; ku nabid: ku taagid.
tabbicid -da: (magac, dhedig, keli) qof kale, gacanta wax kaga ridid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabbiino
-da: (magac, dhedig, keli) waxtar af iyo addin midkuu doono ha noqdee. Nin tabbiino loo guray maanta yaanu noo talin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xabbisid
(Xabbisid-da)
Xabbis gelin; xirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabbisid
m.f.dh eeg xabbis².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabbisid
-da: (magac, dhedig, keli) jeel ku xidhid; xabsi gelin. Dh: xidhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaabbilsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Wax, wax kale ka horgeyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaabbilsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Wax, wax kale ka horgeyn. m.f.dh, qaabbilsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarabbixin
m.f.dh eeg qarabbixi.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Abiib
name-m father of the reliable one. Syn: Abuubakar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abiid
m.l.fk la-mid: abad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abiid
m. n., adv., time: ever; never
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abiid
(falkaab) intii la soo jiray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abiid
a: abad
de: ever; never
lx: abiid
pd: (-ka)
ps: n0-m / adv-time
syn: weli
key: abiid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
babbi
f.g2 (-iyay, -isay) Si dab loo ololiyo ama wax kulul loo qaboojiyo, hawada ku xeeran babbis ku dhaqdhaqaajin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
babbi
f.g2 (-iyay, -isay) Si dab loo ololiyo ama wax kulul loo qaboojiyo, hawada ku xeeran babbis ku dhaqdhaqaajin. m.f.dh, babbin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
babbi
v. fan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
babbi
-yey/say: (v) fan (faan); fan a fire; move air with a fan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
babbi
(fal) dab la hurinayo hawo ku afuuf si uu u shidmo ama uu u baxo. Babbi dabka ha ololee. Dh: balfi, hufki.
babbi: (fal) maro kor u qaad oo dhaqdhaqaaji; maro iyo wixii la mid ah dabaysha raacraadi. Calanka babbi. Dh: walhi, lul.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
babbi
de: fan
lx: babbi
pd: (babbiyey)
ps: v2a=
key: babbi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbi
(fal) qof harraadan biyo sii oo harraadtir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabbi
f.g2 (-iyay, -isay) Arrin murugsan daawo u helid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabbi
f.g2 (-iyay, -isay) Arrin murugsan daawo u helid. m.f.dh, dabbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabbi
f.g2 (-iyay, -isay) Nabar la soo tuuray balfin, weecin, celin.

v. dodge