qabatoomid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabatoomid
m.f.dh eeg qabatoon².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabatimid
m.f.dh eeg qabatin³. la-mid: qabatin² (3).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qabatimid
-da: (n) addiction (a-dhikt-shiri); habitualness (habij-wal-nes) ~qabatin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabatimid
-da: (magac, dhedig, keli) la qabsasho. Kol haddaad asxaabtaada hesho qabatin kale uma baahnid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabsoomid
m.f.dh eeg qabsoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabsoomid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl hore loo qorsheeyay hirgelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qabatoon
(Qabatoon-ka)
1. Qabatin cudur oo soo noqnoqota.
2. Muddo dheer oo la qatan yahay; gaajo dheer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabatoon
qabatoon¹: m.l 1. Cudur qabatiin leh oo soo noqnoqda. 2. Muddo dheer oo la qado dhibaatada ka timaadda.
qabatoon²: f.mg1 (-oomay, -oontay) 1. Cudur qabatiin leh oo soo noqnoqda dareemid. 2. Cunto iyo cabbid muddo dheer laga raagay darteed dhibaato badan dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qabatoon
qabatoon¹: m.l 1. Cudur qabatiin leh oo soo noqnoqda. 2. Muddo dheer oo la qado dhibaatada ka timaadda.
qabatoon²: f.mg1 (-oomay, -oontay) 1. Cudur qabatiin leh oo soo noqnoqda dareemid. 2. Cunto iyo cabbid muddo dheer laga raagay darteed dhibaato badan dareemid. m.f.dh, qabatoomid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qabatoon
m. n., [collective] recurrent pains; long-drawn-out hunger
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qabatoon
-ka: (n) relapse (ri-laapsi) after recovery from injury or illness ~ kacdood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabatoon
-ka: (magac, lab, keli) cudur uu ladhkiisu soo noqnoqdo. Nabarka madaxu qabatoon ma daayo. Dh: qabasho.
qabatoon -ka: (magac, lab, keli) muddo dheer oo la qado dhibaatada ka timaadda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qabatoon
de: recurrent pains; long-drawn-out hunger
lx: qabatoon
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: qabatoon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaboobid
(Qaboobid-da)
Qabow noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaboobid
m.f.dh eeg qabow².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaboobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax qabow noqosho. Dh: qaboobis. Li: kululaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tatoomid
m.dh la-mid: tantoomid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tatoomid
-da: (magac, dhedig, keli) tantoomo ku dhufasho; tantoomid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caatoobid
(Caatoobid-da)
1. Caato noqosho.
2. Daalid, noogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caatoobid
m.f.dh eeg caatow². la-mid: caatow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caatoobid
-da: (magac, dhedig, keli) mid weyd ah noqosho.
caatoobid -da: (magac, dhedig, keli) daalid; noogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fartoomid
(Fartoomid-da)
Wax lays faray yeelid, qaadasho; (ama farmid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fartoomid
m.f.dh eeg fartoon. la-mid: farmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fartoomid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, amarkeega fulin.
fartoomid -da: (magac, dhedig, keli) wax la is faray in la qabto. Dh: xilqaadasho, farmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabtoolid
m.dh la-mid: gabloolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabtoolid
-da: (magac, dhedig, keli) 'naas' aan caano kusoo dhicin; gabloolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaloobid
m.dh la-mid: qaaliyoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaloobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax qiimo sare leh noqod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaamoobid
(Qaamoobid-da)
Qaan gelid, lagu yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaamoobid
m.f.dh eeg qaamow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaamoobid
-da: (magac, dhedig, keli) ruux qaamaysan ahaan; qof deyn lagu leeyahay noqosho; qaan gelid. Dh: gashiyoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qabyoobid
(Qabyoobid-da)
Qabyo noqosho; isdhimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabyoobid
m.f.dh eeg qabyow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabyoobid
-da: (magac, dhedig, keli) qabyo noqosho dhexda ku joogsasho aanu dhammaystirmin. Lacag la'aan ayaa qabyoobidda ugu wacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarsoomid
m.f.dh eeg qarsoon¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarsoomid
-da: (magac, dhedig, keli) indhaha dadka ka libdhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tantoomid
(Tantoomid-da)
Tantoonyo ku dhufasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tantoomid
m.f.dh eeg tantoon. la-mid: tantoonyeyn, tatoomid, tatoonyeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tantoomid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, tantoomo ku dhufasho. Tantoomida ka daa inanka yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabajoogid
m.f.dh eeg dabajoog². la-mid: dabajoog¹ (2).
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dabajoogid
Seguimento
To follow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabajoogid
-da: (magac, dhedig, keli) ka hadhitaan la'aan oo ku raadjoogid. Dabajoogid ayaa xoolaha lagu ilaaliyaa. Dh: dabasocod, dabaggelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaroobid
m.f.dh eeg habarow². la-mid: habarow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaroobid
-da: (magac, dhedig, keli) habar weyn ahaansho; islaan duqawday noqosho. Dh: duqoobid, gaboobid, cajuusadoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaaftoomid
m.f.dh eeg kaaftoon².
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kaaftoomid
Valency
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaaftoomid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad haysatay, kugu filaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarasoobid
m.f.dh eeg qarasow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faratootamid
-da: (magac, dhedig, keli) legdan farafootan ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bambasoobid
m.dh la-mid: dambasoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambasoobid
m.f.dh eeg dambasow. la-mid: bambasoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambasoobid
-da: (magac, dhedig, keli) shey, wada gubasho oo dambas isku beddelid. Dambasoobidda xuladka ayaan sugayaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kalasoocmid
(Kalasoocmid-da)
Waxyaalo isku darsan, intii is leh ama isku jaad ahiba, gaar u bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalasoocmid
m.f.dh eeg kalasoocan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalasoocmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax iskii u kala soocma oo aan cidi kala soocin. Dh: kalamidhmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macagtoobid
m.f.dh eeg macagtow.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
qabasho lid
ordinary grip
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayaayoobid
m.f.dh eeg qayaayow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaylaroorid
m.f.dh la-mid: qaylaroor².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabaaloobid
m.f.dh eeg tabaalow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaaloobid
-da: (magac, dhedig, keli) qof tabaalaysan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tafantoofid
m.f.dh eeg tafantoof².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafantoofid
-da: (magac, dhedig, keli) socod dhib iyo luggooyo ah socosho. Maalintaan ku raacaba waan tafantoofaa. Dh: mayhanow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tahantoogid
m.f.dh eeg tahantoog². la-mid: tahan-toog¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabsin'oodmid
-da: (magac, dhedig, keli) xiidma- yaasha oo ay neefi ku dhex xannibanto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabsin-oodmid
m.f.dh eeg qabsin-oodan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aboobid
m.f.dh eeg abow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aboobid
-da: (magac, dhedig, keli) abka ama isirka ka mid noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anatomi
m.l (-iyo, m.dh) (baayoloji) Barashada dhismaha noolayaasha, gaar ahaan xubnahooda gudaha iyada oo la adeegsanayo jeebis iyo baadhitaan weyneyso leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
anatomi
m.l (-iyo, m.dh) (baay.) Barashada dhismaha noolayaasha, gaar ahaan xubnahooda gudaha iyada oo la adeegsanayo jeebis iyo baadhitaan weyneyso leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabtood
m.l la-mid: gablool¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaabmid
(Qaabmid-da)
Qaab yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaabmid
m.f.dh eeg qaaban¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaabmid
-da: (magac, dhedig, keli) ururid oo caano isku tegey noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaafood
-ka: (magac, lab, keli) wiil yar oo qaangaadh ku dhow ama kuray ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaajood
m.l la-mid: gaajood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaarood
m.l Deyd.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaarood
m.l Deyd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qabatin
(Qabatin-ta)
1. Xanuun meel oogada kamid ah maroojiya; eyddin; nabar.
2. (xoolo, dugaag) Tabta wax loo qabto kolka la dagaallamayo.
3. Wax loo barto, la qaayibo.
4. Wax dhuuban oo gacanta lagu qaban karo.
5. Qabasho; hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabatin
qabatin¹: m.l (cilmiga naflayda) Marka laga hadlayo taduwurka, isbeddel kasta oo ku dhaca dhismaha ama shaqada noolaha taas oo ka dhigta mid ku habboon degaankiisa.
qabatin²: m.dh 1. Xanuun mar mar dadka qabta; eyddin; nabar. 2. Tabta awrku wax u qabto. 3. la-mid: qabatimid. Wax loo barto, la qaayibo. 4. Wax sameyntooda loo bartay. 5. la-mid: qabasho.
qabatin³: f.g1 (imay, -intay; -imi) Meel nolosheeda u barasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qabatin
qabatin¹: m.l (cilmiga naflayda) Marka laga hadlayo taduwurka, isbeddel kasta oo ku dhaca dhismaha ama shaqada noolaha taas oo ka dhigta mid ku habboon degaankiisa.
qabatin²: m.dh 1. Xanuun mar mar dadka qabta; eyddin; nabar. 2. Tabta awrku wax u qabto. 3. la-mid: qabatimid. Wax loo barto, la qaayibo. 4. Wax sameyntooda loo bartay. 5. la-mid: qabasho.
qabatin³: f.g1 (imay, -intay; -imi) Meel nolosheeda u barasho. m.f.dh, qabatimid.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qabatin
Adaptation
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qabatin
f. n. sudden stabbing pain; recurrent illness ~ pain
qabatin [feminine] n. handful
qabatin v. adapt oneself to, get used to
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qabatin
-ka: (n) addiction (a-dhikt-shiri); habitualness (habij-wal-nes) ~ qabatimid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabatin
-ka: (magac, lab, keli) eeg qabatimid.
qabatin -ka: (magac, lab, keli) kaydin oo xajin. Beertii biyo qabatin baa loo yeelay. Dh: naxar.
qabatin -ka: (magac, lab, keli) muddo dheer oo la qatan yahay. Xoolihii qabatin ayay ku jiraan jilaalka oo dhan. Dh: gaajo dheer.
qabatin -ka: (magac, lab, keli) wax yar oo gacanta lagu qaban karo. Usha gacan qabatin ayaan u sitaa. Dh: faraqabsi.
qabatin -ka: (magac, lab, keli) cillad xanuun hore ah oo dib u soo gocata. Nabarka yaraan kugu dhacaa weynaanta qabatin ayuu keeni karaan. Dh: kacdoon, gocasho, ladh, qabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabooji
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax, wax qabow ah ka dhigid. 2. Wax xasilin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qabooji
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax, wax qabow ah ka dhigid. 2. Wax xasilin. m.f.dh, qaboojin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qabooji
v. cool, make cool ~ cold, chill; console, settle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qabooji
-yey / say / yeen / nay: (v) 1. cool (kuul); refrigerate (rifi-jireeyt); make less warm; 2. slow down (isloow dhaawn). Ex: baabuurka qabooji; slow the car down
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabooji
(fal) wax qabaw ka dhig oo kulaylka ka bi'i. Ilmaha yar caanaha u soo qabooji. Li: kuleyli, kululee.
qabooji: (fal) xiisad dagaal deji oo dhexdhexaadi. Dagaalka qabooji oo dhexdhexaadi labada dhinac. Dh: maslax. Li: kululee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qabooji
de: cool, make cool ~ cold, chill; [fig.] console, settle
lx: qabooji
pd: (qaboojiyey)
ps: v2a=tr
key: qabooji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qatimid
m.f.dh eeg qatin².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qotomid
(Qotomid-da)
Qoton u taagnaan, u dhignaan; lig ahaan; likaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qotomid
m.f.dh eeg qoton². la-mid: qoton¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qotomid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ku taagnaan oo saray u joogid. Dh: taagni, likaysni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aafoobid
m.f.dh eeg aafow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aafoobid
-da: (magac, dhedig, keli) ibtilo qabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abataqid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal isdhaafdhaaf ah ku hadlid. Dh: habataqid, hadaaqid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
abattoir
/abatwar/ (n) goobta xoolaha lagu gowraco, ama xero dhiig.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
abattoir
abattoir, n.m. - xerodhig; meesha xoolaha lagu gawraco; kawaan