qaayibid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaayibid
(Qaayibid-da)
1. Wax cusub ama aan la arki jirin si fiican ugu dhex noolaansho, ugu dhaqmid, u barasho, jabsasho.
2. Wax u bogid, jeclaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaayibid
m.f.dh eeg qaayib. la-mid: qaayib¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaayibid
-da: (magac, dhedig, keli) wax cusub ama aan la arki jirin si fiican ula qabsasho; ugu dhaqmid; u barasho.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
abituarsi
v.rifl. - caadaysasho, u barasho, qaayibid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoggaansani
-da: (magac, dhedig, keli) hoggaan qaayibidda lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laasimid
-da: (magac, dhedig, keli) mar kasta samayn; qaayibid; joogteyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaabid
m.dh la-mid: qaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaabid
-da: (magac, dhedig, keli) caano ururin oo kuwii xalay iyo kuwii maanta isku biirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaayib
qaayib¹: m.l la-mid: qaayibid.
qaayib²: f.g1 (-bay, -btay) 1. Wax la bartay ka caado yeelasho. 2. Wax si aad ah ugu bogid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaayib
f.g1 (-bay, -btay) 1. Wax la bartay ka caado yeelasho. 2. Wax si aad ah ugu bogid. m.f.dh, qaayibid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaayib
v. follow new fashions
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Qaayib
name-m he who follows new fashions; adaptable
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Qaayib
magac loo bixiyo wiil quruxdiisa iyo qaabka uu u abuuran yahay hooyadii ku deeqa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaayib
(fal) la qabso oo nafta aqbalsii. Kolba noloshaad joogto qaayib.
qaayib -ka: (magac, lab, keli) la qabsiga nolol ama wax markaa cusub. Dh: qabatin, caadaysi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaayib
de: follow new fashions
lx: qaayib
pd: (qaayibay)
ps: v1=
key: qaayib
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaybid
(Qaybid-da)
Wax laysu qoray, dibad ka barasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaybid
m.f.dh eeg qayb³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaybid
-da: (magac, dhedig, keli) dusha ka xifdiyid, korka ka qabasho. Dh: qaybis, xifdiyid.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Qaayiba
name-f she who follows new fashions; stylish
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Qaayiba
magac loo bixiyo gabadh la rajaynayo inay waxtar wanaagsan iyo dumarnimo toosan oo la qaayibo ay yeelato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qayilid
(Qayilid-da)
Qayil u fariisasho; barjayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayilid
m.f.dh eeg qayil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayilid
-da: (magac, dhedig, keli) jaad cunid; barjayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayimid
-da: (magac, dhedig, keli) meel kutoosid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qayirid
(Qayirid-da)
Beddelid; doorin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayirid
m.f.dh eeg qayir².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qayirid
-da: (n) the act of altering, usually by discoloring ~ dhalanrogid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayirid
-da: (magac, dhedig, keli) si kale u bedde lid. Alaabtu qayirid uma baahnee innoo daa. Dh doorin, qayiris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qayixid
(Qayixid-da)
Wax qayaxan ka dhigid; diirid; caddayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayixid
m.f.dh eeg qayax².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baayicid
(Baayicid-da)
Wax ganacsi u yaal, qiimahooda weyddiin; gorgorin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baayicid
m.f.dh eeg baayac². la-mid: baayac¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baayicid
-da: (magac, dhedig, keli) cid wax libinaysa qiimaaha weydiin oo la gorgortamid. Dh: baayacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baayirid
m.f.dh eeg baayir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baayirid
-da: (magac, dhedig, keli) naaxitaan iyo cayilid. Dh: baayiris, baayiritaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daalibid
m.f.dh eeg daalib².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daayicid
m.dh la-mid: dayicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daayicid
-da: (magac, dhedig, keli) baylihin oo wax dayacan ka dhigid. Ammaanada daayicidda ka daa oo xafid. Dh: halladaadin, baylihin, dayicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daayimid
m.dh la-mid: daa'imid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daayimid
-da: (magac, dhedig, keli) wax weligiiba jira ahaan. Dh: daa'imid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaalibid
(Gaalibid-da)
Orod gaalib ah ordid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaalibid
m.f.dh eeg gaalib².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaalibid
-da: (magac, dhedig, keli) orodka gaalibka ordid. Li: hardafidda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haayirid
(Haayirid-da)
Dal fog aadid; dalaabid; (ama haajirid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haayirid
m.dh la-mid: haajirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haayirid
-da: (magac, dhedig, keli) dhulkaagii ka qaxid oo meel kaa fog u dalandoolid. Dh: haajirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laayicid
m.f.dh eeg laayac². la-mid: layicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laayicid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo ama wax kale, ilaalin la'aan. Dh: lumin, dayicid, layicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaabilid
-da: (magac, dhedig, keli) cid ka hor imansho oo soo dhoweyn.
qaabilid -da: (magac, dhedig, keli) ka hor tegid oo soo dhawayn. Dh: tarxiibin.
qaabilid-da: (magac, dhedig, keli) ku toosni oo ku aaddani. Qaabilidda uu albaabku dariiqa uu qaabilsan yahay carruurta waa u halis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaadicid
-da: (n) the act of boycotting; not participating ~ qaadacaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qallibid
m.f.dh eeg qallib². la-mid: qallib¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qariibid
qariibid¹: m.l 1. Cunidda badar, sonkor iyo wixi lamida iyadoo aan la karin la cuno. 2. Q. ah: xoogaa badar, sonkor iyo wixi lamida ah oo aan la karin.
qariibid²: m.f.dh eeg qariib³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qariibid
-ka: (magac, lab, keli) cunidda badar, sonkor iyo wixii la mid ah, oo aan la karin.
qariibid -ka: (magac, lab, keli) xoogaa badar, sonkor iwm ah oo aan la karin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarribid
-da: (magac, dhedig, keli) xumayn oo wax aan hagaagsanayn ka dhigid. Dh: kharaabin, kharribid, xumayn. Li: suubbin, hagaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saayidid
(Saayidid-da)
Saayid noqosho; kordhid; badasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saayidid
m.f.dh eeg saayid². la-mid: saa'idid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saayidid
-da: (magac, dhedig, keli) saayid noqosho; badasho; kordhid.
saayidid -da: (magac, dhedig, keli) siyaado ku darid, dheeri ku darid. Saayididdu beeggu waa belaayo xijaab. Dh: korodh, badasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saayirid
(Saayirid-da)
U turid; dhaqaalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saayirid
m.f.dh eeg saayir². la-mid: saayiraad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saayirid
-da: (magac, dhedig, keli) «la u tudhid: dhaqaalayn. Saayirid iyo sicir jaban safarka wax kaga libi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taa'ibid
(Taa'ibid-da)
Ilaah u soo noqosho; toobadkeenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taa'ibid
m.f.dh eeg taa'ib.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taa'ibid
-da: (magac, dhedig, keli) Ilaah u soo noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waajibid
m.f.dh eeg waajib².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khaayirid
m.f.dh eeg khaayir².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khaayisid
m.f.dh eeg khaayis².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaabbilid
(Qaabbilid-da)
1. Ka hor imaansho; ka hor tegid.
2. (marti, kd.) si wanaagsan u soo dhoweyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaabbilid
m.f.dh eeg qaabbil².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaddicid
m.f.dh eeg qaaddac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaddicid
-da: (magac, dhedig, keli) diidid oo arrin socda si qayaxan uga hor imasho. Xisbiyada mucaaradku waxay ku heshiiyeen qaaddicidda doorashada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaloobid
m.dh la-mid: qaaliyoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaloobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax qiimo sare leh noqod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaambixid
m.dh la-mid: qaanbixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaamoobid
(Qaamoobid-da)
Qaan gelid, lagu yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaamoobid
m.f.dh eeg qaamow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaamoobid
-da: (magac, dhedig, keli) ruux qaamaysan ahaan; qof deyn lagu leeyahay noqosho; qaan gelid. Dh: gashiyoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaanbixid
(Qaanbixid-da)
Qaan laysku lahaa iska bixin, dhiibid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaanbixid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qaanbax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaannabid
-da: (magac, dhedig, keli) qaan weydiisasho. Dh: qaannabis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabatimid
m.f.dh eeg qabatin³. la-mid: qabatin² (3).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qabatimid
-da: (n) addiction (a-dhikt-shiri); habitualness (habij-wal-nes) ~qabatin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabatimid
-da: (magac, dhedig, keli) la qabsasho. Kol haddaad asxaabtaada hesho qabatin kale uma baahnid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qabyoobid
(Qabyoobid-da)
Qabyo noqosho; isdhimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabyoobid
m.f.dh eeg qabyow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabyoobid
-da: (magac, dhedig, keli) qabyo noqosho dhexda ku joogsasho aanu dhammaystirmin. Lacag la'aan ayaa qabyoobidda ugu wacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qallibmid
m.f.dh eeg qalliban¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qallibmid
-da: (magac, dhedig, keli) rogmasho oo jirjirka u dhicid. Dh: genbismid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saaxiibid
(Saaxiibid-da)
Saaxiib noqosho; rafiiqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saaxiibid
m.f.dh eeg saaxiib³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaxiibid
-da: (magac, dhedig, keli) saaxiib la noqasho; la jaalid. Dh: rafiiqid.
saaxiibid-da: (magac, dhedig, keli) «lacid kale xidhiidh wanaagsan oo dhow la yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaaliyoobid
(Qaaliyoobid-da)
Qaali noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaliyoobid
m.f.dh eeg qaaliyow. la-mid: qaaloobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaliyoobid
-da: (magac, dhedig, keli) qaali noqosho: qiimihii caadiga ahaa ka siyaadid. Dalabka badani qaaliyoobidda qayb ayuu ka yahay: Dh: qaaligaroobid, qaaligaraw
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaqaayirid
-da: (magac, dhedig, keli) khaakhaayir samayn oo indhaha iyo wejiga ka huruufid. Dumarku qaaqaayirid ayay isku caayaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayaayoobid
m.f.dh eeg qayaayow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aayid
(Aayid-da)
Wax raagey ama dib loo dhigay, waa danbe oo loo baahan yahay, waxtarkooda helid, ku tabkicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aayid
m.f.dh eeg ay². la-mid: aayis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aayid
-da: (magac, dhedig, keli) wax hadda la falay, mar danbe ku manaacfacsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaabi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax qaab u yeelid. 2. Caano qaab ku darid. la-mid: qaab², qaaban¹ (1).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaabi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax qaab u yeelid. 2. Caano qaab ku darid. m.f.dh, qaabin. la-mid: qaab, qaaban.