qaayaweyn
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Qaayaweyn
name-f important, significant, valuable
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aalaweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) nirgaha geela ee labojir u yaryahay. Aaloweynta nirgood iyo, ubadkii laga soocay, kama soo irirawne, oodda ma uga rognay. Dh: qaan, eeloweyn, ilweyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maaraweyn
m.dh Ciidan gaar ahaaneed oo ka tirsanaa xooggii Daraawiishta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaraweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) ciidan gaar ahaaneed oo ka tirsanaa xooggii Daraawiishta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sawasaweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) si siman cid ula dhaqmid ama wax usiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaweyn
m.f.dh eeg baawee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) xog, war ama wax kale oo meel ku koobnaa, dad badan gaadhsiintiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daaweyn
(Daaweyn-ta)
Daawo siin; daweyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaweyn
m.f.dh eeg daawee. la-mid: daaweysiin, daweyn, daweysiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daaweyn
vl. n. treatment, giving medical attention
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax buka dawo u fidin oo xanuun ka daaweyn. Dh: dawayn, daaways.
daaweyn -ta: (magac, dhedig, keli) bir iyo wixii la mid ah, dubbayn oo daawe ka dhigid.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
daaweyn
طب
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maayayn
-ta: (magac, dhedig, keli) heesta ugaadha ku heesid. Abwaaniintu maayaynta way ku kala ba'as yihiin. Dh: heesid, maanyays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hannaan gaar ah oo leh muuqaal guud oo la garan karo u samayn. Qaabaynta ayaa muhiim ah intaan hawl la bilaabin. Dh: hannaanin.
qaabayn-ta: (magac, dhedig, keli) caano lis ah iyo kuwo baryay isku biirin oo isku fadhxid. Kolka caanuhu yaryihiin ayay qaabayntu jirtaa. Dh: jaabajaabayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaafeyn
m.dh la-mid: qaafin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaafeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) is dhegoolayn oo qof aan wax ba maqlayn iska dhigid. Qaafayntu waa cilmi la barto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qaali ka dhigid. Dh: qaaliyayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaleyn
m.dh la-mid: qaaliyeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) deyn gelin oo wax qaan lagu leeyahay ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaameyn
m.f.dh eeg qaamee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaameyn
-ta: (magac, dhedig, keli) deyn gelin oo wax qaan lagu leeyahay ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaarayn
(Qaarayn-ta)
Qaar la dhicid; burareyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaarayn
m.f.dh eeg qaaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qaar ama bud la dhicid. Badraanigu qaaraynta wuu ku habboon yahay. Dh: budhayn; qaarays, budayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaaxayn
(Qaaxayn-ta)
Nabar qaaxada u dhaca gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaxayn
m.f.dh eeg qaaxee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaxayn
-ta: (magac, dhedig, keli) nabar qaaxada u dhaca gaadhsiin. Carruurta qaaxaynta ka daa. Dh: oofayn, qaaxays.
qaaxayn -ta: (magac, dhedig, keli) god hoos u qodid oo gun ballaadhan u yeelid. Qaaxaynta boholuhu waa muhiin dhulka adag. Dh: qaaxays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabweyn
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof islaweyni badan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qabweyn
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof islaweyni badan ahaansho. m.f.dh, qabweynaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qabweyn
Comp. adj., (ie. n., adj.): arrogant, coceited
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qabweyn
-aa: (adj) proud (parawdh), overbearing (o-ver-beer-ing), arrogant (aara-gont)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabweyn
(tilmaame) eeg qabwayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qabweyn
de: arrogant, coceited
lx: qabweyn
ps: adj-cmp
key: qabweyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanweyn
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax jurmi weyn leh ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qanweyn
der. [adjective] thick, dense; sturdy, strong, robust
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qanweyn
-ta: (magac, dheddig, keli) mid jurmi weyn leh
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qanweyn
de: thick, dense; sturdy, strong, robust
lx: qanweyn
pd: (qanweynaa)
ps: adj-der
key: qanweyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaymeyn
m.dh la-mid: qiimayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waaweyn
adj., pl. big, large, great (ones)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waaweyn
(adj) bigger (big-ger)-, larger (laar-ger)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaweyn
(tilmaame) kuwa inta kale ka muuq, martabo ama da' weyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waaweyn
de: big, large, great (ones) Sg: weyn
initial: w
lx: waaweyn
pd: (waaweynaa)
ps: adj-pl
key: waaweyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waayeyn
m.f.dh eeg waayee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aaladeyn
(Aaladeyn-ta)
Aalad u yeelid; qalabayn; hubayn; qurxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ąaladeyn
m.f.dh eeg ąaladee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaladeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg aaladayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aaradeyn
m.f.dh eeg aaradee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaradeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) macawis ama gunti, geftin iyo cidhif u samayn.
aaradeyn -ta: (magac, dhedig, keli) macawis, daah iyo wax la mid ah, cidhifkiisa, liid maro ah ku sharraxid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Aayoneyn
Ionisation
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adyadeyn
m.f.dh eeg adyadee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adyadeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, afka ku dhibaatayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ddaaweyn
de: treatment, giving medical attention
lx: ddaaweyn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: ddaaweyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraweyn
m.dh Dad inta maalqabeenka iyo madaxda ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maraweyn
m.dh Dad inta maalqabeenka iyo madaxda ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaqleyn
m.f.dh eeg qaaqlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaqleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) qaylo iyo qaxar badin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanabeyn
m.f.dh eeg qanabee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qanabeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qanabee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarameyn
m.f.dh eeg qaramee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarameyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax garanku leeyahay oo dadku wadaago ama ka dhexeeya ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raasweyn
m.dh Haweenay ubad iyo xoolo badan leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raasweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) gabadh reerkeedu uu dad iyo xoolo ba buuxo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caanateyn
m.l la-mid: caanteen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanateyn
-ka: (magac, dhedig, keli) eeg canteen.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DHAGAWEYN
[DHAGOWEY, DAGAWEYN] Cissus ellenbeckii 04
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawaaweyn
m.f.dh eeg kawaawee. la-mid: kawaaweys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maanayeyn
m.f.dh eeg maanyee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaaliyeyn
(Qaaliyeyn-ta)
Qaali ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaliyeyn
m.f.dh eeg qaaliyee. la-mid: qaaleyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaradayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qaarad qaarad u qaybin. Nimankii badmareennada ahaa ayaa qaaradaynta soo saaray. Dh: qaaradays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaatimeyn
m.f.dh eeg qaatimee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaatimeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) qaabka fardaha ciyaaraya u socosho. Qaatimaynta habluhu waa qurux.
qaatimeyn -ta: (magac, dhedig, keli) soo afjarid: gebagebayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qardabeyn
m.f.dh eeg qardabee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaylageyn
-ta: (magac, dhedig, keli) shil ama dhibaato kale oo dhacday warkeeda dad aan ka warhayn gaarsiin. Dh: qaylageys.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SHAFAWEYN
(Shafawen) N,S? Maerua decombens (Brongh) Dewolf. Capparidaceae.
N Maerua edulis (Gilg&Bened) Dewolf. Capparidaceae.
N Maerua pseudopetalosa (Gilg&Bened) Dewolf. Capparidaceae.
N Maerua subcordata (Gilg) Dewolf. Capparidaceae.
S, May Maerua angolensis DC. Capparidaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Wallaweyn
magac guud oo loo yaqaan dadka dega koonfurta Soomaaliya. Wallaweyn wax soo saar ku aammin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayraweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) cayayaan duula oo xilliga roobku da'o la arko oo dabka iyo halka uu iftiin ka baxayo ku soo xoonta. Dh: xayrawayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacaayadeyn
m.dh la-mid: dicaayadeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacaayadeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, hadal dacaayad ah ka fidin oo sumcadiisa hoos u dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dicaayadeyn
m.f.dh eeg dicaayadee. la-mid: dacaayadeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dicaayadeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dacaayadeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxyoweyn
-ta: (magacwadareed) dabaqad sare iyo dadka hormuudka ah. Maanta beerta waxa hadhimo loogu kariyay madawyoweyntii magaalada. Dh: madax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baalasheyn
m.dh la-mid: baalashid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawdawleyn
m.f.dh eeg dawdawlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawdawleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) gardarro kibir iyo aflagaado leh cid ku maagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaabadeyn
m.f.dh eeg dhaabadee. la-mid: dhaabadays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabagabeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) ebyid iyo dhammaystirid. Dh: gabaggabeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haasaawayn
(Haasaawayn-ta)
Sheeko, hadal ku maaweelin; haasaawin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haasaawayn
m.f.dh eeg haasaawee. la-mid: haasaawin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haasaawayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, u sheekayn oo haasaawin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaajaaleyn
(Jaajaaleyn-ta)
Jaajaale iska dhigid; sida jaajaalaha yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaajaaleyn
m.f.dh eeg jaajaaleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jawjawleyn
m.f.dh eeg jawjawlee.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
KAXAR-WEYN
(Kahar-wen) S Pedalium murex L. Fedaliaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lacanadeyn
m.dh la-mid: nacaladeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lacanadeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, raxmadda iyo khayrka Ilaah ka dheerayn; nacladayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maakhadeyn
m.f.dh eeg maakhadee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacaladeyn
m.f.dh eeg nacaladee. la-mid: lacanadeyn, lacnadeyn, nacalladeyn, nacdaleyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalgarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qiimo sare leh ka dhigid.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QALAN-WEYD
(Kalanweid) N Cadaba rotundifolia Forsk. Capparidaceae.