qaaqleyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaqleyn
m.f.dh eeg qaaqlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaqleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) qaylo iyo qaxar badin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaleyn
m.dh la-mid: qaaliyeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaqleyn
m.f.dh eeg habaqlee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaaley
(Qaaley-da)
Hunguriweyni; iimaanyoognimo; iimaandarro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaley
m.dh Qof aan dhergin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaaley
f. n., [abstract] greed ~ greediness, insatiability (never content ~ satisfied with what one has)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaley
-da: (magac, dhedig, keli) hunguri weyni u qofku wax walba inuu u baahan yahay uu iska dhigo. Qaaleydu waa dhibaato Ilaahay laga baryo. Dh: iimaanyoognimo, iimaan la'aan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaaley
de: greed ~ greediness, insatiability (never content ~ satisfied with what one has)
lx: qaaley
pd: (-da)
ps: n0-f-abs
key: qaaley
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaqle
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Qof qaylo iyo dhib badan. 2. Qof aan waxba haysan. 3. Nin xishood yar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaaqle
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Qof qaylo iyo dhib badan. 2. Qof aan waxba haysan. 3. Nin xishood yar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaaqle
m. n. nosy ~ prying person
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaaqle
-qaaqlaha: (n) nosy person; fusser (fas-ser)-, prier also pryer (paraay-er)-, troublemaker (tara-bel-meeyker)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaqle
-ha: (magac, lab, keli) qof qaylo badan oo buuq wax ku doona.
qaaqle-ha: (magac, lab, keli) qof aan hanti lahayn camalna aan hayn.
qaaqle -ha: (magac, lab, keli) qori ama hub ka dhaca jiibka oo taangiyada lagaga hortego. Qaagle iyo baasuuke ayaa la isla dhacay. Dh: waaqle.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaaqle
de: nosy ~ prying person
lx: qaaqle
pd: (-ha)
ps: n7-m
key: qaaqle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaleyn
m.f.dh eeg qalee. la-mid: qaleys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqleyn
m.f.dh eeg maqlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) maqle ku shiilid; daawe saarid. Maqleynta ha ku illoobin baastada aad shaaxidinayso. Dh: daawayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaafeyn
m.dh la-mid: qaafin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaafeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) is dhegoolayn oo qof aan wax ba maqlayn iska dhigid. Qaafayntu waa cilmi la barto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qaali ka dhigid. Dh: qaaliyayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaameyn
m.f.dh eeg qaamee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaameyn
-ta: (magac, dhedig, keli) deyn gelin oo wax qaan lagu leeyahay ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaqlee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Hadal aan macno lahayn sheegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaaqlee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Hadal aan macno lahayn sheegid. m.f.dh, qaaqlayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaaqlee
v. make inarticulate screams, shout senseless things, cry meaninglessly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaqlee
(fal) qaylo iyo qaxar badi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaaqlee
de: make inarticulate screams, shout senseless things, cry meaninglessly
lx: qaaqlee
pd: (qaaqleeyey)
ps: v2b=intr
key: qaaqlee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raqleyn
(Raqleyn-ta)
(fardo) orod raqle ah, ordid; saqleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raqleyn
m.f.dh eeg raqlee. la-mid: ragleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saqleyn
(Saqleyn-ta)
Orod saqle ah, ordid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saqleyn
m.f.dh eeg saqlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saqleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) orod saqle ah, oridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaqgeyn
m.f.dh eeg daaqgee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naalleyn
m.f.dh eeg naallee. la-mid: naallood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaallayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhalan rogid oo siday ahayd si ka duwan ka dhigid. Dh: salguurin.
qaallayn-ta: (magac, dhedig, keli) qalalaase gelin arbushid. Dh: qalalaasayn, qaallays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waaqlayn
m.f.dh eeg waaqlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) oohin badan ooyid; cod 'waaq' ah ku celcelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habjaqleyn
m.f.dh eeg habjaqlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaqulayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hadal la islaha xumayn; cid kale aflegaadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galacleyn
m.f.dh eeg galaclee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) socdaal dheer oo xidhiidhsan marid; socod aan kala go' lahayn samayn. Laba habeen oo habaqlayn ah ayaan ku soo gaadhnay magaalada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Magaaleyn
(Magaaleyn-ta)
Magaalo ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magaaleyn
m.f.dh eeg magaalee.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Magaaleyn
Urbanization
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaaleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg magaalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaaliyeyn
(Qaaliyeyn-ta)
Qaali ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaliyeyn
m.f.dh eeg qaaliyee. la-mid: qaaleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaatimeyn
m.f.dh eeg qaatimee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaatimeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) qaabka fardaha ciyaaraya u socosho. Qaatimaynta habluhu waa qurux.
qaatimeyn -ta: (magac, dhedig, keli) soo afjarid: gebagebayn.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Qaayaweyn
name-f important, significant, valuable
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabaclayn
-ta: (magac, dhedig, keli) codka 'qabac' samayn oo ku celcelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalamlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) codka 'qalam' samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalowleyn
m.f.dh eeg qalowlee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarasheyn
m.f.dh eeg qarashee. la-mid: qarashyeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aafeyn
(Aafeyn-ta)
Aafo gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awleyn
m.f.dh eeg awlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laaley
-da: (magac, dhedig, keli) eeg laallay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaley
-da: (magac, dhedig, keli) eeg maaleeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaalee
f.g2 (-leeyay, -leysay) la-mid: qaaliyee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaalee
v. put a high price on, sell dearly
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaalee
-yey / qaaleysay: (v) raise the price; make more expensive ~ qaaliyee, qaaligaree
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalee
(fal) qaali ka dhig. Dh: qaaliyee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaalee
a: qaaliyee {S}
de: put a high price on, sell dearly
lx: qaalee
pd: (qaaleeyey)
ps: v2b=tr
key: qaalee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaalin
(Qaalin-ta)
Neef geel ah ama lo' oo da' yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaalin
qaalin¹: m.l (-immo, m.l) Neef geel oo lab ah oo aan da'dii rarashada weli gaarin.
qaalin²: m.dh (-lmo, m.l) Neef geel ama lo' ah oo aan weli gaarin da'dii curashada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaalin
qaalin¹: m.l (-immo, m.l) Neef geel oo lab ah oo aan da'dii rarashada weli gaarin.
qaalin²: m.dh (-lmo, m.l) Neef geel ama lo' ah oo aan weli gaarin da'dii curashada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaalin
m. n. male camel calf ~ foal
qaalin [feminine] n. female camel calf ~ foal, heifer, young she-camel
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaalin
-ta: (n) heifer (hefar); a young camel, especially one that has not yet given birth ~ abeer, ameer
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Qaalin
(I) Cammella prima della riproduzione;
(E) Young She Camel
(S) QAALIN (S. g.: Kalin, Kalim)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalin
-ka: (magac, lab, keli) neef ishin ah oo lab oon weli la laylyin ama aan goodh xoolo lagu daro gaadhin. Dh: nirig, weyl.
qaalin -ta: (magac, dhedig, keli) neef ishin ah oo dheddig oon weli curan. Qualin geel ah iyo qaalin lo'ah ayuu iibsaday oo u tarmay: Dh: nirig, weyl.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalle
-ha: (magac, lab, keli) dhalan geddi. Waxa in badan meel uun yaalla qaalle ayaa ku dhaca. Dh: sargguur; salguur.
qaalle -ha: (magac, lab, keli) waxyeello qalalaase iyo arbushaad ah. Jabhaduhu qaalle ayay ka abuuraan magaalooyinka. Dh: qalalaase.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaqan
f.mg1 (-qamay, -qantay) Fariisasho dab agtiisa si loogu diirsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabeyn
m.dh la-mid: qubeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo iyo wax la mid ah ku qubeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qadeyn
(Qadeyn-ta)
Qado cunid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qadeyn
m.f.dh eeg qadee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) hadhimo cunid Dh: qadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalayn
m.f.dh eeg qalee. la-mid: qalays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hab loo kariyo faxfaxa oo ah in hilibka biyo yar iyo khudrad la isku kariyo oo la isku shiilo inta aan biyaha maraqa lagu darin. Dherigu qalayn badan ayuu doonayaa. Dh: qalays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaleys
m.l la-mid: qaleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qawley
m.dh Mindi xoog badan oo hilbaha lagu googooyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qawley
-da: (magac, dhedig, keli) mindi xoog badan oo hilbaha lagu googooyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaqle
-ha: (magac, lab, keli) qori ama hub ka dhaca jiibka oo taangiyada lagaga hortego. Intaan waaqle iyo, wareerkani dhicin, gaashaanle wanaagsanaayaa.
waaqle -ha: (magac, lab, keli) shimbir madaw oo xeebaha iyo meelaha degaannada ah ku badan. Intaan waaqluhu ciyin ee waaga berigiisa kallah. Dh: qanbaar, tuke, qaaqle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaxlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) kolka xanuun la dareemo, ereyga 'aax' ku celcelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baabeyn
m.f.dh eeg baabee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) marka uu qofka turubka ciyaarayaa hayo labo baab oo sooc ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baalley
m.dh Ciyaar dhaqameed jaan iyo jiibinba leh oo dadka isku maaweeliyo (degaanka Ceergaabo).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baalley
m.dh Ciyaar dhaqameed jaan iyo jiibinba leh oo dadka isku maaweeliyo (degaanka Ceergaabo).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baalley
-da: (magacwadareed) wixii baad ku duula oo dhan. Baalleyda duushaan, la dalxiisi doonaa. Dh: baadley.
baalley -da: (magac, dhedig, keli) ciyaardhaqameed caan ku ah gobolka Ceerigaabo iyo inta u dhow oo jiib iyo jaanba leh oo la isku maaweeliyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaweyn
m.f.dh eeg baawee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) xog, war ama wax kale oo meel ku koobnaa, dad badan gaadhsiintiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caateyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg caatayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daaweyn
(Daaweyn-ta)
Daawo siin; daweyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaweyn
m.f.dh eeg daawee. la-mid: daaweysiin, daweyn, daweysiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daaweyn
vl. n. treatment, giving medical attention
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax buka dawo u fidin oo xanuun ka daaweyn. Dh: dawayn, daaways.
daaweyn -ta: (magac, dhedig, keli) bir iyo wixii la mid ah, dubbayn oo daawe ka dhigid.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
daaweyn
طب
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fahleyn
(Fahleyn-ta)
Si fahle ah u socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fahleyn
m.f.dh eeg fahlee. la-mid: fahleys.