qaansaqumiye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaansaqumiye
(Qaansaqumiya-ha)
Qalab qaansooyinka lagu sameeyo oo qaababkii la doonayo loogu yeelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaansaqumiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Qalab qaansada lagu xiro si ay u yeelato qaabka la rabo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaansaqumiye
m. n., [collective] wood used for making bows
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaansaqumiye
-ha: (magac, lab, keli) qalab qaansooyinka lagu sameeyo oo qaabka lala doonayo loogu yeelo. Qaansaqumiye nin an lahayni qaanso ma samaysto
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaansaqumiye
de: wood used for making bows
lx: qaansaqumiye
pd: (/ha)
ps: n7-m-col
key: qaansaqumiye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaanqaami
f.g2 (-iyay, -isay) Arrin la qaban doono waxyaalaha ay u baahantahay oo ku fuli doonto isku duwid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaanqaami
f.g2 (-iyay, -isay) Arrin la qaban doono waxyaalaha ay u baahantahay oo ku fuli doonto isku duwid. m.f.dh, qaanqaamin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaanqaami
v. make preparations, organize, arrange, prepare
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaanqaami
(fal) hawl diyaari: wax dhici doona qabanqaabi. Saaxiibbadaa xafladda la qaanqaami.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaanqaami
de: make preparations, organize, arrange, prepare
lx: qaanqaami
pd: (qaanqaamiyey)
ps: v2a=tr
key: qaanqaami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaansaley
m.dh.u Colka intiisa qaansada ku dagaalanta. la-mid: qaansoley.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaansaley
m.dh.u Colka intiisa qaansada ku dagaalanta. la-mid: qaansoley.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaansaley
f. n., [collective] archers, bowmen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaansaley
-da: (magacwadareed) dad fallaadho iyo qaansooyin ku ugaadhsada. Afrikadu dhammaan qaansaley ayay ahayd. Dh: ugaadhsato.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaansaley
de: archers, bowmen
lx: qaansaley
pd: (-da)
ps: n-f-col
key: qaansaley
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waansamid
-da: (magac, dhedig, keli) waano la soo jeediyay qaadasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faasuuliye
-ha: (magac, lab, keli) jaad digirta ka mid ah oo cadcad. Dh: harikoo, atar, digir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaanqaamin
(Qaanqaamin-ta)
Arrin la qaban doono, waxyaalaha ay u baahan tahay oo ku fuli doonto, isku duwduwid, diyaarin, qabanqaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaanqaamin
m.f.dh eeg qaanqaami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaanqaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) arrin la qaban doono isku diyaarinteed. Waxan ku jirnaa qaanqaaminta shirweynihii ururka. Dh: qabaanqaabin, diyaarin, iskududuwid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaansoqowle
-ha: (magac, lab, keli) niman aan reero lahayn; doobab ardaa ku wada nool. Aqalkan rag qaansoqawle ah baa gala.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Qaansoruube
Qaansada ruubuhu afka uga xirmo oo ruubaha xurbin wax kula duleelisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maansalugaley
-da: (magac, dhedig, keli) eeg maansacagaley.