qaanqaamin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaanqaamin
(Qaanqaamin-ta)
Arrin la qaban doono, waxyaalaha ay u baahan tahay oo ku fuli doonto, isku duwduwid, diyaarin, qabanqaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaanqaamin
m.f.dh eeg qaanqaami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaanqaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) arrin la qaban doono isku diyaarinteed. Waxan ku jirnaa qaanqaaminta shirweynihii ururka. Dh: qabaanqaabin, diyaarin, iskududuwid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaanqaami
f.g2 (-iyay, -isay) Arrin la qaban doono waxyaalaha ay u baahantahay oo ku fuli doonto isku duwid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaanqaami
f.g2 (-iyay, -isay) Arrin la qaban doono waxyaalaha ay u baahantahay oo ku fuli doonto isku duwid. m.f.dh, qaanqaamin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaanqaami
v. make preparations, organize, arrange, prepare
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaanqaami
(fal) hawl diyaari: wax dhici doona qabanqaabi. Saaxiibbadaa xafladda la qaanqaami.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaanqaami
de: make preparations, organize, arrange, prepare
lx: qaanqaami
pd: (qaanqaamiyey)
ps: v2a=tr
key: qaanqaami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qabanqaabin
(Qabanqaabin-ta)
Diyaarin; abaabulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabanqaabin
m.f.dh eeg qabanqaabi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabanqaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) hawl abaabul iyo tabaabulshe u samayn. Qabanqaabinta shirku muddo badan ayay soo socotay. Dh: diyaarin, abaabulid; qabanqaabis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaqamin
m.f.dh eeg qaaqami. la-mid: qaaqamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaanqaani
-ga: (magac, lab, keli) neef yar oo hooyadii ka rintay. Qaangaani badan baa xoolaha ku jira oo u baahan in la waraabiyo. Dh: qaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daandaamin
(Daandaamin-ta)
Daandaan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daandaamin
m.f.dh eeg daandaami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daandaamin
-ta: (magic, dhedig, keli) tamarbeel ku ridid. Dh: wareerin, daandaamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laanlaamin
(magac, dhedig, keli) meel ijaar ama ood hore lahayd laamo aan badnayn oo qoyan saarasaarid. Laanlaamin badanaa, reerkii ladnaan jiray, ma libaax ayaa helay. Dh: laandayrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aloosid
(Aloosid-da)
Qaanqaamin, abaabulid. kicin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aloosid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl la qabanayo diyaarinteed. Hawl kastaa aloosid ayay u baahan tahay. Dh: abaabulid, iskudubbaridid, qaanqaamin, qabanqaabin, kicin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaangaambin
-ta: (magac, dhedig, keli) xarrago iyo aayar u socosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabanqaabis
-ta: (magac, dhedig. keli) eeg qabanqaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaqami
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dab u dhawayn si loogu diiriyo ama engejiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaqami
(fal) wax dab u dhawayn si loogu diiriyo ama engejiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaangaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg qaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaqamid
m.f.dh eeg qaaqan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaqamis
m.l la-mid: qaaqamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaaraami
(Qaaraami-ga)
1. Heeso iyo gabayo caashaq ah oo gaar ah.
2. Dadka tirsha laftooda (ama qaraami).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaraami
m.l 1. Heesihii hore oo caashaqa ku saabsanaa. 2. Q. ah: qof heesihii hore ee caashaqa tirin jirey. la-mid: qaraami.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaaraami
m.l 1. Heesihii hore oo caashaqa ku saabsanaa. 2. Q. ah: qof heesihii hore ee caashaqa tirin jirey. la-mid: qaraami.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaaraami
m. n. love song ~ poem
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaaraami
-ga: (n) classical Somali music, especially Fifties or Sixties songs ~ qaraami
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaraami
-ga: (magac, lab, keli) heesihii hore o caashaqa ku saabsanaa.
qaaraami -ga: (magac, lab, keli) qof heesihii hore eecaashaqa tirin jirey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaaraami
bw: Arabic
de: love song ~ poem
lx: qaaraami
pd: (-ga)
ps: n2a-m, n7-m
see: qaraami
key: qaaraami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qanaanin
(Qanaanin-ta)
(fardo, lo' kd.) kolka orodka lagu jiro qanaanta taagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanaanin
m.f.dh eeg qanaani.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qanaanin
-ta: (magac, dhedig, keli) ordid aad ah oo dabada kor loo taagoo oo ay fardaha iyo lo'd sameeyaan. Qanaaninta lo'da lama gaadho. Dh: qanaanis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daandaami
f.g2 (-iyay, -isay) Feer, laad iyo wixi lamida cid ku wareerin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daandaami
v. make someone dizzy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daandaami
(fal) intaad wax ku dhufato wareeri oo tabarbeel ku rid. Feedh ayuu ninku odayga ku daandaamiyay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daandaami
de: make s.o. dizzy
lx: daandaami
pd: (daandaamiyey)
ps: v2a=tr
key: daandaami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dandaamin
(Dandaamin-ta)
Dandaan qaadid; wax sida dandaanka u culus qaadid; walwaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dandaamin
m.f.dh eeg dandaami. la-mid: daddaamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dandaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) marka wax culus oo aan la sidi karin qof walwaalayo. Dh: dandaamis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadaamin
m.f.dh eeg gaadaami. la-mid: gaadaamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaanjaami
(fal) qas oo ka dhig qof aan toosnayn oo wareersan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marqaamin
m.f.dh eeg marqaami. la-mid: marqaansiin, marqaansiis, murqaamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marqaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) fayaamin oo cid kale wax mirqaamay ka dhigid. Dh: mirqaamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naanaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) carcaraafin kolba waxaan jirin ku daalin. Naanaabintu ma fiicna. Dh: meehanaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaanqanni
(Qaanqanni-da)
Surta dhurduhu sameeyo qaarkeed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaanqanni
f. n. honey from a small bee species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaanqanni
-da: (magacwadareed) orgi yaryar oo sooc ah. Riyuhu qaangaanni ayay u badan yihiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaanqanni
cf: dhurde; sur
de: honey from a small bee sp.
lx: qaanqanni
pd: (-da)
ps: n-f
key: qaanqanni
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaaqaawan
adj., pl. naked (ones)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaaqaawan
de: naked (ones)
lx: qaaqaawan
pd: (Sg: qaawan)
ps: adj-pl
key: qaaqaawan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaqaayir
-ka: (magac, lab, keli) hanjabaad ama xaqiraad isha iyo xirribaha laga sameeyo iyaga oo kolba dhan loo dhaqdhaqaajinayo. Dumar is khilaafay qaaqaayir ma daayo. Dh: khaakhaayir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaaraamid
(Qaaraamid-da)
Qaaraan uruurin, bixin, siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaraamid
m.f.dh eeg qaaraan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaraamid
-da: (magac, dhedig, keli) qaadhaan ururin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalqaalin
m.f.dh eeg qalqaali. la-mid: qalqaalis, qalqaalo (1).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalqaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) hawl abaabulid. Qalqaalinta xafladda ayaan ku jirnaa. Dh: tabaabulshayn, qalqaalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayraamin
m.f.dh eeg qayraami. la-mid: qayraamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taanaadin
-da: (magac, dhedig, keli) mid guulaysya ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wanqaarin
m.f.dh eeg wanqaari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wanqaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) faagga weecin. Nin qodaal yaqaan wanqaarin ma sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaasaamin
m.f.dh eeg xaasaami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaasaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) koolkooli oo wax walba u diyaarin. Dh: xanaanayn, masruufid, rabbarabbayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daandaamid
(Daandaamid-da)
Daandaan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daandaamid
m.f.dh eeg daandaan². la-mid: daandaan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daandaamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kugu dhacay dartiis, la wareerid. Dh: daandaamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daandaamis
-ta: (magac, dhedig, keli) tabarbeelis ku ridis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaanjaamid
-da: (magac, dhedig, keli) sida qof wareersan u noolaansho oo dhaqan sillanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaanjaamis
-ka: (magac, lab, kali) cid kale, qas iyo wareer ku ridid. Dh: wareerin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaanqaadid
(Jaanqaadid-da)
1. (qof kabo qaba) qaadista tallaabada, shanqar ka yeersiin.
2. Saanqaadid; socosho; tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaanqaadid
m.dh eeg jaanqaad². la-mid: jaanqaad¹ (3).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaanqaadid
f. n. noise of footsteps; walking, going
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaanqaadid
-da: (magac, dhedig, kali) isla helisteeda iyo ciyaariddeedaba. Dh: jaanqaadis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaanqaadid
de: noise of footsteps; walking, going
lx: jaanqaadid
pd: (-da)
ps: n2a-f
key: jaanqaadid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maanqaadan
(tilmaame) niyad kacsan oo jacayl iyo xamaasadi ka buuxdo. Dh: qalbiqaadan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maanqaadid
m.f.dh eeg maanqaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maanqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) niyad kicin oo jacayl iyo xamaasad ka buuxin. Nayaa nin ku jecel maanqaadidda ka daa oo adna isa sii. Dh: maanqaadis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maanqaadis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maanqaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naannaabin
m.dh la-mid: naabnaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaadqaadid
m.f.dh eeg qaadqaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaadqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) (ku ~) cid kale; af ama addin ku weerarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaangaarid
(Qaangaarid-da)
Qaangaar noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaangaarid
m.f.dh eeg qaangaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaangaarid
-da: (magac, dhedig, keli) xilligi baaluga gaadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaanqaanni
m.dh In yar oo malab-sureed ah. la-mid: qaqaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaanqaanni
-da: (magac, dhedig, keli) malabka dhuunyaalaha gemmiga ama dhurduhu sameeyo. Qaangaanni macaan ayaan cunnay. Dh: sur, malab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaarqaadid
m.f.dh eeg qaarqaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaarqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) sakaraad qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaarqaaqan
m.l Q. ah: geed aan hoos badan lahayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaarqaawan
-aa: (adj) topless (taap-les); bare-chested; without a shirt ~ feera qaawan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabanqaabi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax la fulin lahaa isku dubbaridid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qabanqaabi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax la fulin lahaa isku dubbaridid. m.f.dh, qabanqaabin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qabanqaabi
v. organize, arrange
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qabanqaabi
-yey / say: (v) organize (oor-ga-naayz) an operation or an activity; prepare (piri-peer)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabanqaabi
(fal) hawl abaabulkeeda samee. Shirka adigu qabanqaabi. Dh: tabaabulshee, abaabul, diyaari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qabanqaabi
de: organize, arrange
lx: qabanqaabi
pd: (qabanqaabiyey)
ps: v2a=
key: qabanqaabi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saanqaadid
(Saanqaadid-da)
(ilmo yar) socod barasho bilaabid.