qaannabid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaannabid
-da: (magac, dhedig, keli) qaan weydiisasho. Dh: qaannabis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naannaabid
m.dh la-mid: naabnaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaannab
(fal) qaan cid aad ku leedahay weyddiiso u sheego.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naanaabid
-da: (magac, dhedig, keli) nacas jahawareersan noqosho.
naanaabid-da: (magac, dhedig, keli) meehannaabid oo carcaraaf ku jirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaangabid
-da: (magac, dhedig, keli) talo iyo falcelis muruq iyo orod u baahan ka hadhid. Odaygu xaangabid uma dhawa. Dh: itaaldarro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabaanqabid
m.f.dh eeg qabaanqab³. la-mid: qawqabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabaanqabid
-da: (magac, dhedig, keli) qawqamid oo cod iyo sawaxan badan samayn. Riyo wax la siiyay qabaanqabid ma daayaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naabnaabid
m.f.dh eeg naabnaab². la-mid: naabnaab¹, naannaab¹, naannaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naabnaabid
-da: (magac, dhedig, keli) mid shiddo iyo fagri haleeleen noqosho. Dh: naannaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naannaabin
m.dh la-mid: naabnaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaandhebid
(Qaandhebid-da)
Qaan la isku lahaa gudid; qaandhaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaandhebid
m.f.dh eeg qaandhaw². la-mid: qaandhaw¹, qandhow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaandhebid
-da: (magac, dhedig, keli) amaah iska bixin oo cidii lahyd u celin; qaan iska gudid. Qofka qaandhebidda lagu barto amaah looma diido. Dh: qaanbixis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaangaarid
(Qaangaarid-da)
Qaangaar noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaangaarid
m.f.dh eeg qaangaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaangaarid
-da: (magac, dhedig, keli) xilligi baaluga gaadhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayndaabid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qataarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaabid
m.dh la-mid: qaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaabid
-da: (magac, dhedig, keli) caano ururin oo kuwii xalay iyo kuwii maanta isku biirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aynabid
m.f.dh eeg aynab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aynabid
-da: (magac, dhedig, keli) dad badan, iyo wixii la mid ah isku kol wada dilid. Aynabiddu waa ceeb ninkii aqli lehow. Dh: layn, xasuuqid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cannabis
/kannabis/ (n) xashiishad (geed maskaxda dooriya oo lugu marqaamo).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fannadid
-da: (magac, dhedig, keli) meel la baadhayo aad u faaqidid. Aqalkii baa fannadid lagula kacay. Dh: fatishid, baadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gandabid
m.f.dh eeg gandab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gannadid
m.f.dh eeg gannad². la-mid: gannad¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gannadid
-da: (magac, dhedig, keli) oogo aan dhaaddanayn yeelasho. Dh: jaynafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanjabid
(Hanjabid-da)
Hadallo hanjabaad ah qof ku dhihid; (ama hanjamid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanjabid
m.f.dh eeg hanjab. la-mid: hanjabaad, hanjabo, hanjamaad, hanjamid, hanjamo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanjabid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hadedid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kanjabid
(Kanjabid-da)
Dhaawacmidda iyo burburidda kanka, cudur ama nabar gaarey darti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kanjabid
m.f.dh eeg kanjab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kanjabid
-da: (magac, dhedig, keli) dhawacmidda iyo burburka cudur ama nabar gaadhay dartii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maanacid
-da: (magac, dhedig, keli) wax horjoogsi oo in la sameeyo diidid. Maanacidda iska daa oo dadka sii daa. Dh: celin, diidid. Li: oggolaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naanaabi
(fal) carcaraafi oo kolba waxaan jirin ku daali. Dh: meehanaabi, jahawareeri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabnabid
-da: (magac, dhedig, keli) dhedhejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaqamid
m.f.dh eeg qaaqan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaayibid
(Qaayibid-da)
1. Wax cusub ama aan la arki jirin si fiican ugu dhex noolaansho, ugu dhaqmid, u barasho, jabsasho.
2. Wax u bogid, jeclaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaayibid
m.f.dh eeg qaayib. la-mid: qaayib¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaayibid
-da: (magac, dhedig, keli) wax cusub ama aan la arki jirin si fiican ula qabsasho; ugu dhaqmid; u barasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaraabid
m.f.dh eeg qaraab².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qardabid
m.dh la-mid: qartabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qartabid
m.f.dh eeg qartab. la-mid: qardabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qawqabid
m.dh la-mid: qabaanqabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qawqabid
-da: (magac, dhedig, keli) cunt dusheeda si qalbiqaatan ah u qaylyid oo hadala la fahmayn ku habqamid. Dh: qawqamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xannibid
(Xannibid-da)
Dhibid; jirrabid; cadaadin; kadeedid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xannibid
m.f.dh eeg xannib².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xannibid
-da: (magac, dhedig, keli) hulo kasta ka awdidi oo dhibid. Xannibidda dadku ma fiicnee ha kadeedin. Dh: jirrabid.
xannibid-da: (magac, dhedig, keli) shakirid oo wax hakiya ku xidhid. Dh: joojin, qabasho.
xannibid-da: (magac, dhedig, keli) cid ku dirid oo masabbidid, Xannibidda carruurta ha maqlin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caalgabid
(Caalgabid-da)
Maaro iyo itaal waayid: quusasho; axgabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caalgabid
m.f.dh eeg caalgab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caalgabid
-da: (magac, dhedig, keli) maaro iyo itaal loo waayo talo iyo arrin la hayay. Dh: quusasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caalqabid
-da: (magac, dhedig, keli) cudurka caalka qabid. Dh: caalow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanoobid
-da: (magac, dhedig, keli) caano noqosho; caddaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laalaabid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kala baxsanaa duuduubasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maangadid
m.f.dh eeg maangad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naanaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) carcaraafin kolba waxaan jirin ku daalin. Naanaabintu ma fiicna. Dh: meehanaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naannaabi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: naabnaabi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaloobid
m.dh la-mid: qaaliyoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaloobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax qiimo sare leh noqod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaamoobid
(Qaamoobid-da)
Qaan gelid, lagu yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaamoobid
m.f.dh eeg qaamow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaamoobid
-da: (magac, dhedig, keli) ruux qaamaysan ahaan; qof deyn lagu leeyahay noqosho; qaan gelid. Dh: gashiyoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaanbixid
(Qaanbixid-da)
Qaan laysku lahaa iska bixin, dhiibid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaanbixid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qaanbax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaangelid
m.dh la-mid: qaangal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaangelid
-da: (magac, dhedig, keli) heshiis magdhaw lagu bixinayo galid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaaraamid
(Qaaraamid-da)
Qaaraan uruurin, bixin, siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaraamid
m.f.dh eeg qaaraan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaraamid
-da: (magac, dhedig, keli) qaadhaan ururin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaldhabid
-da: (magac, dhedig, keli) sakaraadid co naf daraareed jiif iyo joogba diidid. Qaldhabid lama garan waayo. Dh: sakaraadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saangamid
m.f.dh eeg saangan¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waa nabad
I'm fine!
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waa_nabad
de: I'm fine! Lit: It is peace; Answer to greeting: Ma nabad baa? (q.v.)
initial: w
lx: waa nabad
ps: expr
key: waa_nabad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waansamid
-da: (magac, dhedig, keli) waano la soo jeediyay qaadasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaanya'id
-da: (magac, dhedig, kel) tuugsi calaacal ku jiro samayn oo cid ku dul nuunaasid. Iska daa yaanya'ida oo hoo lacagta. Dh: yadaadumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labanlaabid
m.dh la-mid: laballaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaangaadhid
-da: (magac, dhedig, keli) da'dii xilkasnimada gaadhid: qaangaar noqosho. Muruga curcurku waa calaamadda qaangaadhidda Dh: baaluqid, qaangaarid, taabbagalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qabanqaabin
(Qabanqaabin-ta)
Diyaarin; abaabulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabanqaabin
m.f.dh eeg qabanqaabi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabanqaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) hawl abaabul iyo tabaabulshe u samayn. Qabanqaabinta shirku muddo badan ayay soo socotay. Dh: diyaarin, abaabulid; qabanqaabis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabanqaabis
-ta: (magac, dhedig. keli) eeg qabanqaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaddarjabid
m.dh la-mid: maskarjabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaddarjabid
-da: (magac, dhedig, keli) dhallin- yaranimo ku dhimasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tahanbaabid
-da: (magac, dhedig, keli) (ku ~) ku hungoobid, ku lugo'id.
tahanbaabid -da: (magac, dhedig, keli) luggo'id: hungoobida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Balanbalid
(Balanbalid-da)
Hoogid; bi'id; luufluufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daandaamid
(Daandaamid-da)
Daandaan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daandaamid
m.f.dh eeg daandaan². la-mid: daandaan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daandaamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kugu dhacay dartiis, la wareerid. Dh: daandaamis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalandalid
m.f.dh eeg dalandal². la-mid: dalandal¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalandalid
-da: (magac, dhedig, keli) si dabacsan oo xannaanayn leh u wad. Dh: dalaandalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalankacid
m.f.dh eeg dalankac². la-mid: dalankac¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faanfaanid
m.f.dh eeg faanfaan². la-mid: faanfaan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faanfaanid
-da: ( magac, dhedig, keli) tookhid iyo isfaanin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacanqabad
m.l la-mid: gacanqabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacanqabad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, taakulayn oo taageerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garangarid
m.f.dh garangar². la-mid: garaangarid, garaangirid, giraangirid, giringirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
itaalgabid
-da: (magac, dhedig, keli) tamardarri; xaangabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaanjaamid
-da: (magac, dhedig, keli) sida qof wareersan u noolaansho oo dhaqan sillanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaanqaadid
(Jaanqaadid-da)
1. (qof kabo qaba) qaadista tallaabada, shanqar ka yeersiin.
2. Saanqaadid; socosho; tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaanqaadid
m.dh eeg jaanqaad². la-mid: jaanqaad¹ (3).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaanqaadid
f. n. noise of footsteps; walking, going