qaamowqanshiir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaamowqanshiir
qaamowqanshiir¹: m.l Cudur ku dhaca qanjirada oo barariya in muddo ah; camanbafuufi.
qaamowqanshiir²: m.l (daawo) Cudur la isqaadsiiyo oo ku dhaca caruurta da'dodu u dhaxyso shan (5) ilaa shan iyo toban (15). Bararka qanjirka calyada oo ku yaal daanka hoose dadabiisa ee labada dhinacba, waxa ka horreeya: qandho, madax-xanuun iyo matag bararka labada qanjir way kala hormaraan mararka qaarkoodina mid keliya ayuu cudurku ku dhacaa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaamowqanshiir
qaamowqanshiir¹: m.l Cudur ku dhaca qanjirada oo barariya in muddo ah; camanbafuufi.
qaamowqanshiir²: m.l (daaw.) Cudur la isqaadsiiyo oo ku dhaca caruurta da'dodu u dhaxyso shan (5) ilaa shan iyo toban (15). Bararka qanjirka calyada oo ku yaal daanka hoose dadabiisa ee labada dhinacba, waxa ka horreeya: qandho, madax-xanuun iyo matag bararka labada qanjir way kala hormaraan mararka qaarkoodina mid keliya ayuu cudurku ku dhacaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaamowqanshiir
-ka: (magac, lab, keli) xanuun dhegaha iyo jiqlaha barariya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaamoqashiir
m. n. mumps
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaamoqashiir
-ka: (n) mumps (mampis); disease causing swelling of the salivary glands
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaamoqashiir
bw: qamoqashiir ~ qaamowqanshiir
cf: teeriyotanbuur
de: mumps
lx: qaamoqashiir
pd: (-ka)
ps: n-m
key: qaamoqashiir
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
teeriyotambuur
m.l (daaw.) Cudur ku dhaca qanjirrada dhuunta oo barariya; qaamowqanshiir.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Parotitis
Taniyotanbuur, Qaamowqanshiir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qamoqashiir
(Qamoqashiir-ka)
Teeriyotanbuur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qamoqashiir
-ka: (magac, lab, keli) xanuun qanjidhada cunaha barariya. Qamoqashiir ayuu la jiifaa. Dh: qanjidhaxanuun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qamaqashiir
-ka: (magac, lab, keli) qanjo barar carruurta ku dhaca. Qamagashiir ayaa ku dhacay kii yaraa. Dh: cagagi, qanjidh barar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daacwashiir
daacwashiir¹: m.l Daacaqurun.
daacwashiir²: f.mg1 (-ray, -rtay) Daacaqurmid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daacwashiir
daacwashiir¹: m.l Daacaqurun.
daacwashiir²: f.mg1 (-ray, -rtay) Daacaqurmid. m.f.dh, daacwashiirid.