qaamoqashiir
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaamoqashiir
m. n. mumps
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaamoqashiir
-ka: (n) mumps (mampis); disease causing swelling of the salivary glands
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaamoqashiir
bw: qamoqashiir ~ qaamowqanshiir
cf: teeriyotanbuur
de: mumps
lx: qaamoqashiir
pd: (-ka)
ps: n-m
key: qaamoqashiir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qamoqashiir
(Qamoqashiir-ka)
Teeriyotanbuur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qamoqashiir
-ka: (magac, lab, keli) xanuun qanjidhada cunaha barariya. Qamoqashiir ayuu la jiifaa. Dh: qanjidhaxanuun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaamowqanshiir
qaamowqanshiir¹: m.l Cudur ku dhaca qanjirada oo barariya in muddo ah; camanbafuufi.
qaamowqanshiir²: m.l (daawo) Cudur la isqaadsiiyo oo ku dhaca caruurta da'dodu u dhaxyso shan (5) ilaa shan iyo toban (15). Bararka qanjirka calyada oo ku yaal daanka hoose dadabiisa ee labada dhinacba, waxa ka horreeya: qandho, madax-xanuun iyo matag bararka labada qanjir way kala hormaraan mararka qaarkoodina mid keliya ayuu cudurku ku dhacaa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaamowqanshiir
qaamowqanshiir¹: m.l Cudur ku dhaca qanjirada oo barariya in muddo ah; camanbafuufi.
qaamowqanshiir²: m.l (daaw.) Cudur la isqaadsiiyo oo ku dhaca caruurta da'dodu u dhaxyso shan (5) ilaa shan iyo toban (15). Bararka qanjirka calyada oo ku yaal daanka hoose dadabiisa ee labada dhinacba, waxa ka horreeya: qandho, madax-xanuun iyo matag bararka labada qanjir way kala hormaraan mararka qaarkoodina mid keliya ayuu cudurku ku dhacaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaamowqanshiir
-ka: (magac, lab, keli) xanuun dhegaha iyo jiqlaha barariya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qamaqashiir
-ka: (magac, lab, keli) qanjo barar carruurta ku dhaca. Qamagashiir ayaa ku dhacay kii yaraa. Dh: cagagi, qanjidh barar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
teeriyotanbuur
a: teeriyotambuur
cf: qaamoqashiir
de: mumps; goiter, disease that afflicts the thyroid gland
initial: t
lx: teeriyotanbuur
pd: (-ka)
ps: n-m
key: teeriyotanbuur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tamaashiir
-ta: (magac, dhedig, keli) jaad ka mid ah walxaha sabuuradda lagu qoro oo laga sameeyo dhagaxnuuradeedka iyo wixii la mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daacwashiir
daacwashiir¹: m.l Daacaqurun.
daacwashiir²: f.mg1 (-ray, -rtay) Daacaqurmid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daacwashiir
daacwashiir¹: m.l Daacaqurun.
daacwashiir²: f.mg1 (-ray, -rtay) Daacaqurmid. m.f.dh, daacwashiirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baabasiir
m.l (daawo) Jirro ku dhacda malawadka qeybtiisa danbe oo leh finan dhaliya cuncun badan. la-mid: bawaasiir.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baabasiir
m.l (daaw.) Jirro ku dhacda malawadka qeybtiisa danbe oo leh finan dhaliya cuncun badan. la-mid: bawaasiir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baabasiir
m. n. hemorrhoids
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baabasiir
-ka: (n) hemorrhoid (hemarooyd); piles (paaylzi) ~ baawasiir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabasiir
-ta: (magac, dhedig, keli) qanjidh xanuun ah oo siyaabo kala duwan futada ama walamadka uga soo baxa oo cidda uu ka soo baxo laga jeexo. Cali baabasiir ayaa laga gooyay. Dh: mabaasiir, babaasiir, bawaasiir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baabasiir
bw: Arabic
de: hemorrhoids
lx: baabasiir
pd: (-ka)
ps: n2-m
see: baawasiir
key: baabasiir
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
baabasiir
باسور
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baawasiir
(Baawasiir-ka)
Barar iyo nabarro xanuun iyo cuncun badan oo malawadka afkiisu yeesho, badanaana dhiig ka yimaado; (ama baabusiir).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baawasiir
m.l la-mid: bawaasiir.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baawasiir
m.l la-mid: bawaasiir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baawasiir
m. n. hemorrhoid; hemorrhoids, piles
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baawasiir
-ta: (magne, dhedig, keli) nabarre cuncun, barar iyo xanuun badan oo malwadka at siisa kasoo baxa, inta badanna dhiig ka yimaaddo. Walle nimay baawasiir haysaar barbar u fadhiisan waayin. Dh: haawaasiir, baabusit, mabaasiir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baawasiir
a: baabasiir ~ baabusiir
bw: Arabic
de: hemorrhoid; hemorrhoids, piles
lx: baawasiir
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: baawasiir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jamaahiir
m.dh.w Wadar dad ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jamaahiir
m.dh.w Wadar dad ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jamaahiir
f. n., [collective] mass (of people); masses
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jamaahiir
-ta: (magacwadareed) ururka dad shicibweyne ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jamaahiir
bw: Arabic
de: mass (of people); masses
lx: jamaahiir
pd: (-ta)
ps: n-f-col
key: jamaahiir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqashiin
m.f.dh eeg maqashii. la-mid: maqalsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqashiin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhawaq dhegaha cid kale gaadhsiin. Makarafoonku waa qalabka ugu wanaagsan magashiinta eedaanka. Dh: maqalsiin, dhegeysiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqashiis
-ka: (magac, lab, keli) eeg maqashiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaqaayir
-ka: (magac, lab, keli) hanjabaad ama xaqiraad isha iyo xirribaha laga sameeyo iyaga oo kolba dhan loo dhaqdhaqaajinayo. Dumar is khilaafay qaaqaayir ma daayo. Dh: khaakhaayir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qamaamiir
-ta: (magacwadaradeed) eeg qabaabir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaashiir
-ta: (magac, dhedig, keli) walax budo cad ka samaysan oo baruhu ardayda sabuurada wax ugu dhigo. Dh: tamaashiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacwashiir
dacwashiir¹: m.l la-mid: daacaqurun¹.
dacwashiir²: f.mg1 (-ray, -rtay) la-mid: daacaqurun².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dacwashiir
m.l la-mid: daacaqurun¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dacwashiir
v. belch, emit a bad-smelling gas as from an upset stomach
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dacwashiir
(n) bad smelling eructation or belching (beel-jing) ~ daacoqurun, daacaqurun
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dacwashiir
cf: daaco, shiir
de: belch, emit a bad-smelling gas as from an upset stomach
lx: dacwashiir
pd: (dacwashiiray)
ps: v1=intr
key: dacwashiir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qamarshiid
qamarshiid¹: m.l Badar aan la xasharin oo la shiiday.
qamarshiid²: f.g1 (-day, -dday) Badar aan la xasharin shiidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qammaamiir
m.dh.u la-mid: qammaamuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qashqashid
m.dh la-mid: khashkhashid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabaashiir
tabaashiir¹: m.l Wax qalin ahaan lagu qoro sabburadaha.
tabaashiir²: m.l (jooloji) Dhagax nuuradeed saafi ah, jilicsan oo cad, oo sida caadiga ah ka samaysan kaalshiyam kaarboonayt.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tabaashiir
tabaashiir¹: m.l Wax qalin ahaan lagu qoro sabburadaha.
tabaashiir²: m.l (jool.) Dhagax nuuradeed saafi ah, jilicsan oo cad, oo sida caadiga ah ka samaysan kaalshiyam kaarboonayt.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tabaashiir
Chalk
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tabaashiir
f. n. chalk, piece of chalk (for a blackboard)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tabaashiir
-ta: (n) chalk (jook); blackboard chalk ~jeeso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaashiir
-ta: (magac, dhedig, keli) dhagax cad ama midabyo kale leh oo sabuuradaha lagu qorto. Dh: jeesto, tamaashiir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tabaashiir
bw: Arabic
de: chalk, piece of chalk (for a blackboard)
initial: t
lx: tabaashiir
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: tabaashiir
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
tabaashiir
طَبَاشِيرٍ، حُوَّارَى
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cabdulbashiir
name-m servant of the Messenger
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daacwashiirid
m.f.dh eeg daacwashiir².