qaalaamarrogad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalaamarrogad
-ka: (magac, lab, keli) madax iyo mijo kolba dhinac u rogmad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaalaamarogad
m.l la-mid: qaalmarrogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaalmarrogad
(Qaalmarrogad-ka)
Qaalmarrogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaalmarrogad
m.l Rogmasho uu qof hawada dhexdeeda ku sameeyo mar ama laba. la-mid: qaalmarrogasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaalmarrogad
m.l Rogmasho uu qof hawada dhexdeeda ku sameeyo mar ama laba.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalaamarogad
-ka: (magac, lab, keli) kolba dhan isku rogid. Nin weyni qalaamarogad ma karo. Dh: qalaabarogad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaalaamarrogo
f.mg3 (-gtay, -gatay) la-mid: qaalmarrogo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalaamarrogo
(fal) madax iyo mijo kolba dhinac u rogmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaalaamarrogasho
m.dh la-mid: qaalmarrogasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalaamarrogasho
-da: (magac, dhedig, keli madax iyo mijo kolba dhinac u rogmasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaalmarogad
-ka: (n) [gymnastics] somersault (samar-soolt) also somerset tumbleset (samar-set tam-bal-set) ~ qaalma-rogasho, jinaystiko
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalabaarogad
-ka: (magac, lab, keli) madax iye mijo kolba dhinac u rogmad. Dh: qalaamorogad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaalmarrogo
f.mg3 (-gtay, -gatay) Qaalmarrogad samayn. la-mid: qaalaamarrogo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaalmarrogo
v. somersault, do acrobatics ~ a flip
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaalmarrogo
de: somersault, do acrobatics ~ a flip
lx: qaalmarrogo
nt: qaalmarrogad (ka) [vn-m], qaalmarrogasho (/da) [vn-f]
pd: (qaalmarrogtay)
ps: v3b=
key: qaalmarrogo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalmorogad
-ka: (magac, lab, keli) is rogrogid uu qofku sameeyo isaga oo jiifa oo uu kolba dhinac qallinka iskugu ledgo. Jiifka ku dagaallama oo qaalmorogad sameeya ayuu taliyuhu ku yidhi ciidankiisa. Dh: qalaamarogad, qalaamarogasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalaamarogo
(fal) eeg qalaaborogo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalamarrogo
(fal) eeg qalaamarogo.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
QALAAMAROGADKA
GYMNASTICS
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalaabogadi
(fal) alaab isku dhex daadi oo wada rogrog. Is ku qaalaabogadi alaabta guriga si aan loo arag inta muhiim ka ah. Dh: mulac, qalaabageddi.
qaalaabogadi -ga: (magac, lab, keli) arbush alaab la is dhexdhigo oo la kala daadaadiyo. Alaabta qaalaabogadiga ka daa. Dh: mulaaq, qalaabageddi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalabaarogo
(fal) madax iyo mijo kolba dhinac u rogmo. Dh: qalaamarogo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaalmarrogasho
(Qaalmarrogasha-da)
Rogmasho ama booddo qofku kol, sida garangarta, isku kor wareego, isagoo duuban; (ama qaalaamarrogasho).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaalmarrogasho
m.f.dh qaalaamarrogad, qaalmarrogad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalaamarogasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qalaamarogad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalabaarogasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qalamaarogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaamadsad
m.l la-mid: calaamadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaamaysad
m.l la-mid: calaamadsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalaaborogo
(fal) is rogrog oo kolba bog isku geddi. Rasaasta ka qalaaborogo. Dh: qalamaarogo.
qalaaborogo: (fal) wax jiifa kolba dhan u geddiso. Foostada haddaad qaadanayso qalaaborogo. Dh: wilaanwisho, rogrogo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqalyarogad
-ka: (magic, lab, keli) qaarka hoose sarraysiin oo gacmaha isku istaagid oo isrogrogid. Dh: qaalaabarogad, qaalmarogad, baqayarogad. baqalyarogasho -da: (magic, dhedig, keli) baqalyarogad samayn. Baqalyarogasho badisaye berrina maxaad baran. Dh: baqayarogasho, qaalmarogasho, qaalaamarogasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaantaarogan
(tilmaame) isbarbaryaac; wada tashi iyo qorshe la'aan; hortaa bannaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalgaroobid
-da: (magac, dhedig, keli) qaaliyoobid: wax qiimo sare leh noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarjaamaysad
m.l la-mid: qarjaamaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaamadaysad
m.l la-mid: calaamadsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalaabogadin
-ta: (magac, dhedig, keli) isku dhexdaadin oo alaab rogrogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaligaroobid
m.f.dh eeg qaaligarow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaligaroobid
-da: (magac, dhedig, keli) qaali noqosho: qiimihii caadiga ahaa ka siyaadid. Dalabka badani qaaligaroobidda qayb ayuu ka yahay: Dh: qaaliyoobid, qaaligaraw.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Calaamad togan
Positive sign
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Qallac-bakoorad
Nooc ka mid ah looxqallaca ee gar soo godan iyo samay toosan oo garka hoose uu ku dul shalwado.