qaalaabogadi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalaabogadi
(fal) alaab isku dhex daadi oo wada rogrog. Is ku qaalaabogadi alaabta guriga si aan loo arag inta muhiim ka ah. Dh: mulac, qalaabageddi.
qaalaabogadi -ga: (magac, lab, keli) arbush alaab la is dhexdhigo oo la kala daadaadiyo. Alaabta qaalaabogadiga ka daa. Dh: mulaaq, qalaabageddi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalaabogadin
-ta: (magac, dhedig, keli) isku dhexdaadin oo alaab rogrogid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaalmarogad
-ka: (n) [gymnastics] somersault (samar-soolt) also somerset tumbleset (samar-set tam-bal-set) ~ qaalma-rogasho, jinaystiko
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaalaamarogad
m.l la-mid: qaalmarrogasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalabaarogad
-ka: (magac, lab, keli) madax iye mijo kolba dhinac u rogmad. Dh: qalaamorogad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laalaabad
-ka: (magac, lab, keli) wax iska fidsanaa laalaabasho. Dh: duudduubad, duuduubasho.
laalaabad -ka: (magac, lab, keli) kolba noqosho iyo warwareeg: laabad oo haddana soo noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qal'aboodi
Xaraaradow; roobsugow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qal'aboodi
-ga: (magac, lab, keli) xaraaradow roobsugow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qal-aboodi
m.l Firiiric yar yar oo cuncun leh oo oogada dadka ka soo yaaca kolka ay qorraxdu kulushahay (kulayaaha).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qal-aboodi
m. n., [compound] prickly heat, itchy skin irritation ~ rash (caused by heat)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalmorogad
-ka: (magac, lab, keli) is rogrogid uu qofku sameeyo isaga oo jiifa oo uu kolba dhinac qallinka iskugu ledgo. Jiifka ku dagaallama oo qaalmorogad sameeya ayuu taliyuhu ku yidhi ciidankiisa. Dh: qalaamarogad, qalaamarogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaalmarrogad
(Qaalmarrogad-ka)
Qaalmarrogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaalmarrogad
m.l Rogmasho uu qof hawada dhexdeeda ku sameeyo mar ama laba. la-mid: qaalmarrogasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaalmarrogad
m.l Rogmasho uu qof hawada dhexdeeda ku sameeyo mar ama laba.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalaamarrogad
-ka: (magac, lab, keli) madax iyo mijo kolba dhinac u rogmad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalabaageddi
(fal) eeg qaalaabogadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalabaarogasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qalamaarogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alaakoodi
f.g2 (-iyay, -isay) Alaakood sameyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
alaakoodi
v. court someone with dance ~ song; flirt with; console
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alaakoodi
(fal) tiri hees iyo suugaan calaacal ah oo loogu ooyayo qof dhintay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
alaakoodi
de: court s.o. with dance ~ song; flirt with; console
lx: alaakoodi
pd: (alaakoodiyey)
ps: v2a=
key: alaakoodi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaamadi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax calaamo u yeelid. la-mid: calamadee, calaamee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
calaamadi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax calaamo u yeelid. m.f.dh, calaamadin. la-mid: calamadee, calaamee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calaamadi
v. mark, put a mark on, note
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaamadi
(fal) eeg calaamaday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calaamadi
de: mark, put a mark on, note
lx: calaamadi
pd: (calaamdiyey)
ps: v2a=
key: calaamadi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fallaagad
m.dh (-do, m.l) Naag fallaago noqotay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laalaabid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kala baxsanaa duuduubasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laallaadi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax meel sare ka raaricin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laallaadi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax meel sare ka raaricin. m.f.dh, laallaadin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laallaadi
v. hang up, suspend
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laallaadi
-yey / say: (v) hang down so as to make free movement; suspend (sas peendh) ~ raarici
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laallaadi
de: hang up, suspend
lx: laallaadi
pd: (laallaadiyey)
ps: v2a=tr
key: laallaadi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadhaabad
-ka: (magac, lab, keli) qadhaab gurasho Dh: qaraabad, qadhaabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaraaxadi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Cod qaraaxad u yeelid. 2. Si kaftan ah cid waxaan jirin uga fidin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shalaabad
(Shalaabad-da)
Dad-la-dhaqanka wanaagsan; dhalan; abuur; baxaalii; falaad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shalaabad
f. n., [collective] good character ~ manners, pleasant behavior
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shalaabad
-da: (magac, dhedig, keli) dad la dhaqanka wanaagsan; dhalan; abuur; baaxaali: falaad. Dh: dhalan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shalaabad
cf: dhalan, falaad
de: good character ~ manners, pleasant behavior
initial: s
lx: shalaabad
pd: (-da)
ps: n1-f-col
key: shalaabad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talaabsad
-ka: (magac, lab, keli) marka cagta la qaado, ee socodka la bilaabayo. Dh: talaabsasho. talaabsasho -da: (magac, dhedig, keli) eeg talaabsadka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tallaagad
-da: (magac, dhedig, keli) qaboojiyaha korontada ku shaqeeya ee lagu rido quutal daruuriga. Dh: tallaajad.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Alaab guri
Mobilio di casa
House furniture
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaalaabbax
(fal) booqashooyin is daba joog ah samee; kolba meel gal oo ka bax.
gaalaabbax-a: (magac, lab, keli) booqashooyin is daba joog ah; kolba meel gelid oo ka bixid ama meel ku noqnoqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaalgali
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dildilleyn. la-mid: galgali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaangali
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dildilleyn. la-mid: galgali.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
galaangali
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dildilleyn. m.f.dh, galaangalin. la-mid: galgali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laablaabad
(Laablaabad-ka)
Laablaabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laablaabad
m.l la-mid: laablaabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laablaabad
-ka: (magac, lab, keli) kol wax ka badan noqosho. Dh: noqnoqod, laablaabasho, laalaabad.
laablaabad -ka: (magac, lab, keli) lakabyada iska dul dhaadhaca ee hilibka qof aad u buuran. Dh: laalaabad, lakabyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laallaabad
m.l la-mid: laablaabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malaakhadi
f.g2 (-iyay, -isay) Soor malaakh ku walaaqid.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Qaalaad-ka
étranger.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaalalyood
m.f.l eeg qaalalyoo. la-mid: qaalalyoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalalyood
-ka: (magac, lab, keli) cunta badan darteed calool'afuufmid.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QALAMBOOBI
(Galambobi) N N Dipterygium glaucum Decne Cruciferae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalamboobi
-ga: (magac, lab, keli) wisiisi iyo weyrax. Ninkii kolkii uu dhiigga arkay ayuu qalmboobi ku dhacay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tallaabsad
(Tallaabsad-da)
Tallaabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tallaabsad
m.l la-mid: tallaabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tallaabsad
-ka: (magac, lab, keli) tallaabo qaadid. Tallaabsadka ayaa ku adag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalaaborogo
(fal) is rogrog oo kolba bog isku geddi. Rasaasta ka qalaaborogo. Dh: qalamaarogo.
qalaaborogo: (fal) wax jiifa kolba dhan u geddiso. Foostada haddaad qaadanayso qalaaborogo. Dh: wilaanwisho, rogrogo.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Tallaabo-da
pas, démarche.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
tallaabsade
pace-maker
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqalyarogad
-ka: (magic, lab, keli) qaarka hoose sarraysiin oo gacmaha isku istaagid oo isrogrogid. Dh: qaalaabarogad, qaalmarogad, baqayarogad. baqalyarogasho -da: (magic, dhedig, keli) baqalyarogad samayn. Baqalyarogasho badisaye berrina maxaad baran. Dh: baqayarogasho, qaalmarogasho, qaalaamarogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faalaxgooddi
faalaxgooddi¹: m.l la-mid: falaxgooddiyid.
faalaxgooddi²: f.mg1/2 (-iyay, -iday/-isay; - iyi) la-mid: falaxgooddi².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalaamarogad
-ka: (magac, lab, keli) kolba dhan isku rogid. Nin weyni qalaamarogad ma karo. Dh: qalaabarogad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaalmarrogasho
(Qaalmarrogasha-da)
Rogmasho ama booddo qofku kol, sida garangarta, isku kor wareego, isagoo duuban; (ama qaalaamarrogasho).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaalmarrogasho
m.f.dh qaalaamarrogad, qaalmarrogad.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
QALAAMAROGADKA
GYMNASTICS
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballaanqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) wax lagu heshiiyey ama la isku raacay fulinteed; u ballanqaadis cid si aad ugu fuliso waxa ay tabanayso ama doonayso ciddaasi. Dh: ballangelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faalaxgooddin
m.dh la-mid: falaxgooddiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faalaxgooddis
m.l la-mid: falaxgooddiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laballaabooti
f.mg2 (-iyay, -isay) 1. Laballaabee. 2. Qof jirro, caro iyo wixi lamida la cagajiidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laballaboodin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg labalabayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalmorogasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qaalmorogad.