qaaje
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaje
m.l 1. Midab caddaan ah oo ay farduhu yeeshaan. 2. Qof midabka jirkiisa iyo tintiisaba aad u casyihiin. la-mid: qaajay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaaje
m. n. pale white (color of a horse); pale ~ whitish person
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Qaaje
nickname-m pale white (color of a horse); pale-whitish person; which is considered by some as beautiful
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Qaaje
magac loo bixiyo wiil qurux leh oo muuq dheer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaje
-ha: (magac, lab, keli) eeg qaajay.
qaaje -ha: (magac, lab, keli) midab caddaan ah oo ay farduhu yeeshaan.
qaaje -ha: (magac, lab, keli) qof midabka jirkiisa iyo tintiisuba aad u casyihiin. Dh: qaajay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaaje
de: pale white (color of a horse); pale ~ whitish person (considered a beautiful color)
lx: qaaje
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: qaaje
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qajaje
-ha: (magac, lab, keli) tiixtiixa ka dambeeya roobka weyni marka uu da'o. Qajaje ayaa da'aya ee ina mari aan soconee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaajo
m.dh la-mid: gaajo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaare
m.l la-mid: qaar².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaare
m. n. club, cudgel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaare
-ha: (magac, lab, keli) ul xagga hore u buuran. Qaare ayuu madaxa kaga dhuftay Dh: budh, bud.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaare
a: qaar
de: club, cudgel
lx: qaare
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: qaare
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaate
m.l (-tayaal, m.l/dh) (kiimika) Atamka ama kooxda atamada ah ee lammaane elektaroonno ah la siiyo marka dabarka elektaroon-deeqe ahi sameysmayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaate
m.l (-tayaal, m.l/dh) (kiim.) Atamka ama kooxda atamada ah ee lammaane elektaroonno ah la siiyo marka dabarka elektaroon-deeqe ahi sameysmayo.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
QAATE
Il ricevente
Payee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaate
-ha: (magac, lab, keli), (kiimika) Atamka ama kooxda atamada ah ee lammaane elektaroonno ah la siiyo marka dabarka elektaroon-deege ahi sameysmayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaye
m.l Qiimo; waxtar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaaye
m.l Qiimo; waxtar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaye
-ha: (magac, lab, keli) quimo iyo aayo fiican oo uu shay leeyahy. Labadaasi qudhoodu kala qaayo fogaa. Dh: caaqibo, qiimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qanje
(Qanja-ha)
Cudur xun oo xoolaha ku dhaca oo qanjirradu madoobaadaan; kud; (ama qanjo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanje
m.l Cudur ariga ku dhaca oo markiiba dila. la-mid: qanjo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qanje
m.l Cudur ariga ku dhaca oo markiiba dila. la-mid: qanjo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qanje
m. n., [collective] anthrax (serious disease affecting goats)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qanje
-qanjaha: (n) fatal disease that usually affects cattle and sheep, anthrax (aan-tharaak-siz)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qanje
-ha: (magac, lab, keli) cudur xoolaha qanjidhada kaga dhaca. Kud ka guur oo qanje u guur. Dh: qanjo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qanje
a: anjo
de: anthrax (serious disease affecting goats)
lx: qanje
pd: (/ha)
ps: n7-m-col
key: qanje
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tukadhaamis
(Tukadhaamis-ka)
Qaajeer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tukadhaamis
m.l.u Qaajer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caaryaw
(fal) uskagow oo qaajeer iyo caaryo lahow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caaryo
-da: (magac, dhedig, keli) qaajeer cad oo uu uskaggu jidhka ku reebo kolka uu qofku dhidido ama qoyaan taabto.
caaryo -da: (magac, dhedig, keli) wax dhogor la moodo oo cad oo wixii meel ku raaga saarma, siiba wixii qoyan ee huura ama dheelku ku dhaco. Cuntadii bakhaarka ku raagtay caaryo ayaa fuushay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tukadaamis
-ka: (magac, lab, keli) raad xarriijimo cad cad ah oo ka hadha dhididka uskagga noqda. Dh: qaajeer.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tukadhaamis
de: dried sweat
initial: t
lx: tukadhaamis
pd: (-ka)
ps: n-m-col
syn: qaajeer
key: tukadhaamis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaajeer
(Qaajeer-ta)
Uskagga iyo dhididku kolkay is helaan, raadka ay oogada ku reebaan; tukadhaamis; heer, xagaggaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaajeer
m.dh Uskag cad oo jirka dadka, dharka iyo wixi lamida ku samaysma marka uu dhidid ama qoyaan gaaro isaga oo wasaq leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaajeer
m.dh Uskag cad oo jirka dadka, dharka iyo wixi lamida ku samaysma marka uu dhidid ama qoyaan gaaro isaga oo wasaq leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaajeer
f. n., (mass n.): dry sweat on the skin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaajeer
-ta: (n) perspiration or sweat stain ~ qaanjeer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaajeer
-ta: (magac, dhedig, keli) raad xarriijimo cad cad ah oo ka hadha dhididka uskagga noqda. Qaajeerta iska maydh milixda u ekaatay Dh: caaryo, tukadhaamis, heer, xagaggarro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaajeer
de: dry sweat on the skin
lx: qaajeer
pd: (-ta)
ps: n1-f-mass
key: qaajeer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoraaje
m.l (-jayaal, m.l/dh) Maroodi lab.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qoraaje
m.l (-jayaal, m.l/dh) Maroodi lab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laanje
-ga: (magac, lab, keli) doon yar oo matoor leh oo inta badan lagu kaluumaysto ama lagu dalxiiso. Dh: laash, huudhi, huuri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaabee
(fal) hannaan iyo hab lagu garto u yeel. Hawshu horta sida ay kuugu muuqato u qaabee annana waan kula saxaynaa. Dh: nidaami, habee, suuree, qaabay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaadhe
-ha: (magac, lab, keli) qori dheer oo ganto leh oo kolka ay tigaaddu yaraato xoolaha calenta iyo dheemaalka geedaha waawayn loogaga soo daadiyo. Qaadhaha qaad oo maqasha dheemaalka u daadi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaafee
f.g2 (-feeyay, -faysay) la-mid: qaafi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaafee
(fal) is dhegoolee oo qof aan wax ba maqlayn iska dhig. Qaafee kolkaad dhegoole u sheekaynayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaajay
(Qaajay-ga)
Midabyada fardaha mid kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaajay
m.l la-mid: qaaje.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaajay
m. n. color variety ~ marking of a horse
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaajay
-ga: (magac, lab, keli) midabyada fardaha mid ka mid ah. Dh: caddaan, qaaje.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaajay
de: color variety ~ marking of a horse
lx: qaajay
pd: (-ga)
ps: n-m
key: qaajay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaajoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: gaajoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaalee
f.g2 (-leeyay, -leysay) la-mid: qaaliyee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaalee
v. put a high price on, sell dearly
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaalee
-yey / qaaleysay: (v) raise the price; make more expensive ~ qaaliyee, qaaligaree
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalee
(fal) qaali ka dhig. Dh: qaaliyee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaalee
a: qaaliyee {S}
de: put a high price on, sell dearly
lx: qaalee
pd: (qaaleeyey)
ps: v2b=tr
key: qaalee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaaley
(Qaaley-da)
Hunguriweyni; iimaanyoognimo; iimaandarro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaley
m.dh Qof aan dhergin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaaley
f. n., [abstract] greed ~ greediness, insatiability (never content ~ satisfied with what one has)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaley
-da: (magac, dhedig, keli) hunguri weyni u qofku wax walba inuu u baahan yahay uu iska dhigo. Qaaleydu waa dhibaato Ilaahay laga baryo. Dh: iimaanyoognimo, iimaan la'aan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaaley
de: greed ~ greediness, insatiability (never content ~ satisfied with what one has)
lx: qaaley
pd: (-da)
ps: n0-f-abs
key: qaaley
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalle
-ha: (magac, lab, keli) dhalan geddi. Waxa in badan meel uun yaalla qaalle ayaa ku dhaca. Dh: sargguur; salguur.
qaalle -ha: (magac, lab, keli) waxyeello qalalaase iyo arbushaad ah. Jabhaduhu qaalle ayay ka abuuraan magaalooyinka. Dh: qalalaase.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaamee
f.g2 (-meeyay, -meysay) Cid qaan gelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaamee
v. impose on someone the duty of making compensation for damages
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaamee
(fal) cid kale, deyn geli oo qof qaan lagu leeyahay ka dhig. Qaamee ninka yuuna tallababa qaadine.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaamee
de: impose on s.o. the duty of making compensation for damages rw: qaan
lx: qaamee
pd: (qaameeyey)
ps: v2b=tr
key: qaamee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaqle
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Qof qaylo iyo dhib badan. 2. Qof aan waxba haysan. 3. Nin xishood yar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaaqle
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Qof qaylo iyo dhib badan. 2. Qof aan waxba haysan. 3. Nin xishood yar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaaqle
m. n. nosy ~ prying person
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaaqle
-qaaqlaha: (n) nosy person; fusser (fas-ser)-, prier also pryer (paraay-er)-, troublemaker (tara-bel-meeyker)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaqle
-ha: (magac, lab, keli) qof qaylo badan oo buuq wax ku doona.
qaaqle-ha: (magac, lab, keli) qof aan hanti lahayn camalna aan hayn.
qaaqle -ha: (magac, lab, keli) qori ama hub ka dhaca jiibka oo taangiyada lagaga hortego. Qaagle iyo baasuuke ayaa la isla dhacay. Dh: waaqle.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaaqle
de: nosy ~ prying person
lx: qaaqle
pd: (-ha)
ps: n7-m
key: qaaqle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Nafley ul weyn ku garaacid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaaree
v. beat, cudgel
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaaree
-yey / qaareysay: (v) beat with a club or a bat ~ buree
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaaree
de: beat, cudgel
lx: qaaree
pd: (qaareeyey)
ps: v2b=
key: qaaree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaxee
f.g2 (-xeeyay, -xaysay) Nafley qaaxo ku ridid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaaxee
v. inflict a wound in the upper body
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaxee
(fal) eeg qaaxay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaaxee
de: inflict a wound in the upper body
lx: qaaxee
pd: (qaaxeeyey)
ps: v2b=
key: qaaxee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qatane
-ha: (magac, lab, keli) qof baahan oo gaajo hayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaarjeex
(Qaarjeex-a)
Cudur feeraha ku dhaca; oofwareen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaarjeex
m.l Cudur sambabada caaliriya oo leh xummad iyo qunfac daran; oofwareen.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaarjeex
m.l Cudur sambabada caaliriya oo leh xummad iyo qunfac daran; oofwareen.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaarjeex
m. n. pain in the side ~ the ribs
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaarjeex
-a: (magac, lab, keli) cudur feedhaha ku dhaca. Saca qaarjeex ayaa hayee ka guba. Dh: oofwareen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaarjeex
cf: oofwareen
de: pain in the side ~ the ribs
lx: qaarjeex
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: qaarjeex
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorraaje
m.l Maroodi lab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorraaje
-ha: (magac, lab, keli) maroodi lab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabe
-ha: (magac, lab, keli) eeg aabbe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
aale
-aale: Erey ulajeeddadiisu u dhowdahay kasta, walba, alla (sida had iyo goor-aale, wax alla ama wax allaale).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aale
m.l Geed lugtool ahaan u baxa, sida qasabka, galleyda, maseggada, qaysaraanta iyo wixi lamida.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aale
-ha: (magac, lab, keli) geed meelaha biyo badan laga beerto oo jiriidisa laga tuujiyo sonkor, loona yaqaan aalesonkor.
aale -ha: (magac, lab, keli) qaranka hadhuudhka kiisa quwaaxa macaan ee la muudsado leh. Dh: kiinje.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Aare
nickname; name-m revenger; he who revenges; braver
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Aare
magac loo baxsho wiil laga filayo in uu u soo aaro aabbihii oo la dilay ama waalidkii dhib lagu hayay ka dhiciyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aare
-ha: (magac, lab, keli) qof cid kale oo aano u geysatay ka goosta.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Aawe
name-m reason, sake. Cf: Aawo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Aawe
magac loo baxsho wiil dhalashadiisii sababtay in la heshiiyo ama la walaaloobo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aaye
m.dh la-mid: aayo².