qaafeyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaafeyn
m.dh la-mid: qaafin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaafeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) is dhegoolayn oo qof aan wax ba maqlayn iska dhigid. Qaafayntu waa cilmi la barto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aafeyn
(Aafeyn-ta)
Aafo gaarsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naafeyn
-ta: (magac, lab, keli) laxaadka ka heenid oo curyaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaleyn
m.dh la-mid: qaaliyeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaameyn
m.f.dh eeg qaamee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaameyn
-ta: (magac, dhedig, keli) deyn gelin oo wax qaan lagu leeyahay ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saqaafeyn
m.dh la-mid: saqaafid.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Barafeyn
Glaciation
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaqleyn
m.f.dh eeg qaaqlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaqleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) qaylo iyo qaxar badin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanabeyn
m.f.dh eeg qanabee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qanabeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qanabee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarameyn
m.f.dh eeg qaramee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarameyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax garanku leeyahay oo dadku wadaago ama ka dhexeeya ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aafayn
m.dh eeg aafee. la-mid: aafeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aafayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, xanuun, xumaan ama dhibaato qabadsiin. Neefka cadhada leh gaar baa loo qoolaa si aanu xoolaha kale u aafayn. Dh: ibtilayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kafeyn
(Kafeyn-ta)
Ku fillaan; deeqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kafeyn
m.f.dh eeg kafee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kafeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wada deeqid ama ku wada fillaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaafee
f.g2 (-feeyay, -faysay) la-mid: qaafi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaafee
(fal) is dhegoolee oo qof aan wax ba maqlayn iska dhig. Qaafee kolkaad dhegoole u sheekaynayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaafin
-ta: (magac, dhedig, keli) (is ~) qof aan wax ba maqlayn iska dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaaley
(Qaaley-da)
Hunguriweyni; iimaanyoognimo; iimaandarro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaley
m.dh Qof aan dhergin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaaley
f. n., [abstract] greed ~ greediness, insatiability (never content ~ satisfied with what one has)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaley
-da: (magac, dhedig, keli) hunguri weyni u qofku wax walba inuu u baahan yahay uu iska dhigo. Qaaleydu waa dhibaato Ilaahay laga baryo. Dh: iimaanyoognimo, iimaan la'aan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaaley
de: greed ~ greediness, insatiability (never content ~ satisfied with what one has)
lx: qaaley
pd: (-da)
ps: n0-f-abs
key: qaaley
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabeyn
m.dh la-mid: qubeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo iyo wax la mid ah ku qubeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qadeyn
(Qadeyn-ta)
Qado cunid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qadeyn
m.f.dh eeg qadee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) hadhimo cunid Dh: qadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaleyn
m.f.dh eeg qalee. la-mid: qaleys.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
safeyn
vl. n. cleaning
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
safeyn
de: cleaning Alt sp: safeeyn
initial: s
lx: safeyn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: safeyn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wafeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) raajicin oo miisaan ama wax la miisayo in yar oo raxayn ah ku darid. Soomaalidu wafeynta way yaqaanniin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anafeyn
m.f.dh eeg anafee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baabeyn
m.f.dh eeg baabee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) marka uu qofka turubka ciyaarayaa hayo labo baab oo sooc ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaweyn
m.f.dh eeg baawee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) xog, war ama wax kale oo meel ku koobnaa, dad badan gaadhsiintiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caateyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg caatayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daaweyn
(Daaweyn-ta)
Daawo siin; daweyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaweyn
m.f.dh eeg daawee. la-mid: daaweysiin, daweyn, daweysiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daaweyn
vl. n. treatment, giving medical attention
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax buka dawo u fidin oo xanuun ka daaweyn. Dh: dawayn, daaways.
daaweyn -ta: (magac, dhedig, keli) bir iyo wixii la mid ah, dubbayn oo daawe ka dhigid.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
daaweyn
طب
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaabeyn
m.f.dh eeg jaabee. la-mid: jaabajaabeyn (3), jaabajaabeys, jaabeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaaseyn
(Jaaseyn-ta)
Abaalmarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laakeyn
m.f.dh eeg laakee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laakeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) labo ilmood oo mataano ah dhalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maadeyn
(Maadeyn-ta)
Hadal maad ah sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maadeyn
m.f.dh eeg maadee. la-mid: maadeys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadeyn
-ta: (magac, dhedig. keli) bandhig maaweelo oo lagu qoslo samayn; hadal maad ah sheegid. Jigjigaawi iyo Miicaad Miiggane maadeyn waa looga hadhay. Dh: majaajillayn, maaweelayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maareyn
m.f.dh eeg maaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maareyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naafayn
(Naafayn-ta)
Naafo ka dhigid; dhaawicid; curyaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naafayn
m.f.dh eeg naafee. la-mid: naafid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naafayn
-ta: (n) the act of disabling (dis eey baling); crippling or laming; mutilation (miyuu taley-shin); maiming (meeyming) curyaamin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naafayn
-ta: (magac, dhedig, keli) curyaamin iyo heerid. Naafayntu waa dil laga badbaaday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hannaan gaar ah oo leh muuqaal guud oo la garan karo u samayn. Qaabaynta ayaa muhiim ah intaan hawl la bilaabin. Dh: hannaanin.
qaabayn-ta: (magac, dhedig, keli) caano lis ah iyo kuwo baryay isku biirin oo isku fadhxid. Kolka caanuhu yaryihiin ayay qaabayntu jirtaa. Dh: jaabajaabayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaafiyo
(Qaafiya-da)
Jaangooyada maansada iyo heesaha (ama qaafiyad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaafiyo
m.dh Xarafka ay ku socoto maansada. la-mid: qaafiyad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaafiyo
m.dh Xarafka ay ku socoto maansada. la-mid: qaafiyad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaafiyo
-qaafiyadda: (n) rhythm (ritham) of poem or speech ~ qaafiyad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaafiyo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qaafiyad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaafsan
(tilmaame) awran oo xoog iyo dherer badan leh. Nin qaafsani meel uun buu iin ku yeeshaa. Dh: mudakarsan. Li: hagaasan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qaali ka dhigid. Dh: qaaliyayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) deyn gelin oo wax qaan lagu leeyahay ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaarayn
(Qaarayn-ta)
Qaar la dhicid; burareyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaarayn
m.f.dh eeg qaaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qaar ama bud la dhicid. Badraanigu qaaraynta wuu ku habboon yahay. Dh: budhayn; qaarays, budayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaaxayn
(Qaaxayn-ta)
Nabar qaaxada u dhaca gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaxayn
m.f.dh eeg qaaxee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaxayn
-ta: (magac, dhedig, keli) nabar qaaxada u dhaca gaadhsiin. Carruurta qaaxaynta ka daa. Dh: oofayn, qaaxays.
qaaxayn -ta: (magac, dhedig, keli) god hoos u qodid oo gun ballaadhan u yeelid. Qaaxaynta boholuhu waa muhiin dhulka adag. Dh: qaaxays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabweyn
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof islaweyni badan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qabweyn
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof islaweyni badan ahaansho. m.f.dh, qabweynaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qabweyn
Comp. adj., (ie. n., adj.): arrogant, coceited
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qabweyn
-aa: (adj) proud (parawdh), overbearing (o-ver-beer-ing), arrogant (aara-gont)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabweyn
(tilmaame) eeg qabwayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qabweyn
de: arrogant, coceited
lx: qabweyn
ps: adj-cmp
key: qabweyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanweyn
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax jurmi weyn leh ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qanweyn
der. [adjective] thick, dense; sturdy, strong, robust
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qanweyn
-ta: (magac, dheddig, keli) mid jurmi weyn leh
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qanweyn
de: thick, dense; sturdy, strong, robust
lx: qanweyn
pd: (qanweynaa)
ps: adj-der
key: qanweyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaymeyn
m.dh la-mid: qiimayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taakeyn
m.dh eeg taakee. la-mid: taakin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taakeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) taako ku cabbirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waaweyn
adj., pl. big, large, great (ones)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waaweyn
(adj) bigger (big-ger)-, larger (laar-ger)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaweyn
(tilmaame) kuwa inta kale ka muuq, martabo ama da' weyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waaweyn
de: big, large, great (ones) Sg: weyn
initial: w
lx: waaweyn
pd: (waaweynaa)
ps: adj-pl
key: waaweyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waayeyn
m.f.dh eeg waayee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadaafeyn
m.f.dh eeg gadaafee la-mid: gadaafays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaa'ifeyn
(Jaa'ifeyn-ta)
Jaa'ifo gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaa'ifeyn
m.f.dh eeg jaa'ifee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaafeyn
m.f.dh eeg masaafee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) gabadh guur u kaxaysasho oo meel weligeeda ka fog oo masaafo jirta u qaadasho. Masaafayntu waa nooc la isku guursado. Dh: masaafageyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naafeysan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax naafo noqday ahaansho (nafley).