qaado
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaado
f.g3 (-aatay, -aadatay) 1. Wax meel yiil meel kale geysasho. 2. Wax milkintooda la wareegid. 3. Talo, fikrad, dawo iyo wixi lamida ku dhaqmid. 4. U q.: wax si gaar ah u aqoonsasho, u malayn. 5. Naag guursasho. 6. U q.: wax,wax kale ku gudasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaado
f.g3 (-aatay, -aadatay) 1. Wax meel yiil meel kale geysasho. 2. Wax milkintooda la wareegid. 3. Talo, fikrad, dawo iyo wixi lamida ku dhaqmid. 4. U q.: wax si gaar ah u aqoonsasho, u malayn. 5. Naag guursasho. 6. U q.: wax,wax kale ku gudasho. m.f.dh, qaadasho.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qaado
Carry
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaado
v. take for oneself, accept, borrow, adopt
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaado
-qaatay / qaadatay: (v) take (teeyk) and place under one's care.
u qaado -qaatay I qaadatay: (v) believe or suppose mistakenly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaado
(fal) wax dhulka yaal kor u hinjiso. Maradi halkaa taallay, Caashaa qaadatay: Li: dhig.
qaado: (fal) xil iska aqbal oo masuul nogo, xil dusha u rido. Xilka laguu doortay qaado waa sharafe.
qaado: (fal) deeq ama hadiyad lagu siiyay la teg. Tukaanka joonyad bariis ah ka qaado.
qaado: (fal) gabadh la teg oo guur u kaxayso Gabadha qaado oo meel wanaagsan deji. Dh: kaxayso.
qaado: (fal) hadal waano ah yeel: oggoloow oo maqal wax lagu leeyaha. Waanada waalidkaaga qaado. Dh: yeel. Li: diid.
qaado: (fal) u dulyeelo oo samir. Gardarrada walaalkaa qaado. Dh: xammil.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaado
de: take for oneself, accept, borrow, adopt
lx: qaado
pd: (qaatay / qaadatay)
ps: v3b=tr
key: qaado
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaaddo
(Qaadda-da)
1. Fandhaal; macalgad.
2. Bir yar oo wareegsan ama afargees ah, oo badanaa dhexda carrab yar oo af dhuuban ku leh, oo suumanka iyo wixii la mid ah inta madax lagaga xiro, madaxa kale daldaloolladiisa la suro oo lagu qabto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaddo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Fandhaal macdan ka samaysan; malgacad. 2. Bir yar oo wareegsan ama afar gees ah oo badanaa dhexda carrab yar oo af dhuuban ku leh oo suumanka iyo wixi lamida inta madaxa lagaga xiro, dacalka kale daldaloolladiisa la suro oo lagu qabto. 3. eeg qaa'id.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaaddo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Fandhaal macdan ka samaysan; malgacad. 2. Bir yar oo wareegsan ama afar gees ah oo badanaa dhexda carrab yar oo af dhuuban ku leh oo suumanka iyo wixi lamida inta madaxa lagaga xiro, dacalka kale daldaloolladiisa la suro oo lagu qabto. 3. eeg qaa'id.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaaddo
f. n. ladle, spoon
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaaddo
-qaaddada: (n) spoon (ispuun) ~ malgacad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaddo
-da: (magac, dhedig, keli) fandhaal wax lagu cuno ama lagu dardaro oo macdan ka samaysan. Bariiska faraha ha ku cunine qaaddo ku cun. Dh: malqaacad.
qaaddo -da: (magac, dhedig, keli) eeg qadhabi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaaddo
de: ladle, spoon
lx: qaaddo
pd: (-da)
ps: n6-f
syn: fandhaal, gure, kaal, macalgad, qarsin
key: qaaddo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaad
(Qaad-ka)
1. Wax wax lagu shubo ama la saaro, inta ay kol qaadaan; qaatin; rar; mug.
2. Geed la beero oo kolkol aad u weynaada oo caleemihiisa la ganacsado oo la calashado; wuxuu kamid yahay dhirta maanka doorisa, sida xashiishka iyo afyuunka, (ama jaad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaad
qaad¹: m.l 1. Mugga ay wax leeyihiin. 2. Awoodda qaadis ee wax leeyihiin. 3. la-mid: jaad¹(1). Laamo yaryar oo u xirxiran majimo iyo marduufyo laga soo guro geedo meelo kala duwan ka baxa la cuno inta ay jilcanyihiin oo lagu marqaamo. 4. la-mid: qaadid: magacyada lammaanan. Tusaale: “Dulqaadka”.
qaad²: f.g/mg1 (-day, -dday) 1. (f.g) Wax meel yiil meel kale geyn. 2. (f.g) Wax gudo leh in ku filan ku shubid. 3. (f. g) Wax meel yiil kor u hinjin. 4. (f.g) Ciil, ceeb iyo wixi lamida meel kala tegid. 5. (f. g) Hanti dhicid. 6. (f.g) Nafley cudur ku dhicid. 7. (f.g) Hees ku luuqayn. 8. Yibir cid habaarid. 9. (f.g) Hadal, arrin iyo wixi lamida carrab ku dhufasho. 10. (f.g) Jaad cunid. 11. (f.mg) Roob feerid. 12. Dabool ka q., dub ka q.: wax daahsoonaa sheegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaad
qaad¹: m.l 1. Mugga ay wax leeyihiin. 2. Awoodda qaadis ee wax leeyihiin. 3. la-mid: jaad (1). Laamo yaryar oo u xirxiran majimo iyo marduufyo laga soo guro geedo meelo kala duwan ka baxa la cuno inta ay jilcanyihiin oo lagu marqaamo. 4. la-mid: qaadid: magacyada lammaanan. Tusaale: Dulqaadka.
qaad²: f.g/mg1 (-day, -dday) 1. (f.g) Wax meel yiil meel kale geyn. 2. (f.g) Wax gudo leh in ku filan ku shubid. 3. (f.g) Wax meel yiil kor u hinjin. 4. (f.g) Ciil, ceeb iyo wixi lamida meel kala tegid. 5. (f.g) Hanti dhicid. 6. (f.g) Nafley cudur ku dhicid. 7. (f.g) Hees ku luuqayn. 8. Yibir cid habaarid. 9. (f.g) Hadal, arrin iyo wixi lamida carrab ku dhufasho. 10. (f.g) Jaad cunid. 11. (f.mg) Roob feerid. 12. Dabool ka q., dub ka q.: wax daahsoonaa sheegid. m.f.dh, qaadid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qaad
Capacity
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qaad
Capacity
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaad
v. take (away ~ on), get, obtain, catch; pick (up), lift, carry; remove; hide; stop raining
qaad m. n., (mass n.): capacity, volume
qaad m. n., [collective] khat, mild narcotic plant species, Catha edulis
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QAAD
(Gad) All. Som. Catha edulis (Vahl) Endl. Celastraceae.
S, C Cissus quadrangularis L. Vitaceae.
S Cissus rotundifolia (Forsk) Vahl. Vitaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaad
-ay / day: (v) 1. lift (lift); carry (keeri); raise (reeyz), Ex: kor u qaad; lift up. 2. take (teek); 3. conceive (konsiiv); become pregnant. Ex: uur bay qaaday; she became pregnant
qaad -ka: (n) khat (kaat); Catha edulis; an evergreen shrub used to chew it's leaves for their stimulating effects ~ jaad; hareeri, miirow
qaad -ka: (n) capacity (kapaasati); volume of container; carrying capacity. Ex: haan qaad weyn; a high capacity (volume) tank
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaad
(fal) wax dhulka yaal kor u hinji. Qaad marada halkaa taalla. Li: dhig.
qaad: (fal) ka cudur ama bugtaan yeelo. Siigada hargab ka qaad.
qaad: (fal) duullaan meel ugu kac. Dh: weerar.
qaad: (fal) ku luuqee, ku hees. Heesta ku qaad adaa cod macaane. Dh: hees.
qaad: (fal) roob, da'idtaanka jooji. Rooboow gaad waan qadhqadhnee. Dh: kac, joogso. Li: da, hoor.
qaad: (fal) xil aqbal oo masuul noqo, xil dusha u rido. Xil qaad waa eed qaad.
qaad: (fal) xoog ku dhac oo boob. Ninkii geelaaga qaaday adna Lo'diisa soo qaad. Dh: dhac.
qaad: (fal) «uga deeq iyo axsaan ku sii. Ninka joonyad bariis ah tukaanka uga qaad. Dh: sii.
qaad: (fal) gabadh iyada oon reerkoodu ogayn guur u kexee. Gabadha qaad oo reerkiinna gee waa laguu meherindoonaaye.
qaad-ka: (magac, lab, keli) geed cagaaran oo laga beero dalal ay ka mid yihiin Itoobiya, Yamen iyo Kiiniya oo caleentiisa ama diirkiisa la calaliyo laguna mirqaamo. Dh: jaad.
qaad -ka: (magac, lab, keli) inta wax mug leh gudihiisu deeqi karo. Dh: mug.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qado
(Qada-da)
Cunnada weyn oo harkii la cuno; harimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qado
m.dh (-ooyin, m.l) Cunnada harki la cuno.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qado
m.dh (-ooyin, m.l) Cunnada harki la cuno. qafaal¹: m.l 1. Si xoog ah oo cid loo kaxeeyo si dano laga lahaa loogu fushado. 2. Meel dhir lahayd oo la baneeyo si beer looga dhigto.
qafaal²: f.g1 (-aalay, -aashay) 1. Cid xoog ku kaxayn si dan laga lahaa loogu fusho. 2. Meel dhir ka bannayn si beer looga dhigo. m.f.dh, qafaalid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qado
f. n. lunch, noon meal
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qado
-qadada: (n) lunch (laanj); midday meal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qado
-da: (magac, dhedig, keli) cunnada duhurka la cuno. Ramadaanka qado waa la illoobaa. Dh: hadhimo, harimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qado
bw: Arabic
cf: quraac, casho
de: lunch, noon meal
lx: qado
pd: (/da)
ps: n6-f
key: qado
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
qado
غدَاء
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-aado
de: may I / he be
lx: -aado
ps: v5a-1sg/3m-opt
xe: May I be beautiful!
xv: An quruxsanaado!
key: -aado
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caado
(Caada-da)
1. Waxyaalo la falay oo lagu noqnoqday oo loo bartay oo dabadeed wax lagu dhaqmo oo aan la goyn karin noqday; dhaqan; xeer (aan qornayn).
2. Xayl, dhibaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caado
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Fal bulsho joogteysato kuna dhaqanto. 2. Fal qof si joogta ah ugu dhaqmo. 3. Dhiig ka yimaada haweenka bishiiba hal mar; dhibaad; xiso; xayl.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caado
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Fal bulsho joogteysato kuna dhaqanto. 2. Fal qof si joogta ah ugu dhaqmo. 3. Dhiig ka yimaada haweenka bishiiba hal mar; dhibaad; xiso; xayl.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caado
f. n. custom, tradition, way, character, habit
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caado
-caadada: (n) [Pl. caadooyin-ka] 1. tradition (tra-di-shin) custom (kas-tam)-, folklore (fok-loor), culture (kal-jar) ~ dhaqan, hiddo. 2. behavior (be-heeyv-yar)-, character (kar-ak-ter); habit (habit) ~ dabeecad, baxaalli
caado -da: (n) menstruation (menis-tureey-shin); period (piir-i-ood); menses (men-siis) ~ xaylka dumarka; dhiigga haweenka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caado
-da: (magac, dhedig, keli) wax muddo dheer lagu soo dhaqnaa oo tixgelin iyo qaddarin mudan. Caado la gooyaa cadho Allay leedahay.
caado -da: (magac, dhedig, keli) dhiig dumarka ka yimaada xubinta taranka, bishii ba mar. Waxa uu ka socdaa muddo toddobaad lagu qiyaaso oo ay cibaadooyinka badhkood ka reebban yihiin. Dh: ciso, xayd, dhibaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caado
de: custom, tradition, way, character, habit
lx: caado
pd: (/da)
ps: n6-f
xe: I don't like her way of doing things.
xv: Caadadeeda ma jecli.
key: caado
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
caado
عادَة، حَيْض
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daado
f.mg3 (-aatay, -aadatay) 1. Wax meel ku jiray qubasho. 2. Qosol la d.: ilaa laga ilmeeyay qoslid (dad badan).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daado
f.mg3 (-aatay, -aadatay) 1. Wax meel ku jiray qubasho. 2. Qosol la d.: ilaa laga ilmeeyay qoslid (dad badan). m.f.dh, daadasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daado
v. spill down, pour down, flow away
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Daado
nickname; name-f flood. Lit: born quickly or unexpectedly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Daado
magac loo baxsho gabadh sida daadka oo kale u soo butaacday kolkii ay dhalanaysay oo aan hooyadeed fool la dhib arkin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daado
(fal) caano ama dareere kale, weel kii aad ku jirtay ka quban.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daado
de: spill down, pour down, flow away
lx: daado
pd: (daatay / daadatay)
ps: v3b=
key: daado
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaado
(Gaada-ha)
Ged; dhalan; alab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaado
gaado¹: m.l Asluub; dhaqan.
gaado²: f.g3 (-atay, -adatay) Wax gaadmo ku dilid ama ku qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gąado
f.g3 (-atay, -adatay) Wax si gaar ah u qiimeyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaado
f.g3 (-atay, -adatay) Wax gaadmo ku dilid ama ku qabasho. m.f.dh, gaadasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaado
v. choose, select, elect
gaado m. n. character, personality, disposition
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laado
f.mg3 (-aatay, -aadatay) Kubbad darbaysasho (cid).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laado
f.mg3 (-aatay, -aadatay) Kubbad darbaysasho (cid). m.f.dh, laadasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laado
(fal) kubad iyo wax la mid ah iskaa laad ugu dhufso. Hoo kubaddaada laado oo anna tayda isii. Dh: laago, harraatiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maado
f.mg3 (-aatay, -aadatay) Ka m.: halis iska ilaalid. la-mid: maaro².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maado
v. hide oneself (from)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maado
(fal) is ilaali oo indhaha dadka iska gari is dhawr oo digtoonow. Cadawga ka maado.
maado -da: (magac, dhedig, keli) eeg maaddo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maado
de: hide oneself (from) (with preposition ka)
lx: maado
pd: (maatay)
ps: v3b=intr
key: maado
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naado
(Naada-da)
1. War, iyadoo afka lagaga dhawaaqa hayo, dadweynaha la gaarsiiyo.
2. Iib, qofba qofkuu ka waxbixin og yahay, wax laga iibsho; xaraash.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naado
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Ogeysiis dad loo bandhigayo. 2. Bandhig iib oo tartan ku jiro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naado
f. n. slogan; street-seller's cry ~ announnt; war-cry
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Naado
name-f slogan; announcement; war-cry
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naado
-naadada: (n) sale by auction: auctioneering. Ex: naado ayaa lagu gaday; it was sold by an auction
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Naado
magac loo baxsho gabadh qurxoon oo cid walba naadinayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naado
-da: (magac, dhedig, keli) iib fagaare ka socda, oo qofka ugu baayacaad sarreeya laga iibsho. Gurigan waxaa lagu gaday naado.
naado -da: (magac, dhedig, keli) cod dheer oo la gaadhsiinayo dad badan oo wax iibsanaya ama khabar loo sheegayo.
naado -da: (magac, dhedi, keli) naag xun oo bido ah. naadsan: (tilmaame) wax la naadiyay ciddii lahaydna iman ah. Alaabtani way naadsan tahay oo weli lama sheegan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naado
de: slogan; street-seller's cry ~ announcement; war-cry
lx: naado
pd: (/da)
ps: n6-f
key: naado
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaabo
(fal) caano ururso oo kuwii xalay iyo kuwii maanta isku biirso. Kol hadduu sicii caanadiiqdu caanayareeyay caanaha qaabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaadh
(fal) dhadh oo isku urur; wax qoyan oo harraad dartii la il daran noqo. Laanyahay baxaysaa dantaa u qaadh biyo kuuma helayee. Dh: dhadh.
qaadh-ka: (magac, lab keli) edeg maqal loo oodo. Qaaliga Albaasaan ka dhigi qaadhka weylaha e. Dh: edeg.
qaadh -ka: (magac, lab, keli) qandoodsi ama dhadhid caleenta iyo midhuhu yeeshaan kolka ay harraadaan ama geedka laga gooyo. Xawaash qaadh ah ayaa maanta noo yimid.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Qaadi
nickname; name-m judge
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaadi
-ga: (magac, lab, keli) eeg qaaddi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaafo
(Qaafa-da)
1. (dad) Inta talada maammulka haysa; madax; waayeello.
2. (xoolo, ...) Inta u waaweyn ama u wanaagsan oo ishu qabato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaafo
m.dh.u 1. Waayeelka taliya. 2. Xoolaha intooda waaweyn oo ay ishu qabato uguna waxtar badan. 3. Naag sharafta haween leedahay u dhan tahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaafo
f. n., [collective] (adj.): leaders, chiefs; respectable, important
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Qaafo
name-unisex leader, chief; respectable, important
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaafo
-da: (magac, dhedig keli) magac guud oo dumarka loo adeegsado. Wixi qaafo adduunka, qurux Eebbe u siiyay: ka dhex doortay qureesho. Dh: dumar.
qaafo -da: (magac, dhedig, keli) dadka inta talada haysa ee madaxda ah. Dal qaafadiisu xun tahay hurumar ma gaadho. Dh: madax: waayeel. hormuud.
qaafo -da: (magac, dhedig, keli) xoolaha inta u waaweyn ee horweynta ah; inta u wanaagsan ee ishu qabato. Nin weyl ku bakhaylay illayn qaafo ma quudho. Dh: horweyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaafo
cf: gargeyr, jammaamuur, madax, maqaawiir, waayeel
de: leaders, chiefs; [atr.] respectable, important
lx: qaafo
pd: (/da)
ps: n-f-col
key: qaafo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaajo
m.dh la-mid: gaajo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaaro
m. n. organ (of the body)
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QAARO
(Karo) N Otostegia modesta S. Moore. Labiatae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaro
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qaare.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaaro
de: organ (of the body)
lx: qaaro
pd: (/ha)
ps: n6-m
key: qaaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaaxo
(Qaaxa-da)
1. (ooga nafleyda) Dhiska ka samaysan feeraha iyo laf-dhabarta iyo lafsakaarta iyo waxa ku gudajira; saab; saabley.
2. Cudur xun oo lays qaadsiiyo oo badanaa sanbabbada ku dhaca; feero; sanbab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaxo
qaaxo¹: m.dh 1. Dhiska ka samaysan feeraha iyo lafdhabarta iyo waxa ku guda jira (oogada nafleyda); saab, saabley. 2. Cudur xun oo lays qaadsiiyo oo ku dhaca sida badan sambabada; feero sanbab.
qaaxo²: m.dh (cilmiga naflayda) Moqor dheecaan ka buuxo kaas oo sameeya moqorka ugu weyn ee xayawaannada lafdhabarleyda ah iyo kuwa lafdhabarla'da ah badankooda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaaxo
qaaxo¹: m.dh 1. Dhiska ka samaysan feeraha iyo lafdhabarta iyo waxa ku guda jira (oogada nafleyda); saab, saabley. 2. Cudur xun oo lays qaadsiiyo oo ku dhaca sida badan sambabada; feero sanbab.
qaaxo²: m.dh (cilmiga naflayda) Moqor dheecaan ka buuxo kaas oo sameeya moqorka ugu weyn ee xayawaannada lafdhabarleyda ah iyo kuwa lafdhabarla'da ah badankooda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaaxo
f. n. wind pipe, trachea, air passage to the lungs; thorax
qaaxo [feminine] n., [collective] bronchitis, pneumonia, tuberculosis
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaaxo
-qaaxada: (n) tuberculosis (tuber-kalow-sis)-, T.B ~ feero, tiibisho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaxo
-da: (magac, dhedig, keli) inta ka hoosaysa saableyda ee afka illaa caloosha ah; ubucda hoose ee gudaha. Kolkaad laabdooxanto qaaxada oo dhan ayaa ku belbesha. Dh: uurkujir.
qaaxo -da: (magac, dhedig, keli) cudur halis ah oo ku dhaca saableyda oo sambabada iyo neefmareenka wax yeela oo qufac iyo xanuun badan u keena bukaanka. Carruurta waxa laga tallaalay qaaxo. Dh: tiimbey, tiibii (TB).
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
qaaxo
سُلٌ (مَرَضِ يُصِيبِ الرِّئَةِ)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaayo
m. n., [abstract] importance, value
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaayo
(magac, lab, keli) eeg qaaye
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaayo
de: importance, value
lx: qaayo
pd: (/ha)
ps: n0-m-abs
key: qaayo
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
qaayo
أَهَمِّيَّة، قِيمَة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qardo
(Qarda-da)
1. Wax maal ah oo qofka la siiyaa soo celiyo, waqti lagu heshiiyey oo laysla og yahay; amaah.
2. (dhul, beer) aan la falin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qardo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Dhul keyn ah oo aan waddo lahayn. 2. Miro aan weli bislaan. 3. Wax amaah ahaan loo qaato.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qardo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Dhul keyn ah oo aan waddo lahayn. 2. Miro aan weli bislaan. 3. Wax amaah ahaan loo qaato.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qardo
f. n. loan
qardo [feminine] n. uncultivated place, fallow land
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QARDO
(Gardo) S Rhyncosia minima (L) DC. Papilionaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qardo
-qardada: (n) food materials borrowed and returned as same materials, such as sugar, maize or flour
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardo
-da: (magac, dhedig, keli) dhul ris ah oo aan weli la qodin. Lo'da qardada ku eeg oo caleenta ka ilaali. Li: gefo, masno.
qardo-da: (magac, dhedig, keli) amaah yar oo qof la silyo oo uu soo celiyo. Qardo ayaan walaalkay ka qaatay. Dh: casayn, amaah.
qardo -da: (magac, dhedig, keli) dhul qarfo ah oo aanay waddo marin. Qardada dhex jibaax waddo ma jirtee. Dh: qarfo, qarfe.