qaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaad
(Qaad-ka)
1. Wax wax lagu shubo ama la saaro, inta ay kol qaadaan; qaatin; rar; mug.
2. Geed la beero oo kolkol aad u weynaada oo caleemihiisa la ganacsado oo la calashado; wuxuu kamid yahay dhirta maanka doorisa, sida xashiishka iyo afyuunka, (ama jaad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaad
qaad¹: m.l 1. Mugga ay wax leeyihiin. 2. Awoodda qaadis ee wax leeyihiin. 3. la-mid: jaad¹(1). Laamo yaryar oo u xirxiran majimo iyo marduufyo laga soo guro geedo meelo kala duwan ka baxa la cuno inta ay jilcanyihiin oo lagu marqaamo. 4. la-mid: qaadid: magacyada lammaanan. Tusaale: “Dulqaadka”.
qaad²: f.g/mg1 (-day, -dday) 1. (f.g) Wax meel yiil meel kale geyn. 2. (f.g) Wax gudo leh in ku filan ku shubid. 3. (f. g) Wax meel yiil kor u hinjin. 4. (f.g) Ciil, ceeb iyo wixi lamida meel kala tegid. 5. (f. g) Hanti dhicid. 6. (f.g) Nafley cudur ku dhicid. 7. (f.g) Hees ku luuqayn. 8. Yibir cid habaarid. 9. (f.g) Hadal, arrin iyo wixi lamida carrab ku dhufasho. 10. (f.g) Jaad cunid. 11. (f.mg) Roob feerid. 12. Dabool ka q., dub ka q.: wax daahsoonaa sheegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaad
qaad¹: m.l 1. Mugga ay wax leeyihiin. 2. Awoodda qaadis ee wax leeyihiin. 3. la-mid: jaad (1). Laamo yaryar oo u xirxiran majimo iyo marduufyo laga soo guro geedo meelo kala duwan ka baxa la cuno inta ay jilcanyihiin oo lagu marqaamo. 4. la-mid: qaadid: magacyada lammaanan. Tusaale: Dulqaadka.
qaad²: f.g/mg1 (-day, -dday) 1. (f.g) Wax meel yiil meel kale geyn. 2. (f.g) Wax gudo leh in ku filan ku shubid. 3. (f.g) Wax meel yiil kor u hinjin. 4. (f.g) Ciil, ceeb iyo wixi lamida meel kala tegid. 5. (f.g) Hanti dhicid. 6. (f.g) Nafley cudur ku dhicid. 7. (f.g) Hees ku luuqayn. 8. Yibir cid habaarid. 9. (f.g) Hadal, arrin iyo wixi lamida carrab ku dhufasho. 10. (f.g) Jaad cunid. 11. (f.mg) Roob feerid. 12. Dabool ka q., dub ka q.: wax daahsoonaa sheegid. m.f.dh, qaadid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qaad
Capacity
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qaad
Capacity
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaad
v. take (away ~ on), get, obtain, catch; pick (up), lift, carry; remove; hide; stop raining
qaad m. n., (mass n.): capacity, volume
qaad m. n., [collective] khat, mild narcotic plant species, Catha edulis
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QAAD
(Gad) All. Som. Catha edulis (Vahl) Endl. Celastraceae.
S, C Cissus quadrangularis L. Vitaceae.
S Cissus rotundifolia (Forsk) Vahl. Vitaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaad
-ay / day: (v) 1. lift (lift); carry (keeri); raise (reeyz), Ex: kor u qaad; lift up. 2. take (teek); 3. conceive (konsiiv); become pregnant. Ex: uur bay qaaday; she became pregnant
qaad -ka: (n) khat (kaat); Catha edulis; an evergreen shrub used to chew it's leaves for their stimulating effects ~ jaad; hareeri, miirow
qaad -ka: (n) capacity (kapaasati); volume of container; carrying capacity. Ex: haan qaad weyn; a high capacity (volume) tank
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaad
(fal) wax dhulka yaal kor u hinji. Qaad marada halkaa taalla. Li: dhig.
qaad: (fal) ka cudur ama bugtaan yeelo. Siigada hargab ka qaad.
qaad: (fal) duullaan meel ugu kac. Dh: weerar.
qaad: (fal) ku luuqee, ku hees. Heesta ku qaad adaa cod macaane. Dh: hees.
qaad: (fal) roob, da'idtaanka jooji. Rooboow gaad waan qadhqadhnee. Dh: kac, joogso. Li: da, hoor.
qaad: (fal) xil aqbal oo masuul noqo, xil dusha u rido. Xil qaad waa eed qaad.
qaad: (fal) xoog ku dhac oo boob. Ninkii geelaaga qaaday adna Lo'diisa soo qaad. Dh: dhac.
qaad: (fal) «uga deeq iyo axsaan ku sii. Ninka joonyad bariis ah tukaanka uga qaad. Dh: sii.
qaad: (fal) gabadh iyada oon reerkoodu ogayn guur u kexee. Gabadha qaad oo reerkiinna gee waa laguu meherindoonaaye.
qaad-ka: (magac, lab, keli) geed cagaaran oo laga beero dalal ay ka mid yihiin Itoobiya, Yamen iyo Kiiniya oo caleentiisa ama diirkiisa la calaliyo laguna mirqaamo. Dh: jaad.
qaad -ka: (magac, lab, keli) inta wax mug leh gudihiisu deeqi karo. Dh: mug.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaadh
(fal) dhadh oo isku urur; wax qoyan oo harraad dartii la il daran noqo. Laanyahay baxaysaa dantaa u qaadh biyo kuuma helayee. Dh: dhadh.
qaadh-ka: (magac, lab keli) edeg maqal loo oodo. Qaaliga Albaasaan ka dhigi qaadhka weylaha e. Dh: edeg.
qaadh -ka: (magac, lab, keli) qandoodsi ama dhadhid caleenta iyo midhuhu yeeshaan kolka ay harraadaan ama geedka laga gooyo. Xawaash qaadh ah ayaa maanta noo yimid.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Qaadi
nickname; name-m judge
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaadi
-ga: (magac, lab, keli) eeg qaaddi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaado
f.g3 (-aatay, -aadatay) 1. Wax meel yiil meel kale geysasho. 2. Wax milkintooda la wareegid. 3. Talo, fikrad, dawo iyo wixi lamida ku dhaqmid. 4. U q.: wax si gaar ah u aqoonsasho, u malayn. 5. Naag guursasho. 6. U q.: wax,wax kale ku gudasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaado
f.g3 (-aatay, -aadatay) 1. Wax meel yiil meel kale geysasho. 2. Wax milkintooda la wareegid. 3. Talo, fikrad, dawo iyo wixi lamida ku dhaqmid. 4. U q.: wax si gaar ah u aqoonsasho, u malayn. 5. Naag guursasho. 6. U q.: wax,wax kale ku gudasho. m.f.dh, qaadasho.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qaado
Carry
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaado
v. take for oneself, accept, borrow, adopt
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaado
-qaatay / qaadatay: (v) take (teeyk) and place under one's care.
u qaado -qaatay I qaadatay: (v) believe or suppose mistakenly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaado
(fal) wax dhulka yaal kor u hinjiso. Maradi halkaa taallay, Caashaa qaadatay: Li: dhig.
qaado: (fal) xil iska aqbal oo masuul nogo, xil dusha u rido. Xilka laguu doortay qaado waa sharafe.
qaado: (fal) deeq ama hadiyad lagu siiyay la teg. Tukaanka joonyad bariis ah ka qaado.
qaado: (fal) gabadh la teg oo guur u kaxayso Gabadha qaado oo meel wanaagsan deji. Dh: kaxayso.
qaado: (fal) hadal waano ah yeel: oggoloow oo maqal wax lagu leeyaha. Waanada waalidkaaga qaado. Dh: yeel. Li: diid.
qaado: (fal) u dulyeelo oo samir. Gardarrada walaalkaa qaado. Dh: xammil.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaado
de: take for oneself, accept, borrow, adopt
lx: qaado
pd: (qaatay / qaadatay)
ps: v3b=tr
key: qaado
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qabad
(Qabad-ka)
Qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabad
m.l 1. Orgi yar oo bilaabay kudidda riyaha. 2. la-mid: qabasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qabad
vl. n. catching
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qabad
-ka: (n) action (ak-shen) Ex: wax qabad baan u baahannahay; we need action
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabad
erey magacyada badhkood xagga dambe ka raaca oo macna cusub u sameeya.
qabad -ka: (magac, lab, keli) harag aan waafi ahayn. Harag qabad ah ayuu martidii ku seexiyay. Dh: kashrad.
qabad -ka: (magac, lab, keli) wax yar oo la saluugayo gaar ahaan xoolaha. Orgi qabad ah ayuu diigo u bixiyay.
qabad -ka: (magac, lab, keli) xanuun kolkol soo kaca oo qofka qabta. Qabad ayuu madaxa ku leeyahay oo kulaylaha ku soo kaca. Dh: nabar.
qabad -ka: (magac, lab, keli) orgi yar oo bilaabay kudidda riyaha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qabad
de: catching
lx: qabad
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
see: qabasho
key: qabad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qalad
(Qalad-ka)
(hadal) Hal jaban; gef; laaxin (ama khalad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalad
qalad¹: m.l (-dyo, m.dh) Samaynta wax, fal, hadal iyo wixi lamida loo sameeyo si aan sax ahayn; gef.
qalad²: f.g/mg1 (-lday, -ladday; -ldi) 1. (f.g) Wax si aan sax ahayn u samayn. 2. (f.mg) Ku q.: wax, wax kale oo aan ku habbooneyn ku qasid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qalad
qalad¹: m.l (-dyo, m.dh) Samaynta wax, fal, hadal iyo wixi lamida, loo sameeyo si aan sax ahayn; gef.
qalad²: f.g/mg1 (-lday, -ladday; -ldi) 1. (f.g) Wax si aan sax ahayn u samayn. 2. (f.mg) Ku q.: wax, wax kale oo aan ku habbooneyn ku qasid. m.f.dh, qaldid.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
qalad
fault
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qalad
m. n. fault, mistake, blunder
qalad v. make a mistake, err, blunder
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qalad
-ka: (n) mistake (mis-teeyk)-, error (era); wrong (roong); fault (foolt) -qalad -qalday/ qaladay: (v) mistake (mis-teeyk); err (eer)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalad
(fal) xumee oo si aan sax ahayn u samee Dh: khalad. Li: sax.
qalad -ka: (magac, lab, keli) fal aan sax ahayn gurracan. Qalad laguma saxo qalad. Dh: khalad. gef. Li: sax.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
qalad
غلط
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qamad
-ka: (magac, lab, keli) daabka la gabsade ee billaawaha; gacan qabsiga qolxadka. Qamadka billaawaha lama dheereeyo. Dh: daab.
qamad -ka: (magac, lab, keli) daloolka ku yaal birta waranka ee samaydu gasho.
qamad -ka: (magac, lab, keli) gudinta halka uu daabku ka galo. Qamadkaa dhuuban gudintayda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qarad
(Qarad-ka)
1. Qiro iyo baaxad leh; qardan; gahayr.
2. Muraad; dan; ujeeddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarad
m.l (-dyo, m.dh) 1. Q. ah: wax qiro iyo baaxad weyn leh. 2. Muraad; dan. 3. Hanti la soo dhacay marka la qaybsado inta dheeraadka ah ee la siiyo abaanduulka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Qarad
pr. n., [feminine] Qarad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qarad
m. n. large solid thing; scope, objective, purpose
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Qarad
name-f scope, objective, purpose
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Qarad
magac loo bixiyo gabadh lagu metaalay ujeeddo la sugaayay in badan oo dhabawday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarad
-ka: (magac, lab, keli) muraad la leeyahay: ujeeddo loo socdo. Nin walba qaradka uu u yimid ha sheegto. Dh: muraad, dan, ujeeddo, hadaf.
qarad-ka: (magac, lab, keli) qiro iyo baaxad leh: qardan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qasad
(Qasad-ka)
Muraad; dan; (ama qasdi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qasad
qasad¹: m.l (-dyo, m.dh) 1. Muraad; dan. 2. Fal si ulakac ah loo sameeyo. la-mid: qasdi.
qasad²: f.g/mg1 (-sday, -sadday; -sdi) 1. (f.g) Wax samayntooda damcid. 2. (f.mg) U q.: meel ama wax muraad ka yeelasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qasad
qasad¹: m.l (-dyo, m.dh) 1. Muraad; dan. 2. Fal si ulakac ah loo sameeyo. la-mid: qasdi.
qasad²: f.g/mg1 (-sday, -sadday; -sdi) 1. (f.g) Wax samayntooda damcid. 2. (f.mg) U q.: meel ama wax muraad ka yeelasho. m.f.dh, qasdid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qasad
m. n. aim, intention, purpose
qasad v. want something; intend (to do)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qasad
-ka: (n) aim (eeym); intent (iin-tent); purpose (par'pas); intention (in-teen-shen); goal (gool); objective ~ qasdi, ulajeeddo, ujeeddo. Ex: qasadkaagu waa maxay? What is your intention?
u qasad -u qasday / qasaday: (v) do with purpose or intention
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasad
(fal) muraad u yeelo; go'aan aad talagashay ka qaado. Waxbarashada u qasad.
qasad-ka: (magac, lab, keli) doonid niyad aho cidi faragelin ku lahayn. Qasad ani iga yin ayaan go'aanka ku qaatay. Dh: qasdi, ulajeeddo.
qasad -ka: (magac, lab, keli) niyad iyo go'aan. nin qasad adag. Dh: niyad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qawad
(Qawad-ka)
1. Wax laysa siiyey ama la helay, oo qofka wax la siinayaa yaraysto ama saluugo.
2. Cudur yar oo haragga ku dhaca, siiba luqunta iyo ageheeda oo cadcad u yeela; caar; canbaarcad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qawad
qawad¹: m.l 1. Saluugidda la saluugo wax la isa siiyo. 2. la-mid: qawid. Cudur aan halis ahayn oo maqaarka dadka ku dhaca oo barobaro cadcad leh; cambaarcad.
qawad²: f.mg1 (-day, -dday) Wax saluugid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qawad
m.l 1. Saluugidda la saluugo wax la isa siiyo. 2. la-mid: qawid. Cudur aan halis ahayn oo maqaarka dadka ku dhaca oo barobaro cadcad leh; cambaarcad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qawad
m. n. gift which does not satisfy the recipient; dissatisfaction
qawad m. n. skin disease causing lighter colored skin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qawad
-ka: (n) skin disease
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qawad
(fal) iska weynee oo yarayso. Weligaa xumaha ka qawad. Dh: qawed.
qawad -ka: (magac, lab, keli) isla weyni iyo kibir dadka kale la quudhsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afyuun
(Afyuun-ka)
Geed-ubax la beero oo waxtar (dawo) iyo dhibaato weyn labadaba leh, oo dhulka kulul ka baxa; wuxuu lee yahay dhacaan sida caanaha u cad oo la engejiyo, oo dabadeed la cuno ama sida sigaarka loo shito; kartida iyo maanka qofkaba habbisuu saaraa, haddaan degdeg la isaga qabanna waa lala doorsoomaa oo lala dufoobaa (sida xashiishka, qaadka ...).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Agaagse
(Agaagsa-ha)
Qof wax badan helay (hilib; lacag, ...) wax yar oo uu u gooyo kii aan wax helin, ama laga qaado; xoolaha la soo dhaco, waxa laga baxsho; loog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Akademiye
(Akademiya-ha)
1. Urur ama maamul ka kooban dad wada waxyaqaan, oo dantoodu tahay inay kor u qaadaan aqoonta dhaqanka, suugaanta, falsamida, fanka iyo cilmiga.
2. Dugsi sare oo waxyaalo gaar ah laga barto, sida carbiska iyo tababbarka ciidammada, muusikada, farshaxannimada, ... (ama akademiyada).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Amaahasho
(Amaahasha-da)
Amaah qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Anbaqaadid
(Anbaqaadid-da)
Meel ka qaadid, ka bilaabid, ka wadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Andaqaadid
(Andaqaadid-da)
Arrin lagu heshiiyey wixii xil ka yimaada ama eeddii ka timaadda, qaadasho; eed qaadid; xil xanbaarid; isu qoolid; shaf u tumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ardiyad
(Ardiyad-da)
Canshuurta dhulka laga qaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arratirasho
(Arratirasha-da)
Dhar lagu arradbaxo qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Asay
(Asay-da)
Dhar cad ama madow oo afadu qaadato kolka saygu ka dhinto; hangal; weer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Awaare
(Awaara-ha)
Ciidda budada noqota oo cagta iyo wixii la mid ah iyo dabayshu qaadaan; habaas; boor; siigo; bus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Axgabid
(Axgabid-da)
Dacgabid; caal-qaadasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baabuur
(Baabuur-ka)
1. Gaadiid badanaaba afar garangarood leh oo ku socda qalab dhaqaajiya (motoor) oo gudaha ugu jira; dadka iyo alaabada buu qaadaa; gaari.
2. Qalab jiko oo inta dab lagu kor shido, wixii wax lagu karsana hayo, la kor saaro; girgire, birjiko; marakab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baacin
(Baacin-ta)
1. Baac wax ku cabbirid.
2. Wax la dhifanayo, kor u sii wadid, taniyo inta gacantu ka wada kala baxdo.
3. (u baacin) u taagid.
4. Kor u qaadid; bilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bashiic
(Bashiic-a)
In yar dabool ka qaad; (albaab, kd.) furid yar ee aan wah laga siin, (ama bishiic).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bastoolad
* (Bastoolad-da)
Qalab yar oo fudud oo xabbado ka dhacaan oo gacan keliya lagu qaado oo lagu nishaabo oo lagu rido.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beddelid
(Beddelid-da)
Wax wax kale meeshi gelin ama u qaadasho ama ku doorin; qof qof kale meeshi joojin; lacag lacag kale ku doorin; dhaafin (ama baddalid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biciriir
(Biciriir-ka)
Wax eegid iyadoo indhaha aan dhab loo kala qaadin, muruqyadoodana la adkayna hayo: kolka indhaha wax-araggoodu yar yahay ama if xoog badani ka hor yimaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biciriirsasho
(Biciriirsasha-da)
Indhahoo aan dhab loo kala qaadin oo la adkayna hayo, wax ku eegid; biciriirsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bidde
(Bidda-ha)
Nin xornimadii laga qaaday, oo sida xoolaha oo kale, qof kale gacanti ku jira; addoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bidid
(Bidid-da)
1. Dareensasho aan la hubin; u qaadasho; malayn; tuhmid.
2. Hawada marid; duulid; haadid; lalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aad
aad: 1. (⁰) Dhab; si daran.
2. Adigu.
-aad: Tiraab lagu dabakaro tirada oo muujiya jagada tiradaasi ku abbaaran tahay, saddex-aad (3d.); shan-aad (5d.); sagaal-aad (9d.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aad
aad: mu.dhm.y Magacuyaal tilmaama qofka labaad ee kelida ah (lala hadlaha ama wax loo qoraha). “Ninka aad la hadashay waa walaalkay”. la-mid: aa², aydin.
ąad¹: m.l (-dyo, m.dh) 1. Isku ąa. cayaar: isku beegnaan cayaar. 2. la-mid: aadid.
ąad²: m.dh.fk (-dyo, m.l) 1. Isku beegnaanta laba meelood ama shay. 2. Badan, si daran. 3. A. yar: la-mid: aayar.
ąad³: f.g/mg1 (-day, -dday) 1. (f.g) Meel u socdaalid ama u kicid. 2. (f.mg) Ku a.: wax wax kale u dhigmid. 3. (f.mg) Ku ąa.: cunto cabid iyo wixi lamida cid ku filnaan. 4. (f.mg) Ku ąa.: wax muuqaalkooda wax kale isku gudbid. 5. (f.mg) Ku ąa.: meel aadisteeda wax u adeegsasho. Tusaale: “Cali baabuur buu Kismaayo ku aaday”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aad
ąad¹: m.l (-dyo, m.dh) Isku ąa. cayaar: isku beegnaan cayaar.
ąad²: m.dh.fk (-dyo, m.l) 1. Isku beegnaanta laba meelood ama shay. 2. Badan, si daran. Tusaale: "Cali aad buu u dadaalaa". 3. Aa. yar: la-mid: aayar.
ąad³: f.g/mg1 (-day, -dday) 1. (f.g) Meel u socdaalid ama u kicid. 2. (f.mg) Ku aa.: wax wax kale u dhigmid. 3. (f.mg) Ku ąa.: cunto cabid iyo wixi lamida cid ku filnaan.
4. (f.mg) Ku ąa.: wax muuqaalkooda. m.f.dh wax kale isku gudbid.
5. (f.mg) Ku ąa.: meel aadisteeda wax u adeegsasho. Tusaale "Cali baabuur buu Kismaayo ku aaday". m.f.dh, aadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aad
aad: v. go to (a place), head for; reach, get to (a destination)
aad vl. pron., sg. you, thou
aad vl. pron., pl. you [plural.], ye
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Aad
très, beaucoup.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aad
aad': (pronoun) you (vuu) ~ adi-ga. Ex: waraagdii aad keentay.... the letter you brought.
aad? -ay / day: (n) 1. go (goo). Ex: isbitaalka aad: go to the hospital. 2. aad: (adv) very (veeri); in a high degree; extremely, very much. Ex: aad u jarasan; very happy.
—aad': (suffix) -th; used to form ordinal numbers. Ex: afaraad; fourth (foorth); 4ih
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aad
aad: (fal) teg oo meel tilmaaman u kac. Dh: teg.
aad: (fal) «ku ~» qof kale ka horteg.
aad: (fal) (ku ~) cid kale u dhigan. Adigu Cabdi ku aad, Cali na anigaa ku filan. Dh: hagaag.
aad: (fal) (ku ~) muuqaalka wax kale isku gudub.
aad: (falkaab) si dhab ah ama xooggan.
aad: (magac'uyaal) dhiman oo tilmaamaya qofka labaad ee lala-hadlaha kelida ah.
aad: (dabakar) tiraab dabada lagaga karo tirada oo muujisa jagada ay tiradaasi ku abbaaran tahay: saddexaad (3aad), afraad (4aad), toddobaad (7aad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qad
qad¹: m.l Labaq., saddexq. iyo wixi lamida: xoolo aan biyo cabbin laba maalmood, saddex maalmood iyo wixi lamida.
qad²: f.mg1 (-day, -dday) 1. Wax la qaybsanayey wax ka waayid. 2. Cuntocunid la'aan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qad
f.mg1 (-day, -dday) 1. Wax la qaybsanayey wax ka waayid. 2. Cuntocunid la'aan. m.f.dh, qadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qad
m. n. domestical animal ~ person that has not eaten ~ drunk water
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qad
-ay / day: (n) miss a meal, especially a supper meal; be without food or drink
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qad
(fal) cunto la'aan bari; waxba ha cunin. Martida caawa u qad.
qad: (fal) nasiib ha u yeelan oo seeg. Baashaal bunka ka qad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qad
de: domestical animal ~ person that has not eaten ~ drunk water Compounded with numbers
lx: qad
pd: (-ka)
ps: n2a-m-expr
xe: person who has not eaten for three days
xv: saddexqad
key: qad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baad
1. (Baad-da) Xoolo qofkii ama dadkii laga adkaado baxsho; sedo (sado); ammaan; canshuur.
2. (Baad-ka) a) Waxa dhulka ka baxa oo nafleyda daaqdaa, cunto; cunno. b) Labada garab oo haadka iyo dayuuraduhu ku duulaan; baal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baad
baad¹: m.dh 1. Hanti qof ama dadkii laga adkaado baxsho. 2. Hadiyad la siiyo qof madax ah.
baad²: f.g1 (-day, -dday) Qof laga adag yahay hanti khasab uga qaadid.
bąad¹: m.l 1. Caws, caleen, xaab iyo wixi lamida oo ay xooluhu daaqaan; daaq. 2. (-dad, m.l) Mid ka mid ah labada garab ee haadda ama dayuurad; baal.
bąad²: f.mg1 (-day, -dday) Hooy ka dhixid (qof ama xoolo).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baad
baad¹: m.dh 1. Hanti qof ama dadkii laga adkaado baxsho. 2. Hadiyad la siiyo qof madax ah.
baad²: f.g1 (-day, -dday) Qof laga adag yahay hanti khasab uga qaadid. Tusaale: Ha oggolaanin in lagu baado. m.f.dh, baadid.
bąad m.l 1. Caws, caleen, xaab iyo wixi lamida oo ay xooluhu daaqaan; daaq. 2. (-dad, m.l) Mid ka mid ah labada garab ee haadda ama dayuurad; baal.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Baad
Wing
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baad
vl. pron. you,
baad v. stay out overnight in an unknown place; be late
baad m. n., [collective] good pasture; food, subsistence
baad [feminine] n., [collective] protection money, extortion; tribute, tax
baad m. n. wing (of bird ~ airplane)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baad
-da: (n) extortion (ikis toor shin); to obtain from another by intimidation handadaad. Ex: Ismaciil lacag baad ah buu bixiyaa; Ismail pays extortion money
baad2 -day day: (v) extort (ikis toort); blackmail (balaak- meeyl)
baad3 -ka: (n) food (fuud); nourishment eaten in solid form. Ex: baad iyo biyo; food and water
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baad
(fal) dalkii lagugu yaqaannay ama dadkaagii in badan ka raag oo ka maqnaw.
baad -da: (magac, dhedig, keli) xoolo si xaqdarro ah qof lagaga qaato; xoolo si gardarro iyo kibir ah cid lagaga muquunsado. Fircoon riciyaddiisa ayuu baad ka qaadi jiray.
baad -ka: (magac, lab, keli) nooluhu waxay quutaan oo aan biyo ahayn. Diirta baadka idlaysiyo, waxaad tahay bullaroora aan da'ayn. Dhul abaar ah oo aan baad iyo biyo toona lahayn baan soo arkay. Dh: cunto, calaf, kimis, daaq.
baad -ka: (magac, lab, keli) labada garab ee noolaha duula ama diyaaradaha midkood. Shimbiri baad bay ku duushaa. Wa: baadad.
baad -ka: (magac, lab, keli) baalka isha; timaha isha ku xeeran middood. Baad baa isha igaga dhacay. Dh: baal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caad
1. (Caad-da) Dhagax, isagoo shiilmay oo qolqola haya dhulka gudihiisa ka soo baxay, oo isagoo is-haysta dhulka korkiisa ku ballaartay oo ku qaboobey; sallax dhagax ah oo jaadkaas ah oo biyaha celiya.
2. (Caad-ka) Daruur cad oo xalleefsan oo aad u sarraysa; daruurta da'satey waxa ka hara oo wax cirka laftiisa ku dhegsan la moodo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caad
caad¹: m.l (-dad, m.l) 1. Xayaabo daruur ah oo meel sare ka muuqata.
caad²: m.l (daawo) Xuub cad oo isha qaybteeda madow fuula oo aragga yareeya.
caad³: m.dh 1. Meel dhagax ballaaran oo siman leh oo ciid ku hareereysantahay oo biyaha celisa. 2. C.daas joog/c.daas mar: wax buux ah (weel); qof fiican.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caad
caad¹: m.l (-dad, m.l) 1. Xayaabo daruur ah oo meel sare ka muuqata.
caad²: m.l (daaw.) Xuub cad oo isha qaybteeda madow fuula oo aragga yareeya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caad
m. n., [collective] cloud, clouds; mist, fog
caad [feminine] n. lava, volcanic rock
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CAAD
(A'd) S, May, N Annona squimosa L. Annonaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caad
-ka: (n) [Pl. caadad-ka] 1. cloud (klawdh); fog (foog) ~ ciiryaamo. 2. something that darkens the eyesight; blur (baleer)-, poor vision
caad: -ka: (n) the penis of a male animal organism other than a human being, especially male camel or bull (buul) ~ caar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caad
-da: (magac, dhedig, keli) dhijaan ama jidhaan; meel biyo joogsadaan. Caada ayaan ka soo dhaansaday.
caad -da: (magac, dhedig, keli) neef xoolaad, qof ama ugaadh dhabarkiisa ama dushiisa. Farowgii intaanu labo tallaabo qaadin baa libaaxii caadda kaga degey. Dh: kor, dul, guud. Li: bog.
caad -da: (magac, dhedig, keli) dhul carradiisu milix leedahay oo aan beeraha ku wanaagsanayn, cagaar na aan soo saarin.
caad -da: (magac, dhedig, keli) meel carro adag leh oo biyaha roobku joogsadaan.
caad -ka: (magac, lab, keli) salab gacmaha la gashado oo uu ninku ku muujiyo ragannimadiisa iyo dagaalyahannimadiisa.
caad -ka: (magac, lab, keli) daruur cad oo xaleefsan oo aad u sarraysa. Caad ayaa cirka ka muuqda.
caad -ka: (magac, lab, keli) dhagax shiilmay oo qulqulaya oo dhulka ubucdiisa ka soo baxa oo isaga oo is'haysta dhulka dushiisa ku ballaadha oo ku qabooba. Samirreh, caad ayaa dilay. Dh: basaq.
caad -ka: (magac, lab, keli) indhaha xuub dusha ka fuula oo wax laga arki waayo. Awoowo indhaha ayuu caad ku yeeshay. Dh: xuub.