qaacwade
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaacwade
-ha: (magac, lab, keli) dhuun qaac ka baxo oo bunduqa afkiisa ku taal. Qaawadaha si fiican u sifee. Wa: qaacwadayaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daawade
m.l (-dayaal, m.l/dh) (riw.) Qof masrax, filim, ciyaar iyo wixi lamida daawanaya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daawade
m. n. viewer, onlooker; audience
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daawade
-daawadaha: (n) spectator (ispek-teeytariz); onlooker; observer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daawade
-ha: (magac, lab, keli) qofka daawanaya filin, riwaayad, telefishan iyo waixii la mid ah. Dadku waa daawade iyo daaddihiye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daawade
de: viewer, onlooker; audience
lx: daawade
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: daawade
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaswade
m.l.kh Qof rabshoole ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaswade
m.l.kh Qof rabshoole ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaswade
m. n. unruly ~ boisterous person
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaswade
de: unruly ~ boisterous person
lx: qaswade
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: qaswade
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaadwale
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof ka ganacsada qaadka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaadwale
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof ka ganacsada qaadka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaadwale
m. n. seller of khat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaadwale
-qaadwalaha: (n) khat seller; man who sells khat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaadwale
-ha: (magac, lab, keli) qof qaad ka ganacsada ama wada gaaddidka lagu sido.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaadwale
de: seller of khat
lx: qaadwale
pd: (-ha)
ps: n7-m
key: qaadwale
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ganacsade
Merchant
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ganacsade
m. n. merchant
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ganacsade
-ganacsadaha: (n) [Pl ganacsato -da] trader (treeydher); businessman (biizinismeen); dealer (dhiiler); merchant (mar-jant)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
GANACSADE
Commerciante
Trader; merchant
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ganacsade
Commerciante
Trader
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ganacsade
-ha: (magac, lab, keli) qofka wax iibinta ka shaqaysta. Dh: baayacmushtar; taajir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ganacsade
de: merchant
lx: ganacsade
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: ganacsade
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaadwayne
-ha: (magac, lab, keli) wax muggiisu weyn yahay. Mooye qaadweyne ah ayaa hadhuudhka lagu shuqlaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qasacadee
f.g2 (-deeyay, -daysay) Cunto, sharaab iyo wixi lamida qasac lagu shubay ku alxamid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qasacadee
f.g2 (-deeyay, -daysay) Cunto, sharaab iyo wixi lamida qasac lagu shubay ku alxamid. m.f.dh, qasacadayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qasacadee
v. can, put in a can
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qasacadee
-yey I qasacadeysay: (v) preserve in cans; can (kaan)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasacadee
(fal) moolgaree oo qasacado ku cabbee. qasacad ku samee. Tamaadka qasacadee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qasacadee
de: can, put in a can
lx: qasacadee
pd: (qasacadeeyey)
ps: v2b=tr
key: qasacadee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qawad
(Qawad-ka)
1. Wax laysa siiyey ama la helay, oo qofka wax la siinayaa yaraysto ama saluugo.
2. Cudur yar oo haragga ku dhaca, siiba luqunta iyo ageheeda oo cadcad u yeela; caar; canbaarcad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qawad
qawad¹: m.l 1. Saluugidda la saluugo wax la isa siiyo. 2. la-mid: qawid. Cudur aan halis ahayn oo maqaarka dadka ku dhaca oo barobaro cadcad leh; cambaarcad.
qawad²: f.mg1 (-day, -dday) Wax saluugid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qawad
m.l 1. Saluugidda la saluugo wax la isa siiyo. 2. la-mid: qawid. Cudur aan halis ahayn oo maqaarka dadka ku dhaca oo barobaro cadcad leh; cambaarcad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qawad
m. n. gift which does not satisfy the recipient; dissatisfaction
qawad m. n. skin disease causing lighter colored skin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qawad
-ka: (n) skin disease
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qawad
(fal) iska weynee oo yarayso. Weligaa xumaha ka qawad. Dh: qawed.
qawad -ka: (magac, lab, keli) isla weyni iyo kibir dadka kale la quudhsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aawaye
e.we la-mid: aaway.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aawaye
loc. question word, pl. where are they?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aawaye
de: where are they?
lx: aawaye
ps: qw-loc-pl
syn: meeye
key: aawaye
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
arcade
/arkeydh/ (n) 1. aargo (dhismo daboolan oo qaanso ama dhig oo kale u dhisan). e.g. a big shopping arcade. 2. goob maaweelo. e.g. video game arcade.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
arcade
/arkeydh/ (n) 1. dhismy amy meel dobooling oo dukaamy leh. 2. goob baashaal amy dhedheel lingky tely galy sithy dheelly fiidiyoowky iwm.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
arcade
arcade, n.f. - Irid korka qaanso uga eeg.
arcade sourcilière - Sunnayaasha; Timaha Indhaha Dushooda ka baxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daacad
(Daacad-da)
Kal iyo laab; lillaahi; run; hagarbax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daacad
m.dh Qof niyad samida ama mukhlisnimada uu muujinayo ay ka dhabtahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daacad
m.dh Qof niyad samida ama mukhlisnimada uu muujinayo ay ka dhabtahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daacad
f. n., [abstract] (adj.): frankness, honesty; sincerity, good nature; faithful
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Daacad
name-m frankness, honesty; sincerity, good nature; faithful
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daacad
-ah: (adj) faithful (feeyth-ful); sincere (sin-siyar); honest (oonest); loyal (looyal) wholehearted (hool-haar-tidh) ~ mukhlis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Daacad
magac loo baxsho wiil loo rajaynayo in uu noqdo mid daacad iyo iimaan leh oo qalbi fiican.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daacad
(tilmaame) ruux kal iyo laab xaadhan oo calool fayoobaan dadka kula dhaqma. Allahayaw nin daacada, Allahayaw nin daalina, deeqdaada haw simin. Li: khiyaamo.
daacad -da: (magac, dhedig, keli) wixii aan ku jirin khiyaamo, is dabamar la'aan. Daacadi ma hun- goowdo. Li: khiyaano.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daacad
bw: Arabic
de: frankness, honesty; sincerity, good nature; [atr.] faithful
lx: daacad
pd: (-da)
ps: n0-f-abs
key: daacad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
daacad
صراحة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daawad
(Daawad-ka)
1. Waxa la daawado; in la daawado mudan.
2. Daawasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daawad
m.l la-mid: daawasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daawad
vl. n. act of gazing; something worth watching
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Daawad
name-f worth watching
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Daawad
magac loo baxsho geela kiisa dheddiga ah ama lo'da oo loola jeedo inuu yahay neef quruxdiisa la daawado. Hashaydii daawad ayaan raadinayaa ee waxba ma aragtay?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daawad
-ka: (magac, lab, keli) dheehadka wax, in badan isha la sii raacid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daawad
a: daawasho
de: act of gazing; [ext.] s.t. worth watching
lx: daawad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: daawad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dacwad
(Dacwad-da)
Ashtako.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacwad
m.dh (-do, m.l) Dood garnaqsi iyo eedeyn leh oo laba qof ama ka badan dhexmarta. la-mid: dacwi¹, dacwo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dacwad
m.dh (-do, m.l) Dood garnaqsi iyo eedeyn leh oo laba qof ama ka badan dhexmarta. la-mid: dacwo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dacwad
f. n. lawsuit, case, accusation, complaint
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dacwad
-da: (n) complaint (kampaleeynt); a claim of wrongdoing; an accusation ~ dacwo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacwad
-da: (magac, dhedig, keli) wax isku sheegasho ka dhexaysa labo qof iyo wixii ka badan. Dh: ashkato, gar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dacwad
bw: Arabic
cf: dacwo, muddac
de: lawsuit, case, accusation, complaint
lx: dacwad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: dacwad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dacwad
قَضِيَّةٌ، دَعْوَى
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
facade
/fasad/ (n) 1. soo-jeedka (wajiga sar ama dhismo) (n) 2. daahir-been ah (muuqaal aan dhab-ahayn).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
façade
façade, n.f. - waji ama dhinac badanaa aan dhuubnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haawad
(Haawad-ka)
Haawasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haawad
m.l la-mid: haawasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haawad
-ka: (magac, lab, keli) afbannaanida shey ay dabayshu ku dhacayso.
haawad -ka: (magac, lab, keli) iska hadlid aan milgo lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaacid
m.f.dh eeg qaac². la-mid: qiicid, qiiqaabid, qiiqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaarad
(Qaarad-da)
Dhulka engegan qaybihiisa waaweyn oo lixda ah middood (Afrika, Aasiya, Austraalya; Yurub iyo labada Ameerika; waxaa kolkol lagu toddobeeyaa Dhulbarafka Udubka Koofure).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaarad
m.dh (-do, m.l) Shanta qaybood ee waaweyn oo dhulku u qaybsan yahay middood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaarad
m.dh (-do, m.l) Shanta qaybood ee waaweyn oo dhulku u qaybsan yahay middood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaarad
f. n. continent
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaarad
-da: (n) continent (koon 'tanent). Ex: qaaradda Afrika; the African continent
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaarad
-da: (magac, dhedig, keli) qayb ka mid ah qaybaha waawayn ee dhulka oo ah berri baaxad weyn leh oo cimilo iyo degaan u gaara leh oo biyo ay dhan walba ka xigaan sida: Afrika, Aasiya iyo Yurub. Aasiya waa qaaradda adduunka u weyn. Wa: qaarado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaarad
de: continent
lx: qaarad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: qaarad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaawan
Aan dhar qabin; la qaawiyey; muruxsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaawan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Qof aan dhar xirneyn ahaansho. 2. Dhisme, wax aan kor ka deydnayn ahaansho. 3. Hadal aan asturnayn ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaawan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Qof aan dhar xirneyn ahaansho. 2. Dhisme, wax aan kor ka deydnayn ahaansho. 3. Hadal aan asturnayn ahaansho. m.f.dh, qaawanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaawan
der. [adjective] naked, bare
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Qaawan
nu.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaawan
-aa / nayd: (adj) nude (nuud); naked (neey-kidh); bare (beer) ~ dharla'
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaawan
(tilmaame) aan dhar huwanayn; mudh iyo gacan ah: muddug ah. Laba qaawani isma qaaddo. Li: asturan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaawan
de: naked, bare
lx: qaawan
pd: (Pl: qaaqaawan)
ps: adj-der
syn: muddug, murdux
key: qaawan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabcad
-da: (magac, dhedig, keli) gidaar isku wada dhejisan; dhinacyada aqalka midkood. Qabcaddii hore ayaa la taagay. Dh: gidaar, jembi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qalcad
(Qalcad-da)
Dhis xoog badan oo dagaal loo dhisto; xuddur; kuud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalcad
m.dh (-do, ml.) Dhismo xoog badan oo dhagax ka samaysan oo waayadii hore cadowga laga geli jiray. la-mid: calqad, qalco.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qalcad
m.dh (-do, ml.) Dhismo xoog badan oo dhagax ka samaysan oo waayadii hore cadowga laga geli jiray. la-mid: qalco.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qalcad
f. n. fort, fortress, castle; armed frigate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qalcad
-da: (n) fort (foort); fortalice (foorta-lis); fortress (foor-taras); castle (kaasal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalcad
-da: (magac, dhedig, keli) dhisme weyn oo buur dusheed laga dhiso oo madaxda iyo boqorradu galaan oo difaac adagna loo yeelo. Qalcadduu galayay ayaa loogu tegey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qalcad
a: qalco (/da) [n6-f]
bw: Arabic
de: fort, fortress, castle; [ext.] armed frigate
lx: qalcad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: qalcad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
qalcad
قلعة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saacad
(Saacad-da)
1. Qalab kasta oo waqtiga lagu cabbiro oo saacadaha sheega, siiba kan leh weji wareegsan oo lambarro ku yaalliin iyo labo irbadood oo kala dheer oo midi saacadaha sheegto midina daqiiqadaha oo uurka ku leh biro iyo siligyo isku qoofalan oo hadba la buuxiyo.
2. Hal saac ama 60 daqiiqadood.
3. Uraad; urshi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saacad
m.dh (-do, m.l) 1. Qalab waqtiga lagu cabbiro oo leh meel wareegsan oo lambaro ku yaalliin iyo laba irbadood oo kala dheer oo mid saacadda muujiso midda kalena daqiiqadaha muujiso. 2. Maalinta oo 24 meelood loo qaybiyey meesheed. 3. Wakhti.