qaabdhismeed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaabdhismeed
-ka: (magac, lab, keli) habka ay wax u dhisan yihiin. Xisibiyadu waxay ku heshiiyeen qaabdhismeedka dawladda. Dh: habdhismeed.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaab dhismeed
-da: (n) structure (istarak'jar); framework (fareaymweerk); structural form
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habdhismeed
-ka: (magac, lab, keli) eeg habdhis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dhoolaal
magac ama naanays loo baxsho wiil quruxdiisa iyo qaabdhismeedkiisa meel sheed ah laga arko.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
astaronoomi
-ga: (magac, lab, keli) 'cilmi' barashada cirka, xiddigaha iyo qaabdhismeedka uunka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baxaalli
-ga: (magac, lab, keli) qaabdhismeedka Eebbe uu shay u abuuray. Ninba baxaalli gooni ah ayuu leeyahay. Dh: abuur, baxaal, baxni, dhalan, baaxaalli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foolxun
(tilmaame) mid aan qurux lahayn ama qaabdhismeed ba'an. Dh: qaabxun.
foolxun-ta: (magac, dhedig, keli) jaad ka mid jaadadka kalluun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haykal
-ka: (magac, lab, keli) harag qardhaasaha lagu jaxaaso si uskagga iyo biyaha looga ilaaliyo. Dh: jaldi.
haykal-ka: (magac, lab, keli) qaabdhismeedka uu maamul u dhisan yahay. Dh: qaabdhismeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horin
-ta: (magac, dhedig, keli) koox geel ah oo isla socota ama wada daaqaysa.
horin-ta: (magac, dhedig, keli) ciidan, qaabdhismeed ciidan oo ka kooban saddex unug. Dh: hurin.
horin -ta: (magac, dhedig, keli) xoolo, koox ama xayn; hormo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hubqaad
-ka: (magac, lab, keli) da'da rasmi ahaan dhallinyaradu hub ku qaadi karaan. Wiilku waa hubqaad. Dh: gaashaanqaad, tisqaad, xillasaamud.
hubqaad -ka: (magac, lab, keli) qaabdhismeedka qofka. Dh: hannaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalaqsan
(tilmaame) qof ama wax kale oo qaabdhismeed fiican.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jooloji
-ga: (magac, lab, keli) cilmiga lagu barto qaabdhismeedka dhulka, da'diisa iyo isbeddelladii uu soo maray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kosmolooji
-ga: (magac, lab, keli) qaybta astronoomiga ee lagu derso walxaha samada, dhalashadooda, isrogroggooda, qaabdhismeedkooda iyo astaamahooda kimiikaadeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorqoran
(tilmaame) mid hab qurux badan u samaysan; qaabdhismeed habboon leh.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qaab-hireed
Wave form
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaabdhuleed
m.l (-bab ..., m.l) (jool.) Erey mararka qaarkood lagu isticmaalo in lagu muujiyo qaabka dhulka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raardhisme
m.l Raar weyn oo loo sameeyo in aqalka lagu dado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raardhisme
-ha: (magac, lab, keli) raar weyn oo loo sameeyo in aqalka lagu dado.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qaab dhuleed
Geoid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaab-dhuleed
m.l (-bab ..., m.l) (jooloji) Erey mararka qaarkood lagu isticmaalo in lagu muujiyo qaabka dhulka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
habdhislimfeed
m.l (-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) dhuumo shaqadoodu isku xidhantahay, kuwaas oo ka soo qaada hooraha nudaha una gudbiya qulqulka dhiigga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habdhislimfeed
-ka: (magac, lab, keli) dhuumo shaqadoodu isku xidhantahay, kuwaas oo ka soo qaada hooraha nudaha una gudbiya qulqulka dhiigga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbadhtameed
-da: (magac, dhedig, keli) barta jiitin kala badhdha A K B, 'K' waa barbadhtameedka jiitinta AB.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadhigacmeed
-ka: (magac, lab, keli) eeg gaadhigacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habdhis-limfeed
m.l (-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Dhuumo shaqadoodu isku xidhantahay, kuwaas oo ka soo qaada hooraha nudaha una gudbiya qulqulka dhiigga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawadhireed
-da: (magac, dhedig, keli) dawadhaqameed dhirta laga sameeyo oo loo adeegsado dawo ahaan. Dh: dawodhireed, dawodhaqameed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawodhireed
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dawadhaqameed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taagdhuleed
-ka: (magac, lab, keli) jugraafi ahaan, laabka kor u kacsan ee buuraha laalaabka, oo ilaa dhawr kiilomitir kala baxsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadhidameer
-ka: (magac, lab, kli) gaadhi ka samaysan buudhi labo taayir leh iyo dameer xagga hore lagaga xidhay oo jiida. Dh: gaaridameer.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bar badhtameed
Midpoint
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Laba dhidibeed
Biaxial
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qanjidhtarmeed
-ka: (magac, lab, keli) organno had iyo jeer lammaane ah oo laga helo xayawaanka, kuwaas oo soo saara gaameytyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qubbadshiileed
-da: (magac, dhedig, keli) gobol dhadhaabo shiileed ah oo ka samaysma magma dhulka kor u soo gashay oo badanaa ka kooban dhadhaabta garanaytka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawodhaqameed
-da: (magac, dhedig, keli) is dawaynta aan casriga ahayn ee shicibku isku daweeyaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
qaabka isreebka
knock-out system
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanjidh-tarmeed
m.l (cilmiga naflayda) Organno had iyo jeer lammaane ah oo laga helo xayawaanka, kuwaas oo soo saara gaameytyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qanjidh-tarmeed
m.l (cilmiga naflayda) Organno had iyo jeer lammaane ah oo laga helo xayawaanka, kuwaas oo soo saara gaameytyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qubbad shiileed
m.dh (-dyo, m.dh) (jooloji) Gobol dhadhaabo shiileed ah oo ka samaysma magma dhulka kor u soo gashay oo badanaa ka kooban dhadhaabta garanaytka.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qubbad shiileed
Batholith
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qubbad-shiileed
m.dh (-dyo, m.dh) (jool.) Gobol dhadhaabo shiileed ah oo ka samaysma magma dhulka kor u soo gashay oo badanaa ka kooban dhadhaabta garanaytka.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Saami dhidibeed
Axial Ratio